Casharka 51aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. 



Casharka 51aad



XIIQ DHEER(WHOOPING COUGH).


Xiiq-dheerta, oo loona yaqaanno “whooping cough,” waa cudur la is qaadsiiyo oo ay keento bakteeriya. Waa cudur lagaga hortegi karo tallaal, oo aan halis badan ku hayya carruurta aan tallaalayn iyo dadka waawayn, haseyeeshee khatar culus ku noqon kara dhallaanka yaryar.


Marka bakteeriyada Bordetella pertussis ay gasho jirka, waxay ku dheggaysaa  timaha yaryar ee ku yaal gudaha sambabada iyo hunguriga(ganta). Timahaan yaryar ee ganta( cilia-ga) ah waxay qabtaan in ay xabka iyo waxyaabaha wasaqda ah ay samababbada ka harameeyaan, laakiin markay bakteeriyadu weerarto, waxay burburinaysaa ganta( Cilla),taasoo keenta in xabka iyo wasakhda ay ku ururaan sambabbada. Arrintani waxay dhallinaysaa in neefsashada ay adkaato. Bakteeriyada waxay soo sii daynaysaa sun kala duwan, suntaasi waxay waxyeelleysa jirka. Sunta ay soo dayso waxa la yiraahdaa  pertussis toxin(PT), taasoo waxyeelleneysa nidaamka difaaca jirka, iyado hoos u dhigaysa awoodda iska caabinta. Sunta kale ay soo sii dayso bakteeriyada  waa tracheal cytotoxin taasoo burburinaysa tima ganta. Iyadoo ay sii kordhineyso darnaanshaha xanuunka.  Waxay kaloo soo saartaa sun kale adenylate cyclase toxin  taasoo sii xumaysa awoodda iska caabinta difaaca jirka, waxay bakteeriyada u sahleysaa in ay sii fido.


Yaa u halis ah xiiq-dheerta?


Qof kastaa waa u halis inuu qaado xiiq-dheer, hayeeshee dhallaanka yaryar iyo carruurta aan tallaalnayn waa kuwa ugu halisaysan in uu ku yimaaddo cudurka xiiq-dheertu, oo khatar geliya naftooda.


Waa maxay astaamaha xiiq-dheertu?


Waxa jira saddex marxaladood ama weji oo ay marto xiiq-dheertu. Wejiga kowaad (oo ah ilaa toddobaad ama laba toddobaad) waxay u bilaabantaa sidii duriga (hargabka), sanka oo dareere ka yimaada, duuf farabadan, hindhiso, waxoogaa yar oo xummad ah, isla markaana hargabka ayaa sii xumaada. Wejiga labaad wuxuu ka kooban yahay qufac dheer oo aan la xejin karin, kaasoo marmarka qaarkood qaylo dheer u keena (gaar ahaan dhallaanka) marka uu qofku neefsanayo. Qufacaasi wuxuu keenaa in qofka naqasku qabto, hunqaaco ama wajigiisu noqdo buluug hawada oo ku yaraatay awgeed. Inta u dhaxaysa qufacyada, qofku wuxuu u muuqdaa inuu fiican yahay. Marka qofku qufaca bilaabo wuxuu noqon karaa si aad u xun, isagoo aan waxba cuni Karin, cabbi karin ama neefsan karin. Xilliga dhallaanku waxaa ku dhegi kara naqaska oo suuxaan (inay neefsan kari waayaan) ama/iyo inay dhiig rooraan (jirkooda oo buluug u ekaada). Wejiga qufacu wuxuu socon karaa lix ama in ka badan oo toddobaad. Wejiga u danbeeyaa waa marka astaamaha cudurka si fiican loo arko oo ah toddobaadyo ama bilo.


Goormaa astaamaha cudurka la arkaa?


Xilliga cudurku soo socdaa waa qiyaastii toddoba ilaa 10 maalmood, waxayse noqon kartaa ilaa 21 maalmood.


Sidee bay xiiq-dheertu u fiddaa?

Bakteeriyada keenta xiiq-dheertu waxay ku noolaataa sanka, afka iyo cunaha, waxaana lagu faafiyaa hawada marka qof bukaan uu hindhiso, qufaco amase hadlo. Dadka u dhow markaasi waxay neefsan karaan jeermiska.Dhallaanku waxay had iyo jeer ka qaadaan xiiq-dheerta carruurta ka waawayn amase waayeelka.


Goormaa iyo intee in le'eg ayuu qofku faafin karaa cudurka?


Xiiq-dheertu waa cudur la isqaadsiiyo laga bilaabo xilliga hargabkeedu bilaabmo ilaa saddex toddobaad kaddib marka hargabkeedu bilaabmay.


Sidee qofka loo baaraa?


Adeege caafimaad wuxuu baaraa xiiq-dheerta isagoo kasoo qaadaaya waxoogaa duuf ah sanka dabadiisa.

Shaybaar ayaa lagu sameeyaa duufkaas.. Xiiq-dheerta way adagtahay in laga baaro dhallinyarada (da'da ku dhow qaangaadhka) iyo waayeelka iyadoon la samayn shaybaar waayo cudurku wuxuu isu ekaysiin karaa hafeefka hunguriga cadka (bronchitis) marka da’ahaas lagu jiro.


Waa maxay dawadiisu?


1.Waxa la siinayaa jeermis dile( Antibiotic Therapy).   Sida macrolides( tusaale ahaan Azithromycin, Clarithromycin, Erythromycin),  daawadan waxay xidhaysaa  sameysanka borotiinka bakteeriyada, taasoo ay ka hortagayso taranka bakteeriyada. Mararka qaar waxa loo siiyaa  ka hortag. Azithromycin waxa la doorbidaa in la siiyo carruurta ka hooseysa 1 bilood, maxaa yeelay erythromycin  waxay keeneysa xirranka  albaab laba iyo tobnaale(Pyloric stenosis).


Azithromycin – Waxaa la qaataa 5 maalmood. Waa daawada la doorbido waayo waxay leedahay waxyeelo yar.


Clarithromycin – Waxaa la qaataa 7 maalmood.


Erythromycin – Waxaa la qaataa 14 maalmood.


Trimethoprim-sulfamethoxazole (TMP-SMX) – Waxaa la isticmaalaa haddii bukaanku uusan qaadan karin macrolides-ka sare.



2:Daawooyinka Kale ee Xaaladda Lagu Xakameeyo


Dawooyinka bronchodilators (e.g., albuterol) – Waxaa loo isticmaali karaa haddii uu jiro ciriirsanka hunguriga cadka(bronchospasm).


Antipyretics (Paracetamol ama Ibuprofen) – Waxay yareeyaan qandhada iyo xanuunka.


Cokonayn(Hydration) iyo nasasho – Waa muhiim in qofka biyo ku filan la siiyo si looga hortago fuuqbaxa.


Xiiq-dheertu malaha dawo. Dhallaanku waxay u baahnaan karaan in isbitaal la dhigo iyo/ama in la siiyo kaalmo dheeri ah. Antibiyootig way caawisaa in laga hortago in cudurku faafo oo ay dadka kale qaadaan, waana laga yaabaa inay yarayso khatarnimada cudurka haddii la siiyo bilowga hore ee cudurka. Haddii qofku la kulmo bakteeriyada, antibiyootiggu ma joojiyo inuu qofku qaado xiiq-dheerta. Qofka lagu dawaynayo antiobiyootig waxay qaadsiin karaan dadka kale ilaa 5 maalmood oo dawada ah la dhammaysto. Qof kasta oo la kulmi kara bakteeriyada waa in la siiyaa antibiyootig si looga hortago inay qaadsiiyaan cid kale cudurka, haddii uu ku dhacoba, xitaa hadday tallaalan yihiin. Midda kale, waxaa muhiim ah in qofku nasto oo dareere badanna cabbo.


Qofka ay hore ugu dhacday ma qaadi karaa mar kale?


Haa. Qof ay hore ugu dhacday mar hore xiiq-dheertu, markale wuu qaadi karaa mustaqbalka. Lamana oga ilaa iyo inta uu qofku ka nabdoon yahay halista xiiq-dheerta.

Carruurta iyo dadka kale ma in laga joojiyaabaa iskuulka, xannaanada, shaqada iyo xarakaadka kale hadday qabaan xiiq-dheer?


Haa. Dadka qaba xiiq-dheerta waa in laga joojiyaa dhammaan xarakaadka ilaa shan cisho oo antibiyootig ah ay dhammaystaan. Dadka qaba xiiq-dheerta ee aan qaadan antibiyootig waa in laga joojiyaa hawlaha ilaa 21 maalmood lagasoo bilaabo markuu qufacu ku bilaabmay. Xataa qofkii la kulmay hargabka 

Xiiqdheerta waa in laga joojiyaa hawlaha ilaa uu shan maalmood oo antibiyootig ah dhammaysanayo.


Maxaa la samayn karaa si looga hor tago in cudurka xiiq-dheertu faafo?

Waxa jira tallaalo ka hortaga xiiq-dheerta. Tallaalka xilliga carruurnimo waxaa lala siiyaa carruurta kan gowracatada iyo teetanada isla mara (waxaa loogu yeedhaa DTaP). Shan qaybood oo tallaalka ah baa la siiyaa, lagasoo bilaabo markuu ilmuhu jiro laba bilood, si looga ilaaliya xiiq-dheerta. Tallaalku wuu anfacaa carruurta badankooda, laakiinse wuxuu marmarka qaarkood jabaa sannado ka dib. Tallaalka carruurnimo ee DTaP lama siiyo qofkii ah 7 sannadood iyo wixii ka wayn.

Tallaalka xiiq-dheerta ee dhallinyarada iyo waayeelka qudhiisa waxaa lala bixiyaa gowracatada iyo teetanada (Tdap). Waxaa dhallinta lagu taliyaa inay helaan qayb kaliya oo tallaalka ah da’da u dhaxaysa 11 ilaa 12 sannadood si ay uga badbaadaan xiiq-dheerta.

Waayeelka qudhoodu waa la siiyaa DTaP.




Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad