Casharka 14aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 14aad


Heerarka uu maro uurjiifka.


UURKA BISHA 1-AAD ILLAA BISHA 9-AAD:


Bisha Koowaad: bisha koowaad ee uurka shaqooyin badan ayaa dhacaya si ilmaha abuuristiisa u dhacdo. Marka koowad uur qaadis ayaa dhacaysa, bacrimin ayaa ku xigta, kadibna waa in ukuntii yarayd ee la bacrimiyay lagu dhajiyaa darbiga minka 7-10 bari marka laga joogo bacriminta ukunta ayaa waxaa dhacaya in ukunta lagu dhajiyo darbiga minka. Hadii ukunta lagu dhajiyo meel aan minka ahayn waxay sababaysaa in uurku ku samaysmo meel aan minka ahayn. Waa inaaad ogaataa bisha koowaad ee uurka waxaa dhaca waxyaaalo waawayn oo ay kamid yihiin, samayska xungulaha ilmaha, midabka timaha ilmaha oo la dooro, iyo midabka indhaha, dhammaadka bisha koowaad ilmahaagu qiyaastii waa 2 millimeter dherer ahaan.


Bisha Labaad: marxaladaan marka la marayo  waxaa la oran karaa uurjiif. Wadnaha, gacmaha, lugaha, beerka iyo dhammaan xubnaha kale ee waawayn waxay bilaabayaa inay si tartiib ah u samaysmaan. Isbuuca lixaad marka la marayo, wadnaha uurjiifku wuxuu bilaabayaa inuu garaacmo oo shaqeeyo isla markaas waxaa lagu arki karaa kumbiyuutarka loo yaqaan ultrasound. Mandheerta ayaa sidoo kale samayskeedu bilaabanayaa, sidoo kale indhaha, afka, dhagaha, iyo lafaha ayaa askunkoodu bilaabanayaa inta lagu jiro bisha labaad. Inta lagu guda jiro bishaan faraha iyo suulasha uur jiifku waa samaysmeen inkastoo laga yaabo inay wali xuub kujiraan. Neerfayaasha iyo maskaxda uur jiifka ayaa sidoo kale samaysmaya bishaan gudaheeda. Xubnaha taranka ee uur jiifka ayaa sidoo kale samaysma bisha labaad. Dhererka uur jiifka ayaa lagu qiyaasaa dhammaadka bishaan innuu noqdo 4-8 centimeter halka culayskuna noqon karo 1-2 gram.


Bisha Saddexaad: haddii kumbuyuutarka caloosha la saaro waa la arki karaa gacmaha iyo lugaha uur jiifkaaga oo dhaq dhaqaaqaya. Samayska xubnaha waawayn ee uur jiifka ayaa la dhammeeyaa dhammaadka bishaaan. Xubnaha taranka ee uur jiifka ayaa sidoo kale samayskoodu sii soconayaa bishaan, inkastoo aan la ogaan karin labnimada iyo dhadignimada uur jiifka. Wajiga uur jiifka ayaa sidoo kale si caadi ah loo garan karaa in cunug yar wajigiis uu yahay.


Bisha Afaraad: bishaan marka uurku marayo timaha iyo ilkaha cunuga ayaa samayskoodu bilaabanayaa. Sidoo kale ilmuhu wuxuu bilaabaa dhaq dhaqaaqiisa ugu horreeya, balse haddii aan la dareemin wax dhaq dhaqaaq ah bishaan gudaheeda ilaa laga gaarayo bisha shannaad waa shay caadi ah. Habka dheefshiidka ilmaha ayaa sidoo kale bilaabanaya inuu samaysmo bishaan, xiidmaha cunuga yar ayaa sidoo kale samasykoodu dhammaystirmayaa in kastoo laga yaabo in saxarada ugu horraysa ee cunuga yar jirkiisu sameeyo ay diyaar ku noqoto xiidmaha cunuga.


Dhammaadka bishaan waxaa macquul ah in la ogaan karo labnimda ama dhadignimada ilmaha. Dhererka ilmaha uur jiifka ah ayaa sidoo kale bishaan lagu qiyaasi karaa 10-16 centimeter, halka culayskiisana la qiyaasi Karro.


Bisha Shanaad: bisha shanaad badanaa isbeddelo waawayn ma dhacaan. Suuniyaha iyo baalasha indhaha ayaa sidoo samaysma bishaan. Uurjiifka wuxuu bilaabayaa inuu nuugo suulashiisa, sidoo kale cunuga yar wuxuu bilaa inuu wax liqo. Wax maqalka ilmaha yar ayaa sidoo kale caadi ah bishaan, waxaana laga yaabaa inuu maqlo hadalada dadka, siiba kan hooyada.


Bisha Lixaad: habka difaaca jirka ee cunuga yar ama cunugta yar ayaa samaysmaya bishaan. Sambabada iyo tuubooyinka hawa mareenka ilmaha ayaa sidoo kale samysma. Bisha lixaad ilmaha yar ee hooyada uurkeeda jiifa wuxuu u egyahay ilmaha caadigaa ee dhasha.  Dhererka ilmaha yar ayaa lagu qiyaasaa bishaan 18-20 centimeter.


Bisha Toddobaad: ilmaha yar wuxuu awooddaa inuu indhihiisa kala furo isla markaasna ooyo. Sidoo kale dhaq dhaqaaqa ilmaha ayaa siyaada bishaan ayadoo laga yaabo in xataa dadka kale arkaan dhaq dhaqaaqa uurjiifka. Dhammaan lafaha jirka kujira ee cunuga yar ayaa si fiican samayskoodu u dhammaystirmaa. Sidoo kale bishaan ilmaha waxa fuula baruur.


Bisha Sideedaad: bisha sideedaad marka uurka soo gaaro, majiri doonnaan samays ama abuuritaan wayn oo dhacaya. Balse wali ilmaha yar wuu korayaa si uu iskugu diyaariyo inuu banaanka ama adduunka yimaado. Bisha sideedaad wuxuu ilmuhu bilaabayaa inuu seexdo waqti badan.  Dhererka ilmahaaga yar ayaa bishaan noqonaya 33 centimeter halka miisaankiisuna noqdo 2.5-2.7 kg.


Bisha Sagaalaad: bishaan waa bisha hooyadu isku diyaariso dhalmada. Waxay hooyadu qaadataa waqti badan oo nasiinno ah. Sidoo kale ilmaha bishaan wuxuu gaaray waqtigii loogu tala galay ilmaha dhammayska ah. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu ku kala duwanaadaan dhererka iyo miisaanka, balse bishaan ilmaha dhererkiisa waxaa lagu qiyaasi karaa 48-53 centimeter halka miisaankiisuna noqon karo 3-3.5 kg.Waa bisha ugu dambeysa bilaha ay uurka siddo hooyada waxaana buuxsamaya oo si buuxda u diyaarsan xubnaha cunuga markaan ilmaha waxay diyaar u yihiin in ay kusoo biiraan adduunka.


W/D: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad