Casharka 4aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 4aad
Ugxaan-sidaha dumarka: (ovary).
Xubinta soo saarta ugxaanta dumarka waa xubinta taranka ee dheddiga ugu muhiimsan waana xubin muhiim ah oo ka tirsan habdhiska taranka ee dumarka.
Ugxaanta: wuxuu soo saaraa ugxaanta dumarka waa unugga xubnaha taranka dumarka u abuura wuxuu kaloo qeyb ka yahay isku dheellitirka dheecaannada jirka si ay u fududaato wareegga caadada dhiigga ka dhasha. Laba unug ayey ka kooban yihiin oo ku yaala labada gees ee ilma-galeenka waxaana loo yaqaannaa tubbada minka (fallopian tube). Tubbooyinka minka (Fallopian tube): waa labo tubbo oo kasoo qaada xubnaha dhalliya ugxaanta ilmaha ka abuurmaan ee dumarka oo geeya xuubka ilma-galeenka. Ugxaanta markii ay ka soo baxdo xubnaha taranka waxa furma labada tubbo (fallopian tube) midkood si ay u soo maraan ugxaanta waana meesha ay ka dhacdo bacriminta, bacriminta waxa ay dhacdaa marka ay isgaaraan shahwada ragga iyo ugxaanta dumarka, waa waqtiga ugxaanta ay noqoto mid la bacrimiyey. Sidoo kale ugxaanta waxay soo daayaan ama soo saaraan dheecaanno ka qeyb qaata wareegga dhiigga caadada iyo horumarinta xubnaha taranka ee dumarka, dhiigga caadada iyo qaabka u sameeysmo. Ugxaanta waxay soo saaraan koox dheecaanno ah kuwaas oo lagu magacaabo dheecaannada taranka sida hormoonka progesterone-ka iyo estrogen-ka. Estrogen-ka waxaa hoos yimaada ilaa iyo seddex dheecaan oo kala ah estradiol, estrone iyo estriol waana dheecaanno si wadajir ah u shaqeeya waxayna ka qeyb qaataan horumarinta xubnaha taranka ee dumarka.
Ugxaanta waxay soo daynayaan hal ukun bilwalba haddii ay ukuntaas weyso shahwo lafalgasho ukuntaas way burbureysaa waxay noqonaysaa dhiig waana sababta ay haweenka bilwalba ugu yimaadaan dhiigga caadada. Maskax dhexda( Hypothalamus-ka) waa xubinta ugu muhiimsan ee ka qeyb qaata isku dheellitirka dheecaannada jirka wuxuu fariin u dirayaa qanjirka loo yaqaan pituitary gland-ka, pituitary gland wuxuu soo daynaa labo dheecaan oo kala ah FSH iyo LH gaar ahaan waxaa laga soo saaraa unugyada lagu magacaabo (gonadtrophic cells) labadaan dheecaan waxay si caadi ah ugu qeyb qaataan isku dheellitirka hab-wareegga dhiigga caadada iyo horumarinta xubnaha taranka.
Meertada jinsiyeed ee dumarka
Meertooyina dumarka waxa ka mid ah cisakeenidda oo ah isbeddel ka dhaca indhoomitriyamka. Isbeddelyo kalena wa xay ka dhacaan naasaha, ugxansidayaasha, saxaha heer kulka jirka iyo ugu dambayn dhiiqista hoormoonyada.
Meertooyinka ugxansidaha
Bil kasta, hal mar oo ah maalinta ugu horraysa ee cisadu timaado, ayaa isbeddel aan aad u badnayni ka dhaca goonka oo u bilaabanto koriinkiisu iyo samaystiisu. Unugyada goonka bilaaba inay dhiiqiyaan esteroojinis, Inta ba dan, hal goon ayaa qaangaara oo u gaara umal sidaha xaggiisa sare. Markaa ka dib ayay goonka dushiisa sare baaba'daa oo sabab u noqotaa in ugxanta qaargaartay lagu tuuro moqorka misigta, waxana loo yagaan ugxan qarxin.
Goornaa ugxanta qaangaarka ah la tuuraa? Waa su'aal aad u wanaagsan, sababta oo ah was marka la nmi karo
Maanta aqoonyahannada fisloojiga aad u yagaani., waxay yiraahdaan ugxan qarxintu waxay dhacdaa maalinta afar iyo tobnaad, laga bilaabo maalintii cisadu bilaabantay. Toddo-baadka ka horreeya, iyo kan ka dambeeya shanta casho ee cisadu socoto, waxa weeye laba toddobaad oo aanay inta badan rimiddu dhici karin. Markaa maalintaa afar iyo tobnaad ee aan soo sheegnay ama ta ka dambaysa ee shan iyo tobnaad, ayaa uga dhow marka qofku rimi karo.
Dumaka qaarkood ayaa la kulma in yar oo xanuun ah, dhawr saacadood ka dib marka ugxanta la qarxiyo.
Ugxan qarxinta mudda yar ka horow, ayay ugxantu qayb-san gaar ah oo loo yaqaan meyoosis u qaybsantaa, oo ah in la baaro tirada koroomosoomyaalka oo ahayd 46 noqotana 23.Ugxan qarxinta ka dib, ayaa si dhakhsa ah, unugyadii ka haray goonkii dillaacay, ay weynaadaan oo noqdaan waxa loo yaqaan jir huruud.Jir huruudku wuxu koraa muddo ah toddoba ilaa siddeed casho, muddadaasi oo u dhiiqiyo boroojesteeroon iyo esteroojin intii hore ka badan.
Markaa, haddii ugxanta la bacrinwaayo, wixii uu dhiiqi-yay jir huruudku iyo isaguba way yaraadaan.Maalinta 26 ama 27 marka laga bilaabo markii cisada bi laabantay, boroojeesteeroonku dhammaantii wuu istaagaa, es-terojiinkuna aad buu u yaraadaa. Markaa laba casho ka dib,cisada ayaa mar dambe bilaabanta, sababta oo ah ribnaanta boroojesteeroonka iyo esteroojiinka ee hoos u dhacday.
Shaqada meertooyinka
1. Shaqada ugu muhiimsani waxa weeye in bil kasta loo diyaariyo indhomitreyamka, si uu u suura geliyo in la uuraysto. Haddii la uuraysan waayana, indhoomitreyamka lakabya. diisa sare ayaa soo go'a oo noqda cisada. Haddii ugxanta la bacrimiyay meertada cisada sida hoos ku qoran ayay noqotaa oo isu beddeshaa.
1. Jir huruudku ma baaba'o ee waaraa muddo. Haddii jir huruudka la jaro bilana ugu horreeya se uurka, qofku wuu dhiciyaa.
2. Ugxanta la bacrimiyay si dhakhso an waxay u bilow daa inay noqoto uurjiif; taas oo raacda dhuunta ilmagaleenka co ku abuuranta indhoomitreyamka, siddeed maalmood marka la-ga joogo muddadii bacriminta.
Cisagoys
Qulqulidda cisada waxay bilaabantaa marka la yahay 13 jir, inkasta oo ay ku xiran tahay qofka sixadiisa iyo hiddihiisa. Marka da'da qoiku gaaro isa 45 jir, cisadu way istaagtaa wa-xana loo yaqaan cisagoys. Siddeed iyo labaatankii maalmood-ba waa inay cisadu hal mar timaada, ilaa muddo u dhow 30 sanno, marka laga reebo haddii bacrimini dhacdo.
Osterogen: waa koox dheecaanno ah oo isku dheellitira ama xakameeya korida xubnaha taranka shaqada iyo dareenka kacsiga ee dumarka waxaana kamid ah sida dheecaannada kala ah oestradiol, oestriol, oesterone. Waxayna masuul ka yihiin abuurka iyo kor u qaadka xubnaha taranka ee dumarka sida koritaanka naasaha oo banaanka u soo baxa inta badan dheecaankaan wuxuu ka yimaadaa xubnaha ugxaanta dumarka u abuura waa dheecaan gaar u ah dumarka sababtoo ah wuxuu aad ugu badan yahay dumarka marka loo fiiriyo ragga. Dheecaankaan waxaa loo adeegsadaa mararka qaar daawo ahaan, waxaana lagu daaweeyaa dhibaatooyinka ku yimaada dhiigga caadada marka uu istaago, sidoo kale waxaa loo adeegsadaa daaweeynta burooyinka kansarka ku dhaca xubnaha taranka waxaa kale oo loo adeegsan karaa dheecaannada qaarkooda in lagu joojiyo naaska caanaha ka socda, haseyeeshee marar qaar waxaa loo isticmaalaa in looga hortago uurka.
Progesterone: waa dheecaan laga soo daayo xubnaha abuura ugxaanta dumarka ee lagu magacaabo (ovary) sidoo kale waxaa laga soo daayaa xiniinyaha ragga, waxayna masuul ka yihiin in ay xuubabka ilma-galeenka u diyaariyaan uur qaadista, haddii ilmo caloosha galana waxay ilaaliyaan oo ka taxadiraan uurka inta uu jiro, sidoo kale waxaa jira dheecaan kale oo lagu magacaabo progestogen waa mid kamid ah dheecaannada sida caadiga jirka ugu abuurma oo shaqadiisu tahay ilaalinta iyo taxadarka uurka. Dheecaankaan oo daawo laga sameeyay waxaa loo adeegsadaa daaweeynta dhibaatooyinka dhiigga caadada marka uu istaago, dhiig baxa ka dhasha ilma-galeenka maxaa yeelay wuxuu hor istaagaa xubnaha abuura ugxaanta ilmaha ka abuurmaan sidaasi daraadeed waxaa loo adeegsadaa ka hortaga uurka. Ilma-galeenka ama riximka waxay kamid yihiin xubnaha dumarka kuwooda ugu qaalisan, xubintan waxay ogolaataa in shahwada ragga dhex gasho gidaarada ku daaharan gudaha ilma-galeenka taasoo ka abuuranta uu-rjiifka xubintaan waxaa uu leeyahay af wareegsam ilma-galeenka (cervix)waa xubin u sameeysan qaab qoor oo kale ah waxayna isku xirtaa xubinta taranka ee dumarka iyo ilmogaleenka waa marin sii dhexmara xubinta taranka ee dumarka kaas oo isku dhejiya xubinta taranka ee dumarka iyo ilmogaleenka, marinkaan waxaa kaalmeeya dheecaan dareere ah oo jiidjiidma isla markaana leh xiidmo dhegdheg ah oo marwalba caadada dumarka marka ay timaada isbeddasha sidaasi darteed qoorta ilma-galeenka waxay awood u leedahay in ay isbalaariso marka ay ilmaha ka soo baxayaan.
Habka ay u sameeysmaan uur-jiifta: Habka ay u sameeysmaan uurjiifta waa nidaamyo aad u adag taasoo dhacda inta lagu guda jiro sideeda usbuuc ee ugu horreysa marka ay dhacdo bacriminta. Marka ugu horreysa waxaa kulma shahwada Aabbaha iyo ukunta katimid Hooyada waxaana meesha ka dhacaayo bacrimin, marka ay isla falgalaan ukunta iyo shahwada waxaa sameeysmaayo waxa loo yaqaan zygote, zygote-ka waxaa ku dahaaran xuub ka sameeysan sokor iyo borotiin kaasoo ka caawiya shahwada in ay si fudud ugu dhex dusto ukunta hase yeeshee zygote-ka wuxuu sameeysmaa 24 sac kaddib marka ay isla falgalaan ukunta iyo shahwada, waxay noqonayaan hal unug oo lagu magacaabo (zygote) zygote-ka wuxuu u qaybsamaa laba unug labadaas unug ayaa noqonaya afar, afartaas ayaa noqonaysa sideed ilaa ay ka noqonayso dhowr unug oo badan oo lagu magacaabo marula, marula-haas wuxuu dhex galayaa biyo oo unugyadii inta ay is nidaamiyaan ayey waxay u kala baxayaan laba dhinac. Kaddib unugyada waxay noqonayaan kuwa qeybsama marka loo fiiriyo qaab dhismeedkooda, waxayna noqonayanan unugyada waxa loo yaqaano (blastocytes) waxayna u qeybsamayaan unuygada ku yaala qeybaha sare iyo unugyada ku yaala qeybaha gudaha iyo sidoo kale dheecaanno.
Unugyada ku yaala qeybaha sare (outer cells) waa unugyada ay ka sameeysmaan mandheerta waxaana ku wareegsan unugyo kuwaas oo ka caawiya in ay ilmaha ku koraan ilma-galeenka hooyada, laakin unugyada loo yaqaano (inner cell) waa unugyada sameyn doonna xubnaha kala duwan ee jirka sida lafaha, murqaha, maqaarka, beerka iyo wadnaha unugyadaan waa kuwa si dhaqsi leh ku kora. Unugyada dhinaca isugu tagay waxaa ka sameysmaayo ilmo Eebbe idinkiisa, waxaana lagu magacaaba unugyadaas uurjiif(embryion) laakin biyihii galay waxa lagu magacaaba Yolk sac, maalinta ay shahwada dhexgashay ukunta kasoo bilaaw marka laga joogo laba usbuuc ayay unugyadii dhinaca u baxay waxay sameeynayaan laba xuub oo kala ah dubduleed{Ectoderm }iyo dub-gudeed{Endodrem}, marxaladaan waxaa lagu magacaaba (cadka labo xuublaha ah) usbuuca saddexaad waxay noqoyaan (cadka seddax xuublaha ah) seddaxdaas xuub waxay kala yihiin xuubka banaanka (Ectodrem) xuubka gudaha (Endodrem) labadaas xuub waxa u dhaxeeya oo samaysmaayo isbuuca seddaxaad maqaar seddexaad{mesoderm}. Unugyada maqaar dhexaadka( mesoderm) ayaa kala sikanaya oo borotiinno cusub sameeynaya waxaa lagu magacaaba borortiinnadaas {extramaterial substances}. Unugyadaas kala sikadey iyo borotiinnadaas uu sameystay ayaa waxa lagu magacaaba mesanchyme, mesanchyme waxaa ka dhalanaayo unugyo badan oo kamid ah cadka isku xiraha ee loo yaqaano cadka isku xidhaha (connective tissue).
Mesanchyme cells wuxuu u kala baxayaa dhowr jiho ayay kala aadayaan mensachyme-kaas oo sameeynaya cadka isku xiraha oo kala duwan qaar kamid ah unugyadaas mesanchyme cells ka ayaa u guuraya gudaha Yolk sac (biyihii) unugyadaas waxaa kale oo lagu magacaaba Hematopoetic stem cells waa unugyada bilowga u ah samaynka dhiigga kuwaas oo sameynaya unugyada dhiigga ee kala duwan. Yolka sac (vitelline sac) waa xuub sida kiish oo kale u sameeysan kaas oo caawiya maalmaha ugu horreeya ee uur jiifta caloosha ku abuurma, waxa kale oo loo maleeya in ay tahay meesha ay ka nafaqo qaataan iyo halka ugu horreeysa ee unugyada dhiigga gaduudan ka soo abuurmaan. Marka ay idlaato bacriminta caloosha hooyda waxaa ku sameysmaayo kiish ka buuxa biyo waxaa loo yaqaana (amniotic fluid) kaas oo uur jiifka ka caawisa dhibaatooyinka kor uga yimaada iyo koritaanka sidoo kale waxaa la diyaarinaa mandheerta (placenta) mandheerta waa xubinta ugu muhiimsan ee uur jiifka ka caawisa habsami u socodka dhaq-dhaqaaqa cunuga sidoo kale waxaa isla bishaan la diyaarinaa xubno badan sida indhaha, afka, dhuunta, daanka iyo sidoo kale waxaa la sameynaa unugyada dhiigga.
Halbowlaha quudiya ugxanta waa Halbowle ugxaameedka. Waxa uu si toos uga yimaadaa garka caloosha ( abdominal aorta) waxa uu soo aadayaa ugxaan sidaha. Waa halbowlaha ugu ee quudiya. Waxaa kaloo quudiya halbowlaha ilmagaleenka ( uterine artery), waxa uu ka yimaadaa laan kale oo halbowla ah( internal iliac artery). Isagana waxa uu quudiyaa ugxaan sidaha.
Dareen sidaha quudiya ugxaan sidaha.
1: Waxa quudiya dareen sidaha firkanaxa(Sympathetic Nerves). Waxa uu ka yimaadaa xangulaha ( T10 to T12). Waxa uu qaadaa xanuunka gaar ahaan xilliga ugxaanaynta, caadada ama haddii ay jirraan xanuunno kale. Sidoo kale waxa uu xakameeyaa qulqulka dhiigga.
2: waxaa kaloo quudiya dareen sidaha naxariista (Parasympathetic nerves). Waxa uu ka yimaadaa dareen sidaha tobnaad( vagus nerve). Se kuma laha door xooggan ugxaan sidaha.
Tixraaca.
1:Buugga habdhiska iyo shaqada jirka.
2:Buugga baayology ee dowlada kacaanka.
3:Dutta Obstetrics.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment