Casharka 2aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 2aad
Saxaha: (Vagina)
Saxaha waa xubin tuubo muruqyo ka sameysan oo u dhaxeysa malawadka iyo kaadi haysta, dhererkeeduna waa 10cm, saxaha wuxuu ka kooban yahay muruqyo iyo xuubab galoolan oo xab soo daaya, xuubka ugu horeeya ee galoolan ee saxaha afkiisa hore ka bilowda waxaa loo yaqaan xuubka bikrada (Hymen).
Saxaha waa dhuun isku dumi karta oo aadna u kala bixi karta, intiisa badanina waxay ka kooban tahay muruq sulban oo ku daboolan xuub axaleed, wuxuna leeyahay maraaro.
Gidaarkiisa hore dhererkiisu wuxu le'egyahay 6.25 3m ilaa 7.5 sababta oo ah dhuqda ilmagaleenka ayaa hore u soo gasha gidaarkiisa dambe.Marka inantu bikradda tahay, saxaha waxa ku daboolan xuub wada awda ama qayb ahaan-awda.Xubinta taranka ee dumarka waxa uu leeyahay fur daboole (vulva), waa laba faruur ama bishamo oo hilib ah kuwaas oo loo yaqaano faruur weyne iyo faruur yare waxayna ku wareegsan yihiin daloolka xubinta taranka ee dumarka ama farjiga iyo kaadi mareenka ilaa iyo kintirka. Murqaha xubinta taranka ee dumarka waa kuwa aad u jiid-jiidma oo dabacsan taasoo ka caawisa in ilmaha ay ka soo baxaan marka uu uurka dhammaado sidoo kale waxaa jira laba qanjir oo xubinta taranka ee dumarka labada dhinac ugu yaala kuwaas oo ka caawiya in ay kala furmaan xubnaha dhalmada isla markaana dheecaan soo sii daaya si ay u caawiyaan xubnaha taranka ee ragga waqtiga galmada.
Shaqada Saxaha (Function of Vagina)
Saxaha wuxuu qabtaa dhawr shaqo oo muhiim ah:
1:Waa marrinka caadada.
2:Waa xubinta galmada (Sexual Intercousrse).Waxa weeye Oorganka qaabila oo hela xawada ninka.
3:Waa marrinka dhalmada.
4:Saxaha wuu fidada xilliga dhalmada iyo xilliga galmada
5:Wuxuu soodaayaa xab aysiidh badan oo waxyeeleysa shahwada labka iyo wixii kale ee ilima’aragtey ah sida bakteeriyada.
6 : Waa marin ay soo marto kaadida iyo cisadu
Waxa quudiya oo dhiigga soo gaarsiiya dhowr halbowle( saxaha).
1. Waxa waraabiya halbowlaha saxaha(Vaginal artery) waa midka ugu wayn, waxa uu ka yimaadaa halbowlaha kale(internal iliac artery).
2. Waxaa kaloo quudiya halbowlaha makaanka(uterine artery), waxa uu quudiyaa qeyb ka mid ah saxaha gaar ahaan qeybta sarre.
3. Halbowlaha dhexe ee malawadka(Middle rectal artery) waxa uu quudiyaa qeybta hoose ee saxaha. Iyo halbowlaha kale(internal pudendal artery).
Dareensidaha quudiya saxaha waxaan u kala qaadeynaa labo qeybood.
1. Qeybta quudisa ama dareenka soo gaarsiisa qeybta sarre, gaar ahaan guddaha ( Upper part) (internal part): waxa quudiya dareen wadka ismaamula(autonomic nerves), taasoo ah shabakad dareen side ah(from the uterovaginal plexus, part of the pelvic plexus). Dareensidayaashaan waxay xakameeyaan murqaha sisibsan, waxay qaadaan xanuunka xilliga foosha.
2. Qeybta hoose gaar ahaan banaanka( Lower part (outer part): waxa quudiya dareen jidheedyo((mainly the pudendal nerve). Dareensidahan waxa uu kaalin ka qaataa dareemida taabashada, xanuunka, iyo heerkulka.
Luqumaha (Cervix).
Luqumaha(Cervix) waa qayb ka mid ah xubinta taranka ee dumarka, waxayna ku taal halka uu ku kala go'o saxaha (vagina) iyo ilma galeenka (uterus). Luqumaha waxa uu dhererkiisa gaaraa 2.5–3.5 cm( qofka wayn). Muuqaalkiisa waxa u'eg yahay sida toobinta(cone shaped), waxa uu ku yalaa qeybta hoose ee ilmagaleenka, waxa uu ku furan yahay saxaha(Internal os (uterus side).External os (vagina side). Labadan meel u dhexeysa unugyada ku yaala waxay soo sii daysaa xab. Waxa waraabiya halbowlaha ilmagaleenka(uterine artery) qeyb ka mid ah(internal iliac artery). Arooraha waa lamid( uterine vein). Xiddidan dhiigga waa kuwa meesha ku badan iyagoo shabakad ah oo ku wareegsan luqumaha.
Waxaa dareenka soo gaarsiiya dareenside iskiisa isku maamula. Kaasoo ka imanaya shabakad dareenside ah(uterovaginal plexus).
Qaabdhismeedka luqumaha.
Qeybta dibada(Ectocervix) waxa daboola ibisiiliyam lakabeysan sida maqaarka oo kale ah(stratified squamous epithelium).
Qeybta guddaha(endocervix) waxa dahaara ibisiiliyam joog u tax ah( kaasoo so daaya xab). Labadan unug meesha ay ku kulmaan waxa lagu magacaabaa doorsoonka goobta(transformation zone).
Shaqada uu qabto.
Luqumaha waxa uu isbeddel ku yimaada xilliga caadada. Waxa uu isbeddellaa xilliga ogxaanaynta, waxa uu noqdaa mid nadiif ah, mid kala jiidma. Kaddib ugxaanaynta waxa uu noqdaa luqumaha mid ah.
Xilliyada Caadada (Wareegga caadada)
Luqumaha waxa uu soo daayaa dheecaan saliid leh oo la yiraahdo xab( mucus). Dheecaankani waxa uu is beddelaa sida uu yahay, hadba marxaladda wareegga caadada:
Marka haweeneydu u dhowdahay ugxan-soo-deyn, dheecaankaasi wuu khafiifaa si uu u fududeeyo shahwadu inay u gudubto ugxanta.
Marka aysan ahayn wakhtiga ugxan-soo-deynta, dheecaanka wuu adkaadaa si uu u xannibo shahwada.
b. Xilliga Uurka
Marka haweeneydu uur yeelato:
Luqumaha wuu xirmaa oo wuu adkaadaa si uu u ilaaliyo uurjiifka.
Waxa uu sameystaa dheecaan badan oo dhumuc leh (mucus plug) kaas oo xiraya marrinka, una diidaya jeermisyada inay galaan gudaha ilmo-galeenka.
c. Marka La Gaaro Dhalmada
Inta lagu jiro foosha:
Luqumaha wuu jilcaa, wuu dillaacaa, waxa u furmaa si tartiib ah (dilation) ilaa uu gaaro 10 cm, si ilmuhu ugu gudbo saxaha.
d. Ka-hortagga Jeermisyada
Luqumaha waxa uu leeyahay awood dabiici ah oo uu kaga hortago jeermisyada iyo waxyaabaha kale ee dhaawaca, si aysan u gaarin ilmo-galeenka iyo uurjiifka haddii uu jiro.
Tixraaca.
1. D.C. Dutta’s Textbook of Obstetrics
2. Williams Obstetrics
3. Obstetrics by Ten Teachers
4. Current Diagnosis & Treatment: Obstetrics & Gynecology
5. Oxford Handbook of Obstetrics and Gynaecology
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment