Casharka 47aad

 


Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca!



Casharka 47aad



Silicosis 


Waa miiqoobida sambabada ay miiqoowaan, kuwaasoo la xiidha xaaladdo shaqo, taasoo qofka uu hawo ahaan u qaadanayo maadada crystalline silica dusts  waa maado ciidda iyo goobaha dhagaxyada laga ruqo, marka uu qofka hawo ahaan u qaato waxay gaarayaan sambabbada waxay sababayaan hafeef(Inflammation,  nabar(scar). Nabarkaasi waxa uu ku sameysmayaa qeybta sare ee samababbada. Maadadan(silicon) marka ay soo gaadho samababbada  gaar ahaan kiish haweedka, waana meesha ay ka dhacaan isbeddelka hawada. Marka ay walaxdani soo gasho sambabbada  difaaaca jirka waxa uu bixinayaa digniin isagoo diraya farriin, waxa laga soo adeejinayaa unugyada liqaha wayn(macrophages) kaasoo liqaya( walaxda) iskuna dayaya inuu burburiyo waxyaabahan qalaad ee jirka soo galay(silicon),  Maadadan waa sun waxay keenaysaa burbur, taasina waxay horseedeysaa in la soo daayo maadooyinka  hafeefka  ama kiimikooyinka  (TNF-α), interleukins (IL-1, IL-6), difaaca jirka waxa uu waddayaa hardankiisa, qofka waxa uu yeelanayaa hafeefka raagga(Chronic inflammation) ee nuddah sambabbada.  Hafeefka joogtada aha waxa uu carinayaa boroontiin miiqowga ka  masuulka ahaa inuu soo saaro cadka isku xidhaha, nuddaha waxa ka buuxsamayaa borotiinka kolaajiinka, taasina waxay keeneysaa sameysanka nabarka(scarring) iyo sameysanka Kurtinka miiqowga(fibrotic nudule), waqti badan kaddib miiqowgaasi waxa uu yareynayaa kala baxa awoodda  iyo ururka xilliga neefshada ee sambabbada.   Waxa ka dhallanaya isbeddelka ogsijiinta in ay yaraato  taasina waxay keeneysaa neefsashada oo yaraata , shaqada samababbada hoos ayay u dhaceysaa. Haddii dhaawaca samababada ay sii kordhaan, sidoo kale waxa kordhaya qatarta caabuqyada qofka haleeli lahaa sida  tiibishada(tuberculosis), maxaa yeelay maadadan waxay carqalad galineysaa shaqada unugyada difaaca jirka  si ay ula dagaalamaan bakteeriyada. Intaas waxa dheer haddii waqti badan maadan uu qofka ku somoowo ama uu lala haado xidhiidh waxay kordhineysaa qatarta kansarka samababbada,  waxa ugu wacan hafeefka raagga iyo dhaawac unugyada sambabka. Waana xaanuun aan dib u kabasho lahayn(irreversible).


Noocyada loo qeybiyo.


1. Acute Silicosis: Tani waa mid dagdag ku curaneysa usbuuc guddahooda ilaa sannad, kaddib marka uu qofka saameyso maadan(silica) meelaha laga helo (boorkeeda), waxay sababeysaa hafeefka dagdaga ee sambabbada,  in sambabbada hoore ku ururo 



 2. Chronic Silicosis: waa nooca ugu caansan, waana marka uu muddo dheer soo jiitamo, waxa uu gaaraa muddo 10 ilaa 30 sanno taasoo ugu wacan qofka waqti dheer ka shaqeynayay meelaha maadadan laga helo, waxayna sababeysaa miiqowga sambabbada. 


3. Accelerated Silicosis: heerkan waa marka uu qofka ka shaqeeyo meelaha ay madaadan sida xooggan ugu badan tahay, qofka waxay kaga soo muuqan kartaa 5-ilaa 10 sanno guddahooda, waxayna sababeysaa dhaawaca samababbada. 



Maxaa keenna!



1. Inhalation of Silica Dust: qofka hawo u qaata Madan ayaa keenta silicosis,  lagana helo meelaha camuuda iyo dhagaxyada, waxay sababayaan hafeefka iyo sameynka nabar ku sameyma samababbada. 


 2:Occupational Hazards: waxaa kaloo keeni kara shaqooyinka qatarka ah sida ka shaqeynta warshadaha, jabinta dhagaxyada, kuwaasi waa qataro nugleyn kara xaaladdan.


Calaamadaha. 


1:Shortness of breath (dyspnea): Neefsashada oo yaraata, xilliga qofka uu shaqo qabanayo, mararka qaar isagoo nasiinno ku jirra ayay Neefsashada ku adkaan kartaa.


2: Persistent cough: qufac joogta ah badanaa ah mid qalallan, waxa ugu wacan marka uu muddo dheer soo jiitamo xanuunkan.


 3:Fatigue:  Qofka waxa uu dareemayaa daal iyo tabbar darro kaasoo ay saameyn ku yeelaneyso hawl maalmeedkiisa. 


4:Chest pain: qofka waxa uu dareemayaa laab xanuun,  badanaa waxa la dareemayaa qofka marka uu qufacayo.


 5:Loss of appetite and weight loss: cunista oo qofka ku yaraata iyo miisaanka qofka hoos u dhaca, qofka wax cunista xiisa uma haayo, taasina waxay keeneysaa miisaanka oo Luma.



 

Baadhitaanka. 


A. Chest X-ray (CXR): Raajada waxa lagu arkayaa guntin yaryar(1-10mm uu gaarayo cabirka), waxa lagu arkayaa qoqobka samababbada. Waxa la arkayaa adkaashaha qanjir limfeedka, waa koox limfeed ku yaala jiridooda ay tahay samababbada.  Waxa kaloo lagu arkayaa burburka samababbada ku yimaada.



B. High-Resolution CT (HRCT) Scan: iskaankan waa mid ka wanaagsan raajada, waxa lagu ogaanayaa si dagdag. Waxa uu inna tusinayaa haddii uu jirro hafeefka dagdaga (Ground-glass opacities). Waxa uu inna tusinayaa isbeddelka miiqowga ku yimid. Waxa lagu ogaanayaa kurtinka miiqowga aadka u wayn ee  sameysmay.


C.Pulmonary Function Tests (PFTs): hubbintani waxay lagu qiimeynayaa shaqada samababbada iyo darnaanshaha xanuunka.


D.Lung Biopsy (Rarely Needed): waxa laga qaadayaa cad samababbada waa haddii  loo baahdo waana dhif iyo naadir,  cadkaasi la qaadaday waxa baadhayo cudur baadhe si markaasi loo ogaado in ay maadada silica ku jirto cadka.


E.Tuberculosis Testing (PPD Skin Test or IGRA Test): waxa loo baahanayaa baadhitaan dheeri ah, kaasoo lagu baadhayo tiibeyda, qofka qaba xanuunkan waxa uu halis ugu jiraa tiibishada.


Daaweynta. 


1:Prevention and Exposure Control: qofka waxa uu sameynayaa ka hortag iyo xakamayn,  qofka waxa uu ka fogaanayaa meelaha maadan ku badan tahay ama ka shaqeynteeda.  Waa innoo isticmaalaa qalabka difaaca qofka, af-xidh. Qofka mar waliba waa inuu maraa baadhitaanno,  si markaasi loo ogaado heerka sambabbada ay marayaan wacnaantooda.



2:Pulmonary Rehabilitation: bukaanka waxaa loo sameynayaa jimicsi  neefsiyeed, si markaasi shaqada samababbada u wanaagsanaato.


 3:Oxygen Therapy:  bukaanka waxa loo sameynayaan, si markaasi tayada neefsashada bukaanka loo wanaajiyo.


4:Bronchodilators:  waxa la siinayaa dawooyonka kala bixiya marrinka hawadda,(Inhaled beta-agonists)  sida salbutamol, waxay innaga caawinayaan qulqulka hawadda ama socodkeeda.


 5:Corticosteroids: waxa loo isticmaalayaa hafeefka dagdaga, si markaasi ay u yareyso hafefka.


6:Anti-fibrotic Drugs: waxa la siinayaa lidiga dawooyinka miiqowga sida

Pirfenidone iyo Nintedanib:  waxay xidhayaan sameysanka miiqowga si markaasi u yaraado baaxadda cudurka.


7:Lung Transplantation:  daaweynta kale ee loo sameynayaa waa in loo beddelo samababbada,  haddii uu yahay heerka u dambeeyay.



Reference. 


1. Harrison's Principles of Internal Medicine



2. Murray & Nadel’s Textbook of Respiratory Medicine



3. Rosen’s Emergency Medicine: Concepts and Clinical Practice



4. Fishman’s Pulmonary Diseases and Disorders



5. Medscape



6. Amboss



7. National Institute for Occupational Safety and Health (NIOSH)



8. American Thoracic Society (ATS) Guidelines






Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad