Casharka 19aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 19aad


Episiotomy.


 

Episiotomy waa qaliin lagu sameeyo xubinta taranka ee dumarka (vagina) inta lagu jiro dhalmada, gaar ahaan qaybta u dhaxaysa xubinta taranka (vagina) iyo ciridka (anus), si loo balaariyo marrinka  dhalmada. Qaliinkan waxaa badanaa loo sameeyaa si loo fududeeyo dhalmada, gaar ahaan haddii ay jiraan dhibaatooyin sida:


1:Culeys badan oo ku yimaada ilmaha: Haddii ilmaha uu aad u weyn yahay ama haddii uu leeyahay xaalad caafimaad oo u baahan in si degdeg ah looga soo saaro.


2:Xaalada caafimaad ee hooyada: Haddii hooyada ay u baahan tahay in dhalmada lagu dhammeeyo si degdeg ah, tusaale ahaan haddii ay jiraan calaamado keeni kara dhibaatooyin caafimaad sida dhiigbax ama xanuun.


3:Khasaaraha jidhka ee ilmaha: Haddii ilmaha uu ku jira xaalad cadaadis ah oo u baahan in si dhakhso leh loo soo saaro.


4:Dhalmada farsamooyinka qaarkood: Sida isticmaalka qalabka sida vacuum ama forceps, kuwaas oo badanaa lagu isticmaalo si ilmaha loo soo saaro.


Maxaa loo sameeyaa? Episiotomy waa talaabo la qaado si hoos loogu gooyo qaybta lakabka u dhexeeya xubnaha taranka iyo marrinka saxarada(perineum-ka), taasoo balaarinaysa marrinka dhalmada, si ilmaha si fudud loogu soo saaro.


Si kastaba ha noqotee, hadda waxaa si tartiib tartiib ah loo yareynayaa isticmaalka episiotomy-ga, iyadoo dhakhaatiirta  daryeelka dhalmada ay diiradda saarayaan inay ka fogaadaan qalliinada aan loo baahneyn, isla markaana ay taageerayaan dhalmada dabiiciga ah.


Episiotomy-gu wuxuu u baahan yahay daryeel gaar ah kaddib dhalmada, iyadoo la adeegsanayo dawooyinka, nadiifinta, iyo ilaalinta cudurada si loo hubiyo in dhaawaca uu si wanaagsan u bogsado.


Waxaa jira laba nooc ee ugu caansan ee episiotomy-ga, kuwaas oo kala ah:


Midline Episiotomy (Qalliin toos ah):

Noocan: Qalliin toos ah oo ka bilaabma bartamaha qaybta hoose ee xubinta taranka (vagina) kuna socota si toos ah hoos iyo guduudka ciridka.

Faa'iido: Qalliinkan waa mid fudud oo si dhakhso leh loo sameyn karo. Inta badan waxa uu leeyahay fursad yar oo ah inuu keeno dhaawac dheeri ah sida seddex darajo ilaa afar darajo oo dilaac ah( "third-degree" ama "fourth-degree" tears).

Qasaaro: Inkasta oo uu yahay qalliin fudud, haddana wuxuu sababi karaa dhaawac sare ee qaybta hoose ee xubinta taranka haddii uu u fiddo si qaldan ama haddii hooyada ay leedahay muruqyo aad u xooggan.


Mediolateral Episiotomy (Qalliin dhinac ah):

Nooca: Qalliin dhinac  oo ka bilaabma bartamaha qeybta hoose ee xubinta taranka (vagina) isla markaana gaara dhinaca midig ama bidix, iyadoo uu gaarayo ciridka(anus).

Faa'iido: Noocan ayaa yareynaya khatarta dhaawac ka dhasha ku fiditaanka dhinaca kale ee xubinta taranka iyo caloosha, sida "third-degree" ama "fourth-degree" tears. Waxaa loo isticmaalaa marka ilaalinta ilmaha ay muhiim tahay, tusaale ahaan marka loo baahdo in ilmaha si degdeg ah loo soo saaro.

Qasaaro: Waxay qaadan kartaa waqti dheeri ah si uu u bogsado marka loo eego midline episiotomy, iyadoo dhaawacu u baahan yahay daryeel dheeri ah. Waxay sidoo kale kordhin kartaa khatarta caabuqyada iyo dhaawacyo kale.

Go'aan qaadashada nooca episiotomy waxaa uu ku xirnaan karaa xaaladdo kala duwan ee hooyada iyo ilmaha, sida:


Culeyska ilmaha: Haddii ilmaha uu aad u weyn yahay.

Dhalmada degdegga ah: Haddii dhalmada ay dhacdo si aad u dhaqso ah.


Habka madaxda ilmaha: ilmaha uu madaxiisa kuusan yeeshay. Ama garabka uu soo hormarsaday. 


Xaalada hooyada: Sida xaaladda caafimaad ee hooyada ama haddii ay horey u soo martay qalliin.


Episiotomy-ga waxaa badanaa la sameeyaa marka loo baahdo in lagu fududeeyo dhalmada ama si loo yareeyo halista dhaawacyada kale ee ka dhici kara xubinta taranka inta lagu jiro foosha. Si kastaba, maanta waxaa jira dadaal badan oo lagu yareynayo isticmaalka episiotomy-ga, iyadoo la taageerayo dhalmada dabiiciga ah.


Sababaha loo sameeyo qaliinkan


1. Dhibaato ku timaadda ilmaha (Fetal distress)

Tani waxay ka dhigan tahay in ilmaha uurka ku jira uusan helin ogsajiin ku filan ama ay jirto halis kale. Haddii ilmaha garaaca wadnihiisa uu yahay mid qalqal ku jirra ama xaaladdo kale ay jiraan, waxay ka mid tahay sababaha loo sameeyo qalliinkan.


 

2. Foosha oo daba dheeraata. (Prolonged second stage of labor)

Haddii hooyadu muddo dheer foolanaysay ilmaha uusan marrinka dhalmada soo mari karin, qaliinkani waxa uu noqdaa mid kaalmo looga dhigayo hooyada.


 

3: Marka uurjiifka garbihiisa ay ku dhegaan miskaha(Shoulder dystocia).

Marka madaxa ilmaha uu soo baxo kadib, garbihiisa ayaa mararka qaar ku dhegi kara miskaha hooyada. Qalliinka waxa uu faa'iido u yahay ilmaha si markaasi loogu dhalliyo isagoo nabad qaba.


 

4. Ilmaha oo aad u weyn (Macrosomia)

Marka ilmaha uu aad u weyn yahay, waxa adkaaneysa in uu si dabiici ah u dhasho ilmaha. Waxa loo samaynayaa qaliinkan si markaasi ilmaha uu dhasho.


 


Dheegasho. Safa.

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad