Casharka 17aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 17aad


Kaalinta muruqa ilmagaleenka uu ku leeyahay foosha..


Muruqa ilmagaleenka waa lakab ku yaalla ilmagaleenka. Waxa uu ka samaysan yahay  miiqyo murqo sisibsan, kuwaasoo kala baxa xilliga uurka iyo xilliga foosha uu jirro kogitaanka muruqa(contraction). Murqahani waa ku xooggan, waxay qabtaan caawinta uurjiifka si aanu banaanka ugu soo baxo xilliga dhalmada  marka uu gaaro. Muruqani waxa uu leeyahay seddex lakab. 1: waxa uu leeyahay qayb ooga sarre , oo gaareysa ilaa xagge sarre iyo hoos. 2: lakab dhexe oo ah sidii shabaag ah. 3: lakab hoose waxa uu ku meegaaran yahay aagga ilmagaleenka. Dhammaan lakabyadani waa ay isla shaqeeyaan xilliga foosha, waxay abuuraan Kogitaan xooggan 


Xilliga uurka, ilmo-galeenka (minka) badanaa waa mid dabacsan, taasoo ay sabab u tahay hoormoon la yiraahdo progesterone. Marka waqtiga dhalmada la gaaro hoormoon kale oo la yiraahdo estrogen ayaa la soo daynayaa. Ostoroniinka waxa uu ka qeyb qaadanayaa Kordhinta tirada qaabilayaasha hormoonka Oxytocin uu ku leeyahay. Oxytocin waa hoormoon  laga soo cariyo maskaxda,  waxa uu kaalin xooggan ku leeyahay ilmagaleenka, waxa uu samaynayaa inuu minka isku soo ururo si dhalmada u fududaato  waxaa jirta kiimiko kale oo la yiraahdo prostaglandin, taasoo ka caawisa jilcinta ilmo-galeenka (cervix-ka) si ay u sahlanaato dhalmada, waxayna sidoo kale kordhisaa kogitaanka minka.


Marka foosha dhalmada ay bilaabato, minka (ilma-galeenka) wuxuu bilaabaa inuu si joogto ah u kogo. Xilliga foosha waxa si tartiib tartiib ah  u furma ilmagaleenka si markaasi ilmaha u dhasho. Markasta luqumaha sii furmaan kogitaanka waa mid xoogeysta.  Muruqa ilmagaleenka kogitaanka waxa uu ka soo bilaabayaa qeybta sarre ee ilmogaleenka,  isagoo u soo riixaya uurjiifka hoos.Tanina waxay ka caawineysa hooyada in ilmaha u soo daadago marrinka dhalmada. Heerka labaad ee foosha hooyada waxay sameysaa kaalmaati ay ilmaha ku soo riixayso si markaasi u dhasho ilmaha.Intaas kaddib ilmagaleenka waxa uu sii waddayaa kogitaanka si markaasi u soo saaro ibida ama mandheerta, si markaasi dhiigga u yaraado.


Guddaha unugyada murqaha  waxaa door muhiim ah ku leh kalsiyamta. Goorta oxytocin uu qabsado qaabilaha( receptor), kaalshiyam waxay aadeysaa unugyada murqaha, waxay abuureysaa inuu muruqa kogitaan sameeyo.


Kaalinta hormoonnada iyo foosha.


1. Oxytocin: hormoonkan waxa laga soo saarayaa maskaxda ( hypothalamus-ka) waxa laga soo daayaa qeybta dambe ee qanjirka ( Pituitary Gland).  Waxa lagu soo daynayaa qulqulka dhiigga gaar ahaan xilliga foosha. Waxa uu qabsanayaa qaabilaha uu leeyahay ee ku yaala murqaha sisibsan ee ilmagaleenka(smooth muscles). Waxa  la carinyaa in la soo daayo kalsiyam,  si markaasi loo abuuro kogitaanka murqaha. Waxa dhacaya dib u quudsi togan(positive feedback) waxay dhacdaa marka ilmaha uu soo dago, waxa la soo daynayaa oxytocin badan, si markaasi loo xoojiyo awoodda isku ururka muruqa. Kaalinga uu foosha ku leeyahay waa in ka qeyb qaato isku ururka muruqa minka,heerka koowaad ee foosha ilaa labaad. Waxa kala furayaa luqumaha iyo in ilmaha ay soo baxaan.


2. Prostaglandins (PGE2 and PGF2α): hormoonkan waxa laga helaa lakab ku yaalla xuub-ilmagaleenka, xabka uurjiifka,  iyo ilmagaleenka. Waxa uu sarre noqdaa marka ay soo dhowaato dhalmada. Waxa uu jilciyaa luqumaha(cervix-ka) isagoo burburinaya kolaajiinta, waxa uu carinayaa ilmagaleenka si  uu iskugu soo ururo. Xilliga foosha waxa uu jilciyaa ilmagaleenka,  waxa uu nidaamiyaa isku dheellitirka isku ururka murqaha.


3. Estrogen:ostorojiinka waxa laga soo daayaa intiisa xoogga mandheerta, iyo qanjir kalyeedka uurjiifka.  Waxa uu la miraanmarsan yahay oxytocin  marka uu siyaado, isagoo tagaya murqaha minka ee leh qaabilaha. Waxa uu kaalin ku leeyahay isku ururka ilmagaleenka.  Waxa uu kordhinayaa carinta qaabilayaasha oxytocin iyo prostaglandins. 


4. Progesterone: hormoonkan waxa laga soo siidaayaa mandheerta xilliga uurka.    Waxa uu ilaaliyaa ilmahaleenka isagoo dabcinaya si markaasi u yareeyo carinta murqaha ilmogaleenka.  Waxa uu hoos u dhigayaa  qaabilayaasha oxytocin. Waxa uu xidhayaa hormoonka prostaglandins.  Xilliga foosha marka ay gaadho hormoonka progesterone-ka waxa uu noqdaa mid hoos u dhaca shaqadiisa,  markaasi loo bilaabo isku ururka ilmagaleenka. 


5. Corticotropin-Releasing Hormone (CRH):  waxa laga soo daayaa hormoonkan mandheerta, waxa uu kordhaa xilliga dhalmada.  Waxa laga soo cariyaa qanjirka kalyeedka uurjiifka, iyadoo la soo saarayo kortisool and DHEAS. Hormoonnadan waxay kordhinayaan  in la soo saaro estoroojiin si markaasi foosha sarre loogu qaado. Sidoo kale hormoonkan si toos ah waxa uu saamayn ugu leeyahay ilmagaleenka,  waxa uu siyaadinayaa kogitaanka. Xilliga foosha waxa u dirayaa farriimo si jirka iskugu diyaari dhalmada. 


📚 References:


DC Dutta’s Textbook of Obstetrics, Chapter: Mechanism of Labor & Uterine Physiology


Ten Teachers: Obstetrics, Chapter: Normal Labor


Current Obstetric and Gynecologic Diagnosis and Treatment, Chapter: Labor and Delivery


Williams Obstetrics, Chapter: Uterine Contractility


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad