Casharka 11aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 11aad
* Isbeddelada Maqaarka ee Uurka
Xilliga uurka, maqaarku wuxuu la kulmaa isbeddelo badan oo ay sabab u yihiin hoormoonnada sida estrogen, progesterone, iyo hormoonka midib carinta( melanocyte-stimulating hormone (MSH). Isbeddeladan waa kuwa caadi ah, waxayna inta badan baaba’aan kaddib dhalmada.
1. Is beddelka midabka (Hyperpigmentation)
Sababta: Hoormoonnada estrogen iyo hormoonka beddela midabka.
Meelaha ay saameeyaab:
A:Aagga wareegsan horaadada ama ibta (areola)
B:Xubinta taranka
C:Bartamaha caloosha (linea nigra) jiitin madow ka bilaabma aaga bisiqda ilaa xuddunta.
D:Wajiga (melasma ama chloasma) wajiga oo madow yeesha, gaar ahaan dhabannada iyo foolka.
2. Jeex jeexanka caloosha (Striae Gravidarum)
Sababta: waa koritaanka ilmaha taasoo keeneysa inuu haraga yeesho dildilcaac
Meelaha ay ka soo muuqdaan:
A:Caloosha
B:Naasaha
C:Bowdada
D:Barida
Hormoonnada kaalinta ku leh : Relaxin iyo estrogen.
3. Isbeddelada Xagga Xididdada Dhiigga.
Spider angiomas: Xididdo yaryar oo casaan ah oo ka muuqda wejiga, qoorta iyo laabta.
Palmar erythema: Gacmaha oo casaada.
Xididdada oo barara (Varicose veins): Xididdo weyn oo ka soo baxa lugaha ama aagga xubinta taranka, sababtuna waa cadaadiska ilmaha iyo hoormoonka progesterone.
4. Kordhinta Shaqada Qanjirrada Maqaarka
Dhidhidka oo kordha (hyperhidrosis) iyo saliid badan oo maqaarku yeesho.
Finan (acne): Waxa laga yaabaa inay kordhaan ama yaraadaan.
5:Midabka madoobaada ee maqaarka:
Hooyada uurka leh waxay isku aragtaa in uu madow noqdo maqaarka kilkilaha, qoorta, ibta naasaha, xubinta taranka iyo meelaha dhaawacyadu ka bogsadeen.
6:Achrocordons (Skin Tags):
Skin tags-ka maqaarka kasoo baxa waxay badanaa ku soo baxaan 3-da bil ee u dambaysa uurka.
7: Cellulite (Lipodystrophy):
Cellulite ma aha wax halis ah, badanaa waxay ka muuqataa bowdyaha, miskaha, barida, iyo caloosha. Waxaana sababa badashada hormoonka Estrogen.
*:Isbeddelada horaadada.
Naasuhu waxay ka sarreeyaan shafka oo ay ısku dhejiyaan nudo isku xirayaaleed.
Istaroojinis iyo borojesteeroon, oo ah labo hoormoon ugxansideed ayaa xukuma koriinkooda marka la qaangaaraayo.
Istaroojiinisku wuxu cariyaa koriinka marinnada naasana, borojesteeroonku wuxu cariyaa alfiyoolaha oo ah unugyada dhiiqiya caanaha. Baaxadda naaska waxa xukuma inta ba-ruur dulfuushan nudaha qanjir ka ah, ee ma xukunto inta tira-docdu Is'eg tahay nudaha qanjiraha leh. Sidaas darteed, inta uu naasku dhiiqi karaayo caano kuma xirna inta uu baaxaddiisu la'eg tahay.Naas kastiba wuxu ka kooban yahay dhawr laab oo ay u dhexeeyaan qoqobyo ah nudo isku xirayaal ahi. Laab kastiba wuxu u sii qaybsamaa laabyaroyaal ka kooban nudo isku xira-yaaleed oo ku aasan unugyada dhiiqiya caanaha, kuwaas oo u nidaamsan hareeraha marinada, sidii cutub canab.
Marinnada ka imanaaya laabyaroyaashu way isu tagaan, oo laab kastiba wuxuu yeeshaa hal marin oo qur ah. Naas kastana wuxu leeyahay 15.20 laab, oo laab kastiba leeyahay hal marin, kuwaas oo ku kulma ibta naaska.Marinadani way ballaartaan marka ay ibta naaska wax yar u jiraan, mid kastibana wuxu noqdaa dalool yar oo ku dhammaada ibta naaska. Ibta naaska hareeraheeda waxa ah meel midabaysan oo leh qanjiro dhiiqiya siibam.
1. Koritaanka horaadada(Breast Growth.
Waxa weynaanaya cabirka horaadada, waxay noqdaan kuwa weynaada. Misaanka horaadada waa kuwa kordha taasoo ugu wacan nuddaha horaadada oo koro iyo qulqulka dhiigga oo bata.
2. Isbeddelka ibta horaaada(Nipple and Areola Changes).
Ibta horadaada waxay noqotaa mid madow ah, waana wareegga horre ee horaada. Labada ib waxay noqdaan kuwa weynaada, cabirkooda waa mid siyaada.
3. Danqasho iyo nuglaansho(Tenderness and Sensitivity).
Hooyada uurka leh waxay dareemeysaa danqasho xilliga horre ee uurka ama billaha horre . Horaadada waxay noqdaan kuwa nugul, nugulkaasi waxa keenna qulqulka dhiigga oo siyaada iyo isbeddellada hormoonnada kuwaasoo ka dhigaayo kuwa aad u nugul.
4. Arag xiddideedka horaadada(Vein Visibility).
Xiddidada horaada quudiya waxay noqonayaan kuwa la arko ama soo muuqda, taasina ay ugu wacan qulqulka dhiigga xooggan ee soo gaaraya.
5. Saameynta hormoonnada( Hormonal Influences).
Hoormoonada uxgaxnsidayaasha ee ay ka mid yıhın esteroojiinis iyo borojenteeroonku ayaa u diyaariya naasku si uu caano u dhiqin karo. Isteroojiikuna, wuxu dhaliyaa koriin-ka marinada naaska. Borojesteeroonkuna, naasihii u diyaariyay esteroojinku, ayuu cariyaa sidii ay u samaysmi lahaayeen unugyadii caanaha iyo marinadoodii oo uu dhammaystiro
Estrogen iyo Progesterone: labadan hormoon waxay kaalin ku leeyihiin koritaanka horaadada, marrinnada caanaha ay waynaadaan.
Prolactin: hormoonkani waxa uu kaalin xooggan ku leeyahay diyaarinta caanaha ama samaynsanka caanaha.
6:. Isbeddelka maqaarka horaadada(Skin Changes).
Mar waliba uu kordho koritaanka horaadada maqaarka waxa uu noqdaa mid Kala jiidma. Mararka qaar waxa uu yeeshaa Cuncun waxa ugu wacan kala jiidanka ku dhaca horaadada.
Tixraaca.
1. Dutta's Textbook of Obstetrics – K. Dutta, latest edition
2. Kumar and Clark’s Clinical Medicine – Parveen Kumar, Michael Clark, latest edition
3. Ten Teachers: Obstetrics by Ten Teachers – 20th edition
4. Medscape – https://www.medscape.com
5. Amboss Medical Knowledge Platform – https://www.amboss.com
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment