Casharka 10aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 10aad
Siday sheegtay WHO inay sannad kasta uur yeeshaan 211-milyan haween ah, halka 87 milyan oo ka mid ahi ku noqoto mid aanay filayn gabadha iyo ninkeedaba,sidoo kalena 123 milyan ay ku talo gal u qaaddaan,halkan 166 milyan ay guul ku dhammaadaan kuna dhashaan carruur caafimaad qabta..
Habdhiska dheefshiidka.
Waa meelaha ugu badan ay saameynta uurka ku yeelanayo ayuu ka mid yahay Habdhiska dheefshiidka. Waxyaabaha isbeddelka ka qayb qaata waxa ka mid ah hormoonnada sida progesterone iyo istaroojiin.
Isbeddelada saameynta horomoonnada ee habdhiska dheefshiidka.
A. Progesterone: hormoonkani waxa uu siyaadaa xilliga uurka. Waxa uu dabcinayaa muruqyada sisibsan ee jirka gaar ahaan habdhiska dheefshiidka. Waxa hoos u dhacaya dhaqaaqa cunnada.
B. Estrogen: hormoonkani waxa uu kordhinayaa qulqulka dhiigga ee caloosha, sidoo kale waxa kaalin ku leeyahay lalabada iyo mataga xilliga horre ee uurka.
1:Waxa siyaadaya calyada(Increased Saliva (Ptyalism).
Dumarka qaar ee uurka leh waxa la soo daynayaa calyo badan. Taasina waxa ugu wacan Isbeddelada hormoonnada iyo lallabada.
B. Laab jeex(Gastroesophageal Reflux Disease (GERD) / Heartburn)
Qeybta hoose ee muruqa hunguriga waxa uu noqonayaa mid dabca, haddii uu dabcana waxa dib u soo rogaal celinaya aysiidha caloosha. Taasina waxay keeneysaa laab olol. Sabatana waxa keenna hormoonka progesterone-ka kaasoo sababaya dabaca muruqa. Cadaadiska caloosha soo fulayaa waxa keena ilmagaleenka oo sarre u soo riixma.
3:Isbeddelka caloosha(Stomach Changes).
Hooyada waxa ay dareemeysaa in aysan baahnayn, taasoo ugu wacan in waqti badan caloosha cunnada ku dhex hakato. Taasina waxay keeneysaa caloosha aariyo la dibirta, lallabo, xitaa matag. Hooyada ma dareemeyso wax nafis nafis ah.
Caalool fadhi(Constipation).
Hooyada uurka leh calool fadhiga waa mid saameynaya ama badanaa lagu arko. Waxa keenna hormoonka progesterone-ka kaasoo keenaya dabaca murqaha xiidmaha. Biyo badan ayaa laga nuugaya xiidmaha waa wayn, taasina waxay keeneysaa in saxarada adkaato. Weyninka ilmagaleenka waxa uu saameynayaa xiidmaha. Birtana in la nuugo waa mid adag.
Habdhiska qanjirada.
1. Qanjirka bitutariga(Pituitary Gland)
a. Cabbirka iyo shaqada(Size and Function).
Qeybta horre ee qanjirka (anterior pituitary gland), cabbirka qanjirka waxa uu noqdaa mid siyaada, inta lagu gudda jirro uurka, taasoo ugu wacan carinta lagu sameynayo estoroojiinka. Koritaanka waxa ugu badan uu ka imanayaa siyaadintaanka hormoonka caanaha( prolactin) soo daaya unugyadiisa ayaa weynaada. Hormoonka caanaha soo daaya waxa uu siyaadayaa tobban jeer ka badan sidii caadiga ahayd ama gagabada uurka. Waxa uu isku diyaarinayaa soo saaritaanka caanahay.
Labadan hormoon(FSH and LH).
Labadan hormoon waxay noqdaa kuwa hoos u dhaca xilliga uurka. Waxa sarre noqonaya estrogen-ka iyo progesterone-ka. Waxaa kaloo la soo daynayaa hormoonka Oxytocin (from the posterior pituitary): waxa si xooggan loo soo daynayaa xilliga dhalmada soo dhowdahay, si markaasi ilmagaleenka iskugu soo ururiyo, iyo soo dayn caanaha.
2. Qanjirka tayroodhka (Thyroid Gland Changes)
Si tartiib ayuu isu beddelayaa shaqo ahaan iyo cabir ahaan, se sidiisa caadiga ah ama xadigii loogu talagalay ayuu taagnaanayaa. Shaqada qanjirka waxay kordheysaa xilliga horre ee uurka.
b. Isbeddelada hormoonnada(Hormone Changes).
hCG iyo TSH waxay carinayaan hormoonnada uu soo saaro qanjirka.
TBG (Thyroxine Binding Globulin) waxa uu noqonayaa mid siyaada taaso ugu wacan sarraynta heerka estoroojiinka. Waxay keeneysaa T3 iyoT4 in ay sarre u kacaan.
TSH: hormoonkani waxa si tartiib tartiib ah ugu soo dagaa hoos, xilliga horre uurka sababtoo ah hormoonka HCG aawadiisa. Muhiimada waxa weyaan in ay ka qeyb qaataan koritaanka maskaxda ilmaha iyo dheefsashada.
3. Isbeddelka qanjirka Parathyroid (Parathyroid Gland Changes)
Xilliga uurka waxa badanaya shaqada qanjirkan, waxa kordhaya baahida loo qabo kalsiyamta, sababo la xidhiidha koritaanka lafaha uurjiifka. Hormoonkan waxa uu siyaadayaa seddexda bil ee dambe. Si markaasi sarre loogu qaado nuugitaanka kalsiyamta. Waxa sarre loo qaadi doonnaa in dib looga soo nuugo kelyaha. Waxa la carinayaa lafaha si markaasi looga soo daayo kalsiyam. Faytamiin D firfircoon heerkiisa waxa uu noqdaa mid kordha, waxa uu ka caawinayaa in la soo nuugo kalsiyamta.
4: Ganaca(Pancreas and Glucose Metabolism)
Xilliga horre ee uurka waxa siyaadaya nuglaanshaha insuliinta(Increased insulin sensitivity). Hooyada waxay kaydineysaa sokorta iyo duxda.
b. Xilliga dambe ee uurka(Late Pregnancy). Xilliga dambe ee urka waxa dhacaya iska caabinta insulin, taasoo ugu wacan, hormoonnada laga soo daayo mandheerta(Placental hormones (especially hPL, cortisol, estrogen, progesterone), waxa hoos u dhacaya falcellinada ay insuliinta ka baxineyso qabilaha ay qabsan lahayd. Ilmaha waxa u gudbaya sokor badan, ganaca waxa isku dayayaa inuu soo saaro insulin badan si markaasi loo daabulo sokorta dhiigga ceegaagta. Haddii insuliinta ay ka jawaabi weyso shaqada laga rabo in ay qabo, hooyada waxa ku dhacaya macaanka xilliga uurka(gestational diabetes mellitus).
5. Qanjir kelyeedka(Adrenal Gland Changes)
a. Kortisool(Cortisol), heerkan hormoonkan waxa uu noqonayaa mid sarreeya, taasoo ugu wacan soo daynta hormoonnada mandheerta oo badan( placental corticotropin-releasing hormone). Waxay ka caawineysaa qaangaadhka samababbada, isku dheellitirka nidaamka sokorta dhiigga, carinta nidaamka difaaca.
b. Aldosterone: hormoonkan waxa noqonayaa mid sarre u kaca xilliga uurka, waxa uu ka caawinayaa, dib u soo celinta cusbada iyo biyaha waxa siyaadaya mugga dhiigga.
c. ACTH: heerka hormoonkan waa mid sarre noqda, laakiin firfrocoonaantiisa waa mid yar, taasoo ugu wacan dib u quudsiga uu sameynayo koritisoolka.
Tixraaca.
1. Dutta's Textbook of Obstetrics – K. Dutta, latest edition
2. Kumar and Clark’s Clinical Medicine – Parveen Kumar, Michael Clark, latest edition
3. Ten Teachers: Obstetrics by Ten Teachers – 20th edition
4. Medscape – https://www.medscape.com
5. Amboss Medical Knowledge Platform – https://www.amboss.com
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment