Casharka 20aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 20aad
Hyperemesis gravidarum
Waa nooc ka mid ah matagga ku dhaca hooyada uurka leh, waa xaalad daran, hooyada nafteeda halis galin kara, waxa uu billowdaa seddexda bilood ee horre. Hooyada uurka leh waxa ku adkaanaysa wax cunista iyo cabista. Taasina waxay ku keeneysaa in miisaankeeda hoos u dhaco, fuuq bax wax badan oo biya ah in ay lumiso. Waxay kaloo keeneysaa in curaarta jirka oo qalqal ku yimaado. Heer waxa uu gaarsiinayaa in hooyada la seexiyo isbitaalka. Waxa dhacaa isbuuca 4 ilaa 6aad, meelahaas ayuu bilowdaa, waxa uu gaaraa ilaa isbuuca 8 ilaa 12aad.
Sidee ku dhacdaa xaalladan ama ku timaadaa?
1. Isbeddellada hormoonnada(Hormonal changes (especially hCG).
Xilliga horre ee uurka waxa sarra noqda hormoonkan human chorionic gonadotropin. Hormoonkani waxa laga soo daynayaa mandheerta. Hormoonkan waxa uu noqdaa mid aad u sareeya, waxa uu saamaynayaa maskaxda gaar ahaan meesha laga xukumko mataga. Hooyada waxay dareemeysaa xanuun darran. Hormoonkan waxa uu carinayaa meesha laga maamulayo ma taga iyo qeybta doorka ku leh mataga(chemoreceptor trigger zone). Kacsanaanta hormoonkan waxa uu carinayaa maskaxda gaar ahaan meesha laga maamulo mataga ee dhuux soodheeraha(medulla oblongata). Hormoonkan sidoo kale waxa uu saameyn ku yeellanayaa hormoonkan(TSH) taasoo keeneysa si ku meel gaar ah inuu kordho qanjirka tayroodhka shaqadiisa.
2. Waxaa kaloo kaalin ku leh Estrogen, heerka ostoroniinka waa uu kordhaa xilliga uurka. Ostoroniinka waxa uu hoos u dhigayaa faaruqa caloosha iyo waxa uu siyaadinayaa carisnaanta caloosha iyadoo uu ka qayb qaadanayo lallabolada. Ostoroniinka waxa uu caloosha ka dhigayaa dhaqaadeeda ama socodkeeda mid waqti dheer qaadata, waxa uu saamaynayaa murqaha sisibsan ee habdhiska dheefshiidka. Taasina waxay keeneysa in caloosha ay noqoto mid cuuryaan ah, taasina waxay keeneysaa matag iyo lallabo.
3: Shaqo xummadda ku timaada qanjirka tayroodhka si gumeel gaar ah(Thyroid Dysfunction – Transient Hyperthyroidism),hCG waxa uu leeyahay qaabka hormoonka carrinta ee tayroodhka ( thyroid-stimulating hormone (TSH). Dumarka qaar, hormoonka hCG waxa qabsanaayaa qaabilaha hormoonka TSH, taasina waxay keeneysa inuu qanjirka tayroodhka shaqadiisa ay badato. Marka la baadho waxa la arkayaa yaraanshaha hormoonka (TSH) iyo badashada T4/T3.
4. Dhaqaaq xummada habdhiska dheefshiidka.
Labadan hormoonka( progesterone iyo estoroojiin) waxay keenayaan dabaca muruqyada sisibsan ee habdhiska dheefshiidka. Taasina waxay keeneysaa dhaqaaq xummada, iyo inuu yaraado muruqa qeybta hoose ee hunguriga. Taasina waxay keeneysaa matag.
5:Marka hooyada labo iyo ka badan ay sido ilmo, jirkeeda waxa uu soo saarayaa hormoonno badan.Mid ka mid ah hoormoonnadaas waxaa la yiraahdaa hCG (Human Chorionic Gonadotropin). Hoormoonkani waxa laga soo daayaa mandheerta waxa uu kaalin xooggan ka qaataa uurka. Marka uu hCG aad u bato, wuxuu saameeyaa qayb maskaxda ka mid ah oo xakameysa matagga iyo lalabada. Taasi waxay keentaa in haweeneydu si daran u lallabeyso oo ay si xad-dhaaf ah u matagto —
Sidoo kale, marka uurka uu yahay mid mataano ah ama ka badan, jirku wuxuu soo daayaa hoormoonno kale sida estrogen iyo progesterone oo keena in calooshu si gaabis ah u shaqeyso, taas oo sii kordhisa lallabada.Mararka qaar, hoormoonka hCG wuxuu u shaqeeyaa sida hoormoonka TSH oo ah mid cariya qanjirka tayroodhka. Tani waxay keeni kartaa in tayroodhku uu si ku-meel-gaar ah u shaqeeyo, taasoo ka sii dari karta matagga iyo lalabada.Sidaas darteed, marka uurku yahay (mataano ama ka badan), hoormoonnada jirku aad bay u bataan — gaar ahaan hCG — taasina waa sababta ugu weyn ee keenta hyperemesis gravidarum in ay ku badan tahay haweenka uurka badan leh( mataannaha sida).
5:Uur-beenaadka(molar pregnancy) waa beermashada ay beermaan uur been ah oo aan ahayn uurjiif ah caadi ah. Waxa lagu arkayaa hooyada marka lagu eego kumbuyuutarka wax sidii canabka iskugu tixan.
Xaaladdan waxaa si aad ah kor ugu kaca hoormoon la yiraahdo human chorionic gonadotropin (hCG), kaas oo si dabiici ah loogu soo daayo jirka inta lagu jiro uurka. Laakiin marka uu jiro uur-beenaad hoormoonkan hCG wuxuu gaaraa heerar aad uga sarreeya, waxa mardheerta aan sida caadiga ahayn u samaysantay ayaa si xad dhaaf u soo saareyso.Heerka sare ee hCG-ga wuxuu saameeyaa xarunta maskaxda ee maamusha matagga, taasoo keenta lallabbo daran iyo matag joogto ah. Xaaladdan waxaa uu si gaar ah ugu badan yahay uur beenaadka nooca dhammaystiran (complete mole), sababtoo ah heerka hCG-ga ayaa aad uga sarreeya marka loo eego nooca aan dhammaystirnayn (partial mole).Sidaa darteed, matagga daran ee ka dhasha uur-beenaadka waxa uu badanaa sabab u yahay heerka aadka u sarreeya ee hoormoonka hCG, kaasoo si xad dhaaf ah u kiciya qaybta maskaxda u xilsaaran dareenka matagga.
6:Helicobacter pylori (H. pylori) waa bakteeriya ku nool caloosha oo sababi karta caabuq iyo hafeef guddaha xuubka caloosha. Xilliga uurka, haweenka qaar waxay la kulmaan xaalad daran oo lagu magacaabo hyperemesis gravidarum, taasoo ah matag iyo lalabbo aad u daran oo ka badan tan caadiga ah ee walaca. Cilmi-baaris ayaa muujinaysa in H. pylori in ay door ku leedahay kasii daridda xaaladdan.
Marka H. pylori ay hafeefiso caloosha, waxay keentaa xoqitaan iyo barar, taasoo ka dhigta caloosha mid aad u carisan. Isla mar ahaantaasna, heerarka hormoonka hCG (human chorionic gonadotropin) ee jirka uu kordha inta lagu jiro uurka ayaa isagana badanaya. Waxaa la rumeysan yahay in H. pylori ay kordhiso sida uu jirku uga falceliyo hormoonkan, taasoo keenta lalabbo dheeraad ah.
Sidoo kale, bakteeriyadu waxay gaabis ku keeni kartaa dheecaanka caloosha, taasoo ka dhigta in cuntooyinka caloosha ku sii jiri karaan waqti dheer, waxayna taasi sii kordhisaa dibiryada iyo lalabbada. Intaa waxaa dheer, H. pylori waxay soo deyn kartaa walxo sun ah oo saameeya maskaxda, gaar ahaan qaybaha xukunta matagga. Jiritaanka bakteeriyada ayaa sidoo kale carin karta nidaamka difaaca jirka, taasoo sii kordhinaysa hafeefka
Isku darka arrimahan oo dhan ayaa keeni kara in haweenka uurka leh ay la kulmaan matag aad u daran.
Calaamadaha.
1. Matag xad-dhaaf ah(Excessive Vomiting), kaasoo ah mid joogta ah, waxa uu ka badan yahay ma taga hooyada uurka leh ay kalla kullanto wallaca.
1:Waxa lagu arkaa calaamadaha fuuq-baxa.
A:Carabka oo engaga, iyo afka.
B:Maqaarka dabca, oo jilca.
C:Indhaha oo god gala.
D:Kaadida oo yaraata.
2. Miisaanka oo Luma( Weight Loss).
A:Miisaanka oo si lama filaan ah u Luma. Taasoo ugu wacan wax cunis la'aanta iyo mataga joogtada ah.
B:Asidoosis(Acidosis)
Waxay ka dhallataa macluusha, taasoo ka dhallata burburinta duxda, kaadida waxa lagu arkayaa ketonuria.
5. Qalqal ku yimaada macdanta jirka(Electrolyte Imbalance).
1:Yaraanshaha botaasiyamta (low potassium)
2:Yaraanshaha soodiyamta(low sodium).
3:Dabac ku yimaada murqaha. Daal.
4:Waxaa kaloo yaraanaya faytamiinka B1(thiamine).
3:Dhiigga hoos u dhaca iyo garaaca wadnaha oo kordha (Hypotension and Tachycardia), waxa ugu wacan fuuq baxa iyo hooraha badan oo jirka ka lumay.
Baadhitaanka.
1:Hubbinta sheybaadhada(Laboratory Tests)
Urine test: hubbinta kaadida, iyadoo laga eegayo kiitoon(ketones) taasoo ugu wacan macluusha hooyada ku timaada.
2:Blood test: hubbinta dhiigga, iyadoo la baadhayo qalqal haddii uu ku yimid curaarta jirka(↓ sodium, potassium, chloride), waxa kordha boqolayda unugyada dhiigga taasoo ugu wacan fuuq baxa(Increased hematocrit (due to dehydration).
3:Waxaa kaloo la baadhayaa dheecannada beerka haddii ay kacsan yihiin (↑ AST/ALT sometimes).
4:Waxaa kaloo baadhayaa shaqada hormoonka(mild ↑ T4 and ↓ TSH may be seen)
5:Ultrasound: waxa kaloo la saarayaa Kombuyuutarka si markaasi loo ogaado haddii uu jirro uur-beenaad, ama haddii ay hooyada sido mataanno.
Daawaynta.
1. Waxa la siinayaa hooraha Normal Saline (0.9% NaCl) waana hooraha ugu horreeya ee la siiyo bukaanka. Si markaasi loo saxo fuuqbaxa iyo mugga dhiigga hoos u dhacay.
2. Waxaa kaloo la siinayaa hooraha Ringer’s Lactate, si markaasi loo saxo qalqalka curaarta. Waxa ku jirra soodiyam, botaasiyam, kalsiyam, iyo lakteed.
3. Waxa la siinayaa hoore sokor Dextrose (5% or 10%), waxa la siinayaa kaddib marka la siiyo Normal Saline, waa haddi bukaanka ay sokortiisa hoosayso, ama uusan wax qaadan karin. Lama siinayo marka u horreysa maxaa yeelay waxa laga baqayaa in ay dhacdo yaraanshaha faytamiin Thiamine.
3:Waxa la siinayaa Vitamin B6 (Pyridoxine): xaddiga: 10–25 mg waxa laga qaadanayaa afka ama xiddid ( orally, 3 to 4 times a day). Waxay innaga caawineysaa isku dheellitirka maskaxda, iyadoo markaasi hoos u dhigaysa mataga.
4:Waxaa kaloo la siinayaa Doxylamine (can be added), waxa la siinayaa xaddi: 10–12.5 mg waxa laga siinayaa afka(orally, 3 to 4 times a day). Waxay xidhaysaa qaabilaha(H1 RECEPTOR) ee maskaxda, si markaasi loo yareeyo mataga.
5:Waxaa kaloo la siinayaa dawooyinka matagga. Haddii uu mataga yahay mid sii socda.
A:Waxa la siinayaa Diphenhydramine (Benadryl), waxa la siinayaa xaddi : 25–50 mg (every 4–6 hourl), waxay xidhaysaa qaabilaha ( H1 histamine receptor) ee maskaxda, si markaasi hoos ugu dhigto mataga.
B:Waxa la siinayaa Metoclopramide (Reglan), daawadan waxay xidhaa qaabilaha(dopamine D2 receptors) qeybta doorka ku leh maskaxda taasoo laga maamulo qeybta qaabilsan mataga. Sidoo kale waxay kordhinaysaa faaruqsanaanta caloosha, iyadoo caloosha socodkeeda uu wanaagsanaanayo. Waxa la siinayaa xaddi: 5–10 mg, xiddid ama afka( orally/IV every 6–8 hours). Waa in laga taxaddaraa waqti dheer in la isticmaalo, waayo waxay keeneysaa in murqaha ay noqdaan kuwa kaligooda ismaamula(involuntary movements).
C:Waxaa la siinayaa Ondansetron (Zofran), waxay xidhaysaa qaabilaha (Blocks 5-HT3 (serotonin) receptors) maskaxda iyo habdhiska dheefshiidka, waxay ka hortageysaa matagga, farrinta ka imaaneysaa habdhiska dheefshiidka iyo habdhiska dhexe ee dareensidaha. Waxa la siinayaa xaddi: 4–8 mg waxa laga siinayaa afka ama xiddidka(orally or IV every 8 hours). Waxa la isticmaalayaa waqti yar waana marka dawooyinka kale lagu guuleysan waayo. Waa in laga taxaddaraa istcimaalkeeda waayo ilmaha waxay ku keeni kartaa faruuran(cleft palate).
D:Waxa la siinayaa Promethazine: waa dawooyinka lidiga(Antihistamine) iyo waxay xidhaysaa qaabilaha(dopamine antagonist; blocks receptors ) waxay xidheysaa qaabilaha markaasi carinaya mataga. Xaddiga la siinayo: 12.5–25 mg waxa laga siinsyaa afka ama muruqa ama malawadka( orally, IM, or rectally every 4–6 hours). Ogow: waxay keeneysaa hurdo iyo wareer.
6:Haddii ay isbeddel keeni waayaan daawooyinkan waxa loo wareegayaa wajiga labaad.
Waxa la siinayaa Corticosteroids (e.g., Methylprednisolone), waxay hoos u dhigaysaa hafeefka, sidoo kale waxay yaraynaysaa mataga iyadoo saamayn ku leh maskaxda gaar ahaan qeybta xukunta mataga. Waxa la siinayaa xaddiga:: 16 mg waxa laga siinayaa afka ama xiddidka( orally or IV every 8 hours for 3 days).
Waxaa kaloo la siinayaa Thiamine (Vitamin B1):waxay ka hortagayaan xanuun ku dhaca maskaxda(Wernicke encephalopathy ). Taasoo ugu wacan mataga waqti dheer socday, iyo nafaqo darrada. Waxa la siinayaa xaddi 100 mg waxa laga siinayaa xiddidka ama muruqa( IV or IM daily).
Waxaa kaloo la siinayaa folic acid si ilmaha koritaankiisa u wanaagsanaado.
Waxa lala soconayaa
1:Curaarta jirka (Electrolytes: Sodium, potassium, chloride).
2:Socodka kaadida.
3:Caalamahadaha muhiinka ah, sia cadaadiska dhiigga, sokorta, neefsashada.
Dhibaatooyinka ka dhasha (Complications Hyperemesis Gravidarum).
1. Fuuq-baxa iyo qalqalka ku dhaca macdanta jirka.Matagga aadka u badan wuxuu keenaa biyo-yaraan iyo lumitaanka macdannada muhiim ah sida sodium, potassium iyo chloride.
2. Macluusha iyo sokor oo ku yaraata dhiigga.Maadaama hooyadu aysan wax cunin, jirku wuxuu bilaabaa inuu dufanka gubo si uu tamar u helo. Taasi waxay sababtaa kiitoon( ketosis) iyo sokorta jirka oo dhacda(hypoglycemia).
3. Yaraanshaha fitamiinka
Yaraanta fitamiin B1 (thiamine) waxay keeni kartaa Wernicke’s encephalopathy, oo lagu garto:
1:Wareer iyo socodka oo qalqala.
2:Dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo indhaha ku yimaada.
3:Waxaa sidoo kale dhici kara dareen-la’aan ku timaadda gacmaha iyo lugaha.
4. Dhibaatooyinka beerka
Heerka enzymes-ka beerka ayaa kor u kici kara, xaalado naadir ahna waxaa dhici kara in beerku shaqada joojiyo.
5. Dhibaatooyin ku dhaca kilyaha
Kilyuhu waxay u nuglaan karaan shaqo gab (failure), sababtoo ah hoos u dhac ku yimaadda heerka biyaha jirka ku jira.
6. Dhiig-bax ku yimaadda hunguriga (esophagus)
Matagga xooggan wuxuu sababi karaa jeexniin ku dhaca xuubka gudaha ee hunguriga, taasoo keenta hematemesis (matag dhiig).
7. Dhibaatooyin maskaxeed.
Hooyada waxaa ku dhici kara walbahaar (depression) iyo welwel, sababo la xiriira daalka joogtada ah iyo xaaladda caafimaad.
8. Miisaan lumis.
Luminta in ka badan 5% miisaanka kahor uurka waa calaamad muhiim ah oo lagu garto Hyperemesis Gravidarum.
9. Samaysanka xinjirowga (thrombosis).
Waxa kordha halista xirranka xiddida, Sababo la xidhiidha fuuq baxa, dhiigga oo cuslaada taasoo ugu wacan fuuq baxa, socod la’aanta.
References
Williams Obstetrics
Current Obstetric & Gynecologic Diagnosis & Treatment
Medscape: Hyperemesis Gravidarum Management
ACOG Practice Bulletin No. 189: Nausea and Vomiting of Pregnancy
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment