Casharka 22aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).



Casharka 22aad




Inevitable Abortion:  



Waa dilanka markii hooyadu ay dhiig isku aragto, minka afkiisane uu furan yahay, waxa soo dhammaada uurjiifka ama soo dhicisoowa. Waxaa hooyada lagula taliyaa inay dhakhtarka u soo laabato si loo xaqiijiyo in dilanka soo dhammeystirmay iyo in kale. Waxa uu dhacaa isbuuca lixaad ilaa iyo laba iyo tabnaad.


 Ilmagaleenka marka uu soo rujismo, waxa dhacaya dhiig bax, dhiig baxaasi waxa uu ka imanayaa wareegga ilmagaleenka iyo xabka ku hareereysan ilmagaleenka. Marka  Dhiig baxa  uu dhaco iyo dhaawaca nuddaha  waxa la soo daynayaa kiimikooyin(prostaglandins), waxay samaynayaan in ilmagaleenka uu isku soo ururo. Isku ururka ilmagaleenka waxa uu sababayaa in ay luqumaha furmaan(cervix opne). Soo daadashada  hooraha uurjiifka  uu dhex dabaasho waxay keeneysaa in uurjiifka uu waayo taageerid. Waxa qarxaya xuubka taas u sabab ah xuubka uurjiifka ku meegaaran. Haddii uu sii socdo isku ururka ilmagaleenka waxa u keenayaa in uurjiifka soo soo dhaco ama banaanka yimaado. Hooyada waxay u nuglaaneysaa caabuq, furanka uu furan yahay luqumaha waxa uu kordhinayaa fursada uu caabuqa kaga dhallan lahaa guddaha ilma galeenka.


Maxaa keenna?


1. Waxa keenna isbeddelada ku yimaada koromsoomka (Chromosomal Abnormalities), mararka qaar ilmaha waxa uu sitaa hidda side qaldan, taasina waxay kaalin ka gaysanaysaa in uurjiifka aanu sidii larabay ee caadiga ahayd u korin, uurkaasi waxa uu noqonayaa mid soo idlaada. Qaldanaanta koromsoomyada kaalintaas ayay kaga qeyb qaataan dhicisoowida uurjiifka.


2. Waxaa kaloo keenna in ilmagaleenka in  sidii la rabay u samaysneen(Abnormal Uterus Shape). Haddii ilmagaleenka uu yahay mid qaabkii caadiga ahaa mid ka duwan,  ma awooddayo in uu hayyo uurjiifka sidii looga baahnaa. Tani waxay keeneysaa  in ilmagaleenka uu isku ururo, taasina waxay keeneysaa dhicisoowid.



3. Waxa keenna caabuq( Infections) sida( rubella, CMV, or toxoplasmosis (called TORCH infections) marka uu jeermiska soo galo dhiigga ama saxaha waxa uu soo aadayaa ilmagaleenka isagoo gaaraya kiishka hooraha uu ilmahu ku jira, mandheerta iyo uurjiifka. Difaaca hooyada waxa uu ka bixinayaa falcelin si uu ula dagaalamo caabuqa,  wax uu ku keenayaa hafeefka guddaha ilmagaleenka(inflammation). Marka uu keeno hafeefka ilmagaleenka waxa uu sameynayaa isku urur.  Isku ururkaasi waxa uu furayaa luqumaha.

Marka luqumaha ay furmaan, iyadoo aan la gaarin xilligii dhalmada. Uurka waxa uu noqonahaa mid aan sii raagin.  Ilmahaasi ma ahan mid badbaadaya, waayo caabuqyada qaar ayaa toos u saamaynaya, waxay ku keeneysaa dhimasho.



4. Waxa kaloo keenna dhibaato ka timaada hormoonka(Hormonal Problems (like low progesterone) hormoonka progesterone waxa uu kaalin ku leeyahay  ilaalinta ilmagaleenka,  isagoo ka dhigaya mid dabacsan. Haddii hormoonka uu noqdo mid yaraada, ama aan ku filnayn hooyada, ilmagaleenka waxa ku imanaya inuu isku ururo, luqumaha ay furmaan kaddibna uurjiifka sidaas ku soo dhicisoowo.



5:Dhaawac ama shil:


Dhaawaca soo gaara ama haddii ay shil gasho hooyada, ama jug toos ka gaadho caloosha  waxay keeneysaa  carqaladayn ku timaada uurka taasoo keeneysa in luqumaha ay furmaan, sidaasna uu uurjiifka ku dhicisoowo. 


6. Is weerarka difaaca jirka (autoimmune diseases):

Mararka qaar, habdhiska difaaca jirka ee hooyada wuxuu si qalad ah ugu arkaa uurka inuu yahay shay qalaad, taasina waxay dhallinaysaa inuu difaaca weeraro uurjiifka. Tani waxay waxyeellaysaa mandheerta (placenta) ama ilmaha, waxayna keentaa in ilmaha uu soo dhicisoowo. 


7. Cudurrada daba-dheeraada ee aan la xakameyn (chronic diseases):

Cudurrada sida macaanka ama dhiig-karka aan si fiican loo daawayn waxay dhaawacaan xiddida dhiigga ee quudiya ilmaha. Haddii nafaqo iyo ogsajiin yaraan dhacdo, ilmaha wuu dhimanayaa, waxa furmaya luqumaha kaddib waxa imanaysa in ilmagaleenka isku ururo sidaasna uu uurka ku soo dhicisoowo. 


8:Uur-beenaad(Molar pregnancy): oo ah xaalad ka dhalato isku dheellitirnaan la'aanta tirada hido-side yaasha (chromosomes) ka kala imaanaya dhanka hooyada iyo aabbaha. Sida caadiga ah, uurka caafimaadka qaba wuxu sameysmaa marka ay midoobaan ugxaanta dheddiga oo wadata 23 hido-side (23 chromosomes) iyo shahwada labka (sperm cells) oo wadata 23 hido-side (23 chromosomes) si ay u sameeyan wax la yiraahdo bacrimane (zygote) oo ka sameysan 46 hiddo-side (ogow 46-daas hido-side waa bilowga samaysinka ilmaha) Haddaba, xaaladaan( molar pregnancy-ga) waxa dhacaysa marka labka ama aabbaha uu si qalad ah u keeno 46 hiddo-side (46 chromosomes) halkii laga rabay 23 hiddo-side oo kali ah, dheddiga ama hooyadana wax hiddo-side ah aysan keenin. Haddii aan si kale u sheegno (molar pregnancy-gu) wuxu yimaada marka uurka uu ka sameysmo 46 hido-side oo ka wada yimid aabbaha kaligiis halkii laga rabay in hooyada iyo aabaha mid walba in uu keeno 23 hiddo-side. Waxa jira nooc kale oo isla (molar pregnancy-ga) ah oo la yiraahdo qeyb uurbeenaad(partial molar pregnancy) oo sameysma marka aabbaha uu keeno 46 hiddo side hooyadana ay keento 23 dii hido side ee laga rabay sidaasna wadarta hido-side yaasha ay ku noqdaan 69 hido- side.Soo koobid: xaaladan (molar pregnancy-ga ah) waxay timaada marka ay qaldanto tirada hiddo-side yaasha ay hooyada iyo aabbaha isku darsanayaan marka uu uurka sameysmaayo.



Calaamadaha. 



1. Hooyada waxay isku arkaysaa dhiig baxa culus oo ka yimaada saxaha.  Dhiigga waa mid guduudan, socodkiisana uu badan yahay. Mararka qaar waxa la socda xinjirro.


2. Hooyada waxay kaloo sheeganaysaa  xanuun daran caloosha qeybta hoose ama majiir darran. 


3.  Marka la fiiriyo waxa la arkayaa luqmaha oo furan.  Haddii xilligga horre ee uurka uu furan yahay luqumaha ma ahan mid caadi ah. Macnaheeda waxay tahay in ilmaha ay soo dhicisoowayaan.


4.  Dhabar xanuun ayay ka cabaneysaa hooyada gaar ahaan dhabarka qeybta hoose.   Waxay dareemeysaa xanuun mudaal ah. 


5.  Waxa laga yabaa in hooyada kuu sheegto xinjirro dhiig ah in ay kayimaadeen. Ama lagu arko marka isbitaalka la keenno.  


6: kombuyuutarka waxa lagu arkayaa in ilmaha aanu lahayn wax wadno gaaraac ah. 



Baadhitaanka. 


1:Waxyaabaha go'aanka lagu gaaro waxa ka mid ah dhiig bax hooyada in lagu arko.


2:Furnaanta luqumaha.


Waxyaabaha kale ee go'aanka lagu gaaro. Waxa ka mid ah in la arko furnaanta  luqumaha. Caadiyan waxa laga rabaa inuu xiran yahay luqumaha.


3:Waxa la saarataa kombuyuutarka (Ultrasound), gaar ahaan kan saxaha la galiyo(transvaginal ultrasound), si markaasi loo arko waxa ku jirra ilmagaleenka.  Si markaasi loo xaqiijiyo furnaanta luqumaha.  Waxyaabaha muhiinanka lagu ogaanayaa waxa ka mid ah haddii uu ku soo haray hadhaa( product).


4:hCG Blood Test: waxa la hubbinayaa hormoonka hCG  si markaasi loo eego inuu jirro uur.  


5:Pelvic Examination: hubinta luqumaha, iyado la fiirinayo kala baxa, barta dhiigu ka sacdo.



Daaweeynta.


1:Waxa lagu daweeyaa hooyada la siiyo dawada misoprostol si ay u fududeyso soo bixitaanka cadadka uurjiifka. Waxaa kaloo loo sameeyaa qaliin(Dilation and Curettage)  si markaasi loo soo saaro waxyaabaha hadhaaga ee lagama maarmaanka in la soo saaro.Misoprostol daawadan waxay qabsanaysaa qaabilaha (prostaglandin E1 receptors) ee ku yaala ilmagaleenka,  waxa uu keenayaa in ilmagaleenka isku ururo iyo jilcanka luqumaha.  Waxa uu ka saacidayaa in hooyada ay ka soo baxaan waxa ku jira ilmagaleenka.

Waxaa misoprostol loo siin karaa siyaabo kala duwan:


600 microgram (mcg) afka in laga qaato AMA 400 mcg afka hoostiisa in la geliyo (sublingual) carabka hoostiisa.AMA 800 mcg gudaha saxaha ( vaginal) in la geliyo (tani waa habka ugu wax-ku-oolsan)

Haddii ilmo-galeenka uusan furmin 24–48 saacadood gudahood, waxaa la siinayaa mar kale.


2:Waxa la siinayaa xanuun baabi'iye( ibuprofen 400mg).


3:Haddii ay jirto dhiig yaraan, waxa la saxayaa iyadoo hooyada Hb sarre loo soo qaadayo. 



4: D and C waa nidaam lagu bixiyo nuda yaasha gudaha ilma-galeenka (uterus) ku hara, bixiyaha daryeelka caafimaad ee D and C wuxuu qabtaa inuu ogaado daaweeyana xaaladaha qaar ee ilma-galeenka sida dhiig baxa daran ama si loo tirtiro ilma galeenka dahaarka ku miiqan(dillanka).Inta lagu guda jiro D and C wxa laisticmaali doonaa qalab yar ama daawooyin si loo furo qeybta yaraatay ee ilma galeenkaada( cervix),  waxa la  isticmaali doonnaa qalabka wax lagu qalo ee lagu magaabo ( curette) kuwaaso noqon Karo qalab af leh ( sharp instrument) ama qalab ka wax nuugista ( suction device) si loo bixiyo nuda yaasha ilmagaleenka (uterus).D and C Waxaa loo isticmaalaa ogaanshaha ama daaweynta xaaladdaha ilma-galeenka.



Tixraaca. 


References:


Dutta’s Textbook of Obstetrics, 9th Edition – Chapter: Early Pregnancy Complications


WHO: Managing complications in pregnancy and childbirth – Threatened Abortion Section




Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad