Casharka 21aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 21aad
Dillanka(Abortion).
Dilanka ilmaha waa xaalad ay la kulmaan hooyooyin badan oo uur qaaday. Qiyaastii celcelis ahaan dunida oo idil waxa cilmi baaris lagu ogaaday in 100-kii hooyo ee uur la xaqiijiyay qaaday ay 10 ilaa 20 ka mid ah uurkooda uu soo dilmo! Waxa xusid mudan in qiyaasta ay intaas ka badan karto maadama hooyooyinka qaar ay ilmaha kaso dilmaan ayaga oo wax uur ah aanba horey iskugu ogeen.Sida caadiga ah da'da uurka waxa lagu xisaabiyaa isbuucyo ama todobaadyo, mudada uurkana waxay ku dhammaystirantaa inta u dhaxaysa 37 ilaa 40 isbuuc (term pregnancy) ayada oo laga soo xisaabinaayo maalintii uu gabadha ku dhacay dhiiggii u dambeeyay.Haddaba, dilanka ilmaha waa lakala qeybiyaa ayada oo loo fiirinaayo da'da ama inta isbuuc ee uurka uu maraayo, haddii ilmaha ay soo dilmaan 20-ka isbuuc ee ugu horreyso ee uurka waxa loo yaqaana miscarriage. Dhanka kale, haddii ilmuhu ay soo dilmaan isbuuca 20 aad kaddib markaas waxa lagu magacaaba (stillbirth). Waxaan diirada ku saareynaa waxa sababo dilanka ilmaha ee 20-ka isbuuc ee uurka ugu horeeysa, qataraha hooyada u nugleyn kara in ilmuhu ay kaso dilmaan, calaamadaha dilanka uurka.
Dhiciska waxa keena waxyabo badan kala duwan. Kuwaasoo ka mid ah isbeddelka koromsoomka, qalqal ku yimaada hormoonnada, minka bura ka soo baxda, caabuqa kaadi mareenka, iyo falcelin xagga difaaca ka timaada,intaas waxay saameynayaan ilmaha uurka ku abuurmay, taasoo keeneysa in ay soo dilmaan kaddibna sidaas banaanka ugu soo baxaan.
Waxaa loo qeybiyaa dhowr qeybood mid mid ayaan uga hadleynaa.
Ma jirto sababo cad ay ku timaado oo keenna waxa jirra qodobo ka qeyb qaata sida.
Placental Insufficiency: mandheerta oo u shaqeyn weysa sidii laga rabbay iyo in ay ku fashilanto quudinta iyo nafaqeynta uurjiifka waxay keeneysaa in uur jiifku kori waayo, hooyada waxay qatar ugu jirtaa in ilmaahaasi soo dhicisoowo.
Hormonal imbalances: qalqal ku yimaadq hormoonnada, gaar ahaan inuu yaraado progesterone-ka soo saaristiisa kasoo nidaamiya uurka.
Uterine abnormalities: qaabdhiska caadiga minka inuu doorsoomo, sida buro ka soo baxdo, waxa ay keeni kartaa in ilmaha soo dilmaan.Dhaawacyada gaara ilma-galeena iyo afkiisa hore (cervix) waxay inta badan ka yimaadan qaliin horay hooyada loogu sameeyay ilma-galeenka, qaliinkaas wuxu dhaawac haaro ah (scars) u yeelayaa muruqa ilmo galeenka, kadibna meeshii haarta noqotay waxay ku guuldarreysaneysa in ay sidii la rabay u shaqeyso, arrintaasna waxa ka dhalan kara in ilmihii uurka ku jiray ay soo dilmaan.
Noocaa dhiigga hooyada iyo midka cunnuga oo kala nooc noqdo . Tusaalle hooyada dhiiggeeda hadduu yahay O+ cunnugeeda uu noqdo O- , difaaca jirka hooyada waxa uu u fahmaayaa in jirka la soo weeraray maadama uusan aqoonsan , sidaa awgeed waxaa dhacaayo markaas in ay hooyada dhiciso.
Uur-beenaad(Molar pregnancy): oo ah xaalad ka dhalato isku dheellitirnaan la'aanta tirada hido-side yaasha (chromosomes) ka kala imaanaya dhanka hooyada iyo aabbaha. Sida caadiga ah, uurka caafimaadka qaba wuxu sameysmaa marka ay midoobaan ugxaanta dheddiga oo wadata 23 hido-side (23 chromosomes) iyo shahwada labka (sperm cells) oo wadata 23 hido-side (23 chromosomes) si ay u sameeyan wax la yiraahdo bacrimane (zygote) oo ka sameysan 46 hiddo-side (ogow 46-daas hido-side waa bilowga samaysinka ilmaha) Haddaba, xaaladaan( molar pregnancy-ga) waxa dhacaysa marka labka ama aabbaha uu si qalad ah u keeno 46 hiddo-side (46 chromosomes) halkii laga rabay 23 hiddo-side oo kali ah, dheddiga ama hooyadana wax hiddo-side ah aysan keenin. Haddii aan si kale u sheegno (molar pregnancy-gu) wuxu yimaada marka uurka uu ka sameysmo 46 hido-side oo ka wada yimid aabbaha kaligiis halkii laga rabay in hooyada iyo aabaha mid walba in uu keeno 23 hiddo-side. Waxa jira nooc kale oo isla (molar pregnancy-ga) ah oo la yiraahdo qeyb uurbeenaad(partial molar pregnancy) oo sameysma marka aabbaha uu keeno 46 hiddo side hooyadana ay keento 23 dii hido side ee laga rabay sidaasna wadarta hido-side yaasha ay ku noqdaan 69 hido- side.Soo koobid: xaaladan (molar pregnancy-ga ah) waxay timaada marka ay qaldanto tirada hiddo-side yaasha ay hooyada iyo aabbaha isku darsanayaan marka uu uurka sameysmaayo.
Previous miscarriages: oo ah in hooyada ay horay ilmo kale uga soo dilmeen, haddii hooyadu ay horey ilmo uga soo dileen waxay u nugushahay in ay kaso dilmaan ilmaha uurka ku jira.
2- Chronic conditions: hadii hooyada ay qabto xanuunada raaga ama cudurada lala noolaado sida macaanka ama sokorowga, dhiig karka (hypertension), kaddibna cuduradaas la xakameyn waayo waxa ka dhalan kara in hooyadaas ay ilmaha kaso dilmaan.
3- Advanced age: oo ah da'da hooyada oo sii badato, waxa la ogaaday hooyooyinka da'doodu ay ka weentahay 35- ta sanno ay halis badan ugu jiraan in ilmaha ay kaso dilmaan, waxaana xusid mudan mar walba oo da'da hooyada ay sii badato waa mar walba oo ay soo badato halista dilanka ilmaha
Waxaan si guud uga soo hadalnay waxa uu yahay dhicinta ilmaha. Markaan waxa mid mid uga hadlaynaa dhicisoowida qeybaha uu leeyahay iyo sida loo maareeyo.
1:Threatened Abortion: Waxa lagu arkayaa saxaha oo dhiig ka yimada iyadoo aanu luqumaha kala bixin( cervical dilation), ka hor isbuuca 20aad.
Threatened Abortion wuxuu bilaabmaa marka uu dhiig-bax ka dhaco gudaha minka. Dhiig-baxan badanaa wuxuu ka dhashaa marka qayb yar oo ka mid ah mandheerta (placenta) — ay ka soo rujisanto gidaarka ilma galeenka. Waxa dhacaya dhiig ku urur(subchorionic hemorrhage), Tani kama dhigna markaasi in uurjiifka uu soo dhaco, haddana waxay keeni kartaa carrin iyo hafeef guddaha ilmagaleenka ( irritation and inflammation).Marka dhiiggu ku ururo agagaarka mandheerta, jidhka hooyadu wuxuu bilaabaa inuu soo daayo kiimikooyin afeefka(inflammation) keena, oo ay ka mid yihiin unugyo difaaca. Kiimikooyinkan ayaa sababi kara in murqaha minka in ay isku ururaan.
Arrinta kale ee muhiimka waa hormoonka progesterone waxa door muhiim ku leeyahay hoos u dhiga in ilmagaleenka uu isku ururo.Progesterone wuxuu sidoo kale ka hortagaa in minka si fudud iskugu soo ururo.Haddii heerka progesterone-ku hoos u dhaco, minka wuxuu noqon karaa mid isku urura taasoo kordhinaysa in uurjiifka uu sidaasi ku dhicisoobo.Sidoo kale, mararka qaar, nidaamka difaaca jirka hooyada ma aqbalo uurka si buuxda. Caadi ahaan, difaaca hooyadu wuu isbedelaa si uu u aqbalo ilmaha, maaddaama ilmaha uu ka kooban yahay hiddo-sideyaal (genes) ka yimid aabbaha. Haddii difaacu khal-khal galo, waxaa dhici karta inuu keeno hafeef dheeraad ah oo ku meegaaran mandheerta, taasoo horseedi karta dhiig-bax. Iyadoo ay jiraan xaaladdan, haddana waxa jirta fursad uu uurka ku sii jirro karro, ilmaha waa mid nool, ilmagaleenka waa mid xidhan taaso ka dhigaysa in uurka uu yahay mid suurtagal ah sii jiritaankiisa.
Maxaa keenna.
1:Waxa keenna doorsan ku yimaada koromsoomka, kaasoo keenaya in uurka ku hadhi waayo makaanka.
2:Waxaa kaloo keeni kara caabuq, sida caabuqa ku dhaca kaadi heysta, ama kuwa lagu kala qaado galmada.
3:Waxaa kaloo keeni kara qalqal ku yimaada hormoonnada, sida qanjirka tayroodhka ama xanuunnada tayroodhka ay keenaan laga soo daayo qanjirkaas ay yaraadaan ama ay bataan, arrintaas waxay abuuri karta xaalad qatar ah xilliga uurka oo sababi karta dilanka ilmaha uurka ku jira.
4:Waxaa kaloo keeni kara jug soo gaadha hooyada, ama isku buuq darran hooyada la nooshahay.
5:Waxa kaloo keeni kara hab-nololeedka hooyada, sida ay sigaar cabto, cabid badan oo kafey ah, qamri.
Calaamadaha.
1: Dhiig ka yimaada xagga hoose,badanaa mid dhex dhexaad ama aan saa'id ahayn.
2: Majiiran xagga caloosha ama xanuun dhex dhexdhexaad ah.
3: Dhabar xanuun.
5: Luqamaha oo xidhan marka wiisato loo sameynayo.
Baaritaanka.
1:Wareysi in lala yeesho hooyada,qiimeyn lagu sameeyo dhiig bax, xanuunka, warbixin uurka ku saabaan.
2:Ultrasound: hubbintan kombuyuutarka waxa lagu xaqiijinayaa noolaanshaha uurjiifka, haddii ay jiraan xaalado kale ee minka la xidhiidha.
3:Blood Tests: hubbintan dhiigga waxa lagu qiimeynayaa heerka hormoonka hCG uu marayo, iyo heerka progesterone-ka.
4:Pelvic Examination: hubinta luqumaha, iyado la fiirinayo kala baxa, barta dhiigu ka sacdo.
5: Waxa loo baahanayaa in loo diro hubinta hormoonka hCG si markaasi uurka loo ogaado inuu jirro iyo in kale. Haddii uu heerkiisa caadiga ahaa ka yar yahay waxay Miijineysaa in ay jirto cillad xagga uurka.
Daaweynta.
1:Qiimeyn in lagu sameeyo hooyada, kaddib in la nasiyo, iyadoo la fogaaneyso isku buuqa, dhaqdhaaqa badan, waxyaallaha culus.
2:Muhiimadda Hormoonka Progesterone ee u leeyahay qalqal uurka ku yimid(Threatened Abortion)
Hormoonka progesterone waa hormoon aad muhiim ugu ah sii jiritaanka uurka. Waxaa mararka qaar loogu yeeraa "hormoonka uurka", maadaama uu door weyn ka ciyaaro ilaalinta iyo sii jiritaanka uurka. Progesterone wuxuu diyaariyaa gidaarka ilmo-galeenka (endometrium) si uu u noqdo mid u diyaarsan in ugxanta bacrimisan si fiican ugu negaato. Waxa kale oo uu hormoonkani ka hortagaa in muruqyada ilmo-galeenka ay ururaan(contractions), kuwaasoo haddii ay dhacaan sababi kara in ilmaha uu dhicisoowo.Marka heerka progesterone uu hoos u dhaco, waxa suurto gal ah in ilmo-galeenku uu bilaabo isku urur ama dhiig-bax, taasoo kordhin karta khatarta ah in uur jiifka uu dhicisoowa. Xaaladahaas, dhakhaatiirtu waxay mararka qaar haweeneyda siinayaan progesterone, gaar ahaan haddii ay horey u yeelatay dhicisoowid uureed ama haddii baadhitaannada dhiigga ay muujiyaan heer hoos u dhac ku yimid hormoonkan.
Sida ku cad buugga Dutta's Textbook of Obstetrics (daabacaadda 9aad), progesterone waa hormoon muhiim ah oo taageera sii jiritaanka uurka, waxaana la isticmaalaa marka lala kulmo xaalado khatar ah sida threatened abortion. Sidoo kale, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sheegtay in progesterone laga yaabo inuu faa'iido u yeesho haweenka qaar ee leh uurka halis ku jira innuu soo dhicisoowo, gaar ahaan haddii uu jiro xanuun la xiriira hoormoonnada. Si kastaba ha ahaatee, ma aha dawo la siiyo haweeney kasta, waxaana go'aankeeda lagu saleeyaa xaaladda caafimaad ee haweeneyda iyo uurkeeda.Haddii looga shakisan yahay yaraansho ama dhinaansho xagga hormoonnada waxa la siinayaa progesterone supplementing.
Iyo waxyaabaha kale ee keenay in la daweeyo sida caabuqa.
3:Sida ku xusan Buugga Dutta’s Textbook of Obstetrics, foolik aasidhku wuxuu ka qayb qaataa kobaca iyo qaybsanaanta unugyada uurjiifka. Waxa kale oo uu muhiim u yahay koritaanka iyo samaysanka saxda ah ee mandheerta (placenta), kaasoo quudiya ilmaha inta uu uurka ku jirro. Haddii jidhku uusan helin foolik aasidh ku filan, mandheerta si fiican uma samaysmato, taas oo keeni karta dhibaatooyin horseedi karta in ilmaha dhicisoowaan.
Sidoo kale, foolik aasidhku wuxuu hoos u dhigaa maadada dhiigga ku jirta oo la yiraahdo homocysteine. Haddii heerka homocysteine uu noqdo mid aad u sarreeya, waxay dhaawacdaa xididdada dhiigga, waxayna kordhisaa khatarta uu ku dhicisoowo. Foolik aasidhku wuxuu ilaalinayaa caafimaadka xididdada dhiigga wuxuuna taageeraa koritaanka ilmaha iyo samaysanka mandheerta.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay si cad u sheegtay in dhammaan haweenka uurka leh ay maalin kasta qaataan 400 microgram oo foolik aasidh ah, laga bilaabo ka hor inta aysan uur yeelan iyo bilaha hore ee uurka. Tani waxay ka caawisaa in laga hortago cillado halis ah oo ku dhaca maskaxda iyo lafta dhabarka ee ilmaha, waxayna sidoo kale yaraysaa khatarta uurka inuu dhicisoowo.Sidaa darteed, foolik aasidhku waa lama huraan si uu ilmaha u caawiyo inuu si caadi ah u kobco, isla markaana uu uurku u ahaado mid badbaado leh toddobaadyada hore.
4:Nasiinno.
Hooyada waxa lagula taliyaa in ay nasato. Mar walba ma ahan in ay jiifto, se nasiinno dheellitiran ayaa looga baahan yahay in ay hooyada nasato. Waxyaabaha la rabo in ay ka fogaato waxa ka mid ah.
1: In ka fogaato waxyaabaha culus qaadistooda.
2: Waxaa kaloo ay ka fogaanaysaa galmada, ilaa dhiigga uu ka joogsanayo ama hooyada kabasho fiican ka heleyso.
3:Ka fogaanshaha walbahaarka (Stress)
Hooyada waxaa lagu dhiirrigeliyaa inay dejiso maskaxdeeda, inay iska ilaaliso walwal iyo niyad jabka.
4:Cunno dheellitiran
Waxaa lagula taliyaa inay cunto cunto isku dheelli tiran, hodan ku ah birta, fiitamiinada iyo biyo badan.
5:Waxaa kaloo la sii ayaa Rh Immunoglobulin (Anti-D). Haddii hooyada xagga difaafa uu ka jirro weerar, si markaasi looga hortago isqaadan waagga dhiigga hooyada iyo uurjiifka(anti-D immunoglobulin).
6:La socosho iyo soo laabasho(Monitor and Follow-up).
Haddii hooyada isku aragto dhiig baxa xooggan, ama calool majiir xoogga iyo qandho, waa in dagdag isbitaalka loogu soo celiyaa.
Tixraaca.
References:
Dutta’s Textbook of Obstetrics, 9th Edition – Chapter: Early Pregnancy Complications
WHO: Managing complications in pregnancy and childbirth – Threatened Abortion Section
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment