Casharka 23aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 23aad


Hadhaa har(Incomplete Abortion).


Waa hadhaa ku soo hara ilmagaleenka iyadoo aanu uurka soo dhammaystirmin. Waxay keeneysaa dhiig bax, iyo majiir xagga caloosh, iyo in luqumaha uu furnaado.

Badanaa waxa uu dhacaa 12 isbuuc ee horre. Mararka qaar waxa uu dhici karaa isbuuca 20aad.


Dhicisoowida aan dhammaystirnayn waxay dhacdaa marka ilmagaleenka aanu si fiican uga soo wadda dhammaan uurjiifka. Waxa ku haraya hadhaa( product).Qaybo ka mid ah unugyada uurka sida mandheerta (placenta-da) ama uurjiifka ayaa ku hadha gudaha ilmo-galeenka. Arrintani waxay badanaa ku bilaabataa marka hooyada ay la kullanto xaaladdo caafimaad sida caabuq, uurjiifka oo aanu fiican u  samaysmin,shil, ama sababo kale. Sababahaas awgood, ilmo-galeenka ayaa bilaaba inuu isku  ururo si uu  u soo saaro waxa ku jirra ilmagaleenka. 


Marka ay is ururintaasi dhacdo, waxaa afka ilmo-galeenka ka soo baxa waxyaabo ka mid ah unugyada ku jirro ilmagaleenka. Hase yeeshee, dhammaan unugyadaasi ma soo wadda baxaan, qaar ayaa gudaha ilmo-galeenka ku hadha. Tan ayaa hor istaagaysa in ilmo-galeenka uu si caadi ah ugu soo laabto cabbirkiisii iyo qaabkiisii dabiiciga ahaa. Inta badan afka ilmo-galeenka wuu furan yahay ama si yar ayuu u furnaan karaa.


Marka ay unugyo ku hadhaan gudaha ilmo-galeenka, waxay keenaan carrin joogto ah. Tani waxay sababtaa in ilmo-galeenka uu sii wado kogitaanka(contraction). Isku ururintaasi waxay dhalisaa dhiig-bax aan joogsi lahayn, mararka qaarna dhiig xinjirro wata ayaa ka yimaada hooyada. Dhiig-baxan waxaa caadi ahaan la socda xanuun caloosha hoose laga dareemo ama majiir. Sidoo kale, unugyada hadhay waxay kordhiyaan halista ah in hambaabuqa( caabuq)uu gudaha u galo ilmo-galeenka. Haddii jeermis uu gudaha u galo, waxa uu sababi karaa caabuq halis ah oo loo yaqaan caabuq dhiciseed( Septic Abortion).


Haddii xaaladdan aan si degdeg ah loo daaweyn, dhiig-baxu wuu sii kordhi karaa, taas oo keeni karta  dhiig-yari. Caabuqa ayaa isna fidi kara oo gaaraya qaybo kale oo ka mid ah jirka, taas oo sababaysa qandho, gariir. Haddii xaaladdu meel fog gaarto, waxay khatar gelin kartaa nolosha hooyada.


Maxaa keenna?


1. Waxa keenna isbeddelada ku yimaada koromsoomka (Chromosomal Abnormalities), mararka qaar ilmaha waxa uu sitaa hidda side qaldan, taasina waxay kaalin ka gaysanaysaa in uurjiifka aanu sidii larabay ee caadiga ahayd u korin, uurkaasi waxa uu noqonayaa mid soo idlaada. Qaldanaanta koromsoomyada kaalintaas ayay kaga qeyb qaataan dhicisoowida uurjiifka.


2. Waxaa kaloo keenna in ilmagaleenka in  sidii la rabay u samaysneen(Abnormal Uterus Shape). Haddii ilmagaleenka uu yahay mid qaabkii caadiga ahaa mid ka duwan,  ma awooddayo in uu hayyo uurjiifka sidii looga baahnaa. Tani waxay keeneysaa  in ilmagaleenka uu isku ururo, taasina waxay keeneysaa dhicisoowid.


3. Waxa keenna caabuq( Infections) sida( rubella, CMV, or toxoplasmosis (called TORCH infections) marka uu jeermiska soo galo dhiigga ama saxaha waxa uu soo aadayaa ilmagaleenka isagoo gaaraya kiishka hooraha uu ilmahu ku jira, mandheerta iyo uurjiifka. Difaaca hooyada waxa uu ka bixinayaa falcelin si uu ula dagaalamo caabuqa,  wax uu ku keenayaa hafeefka guddaha ilmagaleenka(inflammation). Marka uu keeno hafeefka ilmagaleenka waxa uu sameynayaa isku urur.  Isku ururkaasi waxa uu furayaa luqumaha.

Marka luqumaha ay furmaan, iyadoo aan la gaarin xilligii dhalmada. Uurka waxa uu noqonahaa mid aan sii raagin.  Ilmahaasi ma ahan mid badbaadaya, waayo caabuqyada qaar ayaa toos u saamaynaya, waxay ku keeneysaa dhimasho.


4. Waxa kaloo keenna dhibaato ka timaada hormoonka(Hormonal Problems (like low progesterone) hormoonka progesterone waxa uu kaalin ku leeyahay  ilaalinta ilmagaleenka,  isagoo ka dhigaya mid dabacsan. Haddii hormoonka uu noqdo mid yaraada, ama aan ku filnayn hooyada, ilmagaleenka waxa ku imanaya inuu isku ururo, luqumaha ay furmaan kaddibna uurjiifka sidaas ku soo dhicisoowo.


5:Dhaawac ama shil:


Dhaawaca soo gaara ama haddii ay shil gasho hooyada, ama jug toos ka gaadho caloosha  waxay keeneysaa  carqaladayn ku timaada uurka taasoo keeneysa in luqumaha ay furmaan, sidaasna uu uurjiifka ku dhicisoowo. 


6. Is weerarka difaaca jirka (autoimmune diseases):

Mararka qaar, habdhiska difaaca jirka ee hooyada wuxuu si qalad ah ugu arkaa uurka inuu yahay shay qalaad, taasina waxay dhallinaysaa inuu difaaca weeraro uurjiifka. Tani waxay waxyeellaysaa mandheerta (placenta) ama ilmaha, waxayna keentaa in ilmaha uu soo dhicisoowo. 


7. Cudurrada daba-dheeraada ee aan la xakameyn (chronic diseases):

Cudurrada sida macaanka ama dhiig-karka aan si fiican loo daawayn waxay dhaawacaan xiddida dhiigga ee quudiya ilmaha. Haddii nafaqo iyo ogsajiin yaraan dhacdo, ilmaha wuu dhimanayaa, waxa furmaya luqumaha kaddib waxa imanaysa in ilmagaleenka isku ururo sidaasna uu uurka ku soo dhicisoowo. 


8:Waxaa keenna uurjiifka aan xubnaha qaar u samaymin(congenitalmalformation), sida ilma aan maskax lahayn,  ama wadnihiisa uu cillad leeyahay.  Ilmagaleenka waxa isku dayaayaa inuu soo saaro uurjiifka ama hadhaaga ku jirra makaanka. Marka la leeyahay hadhaa dhicisoowid waa marka qayb ka mid ah ku soo hadho ilmogaleenka. Ilmagaleenka waxa uu bilaabayaa inuu isku ururo  si uu soo saaro waxa ku jirra. 


9. Sigaarka, khamriga, ama isticmaalka daroogada. Waxyaallahan waxay keenayaan ceejisanka xiddida( vasoconstriction),  waxa dhacaysa ku filnaansho la’aanta mandheerta,  taasina waxay keeneysa ogsijiin yari, isku darkaasi waxay horseedayaan in uurka sidaasi ku soo afmeermo. Xaaladdaha qaar waxay keeneysaa in badh uurjiifka banaanka u soo baxo balse uu jirro hadhaa ka soo haray uurjiifka inuu ku soo Haro ilmagaleenka,  ilmaha waxa uu samaynayaa isku urur


10:Yaraanshaha hormoonnada.


Marka hooyadu ay yeelato hoormoonnada muhiimka waxa kamid ah sida progesterone iyo hCG oo hoos u dhaca, waxay sababi karaan in uurka uu noqdo mid aan dhammaystirna qeyb  hadhaa ah ku soo harta ilmagaleenka(incomplete abortion). Hoormoonka progesterone wuxuu caawiyaa in gudaha ilmo-galeenka (xuubka gudaha) uu awood yeesho oo aanu si fudud u carismin. Sidoo kale wuxuu joojiyaa in ilmo-galeenku isku ururo (contractions). Haddii heerka progesterone uu yaraado, xuubka  ilmo-galeenka waxa uu noqdaa daciif ah, haddi uu ilmagaleenka uu xejin waayo uurjiifka waxa laga yabaa in qeyb ay soo wadda baxdo, badh Kale uu ku harro ilmagaleenka.


Calaamadaha. 


1. Hooyada waxay isku arkaysaa dhiig baxa culus oo ka yimaada saxaha.  Dhiigga waa mid guduudan, socodkiisana uu badan yahay. Mararka qaar waxa la socda xinjirro.


2. Hooyada waxay kaloo sheeganaysaa  xanuun daran caloosha qeybta hoose ama majiir darran. 


3.  Marka la fiiriyo waxa la arkayaa luqmaha oo furan.  Haddii xilligga horre ee uurka uu furan yahay luqumaha ma ahan mid caadi ah. Macnaheeda waxay tahay in ilmaha ay soo dhicisoowayaan.


4.  Dhabar xanuun ayay ka cabaneysaa hooyada gaar ahaan dhabarka qeybta hoose.   Waxay dareemeysaa xanuun mudaal ah. 


5.  Waxa laga yabaa in hooyada kuu sheegto xinjirro dhiig ah in ay kayimaadeen. Ama lagu arko marka isbitaalka la keenno.  


6: kombuyuutarka waxa lagu arkayaa in ilmaha aanu lahayn wax wadno gaaraac ah. 


7:Cabirka ilmagaleenka (Uterine Size): cabirka ilmagaleenka waxa uu noqdaa mid  yar, marka loo eego sida uurka caadiga.  Marka hubbinta gacanta la sameynaayo ayaa la arkayaa.


8:Waxaa kaloo lagu arkayaa daal, wareer, daciifnimo, taasoo ugu wacan dhiig baxa hooyada ku yimaada(pallor).


9:Waxaa kaloo lagu arkayaa qandho aad u yar, waa haddii uu jirro caabuq. Laakiin haddii uu jirro caabuq dhiciseed waxa lagu arkayaa qandho aad u sarreysaa.


Baadhitaanka. 


1:Waxyaabaha go'aanka lagu gaaro waxa ka mid ah dhiig bax hooyada in lagu arko.


2:Furnaanta luqumaha.


Waxyaabaha kale ee go'aanka lagu gaaro. Waxa ka mid ah in la arko furnaanta  luqumaha. Caadiyan waxa laga rabaa inuu xiran yahay luqumaha.


3:Waxa la saarataa kombuyuutarka (Ultrasound), gaar ahaan kan saxaha la galiyo(transvaginal ultrasound), si markaasi loo arko waxa ku jirra ilmagaleenka.  Si markaasi loo xaqiijiyo furnaanta luqumaha.  Waxyaabaha muhiinanka lagu ogaanayaa waxa ka mid ah haddii uu ku soo haray hadhaa( product).


4:hCG Blood Test: waxa la hubbinayaa hormoonka hCG  si markaasi loo eego inuu jirro uur.  


5:Pelvic Examination: hubinta luqumaha, iyado la fiirinayo kala baxa, barta dhiigu ka sacdo.


6:Waxaa kaloo loo dirayaa baadhitaannada (WBC, CRP) haddii laga shakiyo inuu jirro caabuq. 


Daaweeynta.


1:Waxa lagu daweeyaa hooyada la siiyo dawada misoprostol si ay u fududeyso soo bixitaanka cadadka uurjiifka. Waxaa kaloo loo sameeyaa qaliin(Dilation and Curettage)  si markaasi loo soo saaro waxyaabaha hadhaaga ee lagama maarmaanka in la soo saaro.Misoprostol daawadan waxay qabsanaysaa qaabilaha (prostaglandin E1 receptors) ee ku yaala ilmagaleenka,  waxa uu keenayaa in ilmagaleenka isku ururo iyo jilcanka luqumaha.  Waxa uu ka saacidayaa in hooyada ay ka soo baxaan waxa ku jira ilmagaleenka.

Waxaa misoprostol loo siin karaa siyaabo kala duwan:


600 microgram (mcg) afka in laga qaato AMA 400 mcg afka hoostiisa in la geliyo (sublingual) carabka hoostiisa.AMA 800 mcg gudaha saxaha ( vaginal) in la geliyo (tani waa habka ugu wax-ku-oolsan)

Haddii ilmo-galeenka uusan furmin 24–48 saacadood gudahood, waxaa la siinayaa mar kale.


2:Waxa la siinayaa xanuun baabi'iye( ibuprofen 400mg).


3:Haddii ay jirto dhiig yaraan, waxa la saxayaa iyadoo hooyada Hb sarre loo soo qaadayo. 


4: D and C waa nidaam lagu bixiyo nuda yaasha gudaha ilma-galeenka (uterus) ku hara, bixiyaha daryeelka caafimaad ee D and C wuxuu qabtaa inuu ogaado daaweeyana xaaladaha qaar ee ilma-galeenka sida dhiig baxa daran ama si loo tirtiro ilma galeenka dahaarka ku miiqan(dillanka).Inta lagu guda jiro D and C wxa laisticmaali doonaa qalab yar ama daawooyin si loo furo qeybta yaraatay ee ilma galeenkaada( cervix),  waxa la  isticmaali doonnaa qalabka wax lagu qalo ee lagu magaabo ( curette) kuwaaso noqon Karo qalab af leh ( sharp instrument) ama qalab ka wax nuugista ( suction device) si loo bixiyo nuda yaasha ilmagaleenka (uterus).D and C Waxaa loo isticmaalaa ogaanshaha ama daaweynta xaaladdaha ilma-galeenka.


5:Waxa la siinayaa jeermis dile si markaasi looga hortago caabuqa, ka hor inta aan laga soo xaaqin hadhaaga. Waxa la siinayaa:Doxycycline

Xaddiga: 100 mg waxa laga siinayaa afka. Waxay xidhaysaa borotiinka aysamaysan lahayd bakteeriyada. 


Waxaa kaloo la siinayaa Metronidazole 400–500 mg  waxa laga siinayaa afka ka hor inta aan loo samayn xaaqitaanka.


Tixraaca. 


References:


Dutta’s Textbook of Obstetrics, 9th Edition – Chapter: Early Pregnancy Complications


WHO: Managing complications in pregnancy and childbirth – Threatened Abortion Section


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad