Casharka 6aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 6aad





SIDA AY U DHACDO CAADADA IYO CIRIQA{ HORMOON} MAAMULA {Hypothalamo-Hypophysis-Gonadal –Axis}. 


                                                            

Qeybtan waa qeybta maamulaysa caadada dumarka bil-waliba marka uu jirkeeda isu diyaariyo in uu cunug cusub ilmogaleenkeeda galo haddii uu ku beermi waayo way burburaysaa sidaasi darteed waxaa ka imaanaayo dhiig waxa loo yaqaanaa arrintan caadada dumar-ka (menstrual cycle). Si howshaas is diyaarinta ay u bilaabato ammarka guud wuxuu ka imaanayaa hypothalamus-ka qeybtiisa bu'da(nucleus arcuate-ka) wuxuuna soo daynaa hoormoonka {Gonadotropin releasing hormone}, hoormoonkaas ayaa aadaya qeybta hore ( hypophysis-ka) kaasoo soo daynaya hoormoonnada Gonadotrpic hormone, hoormoonnada Gonadotrpic waa labo hoormoon waxayna kala yihiin follicle stimulating hormone iyo luteinizing hormone.Gabadha inta aysan dhallan ayay ukumankeeda diyaar yihiin oo inta ay ilmogaleenka hooyadeed ku jirto waxay leedahay qiyaas ahaan 7 milyan oo ukun.  Gabadha ugxaanteeda howsha badashada ee loo yaqaan qeybsanka ugu horeeya {first meiotic division} waxay bilaabanaysaa inta ay caloosha hooyadeed ku jirto laakin ma dhammaystireyso badashada unugyada taranka qeybteeda kowaad ee waxay ku hakinaysaa marxalada loo yaqaan waji tabaabusho {prophase}. 


Marka ay gabadha dhalato dhexdhexaad waxaa u soo haraysa labo milyan oo ugxaan ah laakin marka ay qaangaarto waxaa usoo haraayo 400 oo ukun. Ukumahaas waxaa ku hareraysan ama ku wareegsan unugyo fidsan oo loo yaqaan ibisiiliyamta fidsan(Epithelial flat cells), unugyadaan ku wareegsan waxay shaqadoodu tahay in ay quudiyaan ama ay raashiin siiyaan ukunta, ukumankaas ay ku heerarsan yihiin {Epithelial flat cells} waxaa loo yaqaannaa unugyadabtaraka( Primordial follicules) oo ah unugyada taranka ee aasaasiga ah. Unug taranleyda(Primordial follicules-yada) 15 ilaa iyo 20 ka mid ah ayaa bilwalba koraayo oo unugyadii ku heeraarsanaa ukunta ee fidsanaa waxay noqonayaan unug afargeesood ah (cupoidal cells) sidaas ayuu magaciisa ku noqonayaa unug taranley( primary follicules) macnaha primordial follicule wuxuu isku beddelayaa unug taranle( primary follicule). Hoormoonka loo yaqaan follicule stimulating hormone (FSH) ayaa (primary follicule) u beddelaya goonta labaad( secondary follicule) oo unugyadii ku heeraarsanaa oo halka saf ama ahaa marka uu ahaa (primary follicule )waxay noqonayaan dhowr saf ama dhowr  wareeg, unugyadaas ku wareegsan ukunta waxaa loo yaqaannaa unugyo quruxuxeed(Granulosa cell). Inta u dhexeysa ukunta iyo Granulosa cell waxa ka samaysmayo maado loo yaqaan glycoprotein waa maado ka kooban sokor iyo borotiin, wareegaas u dhexeeya ukunta iyo Granulosa cell waxaa lagu magacaabaa Zona pelucida, shaqada ay qabanayso Zona pelucida waa marka ay bacriminta dhacdo oo hal shahwada(sperm) uu ukunta dhex galo wuxuuna u diidayaa in ay shahwada kale soo galaan gudaha ukunta shaqada kale ee ay qabato zona pelucida waa in aysan u ogolaanaynin gudaha ukunta wax aan ka ahayn manida bani’aadamka. Granulose cells-yada ayaa waxaa ku sii wareegsan unugyada cadka isku xiraha ah ee (connective tissue). Unugyadaas ayaa laba saf noqonayo oo safka hoose waxaa lagu magacaabaa hooseeye(Theca cell intern ) iyo safka banaanka oo lagu magacaabo unug dibadeed( Theca cells extern). Unugyada (Theca cells) waxay samaynayaan hoormoonka ragga oo loo yaqaan Androgen oo waxay u gudbinayaan maadadaas granulose cells-ka ayaa maadadaas ka samaysanaya Estrogene. Secondary follicule granulose cells-yadiisa ayaa dhexdiisa ka buuxsamaysa biyo oo biyahaas waxay riixayaan qaar ka mid granulose cells-yada iyo ukunta oo magaciisa wuxuuna noqonayaa {graffian follicule}. 


 Xuubka gudaha ee ilmogaleenka waxaa lagu magacaabaa xuub-ilmagaleen {endometrium}, estrogen-ka xuubkaas ayuu amar ku siinayaa in uu bato oo uu sameeyo xuub cusub oo xiddido dhiig ah waxaa kale ee uu samaynayaa dhuunta ilmogaleenka dheecaankiisa adkaa oo buurnaa in uu dabciyo uu jilciyo si xawada ay ugu sahlanaato in uu gudaha ilmogaleenka ku soo galo badashadaas uu badanaayo xuubka hoose ee ilmogaleenka waxaa lagu magacaabaa isbadin {proliferation}. Estrogen-ka marka uu dhiigga ku bato ayuu wuxuu amar ku siinayaa hypothalamus-ka in uu yareeyo soo daynta (FSH), arrintaas waxaa loo yaqaannaa dib u quudsi taban(negative feedback) (jawaabab dib u celin ah) maxaa yeelay soo daynta estrogen-ka waxa u sabab ah FSH-ka, estrogen-kii ayaa dib u joojinaya FSH-ka. Waxaan horay u soo sheegnay bil-walba 10 ilaa 20 (primordial follicule) ayaa isu beddelaayo (primary follicule) oo isku dayaya in ay ukunta qaan gaar ah noqdaan, laakin koritaankooda waxaa u sabab ah FSH, marka FSH-ka uu dhiigga ku yaraado waxa wadda qaadanaya inta yar ee FSH-ka la soo daynaya hal ukun oo kamid ah oo si fiican u koraysa meesha inta kale waynayaan FSH oo ay sidaas koritaankooda ku joogsanaysaa oo sidaas ayey ku burburayaan iyaga oo xitaa aanan dhammaystirin howshooda badashada unugga qeybtiisa kowaad (first meiotic division), badashada unug-yada taranka qeybtiisa kowaad. 


Marka ay marayso maalinta 14-aad haddii gabadha caadadeeda ay tahay 28-dii maalinba hal mar macnaha dhexbartanka caadada macnaha inta aysan ukunta soo bixin (ovulation) FSH-kii oo yaraaday darteed waxaa uu (hypophysis-ka )soo daynayaa hoormoon kale oo lagu magacaabo luteininzing hormone. Hoormoonkaan ayaa dhiigga galaya oo aadaya graffian follicule-ka wuxuuna dabcinayaa unugyada ku heeraarsan unugyada(Theca cells-ka) darbigiisa, wuxuuna ballaarinaa xiddida dhiigga ee galaya halkaas sidaasi ayaa biyihii ku jiray gudaha qeybta labaad goonta(secondary follicul-ka )ku badanaa. Qeyb ka mid ah unugyada(Theca cells) ayaa aad u jilcaayo qeybtaas jilicday ee goon garaafka(grafian follicule-ka) waxaa loo yaqaannaa nashaadi(stigma) oo halkaas ayay ukuntii banaanka uga soo baxaysaa, waxaana ukunta la soo baxaayo qaar ka mid ah( granulose cells) oo magacooda uu noqonaayo maatar caddaha(Corona Radiata )oo sidaas ayay ukuntii kusoo galaysaa tubada ilmogaleenka (fallopian tube). Goon garaafka(Graffian follicule-ka ) ay ukunta ka soo baxday magaciisa wuxuu noqonayaa jirka jaalaha (corpus luteum). Saacado yar ka hor inta aysan ukunta ka soo bixin (graffian follicule-ka) waxaa dhammaystirmaayo howsha badashada unugga taranka jirkaas jaalaha haddii ay ukuntii hesho xawo ah ma burburaayo oo wuxuu noqonaa qanjir wuxuuna soo daynaa hoormoon loo yaqaan progesterone. Sidaasi darteed ayaa ka soo bilow gabadha maalinta kowaad ee ay caddada bilaabato macnaha dhiigga ku dhaco ilaa iyo maalinta ay ukunta diyaar ka noqoto dhexdhexaad maalinta 14-  aad waa haddii gabadha 28-dii maalinba ay caadada ku dhacdo waxaa lagu magacaabaa marxalada is badinta {proliferative phase}. Macnaha ka soo bilow marka uu hypothalamus-ka soo daayo hoormoonka loo yaqaano gonadotropin releasing hormone (GTRH) kaas oo amraya hypophysis-ka in uu soo daayo FSH, FSH-kane uu (primary follicule-ka) u beddelo {secondary follicule} sidaasi darteed (secondary follicule-ka) wuxuu soo saara estrogen, estrogen-kana wuxuu ku amraa xuubka hoose ee ilmogaleenka in uu bato oo uu sameeyo xuub cusub oo ka samaysan dhiig, sidaas ayuu (secondary follicule-kii )ku noqonayaa goon garaafka (graffian follicule ) marxaladaan waxaa loo yaqaannaa marxalada isbadinta {proliferative phase} marxalada badashada unugga.

Kaddib ayaa waxaa bilaabanaya marxallada ku xigta oo haddii xawada (sperm) uu galay gudaha ukun macnaha ay dhacdo bacriminta jirka jaalaha (corpus luteum)-ka wuxuu soo daynaa ciriqa {hoormoonka} progesterone-ka wuxuuna shaqaynayaa10 ilaa iyo 12 maalmood ha dhacdo bacrimin ama yaysan dhicin. Ciriqa ( Hoormoon)-ka uu soo daynayo jirka jaalaha ee lagu magacaabo progesterone wuxuu badinayaa xiddida dhiigga ee ka samaysmay xuub ilmagaleenka( endometrium) wuxuuna samaynayaa qanjirro. Xub ilmagaleenka(Endometrium)-ka wuxuu ka samaysan yahay seddex xuub, hal xuub oo kamid ah waa xuub joogto ah labada xuub kale waa labo xuub oo aanan joogto ahayn oo waxaa bilaabaya  samaynteeda Estrogen-ka laakin waxaa dhammaystiraya oo sii haynaya progesterone-ka. 


Seddexdaas xuub waxay kala yihiin: 1. Xuubka joogtada ah oo aanan burburaynin waxaa lagu magacaabaa lakab salad (Basal layer). 2. Xuubka ku xigga waa xuub aanan joogto ahayn oo qanjir ah waxaana lagu magacaabaa {Glandular layer}. 3. Xuubka ku xigga waa xuub aanan joogto ahayn waxaana magaciisa la dhahaa {Stratum compactum} labada xuub ee {glandular layer} iyo xuubka {stratum compactum} waxaa lagu magacaabaa lakab shaqeed (functional layers) oo waxay ka samaysan yihiin marxallada kowaad ee caadada dumarka. Ukunta marka ay xawada gasho oo ay bacriminta dhacdo waxay noqonayaan hal ukun oo loo yaqaan ziogt. Zigot-ka ayaa sii badanaya oo wuxuu ku badanayaa habka mitosis-ka isaga oo u sii socda dhinaca ilmogaleenka. Marka uu gudaha ilmogaleenka uu galo oo uu ku beermo darbiga xuub ilmagaleenka (endometrium)-ka dhexdhexaad waa maalinta 8-aad kaddib bacriminta wuxuu soo daynayaa maado lagu magacaabo Human Corionic Gonadotropin oo lagu soo gaabiyay hCG. 

Maadada hCG waxay galaysaa dhiigga oo waxay amar ku siinaysaa jirka jaalaha (corpus luteum). In uusan burburin oo uu sii waddo soo daynta progesterone-ka. Jirka jaalaha ayaa asigane waynaanaya oo progesterone-ka badan intii hore soo daynaya sidaasi darteed Estrogen-ka iyo progesterone-ka ayaa si wadajir ah u joojinaya FSH-ka si aanan ukun cusub loo soo saarin maxaa yeelay ilmogaleenka waxaa ku samaysmaayo cunug cusub. Haddii ay dhiciwayso in ukuntii hesho xawada  ama shahwada ama aysan dhicin bacrimin, ukuntii way dhimanaysaa oo way burburaysaa oo waxaa liqaayo unugyada difaaca jirka kuwooda loo yaqaan liqaha {macrophage}. Jirkii jaalaha (corpus luteum) ahaana 12 maalmood kaddib wuxuu dareemayaa in aysan dhicin bacrimin, maxaa yeelay uma imaanin maadada hCG oo sidaas ayuu ku burburayaa oo progesterone-kii la soo saarayay ayaa meeshiisa ku joogsanaayo, Sidoo kale progesterone-ka wuxuu xifidinayay oo uu sii horumarinaayay labada xuub dhiig la'aan ayaa ku dhacaysa oo sidaas ayay ku burburayaan oo sidaas ayuu dhiigga kaga imaanaya dumarka oo waxaa markale la soo daynayaa FSH si uu u soo bilaabo howshii oo dhan sidaa daraadeed ayay gabadha bilwalba dhiig uga imaanayaa ilaa inta ay uur ka qaadayso.  Waxaan si guud uga soo hadalnay sida ay hoormoonnada u maamulaan dhiigga caadada gaar ahaan labada hoormoon ee kala ah FSH iyo LH.




W/D:

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad