Casharka 50aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca!
Casharka 50aad
Fashillanka habdhiska neefsashada (Respiratory failure)
Fashillanka habdhiska neefsashada waa xaalad qatar ah, waana marka uu ku fashilmo inuu isku dheellitiro isbeddelida hawadda(Gas exchange)taasoo keenaysa ogsijiin yari (hypoxemia) iyo kacsanaanta kaarboon labo ogsaydhka (hypercapnia).
1:Nooca koowaada ee fashillanka habdhiska neefsashada (Hypoxemic Respiratory Failure Type 1), waa fashillan ku yimaada qadaadis qeybeedka(partial pressure of ogsijiin (PaO₂) <60 mmHg). Waxa hoos u dhacaya heerka ogsijiinta dhiigga.
2. Fashillanka uu keenno Karbon labo ogsaydhka nooca labaad(Hypercapnic Respiratory Failure (Type 2), waa marka ay fashilanto hawo cusbooneysiinta, taasina waxay keeneysaa heerka cadaadis qeybeedka ee kaarboon labo ogsaydhka inuu kaco, iyadoo ay jirto ogsijiin yari ama aysan jirin.
4.Fashillanka habdhiska neefsashada dagdag iyo midka raagga( Acute vs. Chronic Respiratory Failure)
Fashillanka dagdag ee habdhiska neefsashada (Acute Respiratory Failure): waxa uu ku dhacaa si dagdag waxa keenna xiiqda(Asthma)dagdag ku dhacda iyo xirranka xiddidada samababbada
Fashillanka raaga ee habdhiska neefsashada (Chronic Respiratory Failure): waxa uu ku dhacaa si tartiib tariib ah habdhiska waxa uu isku dayayaa inuu isa saxo. Waxa ka qeyb qaadanaya xanuunnada raagga ee sambabbada (COPD).
Maxaa keena?
1:Qalqalka dagda ku yimaada habdhiska neefsashada(acute respiratorydistresssyndrome), fashillanka habdhiska neefsashada waxay carqalad ku imaaneysaa isbeddelka hawada iyadoo ay dhex qaadayaan kiish haweedka, waxa dhaawacmaya xuubka kiish haweedka, waxa siyaadaya habida, waxa imaneysa bararka sambabbada. Hannaankani waxa uu curanayaa marka ay toos u saameyso oofwareenta, ama si dadban u saameyso habdhiska neefsashada caabuqa dhiigga iyo jug soo gaadha, waxa la cirinagaa nidaamka hafeefka uu jirka kaga falcelsho (1, IL-6, TNF-α), waxay dhaawacayaan kiimikooyinkan la soo daayay kiish haweedka, iyo unugyada indhosiiliyamta, kuwaasoo keenaya in hooraha uu habid ku sameeyo kiish haweedka. Waxa la waynayaa difaaca kiish haweedka, taasina waxay keeneysaa isku dunka samababada, halka ay sameysmayaan miiqowga, kuwaasoo samababada ka dhigaya kuwa giigsan. Waxa ka dhallaneysa hoos u dhac ogsijiineed, kaasoo qalqal ku imanaya. Hoos u dhaca ogsijiinta iyo sare u kaca kaarboon labo ogsaydhka nooca koowaad iyo ka labaad aan soo sheegnay waxay keenayaan in habdhiska neefsashada uu fashilmo. Hafeefka waxa uu keenayaa----in kiish haweedka tiiftaafyadiisa ay habid sameeyaan- hooraha waxa uu ku qulqulayaa kiish haweedka---- kiish haweedka waxa uu sameynayaa inuu isku dumo--- isku dunkaasi waxa uu keenayaa ogsijiin yari- ogsijiinta yaridaasi waxay keeneysaa fashillanka sambabbada.
2:Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD) xanuunnada raagga ee sambabbada ku dhaca waxay keenaan gabnowga samababbada, iyagoo keenaya neefsashada oo adkaata, heerka ogsijiinta dhiigga oo hoos u dhacda. Marrinka hawadda waxa uu noqonayaa mid ciriirsama iyo mid dhaawacan, taasina waxay keeneysaa carqaladowga hawada. Samababbada waxay sameynayaan neef qaad badan. Isku dheellitirxumada ku timaada sambabada waxay horseedeysaa hoos u dhaca ogsijiinta (hypoxemia) iyo kororka kaarboon laba ogsaydhka ee dhiigga (hypercapnia). Waqti badan kaddib murqaha ka qeyb qaata neefsashada sida muruqa bogga(diaphragm) waxa uu noqonayaa mid daciifa, daala, taasina waxa keenna sida xooggan u shaqaynayo. Ugu dambayn waxay keeneysaa in habdhiska neefsashada oo fashilmo.
3:Oofwareen( pneumonia) waa caabuqa ku dhaca kiish haweedka, waxa uu sababayaa caabuqaasi in hoore uu ku ururo ama malax samababbada. Taasina waxay keeneysaa in ogsijiinta ay raaciweyso qulqulka dhiigga, kaarboonkana laga saari waayo jirka, marka kiish haweedka uu hoore galo ama kuu ka buuxsamo waxa uu keenayaa heerka ogsijiinta in ay hoos u dhacdo( hypoxemia). Jirka waxa u baahanayaa ogsijiin badan, haddii ogsijiinta ay yar tahay waxay keeneysaa shaqo xummo ku timaada xubnaha qaar. Oofwareenta waxay sababaysaa in sambabada isku dumaan, ama kala baxa sambabbada uu adkaado, tanina waxay horseedeysaa qalqalka ku yimaada habdhiska neefsashada, taasina waxay horseedeysaa fashillanka samababada.
4:Xiiqda ama neefta(Asthma) waxay keentaa ama sababtaa fashillanka habdhiska neefsashada, marka marrinka hawadda uu noqdo mid hafeefkiisa uu darran yahay, ciriiri ah, uu ka buuxsamo xab, taasina waxay keeneysaa neefsashada oo adkaata. Inta lagu gudda jirro xaaladdan murqaha ku meegaaran marrinka hawada waxay noqonayaan kuwa isku soo koga(bronchoconistriction), darbiyada hawo mareenka waxay noqdaan kuwa barara, iyo kuwa xad dhaaf u soo saara xab, xabkaasi waxa uu xidhayaa qulqulka hawada. Taasina waxay keeneysaa heerka ogsijiinta dhiigga in ay hoos u dhacdo(hypoxemia) iyo inuu siyaado heerka dhiigga ee kaarboon labo ogsaydhka( hypercapnia), maxaa yeelay sambabbada si dhammeystiran uma Kala Shaandhaynayaan hawada. Ugu dambayn waxa daalaya murqaha kaalinta ku leh habdhiska neefsashada, kuwaasoo noqonaya kuwa daala, waxay horseedayaan fashillanka habdhiska neefsashada (respiratory failure).
5:Awdanka halbowle sambabeedka (pulmonary embolism), xirranka halbowlaha sambabka waxa uu keeneyaa fashillanka sambabka, maxaa yeellay xiddidada dhiigga qaadi lahaa waxa isku taagaya xinjir. Xirrinka halbowlaha sambabka waxa loola jeedaa samababbada dhiig fiican ma gaarayo, si markaasi isbeddelka ogsijiinta u dhacdo, taasina waxay keeneysaa heerka ogsijiinta dhiigga in ay yaraato(hypoxemia). Xirrinka halbowle sambabeedka waxa uu sarre u qaadayaa cadaadiska xiddidada samababada, taasina waxay keeneysaa in ay shaqada ku korodho wadnaha qeybta midig, ugu dambeyn waxay keeneysaa wadnaha oo shaqo gaba. Haddii ogsijiinta heerkeeda uu hoos u dhaco waxay keeneysaa fashillanka habdhiska neefsashada.
Calaamadaha.
1. Shortness of breath (dyspnea): Neefsashada oo adkaata, qofka waxa uu dareemayaa naqaska oo ku xirma.
2. Increased respiratory rate (tachypnea): xadiga Neefsashada oo kordho, taasoo ugu wacan ogsijiin yarida.
3. Confusion or altered mental state: qofka isku dhex yaaca ama qummanaanta maskaxda oo isbeddesha. Taasoo ugu wacan ogsijiin oo gaari waaya maskaxda.
4. Cyanosis : dibnaha oo buluug noqda, wajiga, ama addimaha, taasoo ugu wacan ogsijiin yari.
5. Fatigue : Daal waxa keenna Neefsashada oo adag, taasina waxay keeneysaa daal xad dhaaf ah, iyo tabbar darro.
6. Rapid heart rate (tachycardia): garaaca wadnaha oo kordha.
7:. Sweating (diaphoresis); dhiddid waxa ugu wacan qalqalka jirka ku yimid
8. Chest pain : laab xanuun, haddii ay jirto xaaladdo la xidhiidha wadnaha.
9. Hypotension : cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, taasoo ugu wacan ogsijiin yarida haleesha nuddaha.
Baadhitaanka.
1:Hubbinta dhiigga(Arterial Blood Gas (ABG) , waxa la cabirayaa ogsijiinta iyo kaarboon laba ogsaydhka heerkiisa. Haddii ogsijiinta ay yartahay iyo haddii uu badan yahay kaarboon labo ogsaydhka waxay muujineysaa fashillanka habdhiska neefsashada.
2:Humaaga(Imaging): waxaa loo dirayaa raajada laabta(Chest x-ray) iyo iskaan( CT SCAN) si markaasi loo hubbiyo haddii ay jirto oofwareen, isku dunka sambabbada, ama haddii uu hoore jirro, sababta loo adeegsanayaa waa in la ogaado dhibaatada saameysan samababbada.
3: Pulmonary Function Tests:: hubbintan waxa loo isticmaalayaa heerka shaqada samababbada, iyadoo innaga caawineysa kala beddelka hawadda heerka ay mareyso.
4:Echocardiography: waxyaabaha kale dheeraadka ee loo baahan karaa waa kombuyuutarka wadnaha, haddii ay jirto cillado la xidhiidha xagga wadnaha.
5:Electrocardiogram (ECG): waxaa kaloo loo baahanayaa kombuyuutarka wadnaha si markaasi loo xaqiijiyo haddii ay jirto qallafsanaanta korontada wadnaha (arrhythmia) ama wadnaha oo shaqo gaba.
6:Pulmonary Angiography: hubbintan waxaa loo baahanayaa haddii ay jirto awdanka halbowle sambabeedka(pulmonary embolism).
Daaweynta.
1. Waxx la siinayaa bukaanka ogsijiin (Oxygen Therapy): si markaasi loo kordhiya heerka ogsijiinta dhiigga.
CPAP (Continuous Positive Airway Pressure) or BiPAP (Bilevel Positive Airway Pressure): qalabkani waxa uu innaga caawinayaa shaqada sambabbada in ay qummanaato. Waxa uu inna siinayaa cadaadis togan si markaasi loo ilaaliyo furranka marrinka hawadda.
2:Bronchodilators: dawooyinka waxay innaga caawinayaan in murqaha marrinka hawadda ay dabcaan si markaasi qulqulka hawadda ay u wanaagsanaato. Waxa ka mid ah Albuterol. Waxaana la siyaa bukaanka qaba xanuunnada raage ee samababbada iyo neefta.
3:Steroids (Corticosteroids): dawooyinkan waxaa loo siinayaa si markaasi looga yareeyo hafeefka marrinka hawadda. Waxay hoos u dhigayaan bararka, iyo shaqada sambabbada in ay wanaagsanaato, waxa ka mid ah daawooyinkan prednisone.
4:Diuretics: dawooyinkan kaadi badiyaha waxa loo siinayaa in jirka ay ka saaraan hooraha, si markaasi bararka samababbada u yaraado, waxay innaga caawinaysaa in kelyaha ay innaga saaraan hooraha badan. Waxa la siinayaa bukaanka shaqada wadnihiisa gabay.
5:Antibiotics: waxaa kaloo la siinayaa jeermis dile si markaasi loola dagaalamo caabuq bakteeriyada ay keentay sida oofwareenta, waxa ka mid ah Ceftriaxone.
Tixraacyada.
1. Robbins & Cotran Pathologic Basis of Disease
2. Harsh Mohan’s Textbook of Pathology
3. Rosai and Ackerman's Surgical Pathology
Websites:
1. Amboss (www.amboss.com)
2. Medscape (www.medscape.com)
3. National Library of Medicine (NLM) (www.ncbi.nlm.nih.gov)
4. Mayo Clinic (www.mayoclinic.org)
5. Cleveland Clinic (www.clevelandclinic.org)
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment