Casharka 5aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 5aad


Miskaha(pelvic).


Misigtu waxay ka kooban tahay afar lafood oo isku dha-laashan oo kala ah sinta (bidix iyo midig) oo middiiba ka koo-ban tahay saddex lafood oo isku dhalaashan) riciraha misigta iyo laf dhilifta.Miskaha waxa xagga dambe kaga yaala seedo xoog leh, oo isu haya lafaha sinaha iyo riciraha misigta ee laf dhabarta, xag-ga horena waxa kaga yaala seedo kale oo isu haya labada si-nood.Lafta sintu waxay ka kooban tahay, inta ilmuhu yar yahay, saddex lafood oo marka dambe isku dhalaala, iskuna noqda mid qura oo xeereysan. Lafta sare ee xeereysan, ee gacanta lagu dareemi karo, waxa la yiraahdaa iliyam. Lafta dhexе ее ho-rena soo xigta waxa la yiraandaa bubis, tan ugu hooseysa ce aynnu ku fariisano oo ah ta ugu xoogga weyn waxa la yiraahdaa ishyam.Saddexda lafoodba waxay ku kulmaan oo ay iskaga dha-laashan yihiin moqorka misigta ee uu ku wareego madaxa bowdadu. Moqorka hoostiisa waxa ah dalool ay ku jiraan nudo liifani, waxana uu yareeyaa culayska misigta.


Lafaha miskaha haweeneyda waa koox lafo ah kuwaasoo ka mid ah addimaha hoose ee jirka. Waxay abuuraan misko lafeed, taasoo taageereysa ilmagaleenka, kaadihaysta  iyo xiidmah. Miskaha waxay ku yaaliin qeybta hoose caloosha  iyo winiinta(spine) iyo lugaha. Waxay sameeyaan qaab dhis wareegsan oo gundhig u ah winiinta. Waxa ay ka kooban tahay seddex lafood oo waa wayn.


1. Ilium : laftan ku taala miska qeyb sarre.


2. Ischium  waxay ku talaa qeybta hoose iyo dhabarka sambe.


3. Pubis waxay ku talaa qeybta horre.


Seddexdan lafood waxay noqdaan kuwa midooba waxa lagu magacaaba  isgal misigeed(acetabulum). 


Shaqada.


1:Waxay  heysaa  jirka qeybta sarre culeyskiisa, marka la fadhiisanayo ama marka la taagan yahay. 


2. Waxay difaacdaa xubnaha sida ilmagaleenka, kaadihaysta,  iyo malawadka. 


3. Waxay fududeysaa dhalmada, qaabdhiska miskaha dumarka  waa uu balaaran yahay waana mid wareegsan taasoo u ogolaanayo ilmaha inuu soo maro xilliga dhalmada.


Waxa jira  qeybo loo qeybiyo miskaha haweenka. Waa afar qeyb oo waa wayn. Qaab waliba waxa uu leeyahay qaabdhis iyo gundhig u gaar ah.


1. Gynecoid pelvis (Most common in females)  qaabdhiskan waa midka ugu caansan haweenka leeyihiin .  Qaabkiisana waa mid wareegsan, aadna u ballaaran. Waa mida dhalmada ugu fiican ay haweenka ku dhallin karaan. Waxa si fudud u soo mara ilmaha.


2. Android pelvis : miskahan badanaa waxa leh ragga, se dumarka waa lagu arkaa. Qaabkiisa waa sida wadnaha oo kale.  Waxa uu u furan yahay qeybt sarre(intlet) waxa uu cariiri ka yahay qeybta hoose. Xilliga dhalmada waa mid adag.


3. Anthropoid pelvis:  qaabkiisa waa horay tu gasaad, waa suuragal in hooyada caadi u dhasho, badanaa ilmaha waxa uu soo hormarsadaa wajiga.


4. Platypelloid pelvis: qaabdhiskiisa waa mid  fidsan, oo ballaaran( dhinac  ilaa dhinac kale ). Waa aynna adag tahay in hooyada ay dhasho. Waxay u baahanaheysaa  qaliin.


Farqiga u Dhexeeya Miskaha Dumarka iyo Ragga.


Miskaha haweenku way ka duwan yihiin kuwa ragga, ilaahayne isku abuur kama dhigin, miskaha haweenku way ka balacsan yihiin kuwa ragga, dhexda miskaha dumarkuna waa wareeg oo kale, ragguna sidaa maahan. intaas wuxuu Alle ugu talagalay uurka iyo dhalmada.Haweentu markay qaan gaarto, miskaheeda iyo garbaheeda, waxaa ballacsan miskaheedu, ragguse waa caksi.


1. Qaabka Guud ee Miskaha:


Dumarka: Miskaha dumarka waa mid ballaaran, gaaban, leh laf-fidsan,  god dhexe oo wareegsan. Qaabkan ayaa u sahla ilmaha inuu si fudud u soo maro xiliga dhalmada.


Ragga: Miskaha ragga waa cidhiidhi, waa mid dheer, laf-adag oo leh god dhexe oo qaro weyn, lagana eego dusha sare wuxuu u egyahay qaabka wadnaha (heart-shaped).


2. Xagasha U Dhaxaysa Lafta bisiqda(Subpubic Angle):


Dumarka: Xagashan waa mid ballaaran (in ka badan 80–90°), taas oo kor u qaadda fursadda dhalmada dabiiciga ah.


Ragga: Waa xagal cidhiidhi ah (qiyaastii 50–70°), mana ahan mid u diyaarsan dhalmada.


3. Ilma-galeenka Godkiisa (Pelvic Inlet):


Dumarka: Godka sare ee miskaha (pelvic inlet) waa mid wareegsan  ah oo ballaaran( oval).


Ragga: Godka sare waa wareegsan(oval) dherer ah, laakiin cidhiidhi ah marka la barbardhigo dumarka.


4. Dhererka iyo Xajmiga Miskaha:


Dumarka: Waa mid gaaban oo ballaaran.


Ragga: Waa mid dheer oo dhuuban.


Dumarka: Lafaha miskaha waa khafiif, fidsan,jileec ah si ay u fududeeyaan dhalmada.


Ragga: Lafaha  miskaha waa kuwa culus, dhumuc weyn leh, waxayna taageeraan culayska muruqyada jirka sare.


6. Shaqada Miskaha:


Dumarka: Waxaa uu door muhiim ah ka ciyaaraa qaadista uurka iyo fuddudaynta dhalmada.


Ragga: Waxaa uu xooga saaraa taageeridda jirka iyo muruqyada xooggan.


Sagxad misigeed( Pelvic Floor).


Saxgada miskaha waa lakabyo xooggan oo ka sameysan murqo iyo cad isku xire ah kuwaasoo taageerid xooggan siiya xubnaha ku jirra  miskaha. Sida kaadi haysta, ilmagaleenka,  saxaha, malawadka.

Waxa jirra koox murqa ah kaalin wayn ka geysta  caawinta miskaha(levator ani).


1:Pubococcygeus:  muruqani waxa uu taageeraa kaadi heysta, saxaha, ilmagaleenka,  iyo malawadka.  Waxa uu ilaaliyaa in aysan ka dhaqaaqin booskooda, waxaa  kaloo uu caawiyaan saxaha iyo marrinka saxarada.


2:Puborectalis:  murqani waxa uu ka sameysan yahay gool ku wareegsan malawadka,  waxa uu caawiyaa dhaqaaqa xiidmaha. Waxa uu ilaa Malawadka, isagoo xidhaya marka aysan jirin wax saxarro ah.


3:Iliococcygeus:  muruqani waxa uu taageerayaa xubnaha miskaha, isagoo ka hortaga in ilmagaleenka iyo saxaha ay soo dumaan. Waxa jirra muruq yar  lagu magacaabo muruq dabagibinlay(coccygeus), waxa uu ku yaalaa qeybta dambe ee koox muruq ah( levator ani) waxa uu caawiyaa  qeybta daba gibinta  iyo qeybta hoose ee miskaha. Dhammaan murqahani waxay xoojiyaan ama taageeraan xubnaha miskaha ku jirra, waxay xakameeyaan kaadida, saxarada, iyo dhalmada.


Cadadka daboola miskaha.


Waxa  ku daboollan cad isku xidha ah kaasoo ilaaliya xubanaha ku jirra miskaha( pelvic).


Waxa loo qeybiyaa labo qeybood.


1:Kood nudeed(Parietal fascial:  waxa uu dahaaraa darbiyada miskaha iyo murqaha miskaha. 


2:Daboole nudeed(Visceral fascia): waxa uu dahaaraa xubnaha ku jira miskaha. Sida ilmagaleenka,  kaadihaysta,  malawadka.


Daboolayaashani xubnaha waxay innaga caawiyaan in booskooda ay ku nagaadaan, waxay ka hortagaan in ay soo dhacaan.


Waxa jirra cadad si gaara u xoojiya ilmagaleenka iyo saxaha.


1:pubocervical fascia cadkana isku xidhaha waxa uu ku yaalla  inta u dhexeysa kaadihaysta iyo saxaha. 


 2:Rectovaginal fascia cadka isku xidhaha waxa laga helaa inta u dhexeysa malawadka iyo saxaha, waxa uu ka hortagaa  in malawadka uu  soo dhaco.


 3:cardinal ligaments: seedan waa mid xoog badan isku heysa luqumaha iyo qeybta sarre ee saxaha.


4:Uterosacral ligaments: seedan waxay ka imaaneysaa luqumaha darbiyadiisa dambe ee miskaha iyo waxa iu ilaaliyaa ilmagaleenka. 


6. Maxay Muhiim U Tahay Murqaha iyo cadka isku xidhaha Miskaha?


1:Waxay taageeraan xubnaha ku jira miskaha, waxayna ka hortagaan in uu soo raacsamo (prolapse).


2:Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan hanannaanka kaadi-siidaynta iyo saxarada, iyagoo fura ama xira kaadi-haysta iyo marrinka .


3:Sidoo kale, waxay lama huraan u yihiin howlaha galmada iyo dhalmada. 


4:Haddii murqaha ama cadka isku xidhaha daciifaan ama dhaawacmaan, waxay sababi karaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin:


A:Minka oo soo raaraacsamo(Uterine prolapse –) minka oo ku soo dhaca gudaha saxaha.


B:Kaadi haysta isku soo dunta(Cystocele – )kaadi-haysta oo ku soo dhacda saxaha.


C:Kaadida oo baxsata(incontinence).


Shaqada Murqaha  Miskaha (Pelvic Floor Muscles)


Murqaha miskaha waxay qabtaan shaqo aad u muhiim ah. Waxay taageeraan oo isku hayaan xubnaha muhiimka ah ee ku jira miskaha, sida kaadi-haysta, malawadka (uterus) iyo mindhicirka hoose.


Murqahan waxay si firfircoon ula shaqeeyaan xubnaha jidhka u qaabilsan kaadida iyo saxarada, sida tuubada kaadidu ka baxdo iyo marrinka saxaradu marto. Murqaha  miskaha ee caafimaadka qaba waxay si iskood u noqdaan kuwa koga ama kala baxa.Shaqada murqaha  miskaha waxay ku xirnaan kartaa xubnaha taranka ee qofka. Sidaa darteed, murqahani waxay si kala duwan u shaqeeyaan iyadoo ku xiran jinsiga qofka (lab ama dhedig).


Tixraacyo .


1. Snell’s Clinical Anatomy by Regions, 10th Edition.


2. Gray’s Anatomy for Students, 4th Edition.


3. Moore’s Clinically Oriented Anatomy, 8th Edition.


4. Amboss Medical Library – “Pelvis: Male vs Female Differences.”


5. Medscape – “Pelvic Structure and Gender Variations.”


6. Mayo Clinic – Clinical education section on female and male anatomy.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad