Casharka 53aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca!


Casharka 53aad


Qaaxada baahda(Miliary tuberculosis).


Waa nooc tiibashada ka mid ah oo aad u darran, waxay sababtaa qatar nololeed, tiibaydaan waxay ku faafeysaa dhiigga, iyadoo saamaynaysa xubno badan oo jirka oo ka mid ah waxay keeneysaa caabuq, marka sawir humaageedka lagu fiirinayo u eg midhaha hadhuudhka. Waxay saameysaa sambabbada, beerka, xameetida, iyo qeybaha kale ee jirka. Tiibaydaan waa mid qatar ah.


1. Siduu Cudurku U Soo Galaa Jirka?


Jeermiska qaaxadda waxa uu jirka ku soo galaa hab neefsasho ah, marka qofka ku neefsado hawada, hawadda waxay noqoneysaa mid wasaqeysan. Jeermiska waxa uu u gudbayaa samababbada, halkaasi waxa ka curanaya dagaalka uu kala hortagi lahaa difaaca jirka jeermiska.

Si kastaba ha ahaatee, haddii difaaca jirka uu daciifo, jeermisku waxa uu noqdaa mid tarma,  waxa uu ku qarsoomaa guddaha unugyada loo yaqaan liqaha wayn.


2. Siduu Jeermisku Dhiigga Uga Faafaa?


Marka unugyada difaacu awooddi waayaan inay xakameeyaan jeermiska, wuxuu dhexgalaa qanjirrada sambabada, ka dibna wuxuu u sii gudbaa dhiigga, taasoo keenta faafitaan guud oo jirka oo dhan ah.Sidaa darteed, jeermisku wuxuu gaaraa xubno badan sida sambabbada, beerka, lafta-dhuuxa, maskaxda, iyo kelyaha.Magaca "miliary" wuxuu ka yimid muuqaalka nabarada yaryar ee xubnaha oo aad ugu egyihiin iniinaha hadhuudhka.


3. Jirku Sidee Isku Difaacaa?


Jirka wuxuu isku dayaa inuu xakameeyo jeermiska isagoo samaynaya granulomas (goobo difaac ah oo jeermiska lagu xidho).Goobahaas difaaca ahi waxay isku urursadaan unugyo difaac ah oo isku dayaya inay hareereeyaan jeermiska si uusan u sii fidin.Si kastaba ha ahaatee, qofka difaaciisu daciif yahay, granulomas-ku way jabaan, jeermiskuna wuu sii fidaa.


4. Saamaynta Cudurku Leeyahay Iyo Xubnaha Uu Waxyeelleeyo


Markii cudurku sii xoogaysto, wuxuu dhaawacaa xubnaha jirka, wuxuuna keenaa dhibaatooyin halis ah:


1:Sambabbada waxa ku keennaa in qofka →  neef-qabatin, iyo in oksijiintu yarato.


2: Beerka wax uu ku keenaa → inuu beerka Weynaado (hepatosplenomegaly).


3:Maskaxda waxa uu ku keenaa → tiibishada maskaxda (Tuberculous meningitis), taasoo halis ah.


4:Lafta-dhuuxa waxay ku sababeysaa→ Dhiig-yaraan (anemia) iyo hoos u dhaca difaaca jirka.


5:Qanjir kelyeedka(Adrenal) waxay ku keeneysaa → Hoos u dhac ku yimaada hormoonka cortisol, taasoo keeni karta cudurka Addison.


Maxaa keenna?


1.  Qaaxadda aas aasiga(Primary TB Infection)


Sida ay ku timaaddo: Marka qof neefsado jeermiska Mycobacterium tuberculosis, jeermiskaasi wuxuu tagaa sanbabada. Haddii difaaca jirku uusan si wanaagsan uga hortegin, bakteeriyadu way tarantaa oo waxay ka baxdaa xannibaaddii ay ku jirtay. Taa macneheedu waa in jeermisku u gudbayo dhiigga, taasoo keenaysa in cudurku ku faafo dhammaan jirka.


2. Qaaxadda qarsoon (Reactivation of Latent TB)


Sida ay ku timaaddo: Dad badan oo qaaxada mar ku dhacday, jeermiska TB-da ayaa ku nagaada jirka, laakiin mararka qaar, haddii difaaca jirku daciifo (sida da’ wayni, nafaqo-xumo, ama cudur kale), jeermisku dib buu u soo laba kacleeyaa, wuu tarmaa, wuxuuna dhex-marayaa dhiigga, taasoo keenaysa cudurka(mellery tuberculosis).


3. Daciifnimo Difaaca Jirka (HIV, Daawooyinka Kansarka, Qalliin Xubnaha oo l beddelo, dawooyinka Steroid-ka iwm)


Sida ay ku timaaddo: Difaaca jirka oo xooggan ayaa caadiyan bakteeriyada TB-da xanniba, laakiin haddii difaaca jirku aad u daciifo, sida marka qofka uu qabo HIV/AIDS, uu qaato daawooyin difaaca daciifiya (sida chemotherapy ama steroids), ama lagu sameeyo qalliin xubnaha la beddelo, difaacu ma isku hor gudbi karo jeermiska. Taas macnaheedu waa in jeermisku ka baxayo meelihii uu ku jiray oo uu dhiigga ku faafayo, taasoo keenta qaaxada baahda. (melleryga).


4. Nafaqo-Xumo (Cuntada oo Jirku u Baahan Yahay la Waayo)


Sida ay ku timaaddo: Jirku wuxuu u baahan yahay cunto caafimaad leh si uu u yeesho difaac adag. Haddii qofku la’yahay cunto wanaagsan, gaar ahaan fitamiinno iyo macdanno muhiim ah (sida Fitamiin D iyo Zinc), difaaca jirku wuu daciifaa. Markaas, TB-da jirta waxay noqoneysaa mid dib u carisanta waxay u talaabeysaa dhiigga, taaso keeneysaa tiibayda dhiigga. 


 5. Cudurrada raagga (Sonkorow, Cudurrada Kalyaha, Kansarka iwm)


Sida ay ku timaaddo: Cudurrada raagga, sida sonkorowga (diabetes), cudurrada kalyaha, iyo kansarka, waxay daciifiyaan difaaca jirka. Tusaale ahaan, sonkorowgu wuxuu keenaa in unugyada difaaca aysan si wanaagsan u shaqeyn, taasoo u ogolaanaysa jeermiska TB-da inuu ku faafo dhiigga, taasoo keenta cudurka mellery tuberculosis.


6. Carruurta Yar Yar iyo Dadka Da’da ah (Difaac Daciif ah)


Sida ay ku timaaddo: Carruurta yar yar ma laha difaac adag maxaa yeelay jirkooga weli si buuxda uma horumarin awoodda uu cudurrada uga hortago. Isla markaa, dadka da’da ah difaacooda wuu daciifaa sababo la xiriira gabowga. Marka difaaca uu daciif noqdo, TB-du si fudud bay ugu faafaysaa dhiigga, taasoo keenaysa qaaxadda baahda( mellery tuberculosis).


7. Uurka (Isbeddelka Difaaca Jirka inta Uurka jiro)


Sida ay ku timaaddo: Marka haweeney uur leedahay, jirkeedu wuxuu si dabiici ah u yareeyaa difaaca si aanu u weerarin ilmaha caloosha ku jira. Isbeddelkan difaaca wuxuu keenayaa in jeermiska TB-da uu ka baxsado meelihii uu ku jiray, dhiiggana uu u gudbo, taasoo keenaysa cudurka mellery tuberculosis.


Calaamadaha.


1. Persistent cough: waxa lagu arkayaa qufac joogta ah, badanaa waxa uu noqdaa mid qallalan,  waxa laga yabaa inuu noqdo mid qoyaan ah.


2. Shortness of breath (dyspnea): Neefsashada oo adkaata.


3. Chest pain: laab xanuun.


4. Hemoptysis:  qofka dhiigga qufaca, badanaa Caan ma aha, laakiin waa ay dhacdaa.


 5. Fatigue and weakness: qofka waxa uu daremayaa daal iyo tabbar darro.


6. Fever: waxa lagu arkayaa qandho,  heerkeeda uu yar yahay, laakiin waxa ay noqon kartaa mid aad u sarreysa.


 7. Night sweats: habbeenkii oo qofka dhiddida.


8. Weight loss: Miisaanka oo Luma.


9. Tachypnea and hypoxia: Neefsashada oo dagdagta, Neefsashada oo aad u yaraata.


Baadhitaanka. 


1:Raajada laabta 


Raajada  waxa lagu arkayaa dhibco yaryar oo cadcad, oo si baahsan ugu fidsan sambabada


CT-scan-ka wuxuu muujin karaa sawir ka saxan kana faahfaahsan raajada, oo soo bandhigaya dhibcahaas yaryar


Faallo Dheeraad ah: Mararka qaar raajadu waxba ma muujiso marki hore, laakiin isbeddel bay keeni kartaa maalmo kaddib, sidaas darteed mar labaad ayaa lagu celinayaa.


2:Hubbinta  Dhiigga iyo Shaybaadhka


Baaritaanka dhiigga guud (CBC) wuxuu muujin karaa dhiig-yaraan (anemia)


Baaritaanka beerka (LFT) kor ayuu u kici karaa haddii beerka uu cudurku saameeyay.


Heerarka ESR iyo CRP waxay kor ukacaan marka jirku la dagaalamayo caabuqa.


Qofka waxa laga qaadayaa muunad candhuuf ah(Sputum).


Caadi ahaan TB-ga sambabada ah, qufaca laga qaado waxaa laga helaa bakteeriyada TB keenta.


Laakiin noocan, qufaca inta badan ma muujiyo wax cudur ah.


Sidaas darteed waxaa la baarayaa dhiigga, kaadida, dhuuxa (bone marrow), iyo xitaa hooraha maskaxda ku meegaaran haddii la tuhmo in TB-ga maskaxda ku dhacay.


5. Tijaabada Maqaarka ama Dhiigga (Tuberculin ama IGRA)


Tijaabada maqaarka (Tuberculin) waa irbad yar oo TB laga tijaabiyo


IGRA waa tijaabo dhiig ah oo lagu baaro haddii jirka ay saameysay TB


Laakiin dadka aadka u jiran, labadan tijaabo waxay noqon karaan mid taban( negative), oo aan wax muujinayn.


Faallo Dheeraad ah: haddii baadhitaanka aan laga arkin togan(positive)kama dhigna in qofka aanu qabin. 


 Daawaynta 


1. Bilaabidda Dawooyinka Qaaxada (Isla markiiba)


Durbaba haddii laga shakiyo waa in loo bilaabo daawaynta tiibayda.


1:Isoniazid (INH) –  waxay dilaysaa ama ka hortageysaa koritaanka bakteeriyada,  iyadoo xidhaysa borotiinka(mycolic acid)


2:Rifampicin (RIF) – Waxay joojisaa bakteeriyada inay sameeyaan RNA, taas looga hortagayo in ay sameyso taran xooggan.


 3:Pyrazinamide (PZA) – waxay dileysaa bakteeriyada qarsoon. Iyo meelaha uu saameeyay caabuqa.


 4:Ethambutol (EMB) – Waxay carqaladaynaysaa in bakteeriyadu dhisato darbigeeda difaaca.


Daweyntan hore (intensive phase) waxay socotaa 2 bilood, kadibna waxaa la sii wadaa INH iyo RIF oo keliya 4 ilaa 7 bilood dheeraad ah — iyadoo ku xiran baaxadda cudurka iyo haddii uu gaaray maskaxda ama laha.


2. Waxaa loogu darayaa faytamiin B6((Pyridoxine)). Si markaasi looga hortago dhaawaca dareen sidaha ay keeneyso daawada isoniazid. 


3:Dhamaystirka Daawada – Waa Muhiim


Daawada waa in la dhamaystiraa, xitaa haddii calaamaduhu yaraanayaan.Haddii la joojiyo daawada kahor waqtigeed, cudurku wuu soo noqon karaa isagoo kasii xoog badan.


4:Waxa la siinayaa dawooyinka Corticosteroids, si ay hoos ugu dhigaan hafeefka ay qaaxadda ku keenta maskaxda, si markaasi dhimashada u yaraato. Waxaa kaloo loo siinayaa haddii uu jirro hafeefka lakabka xuub wadneedka( pericarditis), ama haddii ay keentay darnaanshaha fashillanka habdhiska neefsashada.  Dawooyinka waxa ka mid ah  prednisone  


5:Waxa uu qofka u baahanayaa ogsijiin (Supportive Care), si markaasi looga hortago ogsijiin yarida. 


6:Waxaa kaloo loo samaynayaa nafaqeyn, gaar ahaan haddii uu yahay nafaqo darro.


7:Waxaa kaloo loo samaynayaa korjoogtay(Monitoring), iyadoo la hubinayo shaqada beerka, sababta loo samaynayaa waa inuu beerka ku sumoowo dawooyinka qaaxadda.


Tixraaca. 


1. Harrison’s Principles of Internal Medicine, 21st Edition


Chapter on Tuberculosis, McGraw-Hill Education.


2. Global Tuberculosis Report – WHO


https://www.who.int/teams/global-tuberculosis-programme


3. Medscape - Miliary Tuberculosis


https://emedicine.medscape.com/article/230802


4. Amboss - Tuberculosis (Miliary Form)


www.amboss.com


5. CDC – Treatment of Tuberculosis


https://www.cdc.gov/tb/topic/treatment/tbdisease.htm


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad