Casharka 3aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 3aad
Ilmagaleenka(Uterus).
Baaxada, qaybaha iyo qaabka.
Qaabka ilmagaleenka wuxuu u eg yahay cambaruudka inta uu yahay bikirka, dhererkiisuna waxa weeye 7.5 Sm, halkiisa ugu balisaranina waxa weeye 5 Sm, qaradiisuna waa 2.5 Sim.Laba meelood ayuu u qaybsamaa, qaybta sare oo la yiraah-do jir iyo qaybta hoose oo la yiraahdo dhuqda oo aad u dhuu-ban.
Tuubooyinkaan waxay ka kooban yihiin saddex lakab oo xuubab ah:
1:Xuubka lakabka ugu sareeya waxaa loo yaqaan (Tunica Serosa)
2:Xuubka lakabka dhexe oo ah muruqyo siman waxaa loo yaqaan (Tunica Muscular)
3:Xuubka lakabka gudaha oo ah nudaha Epithelium waxaa loo yaqaan (Tunica Mucosa).
Dhammaan tuubooyinkaan waxay gudbiyaan ama gaarsiiyaan ugxanta minka.
Tunica Mucosa: oo ah nudayaal ibisiiliyam ah waxay soo daayaan xab nafqaqaysan oo ay ku quudiyaan ugxaanta qaan-qaadhay.
Tunica Muscularis: oo ah nudayaal muruqyo siman ah waxayna sameeyaan isu soo uruurin ama isu soo cadaadin ay ku riixayaan ukunta ilaa ay gaadho minka.
Tunca Serosa: oo ah nudayaasha dibadda xigga waxay caawiyaan riixitanka unugyada, nudayaashaas oo ku dhagan xuubka (Peritoneum) oo ah xuub ku gadaaman xubnaha uurku jirta.
Jirka intiisa u sarraysa ee aad u muuqata waxa la yiraahdaa fundas. Meel wax yar ka hoosaysa jirka fundaska, ayay labada dhuumood ee falloob ka galaan ilmagaleenka.
Ilmagaleenku waa oorgan muruq leh, gidaarkiisuna weyn yahay oo hoostana ka qalaalan. Gidaarkiisa qarada lihi wuxu ka kooban yahay saddex dahaar oo hoose la yiraahdo xuub-ilmagaleenka (indhoomitriyam). Wakhtiga cisada ama wakhtiga dambeeya( menopause)marka ilmuhu dhasho, lakabyada xorbashaysan ee indhoomitriyamka ee aad iskugu dhegsani way go'aan, waxayna noqdaan cisada dumarku helaan 28 cashaba ama marka ay dhalaan kaddib. Sidaan soo sheegnay Minka ama ilma galeenka: (Womb ama Uterus)
Minku wuxuu ku jiraa godka gumaarka ee loo yaqaan godka miskaha (Palvic Cavity), wuxuuna udhaxeeyaa minku kaadi haysta iyo malawadka dhererka minka waxaa lagu qiyaashaa 7.5cm, balacuna waa 5cm, inta uu ugubka yahay qaybta ugu sareysa ee qaabka quumbulka u sameysan ee minka waxaa loo yaqaan (Fundus), qaybta dhexe ee minka waxaa loo yaqaan jidh (Body), Qaybta u hooseysa ee ciriiriga ah halka ay iska galaan saxaha waxaa loo yaqaan luqumeed (Cervix).
Minku waxa uu ka kooban yahay saddex lakab oo nudayaal ah:
1:Lakabka ugu sareeya waxaa loo yaqaan lakab dibadeed (Perimetrium), oo ah xuub qoyan kaasoo ku dhegan xuubka uurkujirta.
2:Lakabka dhexe waxaa loo yaqaan lakab dhexeedka (Myometrium), oo ah muruqa siman.
3:Lakabka hoose oo gudaha ah waxaa loo yaqaan xuub-ilmagaleen (Endometrium) oo ah xuub xiddo badan leh.
Moqorrada ilmagaleenka
Moqorrada ilmagaleenku way kooban yihiin sababta oo ah gidaarkiisa ayaa aad u qara weyn. Moqorka jirkiisu wuu gog-lan yahaý wuxuna u eg yahay sida saddex xagalaha. Caarad-diisa ugu hoosaysana waxay u furan tahay kelliga dhuqda oo isagana intiisa hoose aad u dhuuban tahay, oo u daloosho saxaha(vagina).
Meelaynta:
Ilmagaleenku wuxu ku yaalaa moqorka misigta wuxuna u dhexeeyaa kaadihaysta iyo malawadka.Imegaleenka waxa haya dhawr seedood oo meeshiisa ku xajiya, una oggolaada inuu jirkiisu dhaqdhaqaaqo, taas oo dhalisa in uu marmarka qaarkood halkiisa ka dhaqaaqo. Marka ay sidaasi dhacdo waxa loo yaqaanaa maxaldheeli(ilmagaleenka). Seedaha haya tiradoodu waxa weeye siddeed, saddex qindiyaysan iyo laba iskood ah.
Tuubooyinka ilma galeenka.
Waa dhuumaha ugxaanta waxay ku yaalaan xaglaha sare ee ilmogaleenka waxayna qadaan ukunta bacrimsan wuxuuna ka koobanyahay saddex dhuumood oo kala ah
( Isthmus
( Ampulla
( Infundipulum
Isthmus Waa dhuun dheeroo toosan kuna xiran minka waxayna leedahay dhuumo u daloola afka minka {uterineostium} cabir ahaan wuxuu gaaraa1cm.
Ampulla: waa dhuunta ugudheer dhuumaha ugxaanta tubooyinka makaanka( uterine tubes) wuxuuna leeyahay gidaaro adag.
Infundipulum: Waxa dhaca bacraminta waana qeybta ugu sarreysa {uterinetubes} waxuuna ka koreeyaa ugxaan sidayaasha cabirkiisa wuxuu garaa 3mm wuxuuna aad ugu dhaw yahay ugxaansidayaasha xilliga sameysanka ee ugxaanta {ovulation).
Dhuumaha ilmagaleenka.
Meelayata iyo dhismaha:-
Dhuumaha ilmagaleeku waxay ku yaalaan xaglihiisa u sarreeya. Dhuun kastaba dheererkeedu waa toban sentimitar, waxayna ku dhammaataa qayb sidii masafka ah oo la yiraahdo infundibulan.
Qaybtaasi waxay leedahay soo bax sidii faraha u eg oo ugxanta ka soo qaada ugxansidaha. Baktiiriyada ay ka mid tahay ta jabtida keenta, way soo qaadi kartaa dhuunta ilmaga-leenka oo jiro ayey qaadsiin kartaa.
Dhuumuhu waxa weeye marinno ay soo maraan ugxantu, inkasta oo aynna ku xiriirsanayn ugxansidayaasha oo ah meelaha lagu sameeyo ama ugxanta. Bacriminta is-ku tagga, isbeermatusuwaha iyo ugxantu, waxay ku dhacdaa dhuunta sida caadiga ah.
Shaqooyinka:-
Ilmagaleenku saddeex shaqo oo aad u muhiima ayuu qab-taa. Keenidda cisada, riminta iyo foosha.
1. Cisa keenidda: Cisa keeniddu waxa weeye go'niinkii lakabyada xorboshaysan ee xuub-ilmagaleenka( indhoomitriyamka). Dhiigguna wu-xu ka yimaadaa xididdad go'ay.
2. Riminta: Uurjiifku wuxu ku beermaa xuub-ilmagaleenka( indhoomitri-yamka )oo uu ku noolaadaa inta qof yari ka dhalan doono.
3. Foosha Fooshu waxa weeye isku ururka muruqyada laxaadka badan ee ilmagaleenka, kuwaas oo ilmaha yar ee dha-lar doona dibadda u soo tuura.
Fiiro gaar ah.
Myometrium – muruqani wuu isa soo uruuriyaa si uu isaga soo tuuro uurkujirta xilliga foosha, sidoo kale muruqani wuu isfidiyaa xilliga uu ilmuhu korayo.
Endometrium – lakabkani wuxuu siidaayaa xab aad unafaqaysan (Glycogen Rech Mucos), wuxuuna ku quudiyaa uurkujirta inta ay uurku jiraan ka qabsaneyso gidaarka. Endometrium-ta kadibna waxaa samaysma mandheerta oo ku xiran xudunta uurjiifka iyo gidaarka Endometrium, kaddibna mandheerta ayay nafaqadu u martaa ilmaha.
1. Ilma galeenka waxa quudiya halbowle loo yaqaan halbowlaha ilma galeenka(Blood Supply to the Uterus (Artery), waxa uu ka imanayaa halbowlaha wayn(internal iliac artery). Halbowlaha ilmagaleenka waxa uu xidhiidh la leeyahay halbowlaha ugxaanta. Iyo halbowlaha saxaha(vaginal artery).
2. Ilmagaleenka waxa quudiya arooraha Ilmagaleenka( uterine vein). Dhiigga waxa uu ka imanayaa Ilmagaleenka isagoo soo qaadayo koox aroore yaryar oo lagu magacaabo aroore yarayaasha yaryar ee Ilmagaleenka. Ugu dambayn waxa uu ku shubayaa arooraha wayn(internal iliac vein).
3. Dareensidaha quudiya ilmagaleenka, dareensidaha farriinta u keenna ilmagaleenka waa dareensidaha firkanaxa(Sympathetic nerves). Waxa uu ka imanayaa qeybta dambe (T10–L1). Dareensidaha waxa uu samaynayaa in ilmagaleenka uu kogitaan sameeyo ama adkeeyo. Waxaa kaloo quudiya dareensidaha naxariista(Parasympathetic nerves) waxa uu ka imanayaa qeybta hoose ee xangulaha(S2-S4), waxa uu ka caawinayaa in ilmagaleenka uu dabco .
Hormoonnada nidaamiya ama kaalinta ku leh ilmagaleenka.
1. Estrogen waxa laga helaa ugxansidaha( waxa uu ka imanayaa koritaanka goonta). Waxa uu qabsanayaa qaabilaha uu ku leeyahay ilmagaleenka. Waxa ka qeyb qaata xuub-ilmagaleenka, isagoo ka dhigaya mid adag inta lagu gudda jirro wajiga isbadinta(proliferative phase). Waxa kordhaya qulqulka dhiigga ee ilmagaleenka. Waxa koraya murqaha makaanka. Waxaa kaloo hormoonkan kaalin ku leeyahay diyaarinta uurka.
2. Progesterone hormoonkani waxa laga helaa cad woobaha(corpus luteum) kaddib ugxameynta iyo mandheerta xilliga uurka ayaa iyana la soo cariyaa. Waxa uu qabsanayaa qaabilaha uu ku leeyahay ilmagaleenka. Waxa uu isku nidaaminayaa xuub-ilmagaleenka inta lagu gudda jirro wareegga u dambeeya ee caadada(secretory phase). Waxa uu diyaarinayaa makaanka si ilmaha u qabsado ama u hirgalaan. Waxa uu xidhayaa ama joojinayaa in makaanka uu isku soo ururo. Waxa uu saameyn ku yeelanayaa hormoonka estoroojiinka kaddib ugxaanaynta. Waxa uu taageero wayn ama kaalin wayn ku leeyahay uurka xilliga horre.
3. Oxytocin hormoonkan waxa laga soo daayaa qeybta dambe qanjidh pituitary ( made in hypothalamus-ka). Waxa uu qabsanayaa qaabilaha murqaha makaanka ilmagaleenka isagoo isticmaalaya borotiin( G PROTEIN) waxa kordhaya kalsiyamta, waxay keeneysaa in murqaha ay kogaan(contraction). Hormoonkan waxa ay shaqadiisa tahay kogitaanka ilmagaleenka xilliga foosha. Waxaa kaloo uu kaalin ku leeyahay in ay soo baxdo mandheerta. Sidoo kale hooyada waxa uu ka caawiyaa soo daynta caanaha.
4. Prostaglandins (gaar ahaan PGF2α, PGE2) waxa laga helaa guddaha unugyada xuub-ilmagaleenka. Waxa uu qabsanayaa qaabilaha gaarka uu leeyahay hormoonkani, waxa uu siyaadinayaa kalsiyamta ee murqaha ilmagaleenka,waxay keeneysaa kogitaanka murqaha ilmagaleenka. Waxa uu kaalin ku leeyahay caadada, isagoo soo burburiyaa xuub-ilmagaleenka. Waxa uu keenaa ama sababaa kogitaanka minka xilliga foosha. Waxa uu kaalin ku leeyahay furitaanka luqumaha xilliga dhalmada.
5. Human Chorionic Gonadotropin (hCG)hormoonka waxa laga soo daayaa mandheerta(trophoblast cells of embryo) waxa uu qabsanayaa qaabilaha hormoonka LH ee cadka woobaha(corpus luteum) waxa I ilaaliyaa cadka woobaha, si markaasi loo soo saaro hormoonka progesterone. Waxa uu ilaaliyaa ilmagaleenka isagoo ka qeyb qaata uurka isbuucyada ugu horreeya.
Tixraaca.
1. "Williams Obstetrics" by F. Gary Cunningham
2. "Obstetrics: Normal and Problem Pregnancies" by Steven G. Gabbe
3. "Ten Teachers' Obstetrics" by Keith Edmonds
4. "Current Obstetrics and Gynecology" by F. S. Dutta
5. "Gynaecology by Ten Teachers" by Philip N. Baker
6. "Shaw's Textbook of Gynaecology" by Sabaratnam Arulkumaran
7. "Obstetrics and Gynecology" by Charles R. B. Beckmann
8. "Dewhurst's Textbook of Obstetrics and Gynaecology" by Sir John Dewhurst
9. "Essentials of Obstetrics and Gynecology" by Vincent J. O'Leary
10. "Clinical Obstetrics and Gynaecology" by Sir Sabaratnam Arulkumaran
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment