Casharka 48aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca!
Casharka 48aad
Gawracato – (Diphtheria)
Cuddurkaan Gawracatada waxaa af laatiinka lagu yiraahdaa Diphtheria. Wuxuu ka mid yahay cuddurada halista ah ee dilaaga ah. Wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta iyo dadka da’da ah. Waxaa keenta nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Corynebacterium diphtheriae.
Gawracatadu waxay weerartaa qaybta hore ee habdhiska neef-qaadashada sida sanka iyo hunguriga cad oo ee ay hawadu marto. Cuddurkaan waa cuddur aad u faafa oo lagu kala qaado marka ilmo ama qof qabaa uu hindhiso ama qufaco oo uu hawada galiyo dhibco ay la socdaan baakteeriyadii Gawracatada keenaysay.
Marka uu jirka soo galo jeermiska keena gawracatadu waxay qofka calaamadaha cuddurku uga soo bixi karaan inta u dhaxaysa maalin ama asbuuc. Soomaalidu cuddurkaan magac fiican bay u heshay, waayo sida uu u dhaco cuddurkaani waa baakateeriyada keenta gawracatadu waxay ku sii daysaa nudayaasha(tissue) ku yaal neef-mareenka sida cunaha iyo sanka sun, taas oo ku keenta in xubnahaas uu ku dahaarmo xuub jilif ah oo yareeya dhumacda hawo-mareenka. Sidoo kale gawracatadu waxay bararisaa qanjirada luqunta ku teedsan.
Marka bakteeriyada cunnaha soo gasho waxay ku dhagtaa habdhiska neefsashada, gaar ahaan cunnaha iyo qummanka. Marka ay sidaas u soo gasho jirka waxay soo dayneysaa sun qatar ah. Suntaasi waxay joojineysaa sameysanka borotiinka unugyada, oo muhiim u ahaa habdhiska neefsashada. Waxa ka dhallanaya in ay unugyadu dhintaan, taasina waxay keeneysaa hafeef, iyo adkaanshaha cunnaha(pseudomembrane), xuubkani waxa uu ka sameysmayaa unugyada dhintay, bakteeriyada, unugyada difaaca kuwaasoo xidhaya marrinka hawada, taasina waxay keeneysaa neefsashada oo adkaata. Haddii suntaasi dhiigga sii raacdo waxay keeneysaa dhaawacyo xubnaha jirka gaar ahaan wadnaha iyo dareensidaha. Wadnaha waxay ku keeneysaa hafeefka muruqa wadnaha (myocarditis), muruqa wadnaha waxa uu noqonayaa mid daciifa, ugu dambeyn wadna fashil ayuu ku aroorayaa wadnaha. Haddii uu dareensidaha saameeyo waxa uu keenayaa faalijka murqaha(paralysis). Gowracata waa xaalad qatar ah. Laakiin waa laga hortagi karaa, waxa ay leedahay talaal.
1:Calaamadaha
Calaamadaha gawracatadu waxay bilowdaan maalin ama asbuuc kaddib marka caabuqu yimaado.
1:Qandho sare oo gaarsiisan ama ka badan 38°C oo dhaxan wadata.
2:Daal iyo tabbardaro.
3:Midabka maqaarka jirka oo baluug isku beddela.
4:Xabbeeb iyo cunno xannuun
5:Qufac iyo madax-xannuun.
6:Wax liqida oo dhib noqota.
7:Neefta oo qofka ku dhegta.
8:Qanjirada luqunta oo bar-barara
Iyo dheecaan uraya oo ka yimaada sanka.
Haddii sunta ay gawracatadu sii daynayso sii socoto waxaa suuragal ah in suntu dhiigga oo dhan gaarto, oo markaas ay jiradu gaarto wadnaha iyo kelyaha ilaa aakhirka qofku galo miyir-beel iyo geeri degdeg ah.
Baadhitaanka.
1:Hubbinta sheybbaadhka (To Confirm Bacteria), waxa laga qaadayaa beeris muunad ah cunnaha waxa loo dirayaa sheybbaadhka (Throat Swab Culture). Si markaasi loo ogaado noolaha.
2: Waxaa kaloo loo dirayaa hubbinta ilma aragtayda sida markaasi loo arko muuqaalka bakteeriyada (Gram Stain & Albert Stain)
3:Waxaa kaloo loo dirayaa sun hubbiyah, waxa la hubinayaa qatarta sunta bakteeriyada.
4:Hubbintan(PCR Test) waxa la raadinayaa hidda sunta bakteeriyada.
5:Waxaa loo baahanayaa kombuyuutarka wadnaha si markaasi loo hubbiyo wadnaha shaqadiisa ama in ay saameysay(Heart Test (ECG):
6: Waxaa loo dirayaa baadhitaanka dhiigga si markaasi loo hubbiyo haddii uu jirro caabuq (CBC).
Daawaynta Gawracatada
1:Carruurta iyo dadka kale ee ay haleeshay gawracatadu waxay u baahan yihiin daawayn degdeg ah oo weliba isbitaalka lagu siiyo. Marka la xaqiijiyo jirrada waxaa la siiyaa qofka irbad lagu durayo muruqa ama xiddidka laga siinayo oo milaysa suntii baakteeriyadu jirka ku sii daysay. Dabadeed waxaa la siiyaa bukaanka daawooyinka Anti-biyootiga si loo dilo baakteeriyada gawracatada keenta.
2:Wuxuu kale oo bukaanku u baahan karaa in hawo ogsijiin ah oo sanka laga siiyo. Marka jeermigu asiibo xubno badan oo jirkaa wuxuu bukaanku u baahanayaa in xiddidka laga siiyo daawooyinka iyo dareerayaasha fuuqa soo celiya. Mararka qaarkood haddii suntu gaarto muruqa wadnaha bukaanku wuxuu u baahanayaa daawooyinka wadnaha.
3:Lidiga gawracatadu sunteeda(Antitoxin (DAT) waxay mileysaa sunta, si markaasi looga hortago inta aysan dhibaato keenin.
4:Waxa la siinayaa jeermis dile(Antibiotic Therapy)
Dawooyonka ugu horreyaa la sinayaa waa Erythromycin (500 mg IV/PO every 6 hours for 14 days),Procaine penicillin G (600,000 units IM every 12 hours for 14 days),waxa la siinayaa penicillin V afka lag qaadanayo kaddib marka bukaanka la xasiliyo.Hadafka waxa waaye in laga hortago dheeraadka sunta gowracatada.
5:Waxa la siinayaa talaalka gowracatada(Diphtheria toxoid-containing vaccine (DTaP, Tdap, Td).Carruurta qaxaa siinaya 2, 4, 6, 15–18 bilood, iyo 4–6 sanno, carruurta jirta.Dadka waa wayn iyo ilmaha qaangaarka ah, waxa la siinayaa talaalka Tdap.
Sidee looga hortgaa gawracatada
Sida ugu wanaagsan ee looga hortagaa waa in carruurta loo dhammaystiraa tallaalka, gaar ahaan kan gawracatada oo dhammaan laga helo goobaha caafimaadka. Talaalka loogaga hortago gawracatada waa kan isagu jira saddexda nooc ee cuddur dilaa ee gawracatada, Teetanada iyo qiix-dheerta oo la yiraahdo DPT. Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.
Siyaabaha kale ee looga hortago gawracatada:
Haddii aad wajahday ama aad maamushay qof la jirran gawracatada u sheeg dhaqtarkaaga oo waydii in aad antibiotic qaadan karto iyo inkale.Qof kasta oo la kulmay qof caabuqa gawracatadu hayo wuxuu u baahan yahay in la tallaalo.Awoodda tallaalku waxay jiraysaa muddo 10 sanno ah, markaa dadku waxay u baahan yihiin tallaal xoojiye ah 10 sanno kasta ka dib..
Tixraaca.
DAADAH COM.
Centers for Disease Control and Prevention (CDC)
World Health Organization (WHO)
American Academy of Pediatrics (AAP)
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment