Casharka 7aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 7aad
Sameysanka mandheerta(Development placenta).
1:Sameysanka mandheerta waxa uu ka soo unkamaa xilliga ay kulmayaan xawada aabbaha ka timaada iyo ugxanta hooyada ee ku kulma ilmagaleenka hooyada. Marka bacraminta ay dhacdo waxa sameys unugyo hal-lay ah( Zygote). Unugyada hal-lay waxay bilaabayaan in ay qeybsamaan, waxay u jihaysanayaan ilmagaleenka. Unugyada hal-layda ah marka ay qeybsamaan waxay noqonayaan unugyo sida kubbada oo kale ah(Blastocyst), unugyadaas waxay u qeybsamayaan laba qeybood.
1. Unugyada dibada(trophoblast) kaasoo sameynaya mandheerta.
2. Unugyada cufan ee guddaha(inner cell mass) kaasoo ka sameysmaya uurjiifka.
Unugyada sida kubada oo Kale ah(Blastocyst)waxay ku dhagayaan wareega ilmagaleenka.Unugyada ay ka sameysmayaan mandheerta waxay samaynayaan lakabyo cusub oo laba ah.
1: unugyada lakabka hoose ee mandheerta(Cytotrophoblast ).
2: unugyada lakabka kore ee ka dusaya darbiga ilmagaleenka(Syncytiotrophoblast). Unugyadan waxay innaga caawinayaan in ay ku dhagaan ilmagaleenka, iyo innay isku xiraan dhiigga hooyada iyo uurjiifka.
Sameysanka dulaalaatida yar
(Lacunae Formation).fogaanta yar ay leedahay guddaha unugyada lakaba kore( syncytiotrophoblast) waa mid yar. Waa halka ay ka bilaabaneyso in ilmaha nafaqada ay ka helaan iyo ogsijiinta hooyada.
Uurjiif-duleed(Extraembryonic Mesoderm Forms ). Lakabka cusub ee uurjiif duleedka waxa uu ka soo muuqanayaa unugyada mandheerta iyo ilmaha. Fogaanta yar ee ku sameysan lakabka korre waxay sameeyaan fogaan wayn lagu magacaabo moqor qaaxeedka.
Sameysanka fangaraaleyda(Chorionic Villi Form). Koritaanka unugyada mandheerta iyo unugyada lakabka sarre ka dusaya ilmagaleenka ( cytotrophoblast grows into the syncytiotrophoblast) waxay sameeyaan fangaraaley lagu magacaabo fangaraaleyda koowaad. Kaddib uurjiif duleedka waxa uu aadayaa guddaha fangaraaleyda, waxa lagu magacaabaa fangaraaleyda labaad. Kaddib xiddida dhiigga guddaha ayaa koroya, waxa lagu magacaabaa fangaraaleyda seddexaad. Fangaraaleyda waxa uu innaga caawinayaa ilmaha in uu qaato ogsijiin iyo cunnada hooyada kaga imaneyso.
Sameysanka xiddida dhiigga(Maternal Blood Supply Develops). Xiddida dhiigga hooyada(spiral arteries) waxa uu ka yimaadaa ilmagaleenka. Isagoo dhiigga u keenaya fogaanta wareegga fangaraaleyda (intervillous space). Xididdada dhiigga hooyada iyo ilmaha ma ahan kuwa isku qasmaya, laakiin nafaqada iyo ogsijiinta waxa ay ka soo gudbaan darbiyada jilicsan. Tani waxay qeyb ka qaadaneysaa koritaanka ilma.
Sameyaanka mandheerta) waxay sameysataan dhammaadka bilaha ugu horeeya ee hooyada uurka leh). Marka mandheerta waxay u shaqeyneysa si dhammeystira. Waxay leedahay laba dhinac.
1. Dhinac waxa ay ka timaadaa xagga ilmaha( chorion)
2. Dhinac waxa ay ka timaadaa hooyada( decidua basalis).
Mandheerta waa xubin ku dhex korta ilmagaleenka hooyada, xilliga uurka. Waxay isku xidhaa hooyada iyo uurjiifka. Waxay ka caawisaa koritaanka ilmaha, iyo badqabkiisa. Qaabkeeda waa sida wareeg oo kale. Culasykeeda waxa uu gaaraa 500 ilaa 600 gram. Waxay leedahay labo qeybood qeyb ilmaha ka timaada, iyo qeyb hooyada ka timaada. Waxa isku xidha xudunta. Hal aroore kaasoo keena ogsijiinta iyo nafaqada ilmaha.
Labo halbowle,kaasoo qaada waxyaabaha wasaqda ka yimaadaa uurjiifka.
Shaqada ay qabato.
1: Nafaqada. Waxay soo qaadaa waxyaabaha nafaqada leh, waxay ka soo qaadeysaa hooyada, waxay u soo gudbinaysaa uurjiifka ( sokor, amino aysiidh, faytamiinis,macdanno).
2:Oogsijiin. Waxay soo qaadaa ogsijiin iyadoo ka soo qaadeysa hooyada, una soo gudbineyso ilmaha.
3: Wasaq: waxay saartaa waxyaabaha wasaqeysa sida kaarboon labo ogsaydhka, iyo yuuriyada ka timaada ilmaha.
4: Waxay soo saartaa hormoonno. Kuwaasoo muhiim ah.
A: Human Chorionic Gonadotropin: waxa uu ilaaliyaa sii jiritaankaa uurka.
B: Progesterone: waxa uu ilaaliyaa ilmagaleenka dabaciisa, waxa uu ka hortagaa kogigaanka ilmagaleenka(contraction).
C: Estoroojiinka: waxa uu kaalin ku leeyahay koritaanka ilmagaleenka iyo diyaarinta caanaha.
D:Human placental lactogen: Waa dheecaan kamid ah dheecaannada koritaanka ee jirka waxaana soo daayaa mandheerta ama mandheerta (placenta-aha ) waa meesha uu cunuga ka helaayo cunto iyo hawo si uu cunuga ugu koro, dheecaankaan waxaa la soo daayaa isbuuca labaad ee hooyada marka ay uurka leedahay wuxuuna dhiigga ku sii jiraa isbuuca seddexaad ilaa iyo isbuuca lixaad si tartiib tartiib ah ayuu dhiigga ugu siyaadaa waa inta ay haweenayda uurka leedahay.Inta ay haweenayda uurka leedahay dheecaankaan waxyaabaha uu u qabanaayo waxaa kamid ah in uu isku dheellitiro dheefsashada(metabolism-ka )ka dhexdhaco jirka dhexdiisa si uu cunuga u helo tamar sidoo kale dheecaankaan wuxuu ka qeyb qaataa in sokorta dhex-taalo dhiigga laga soo qaado si loo geeyo unugyada jirka si markaas uu cunugga uga helo nafaqo.
5: Difaac: hooyada xageeda waxa ka imanaya lidjidh gale si uu ilmaha u ilaaliya ka hor inta aanu dhallan.
Mandheerta waxa loo qeybiyaa seddex qeybood.
1: Qeybta korre ee jirta xagga ilmagaleenka ( fundal placenta).
2: Qeybta horre xigta darbiyada ilmagaleenka ( anterior placenta).
3: Qeybta dambe: waxay xigtaa xagge dambe darbiga ilmagaleenka( posterior placenta).
Hab wareegga dhiigga ee uur jiifta(fetal circulation).
Hab wareegga dhiigga ee uur jiifka waa hab wareeg kaas oo ka u dhexeeya hooyada iyo cunugeeda caloosha ku jira.Uur jiifka caloosha ku jira wuxuu ku tiirsan yahay oo hawo iyo cunta ka helaa caloosha hooyada iyadoo u soo marsiinaysa mandheerta, mandheerta waa unug ku dhex jira ilmagaleenka, kaas oo ku xiran uur jiifka, shaqadeeda ugu weyn waxay tahay nafaqo siinta uur jiifka iyo hawo u gudbinta (oxygen) sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa isku dheelitirka dheecaannada jirka qaarkood gaar ahaan kuwa caawiya jiritaanka uurka.Mandheerta iyo uur jiifka waxaa isku xira xuub xarigeed dheer ah kaasoo ka kooban labo xidid oo kala ah mid dhiigga ka soo qaada mandheerta (umbilical artery), midna dhiigga u geeya uur jiifka (umbilical vein).
Ogsijiinta ama hawada iyo nafaqada ka imaanaya hooyada waxaa loo gudbinayaa uur jiifka iyadoo loo marsiinaayo mandheerta waxaana kasoo qaadaya xariga dheer ee isku xira mandheerta iyo uur jiifka kaasoo loo yaqaano xuddun( umbilical cord).
Xariga dheer ee isku xira mandheerta iyo uur jiifka waxaa mara tubbooyinka dhiigga qaada kuwaas oo kusoo xira qeybta hoose ee arooraha lagu magacaabo aroore wayne( inferior vena cava) wuxuuna u sii gudbinayaa moqorka sare ee midig ee wadnaha, dhiigga ay ogsijiinta ku badan tahay ee ka yimid hooyada wuxuu wadnaha kasoo galaya dhanka midig wuxuuna u sii gubinaya dhanka bidix ee wadnaha.
Marka uu soo gaaro dhanka dhiigga moqorka bidix ee wadnaha waxaa loo sii gudbinayaa halbowlaha weyn kasoo u sii qeybinaya jirka qeybahiisa kala duwan sida maskaxda, wadnaha iyo qeybaha hoose ee jirka.Dhiigga wasaqeysan ee ogsijiinta ku yar tahay kaasoo ka imaanaya uur jiifka waxaa soo qaadaya xuddun halbowleed(umbilical arteries )wuxuu wadnaha kasoo galaya dhanka midig wuxuuna ugu sii gudbayaa dhanka bidix ee wadnaha waxaana loo sii gudbinayaa sambabada si loogu soo daro ogsijiin/hawo.
Tixraacyo:
1. Cunningham, Williams Obstetrics, 26th Edition – Cutubka Embryology iyo Horumarka Mandheerta.
2. Dutta’s Textbook of Obstetrics, 9th Edition – Cutubka: "Placenta and Fetal Membranes".
3. Moore’s The Developing Human: Clinically Oriented Embryology, 10th Edition – Qaybta horumarka mandheerta.
4. AMBOSS – Qormada: “Placenta and fetal membranes development”.
5. Medscape – Maqaallada ku saabsan: “Placenta Anatomy and Function”.
Comments
Post a Comment