Casharka 13aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 13aad
Daryeelka hooyada xilliga uurka(Antenatal Care).
Waa daryeel caafimaad oo la siinayo hooyada iyo uurjiifkeeda, iyadoo la hubbinayo xaaladooda caafimaad. Waxa uu ka kooban yahay ka warqab joogta ah, baaritaanno, waxsheeg( wacyigalin)caafimaad, dheellitir nafaqeed, la socoshada uurjiifka.
Markii laga hadlayo shaqada saxda ah ee uu qabto ANC, waa in haweenka ay ka helaan adeeg caafimaad iyo kahortagga cudurrada.
Tusaale ahaan: wacyigelinta caafimaadka, latalinta cuntada hooyada u fiican, tallaalka kahortagga teetanada, siinta fiytamiin A iyo iroon folate.Waxaa suuragal ah xaaladaha qaarkood in ilmuhu ku daaho caloosha, xaaladaha qaarna uu soo dhiciyo.
2. UJEEDADADA.
Sida aan ka soo xiganayo buugga Dutta iyo WHO iyo hay'adaha caafimaadka qaabilsann.
1: In laga taxaddaro caafimaadka hooyada iyo uurjiifka.
2: In si dagdag ah haddii ay jirto dhibaatooyin la soo darsa hooyada uurka leh ay u hesho daryeel wanaagsan. Sida haddii ay jiraa dhiig yaraan, cadaadiska dhiigga uu kacsan, haddii hareerka sokorta ay ka badanta tahay inta loogu tala galay.
3: I si dhaqso ah loo ogaado xaaladdaha qatarta ah ee la xidhiidha uurka.
4: In hooyada la siiyo tallaalada la qaato xilliga uurka, dheellitir nafaqeed, iyo daawooyinka ay u baahan tahay xilliga uurka.
5: In hooyada la siiyo taageero nafsiyadeed, in laga war qabo caafimaadka maskaxeed ee hooyada.
6: In la baro hooyada cuntooyinka nafaqada leh, hannaanka nadaafada, naas nuujinta, iyo u diyaargarowga dhalmada.
3. Xilliga la bilaabayo.
Daryeelka hooyada uurka leh waxa la bilaabayaa marka u horreysa oo la xaqiijiyo in hooyada ay leedahay uur. Sida ugu fiican waa in la bilaabaa 12 isbuuc ka hor.WHO waxay kula talinaysaa in xilliga ugu horreeyay la bilaabo ka hor 12 usbuuc.ACOG waxay sidoo kale xoojisaa in la billaabo daryeelka sida ugu dhakhsaha badan.
4. JADWALKA BOOQOOSHYADA
TALO BIXINTA WHO (2020): Ugu yaraan 8 jeer oo booqasho:
1. 8–12 usbuuc
2. 20 usbuuc
3. 26 usbuuc
4. 30 usbuuc
5. 34 usbuuc
6. 36 usbuuc
7. 38 usbuuc
8. 40 usbuuc
JADWALKA uu ku talinayo buugga Dutta IYO ACOG:
4-tii toddobaadba mar ilaa 28 usbuuc
2-dii toddobaadba mar ilaa 36 usbuuc
Toddobaad kasta ilaa laga gaarayo xilliga dhalmada.
5. Wayxaabaha la sameeyo xilliga booqashada.
A. HOOYADA in la wareysto ama warbixin laga qaado( History taking)
B: Waxa la weydiinayaa xilligii ugu dambeysay ee dhiigga caadada uu ku dhacay.
C:Inta jeer ay uur qaaday.
D:Haddii ay jiraan xanuunno raagga in ay qabto.
E:Haddii ay qaliinno horray u soo gashay.
F:Haddii uu jirro xanuunno dhaxal in ay qoyskeeda qabaan.
B. Hubin Jidheed(physical examination).
1:In La eego miisaanka hooyada.
2:In laga cabiro cadaadiska dhiigga.
3:Hooyada in la eego haddii ay barar leedahay.
4:In uurjiifka la dhagaysto garaaca wadnihiisa.
5:Qaabka uu uurjiifka u yaallo in la fiiriyo.
C. Baaritaannada (Shaybaarka).
1:Heerka dhiigga (si loo ogaado dhiig-yari)
2:Nooca dhiigga iyo Rh
3:Sonkorta dhiigga (baaritaanka macaanka uurka)
4:Kaadida laga baarayo (borotiin iyo sonkor)
5:Hubbinnada xanuunnada faafa: HIV, Hepatitis B, Syphilis
6:Baaritaanka qanjirka tayroodhka (haddii loo baahdo)
7:Kombuyuutarka(Ultrasound): bila horre( 6 _ 12). Waxaa kaloo la fiirinayaa haddii ay jiraan cilladdo la xidhiidha uurjiifka.
D. Kaabayaasha hooyada la siiyo ( supplements)
1:Waxa la siinayaa maadada birta (60 mg) + Folic Acid (400 mcg).
2:Kaalshiyam (500 mg) laba jeer maalintii.
3:Vitamin D iyo fiitamiinno kale haddii loo baahdo.
E. Tallaalka
1:Tetanus Toxoid (TT) ama Tdap:
Tallaalka koowaad: In la siiyo xilliga horre ee uurka.
Tallaalka labaad: 4 toddobaad kaddib.
TT3 – 6 bilood kaddib.
TT4 – 1 sanno kaddib .
TT5 – 1 sanno kaddib.
F. Wacyigelin iyo La-Talin.
1:In ay hooyada qaadato cunno isku dheellitiran, iyo biyo ku filan.
2:In ay sameyso jimicsi fudud.
3:Ka fogaanshaha sigaarka, khamriga, maandooriyaha nuuc walba.
4:Hooyada in la baro haddii ay isku aragto calaamado qaar oo muujinaya in ay jirto xaalad qatar ah.
5:Hooyada in loo sameeyo la-talin ku saabsan naasnuujinta.
7. Haddii hooyada waxyaabahan hoos ku xusan isku aragto waa in si dagdag ah ay u aadaa xarumaha caafimaadka.
1:Haddii ay dhiig isku aragto(Vaginal bleeding).
2:Haddii ay hooyada isku aragto daad biyo ah oo ka socda.
3:Madax xanuun daran.
Aragtida oo daciifta.
4:Haddii ay hooyada isku aragto barar.
5:Qandho iyo jarays.
6:Ilmaha oo aan dhaqdhaaq lahayn.
Tayada daryeelka ayaa ka muhiimsan tirada booqashada.Xannaanada hooyada waa in ay noqotaa mid ku saleysan baahideeda.Hooyada waa in laga tala galiyo go’aan qaadashada.
Waa in la siiyo daryeel ku salaysan ixtiraam oo la jaanqaadaya qanaacadeeda.Daryeelka xilliga uurka waa muhiim si loo hubiyo caafimaadka hooyada iyo ilmaha, loogana hortago khataraha iman kara inta lagu jiro uurka iyo dhalmada. Waa lagama maarmaan in hooyo walba ay hesho daryeel joogto ah tan iyo marka uurku bilaabmo ilaa dhalmada kaddib.
Tixraac.
1. Dutta’s Textbook of Obstetrics
2. Obstetrics by Ten Teachers
3. Current Diagnosis & Treatment: Obstetrics and Gynecology
4. Williams Obstetrics
5. WHO Guidelines for Antenatal Care (2016 update)
6. NICE Guidelines (Antenatal Care)
7. ACOG Guidelines (American College of Obstetricians and Gynecologists)
8. UNFPA Antenatal Care Handbook
9. RCOG Guidelines (Royal College of Obstetricians and Gynaecologists)
10. Oxford Handbook of Obstetrics and Gynaecology
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment