Casharka 24aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 24aad
Dhicisoowid dhammeystiran( complete Abortion)
Waa dilan dhammeystiran oo minku faaruq yahay.Dhicisoowida dhameyska-tiran waxa uu dhacaa marka dhammaan qaybaha uurka, oo ay ka mid yihiin uurjiifka, mandheerta (placenta) iyo xuubabka kale, gebi ahaanba laga saaro gudaha ilmo-galeenka (uterus). Nidaamkani waxa curtaa marka ay is garabsadaan hannaanka baayolojigeed iyo hormoonnada, kuwaasoo ka qeyb qaata soo gabagabeynta uurka.Arrintan waxay inta badan curataa marka uu isbeddel ku yimaado uurka, sida cilado hidde-sideedka ilmaha (chromosomal abnormalities), caabuqyo (infections), cudurro ku dhaca hooyada, ama cilado dhanka qaab-dhiska ilmo-galeenka ah. Marka ay dhibaatooyinkaas dhacaan, uurka waxa uu noqdaa mid soo idlaada, uurjiifka ma ahaan doonno mid sii koraya. Waxa la soo daynayaa kiimikooyin loo yaqaan prostaglandins iyo oxytocin. Prostaglandins-ku waa kiimikooyin awood badan oo sababa in muruqyada ilmo-galeenka ay si xooggan u iskugu ururaan. Hoormoonka oxytocin, oo laga soo daayo qanjirka maskaxda ku yaal (pituitary gland), isna wuxuu sii kordhinayaa kogitaanka ilmo-galeenka.
Marka ilmo-galeenku si xooggan u iskugu ururo afka ilmo-galeenka (cervix) wuu furmaa, taas oo fududeysa in dhammaan qaybaha uurka sida uurjiifka, mandheerta gabi ahaanba ay u soo baxaan banaanka ama soo dhicisoowo uurka. Marka ilmagaleenka uu faaruq noqdo waxa uu sii wadayaa isku ururka ilmagaleenka, taasoo ka hortageysa dhiig bax inuu hooyada ku yimaado.Geeddi-socodkan waxaa lagu magacaabaa Ilmo-galeenka oo dib u yaraada (Uterine Involution), taasoo ka dhigan in ilmo-galeenku uu dib ugu noqdo cabbirkiisii caadiga ahaa.Kaddib marka uurka ayaa gebi ahaanba soo gaba gaboobo, afka ilmo-galeenka wuu xirmaa, dhiig-baxana wuu yaraadaa ama gebi ahaanba wuu istaagaa. Maadama aysan waxba ku harin ilmagaleenka. Halkaas waxa ka curanaya hannaanka dib u soo kabashada jirka hooyada. Waxa dib u habbayn lagu samaynayaa barta ay mandheerta ka soo fuqday iyadoo xiddida dhiigga laga hortago in ay dhiig bax sameeyaan, taasoo ugu isku ururka ilmagaleenka iyo sameysanka xinjirowga looga hortagayo. Muddo kaddib ilmagaleenka waa uu bogsadaa, halkas waxa ka curanysa hannaanka dhiigga caadada.
Maxaa keenna?
1. Waxa keenna isbeddelada ku yimaada koromsoomka (Chromosomal Abnormalities), mararka qaar ilmaha waxa uu sitaa hidda side qaldan, taasina waxay kaalin ka gaysanaysaa in uurjiifka aanu sidii larabay ee caadiga ahayd u korin, uurkaasi waxa uu noqonayaa mid soo idlaada. Qaldanaanta koromsoomyada kaalintaas ayay kaga qeyb qaataan dhicisoowida uurjiifka.
2. Waxaa kaloo keenna in ilmagaleenka in sidii la rabay u samaysneen(Abnormal Uterus Shape). Haddii ilmagaleenka uu yahay mid qaabkii caadiga ahaa mid ka duwan, ma awooddayo in uu hayyo uurjiifka sidii looga baahnaa. Tani waxay keeneysaa in ilmagaleenka uu isku ururo, taasina waxay keeneysaa dhicisoowid.
3. Waxa keenna caabuq( Infections) sida( rubella, CMV, or toxoplasmosis (called TORCH infections) marka uu jeermiska soo galo dhiigga ama saxaha waxa uu soo aadayaa ilmagaleenka isagoo gaaraya kiishka hooraha uu ilmahu ku jira, mandheerta iyo uurjiifka. Difaaca hooyada waxa uu ka bixinayaa falcelin si uu ula dagaalamo caabuqa, wax uu ku keenayaa hafeefka guddaha ilmagaleenka(inflammation). Marka uu keeno hafeefka ilmagaleenka waxa uu sameynayaa isku urur. Isku ururkaasi waxa uu furayaa luqumaha.
Marka luqumaha ay furmaan, iyadoo aan la gaarin xilligii dhalmada. Uurka waxa uu noqonahaa mid aan sii raagin. Ilmahaasi ma ahan mid badbaadaya, waayo caabuqyada qaar ayaa toos u saamaynaya, waxay ku keeneysaa dhimasho.
4. Waxa kaloo keenna dhibaato ka timaada hormoonka(Hormonal Problems (like low progesterone) hormoonka progesterone waxa uu kaalin ku leeyahay ilaalinta ilmagaleenka, isagoo ka dhigaya mid dabacsan. Haddii hormoonka uu noqdo mid yaraada, ama aan ku filnayn hooyada, ilmagaleenka waxa ku imanaya inuu isku ururo, luqumaha ay furmaan kaddibna uurjiifka sidaas ku soo dhicisoowo.
5:Dhaawac ama shil:
Dhaawaca soo gaara ama haddii ay shil gasho hooyada, ama jug toos ka gaadho caloosha waxay keeneysaa carqaladayn ku timaada uurka taasoo keeneysa in luqumaha ay furmaan, sidaasna uu uurjiifka ku dhicisoowo.
6. Is weerarka difaaca jirka (autoimmune diseases):
Mararka qaar, habdhiska difaaca jirka ee hooyada wuxuu si qalad ah ugu arkaa uurka inuu yahay shay qalaad, taasina waxay dhallinaysaa inuu difaaca weeraro uurjiifka. Tani waxay waxyeellaysaa mandheerta (placenta) ama ilmaha, waxayna keentaa in ilmaha uu soo dhicisoowo.
7. Cudurrada daba-dheeraada ee aan la xakameyn (chronic diseases):
Cudurrada sida macaanka ama dhiig-karka aan si fiican loo daawayn waxay dhaawacaan xiddida dhiigga ee quudiya ilmaha. Haddii nafaqo iyo ogsajiin yaraan dhacdo, ilmaha wuu dhimanayaa, waxa furmaya luqumaha kaddib waxa imanaysa in ilmagaleenka isku ururo sidaasna uu uurka ku soo dhicisoowo.
8:Waxaa keenna uurjiifka aan xubnaha qaar u samaymin(congenitalmalformation), sida ilma aan maskax lahayn, ama wadnihiisa uu cillad leeyahay. Ilmagaleenka waxa isku dayaayaa inuu soo saaro uurjiifka ama hadhaaga ku jirra makaanka. Marka la leeyahay hadhaa dhicisoowid waa marka qayb ka mid ah ku soo hadho ilmogaleenka. Ilmagaleenka waxa uu bilaabayaa inuu isku ururo si uu soo saaro waxa ku jirra.
9. Sigaarka, khamriga, ama isticmaalka daroogada. Waxyaallahan waxay keenayaan ceejisanka xiddida( vasoconstriction), waxa dhacaysa ku filnaansho la’aanta mandheerta, taasina waxay keeneysa ogsijiin yari, isku darkaasi waxay horseedayaan in uurka sidaasi ku soo afmeermo. Xaaladdaha qaar waxay keeneysaa in badh uurjiifka banaanka u soo baxo balse uu jirro hadhaa ka soo haray uurjiifka inuu ku soo Haro ilmagaleenka, ilmaha waxa uu samaynayaa isku urur
10:Yaraanshaha hormoonnada.
Marka hooyadu ay yeelato hoormoonnada muhiimka waxa kamid ah sida progesterone iyo hCG oo hoos u dhaca, waxay sababi karaan in uurka uu noqdo mid aan dhammaystirna qeyb hadhaa ah ku soo harta ilmagaleenka(incomplete abortion). Hoormoonka progesterone wuxuu caawiyaa in gudaha ilmo-galeenka (xuubka gudaha) uu awood yeesho oo aanu si fudud u carismin. Sidoo kale wuxuu joojiyaa in ilmo-galeenku isku ururo (contractions). Haddii heerka progesterone uu yaraado, xuubka ilmo-galeenka waxa uu noqdaa daciif ah, haddi uu ilmagaleenka uu xejin waayo uurjiifka waxa laga yabaa in qeyb ay soo wadda baxdo, badh Kale uu ku harro ilmagaleenka.
Caalamahadaha.
1:Hooyada waxay kuu sheegeysaa dhiig in ay isku aragtay(vaginal bleeding) se hadda uu yaryahay dhiig baxaasi ama inuu istaagay.
2:Hooyada waxay kaloo kuu sheegeysaa marka aad wareysato in waxyaabo cadad ah iyo xinjiro ah ay ka soo baxeen.
3:Calool majiirka ay dareemeysay waxay kuu sheegeysaa inuu sii yaraanayo
4:Dhiig baxa ay isku arkaysaa waxa uu noqonayaa mid sii gawaabsi ah kaddib marka uurjiifka si dhammeystiran u soo wadda baxo.
5:Marka aad eegto luqumaha hooyada waa mid xirran( cervix close)
Baadhitaanka.
1:Waxa loo dirayaa kombuyuutar( transvaginal ultrasound) si markaasi loo eego haddii ay wax ku soo hareen. Haddii dhicisoowida ay tahay mid dhammaystiran ilmagaleenka kombuyuutarka waxa lagu arkayaa faaruqsanaanta ilmagaleenka.
2: Waxaa loo dirayaa shaybaadho sida .
Hormoonka β-hCG si markaasi loo fiiriyo heerka uu maraayo.
3:Waxaa kaloo loo dirayaa dhiigga guud si loo ogaado haddii ay jirto dhiig yaraan. Ama haddii laga shakiyo caabuq.
Daaweeynta.
Waxa la hubinayaa haddii uu jirro hadhaa ku soo haray ilma galeenka. Haddii uu jirro xanuun waxa la siinayaa hooyada xanuun baabi'iye ( ibuprofen 400mg), hooyada waxa lagula taliyaa in ay nasiinno qaadato. Waxaa kaloo loo sheegaa in ay dib u soo laabato si markaasi hubbin loogu sameeyo. Marar haddii ay dhacdo in ilmagaleenka wax ku soo hadhaan waxa la sameeyaa sugitaan, ilaa uu ka soo dhammaanayo hadhaagaasi. Haddii aysan soo bixin waxa lasiinayaa misoprostol taasoo ka caawineysa in hadhaaga uu banaanka u soo wadda baxo. Haddii dhiig bax uu yahay mid badan, waxa loo baahanayaa qaliin kaasoo lagu soo nadiifinayo ilmagaleenka ( manual vacuum aspiration ama suction curettage). Waxa la siinayaa jeermis dile haddii hooyada lagu arko caalamahadaha caabuqa sida qandho, qoyaan ur leh oo ka yimaada saxaha.Haweeneyda waxaa loo sheegaa inay si degdeg ah xarunta caafimaadka ugu soo laabato haddii ay dareento dhiig-bax badan, xanuun daran, qandho.Hooyadaan daawo ama farsamo kale uma baahna, waa in la baara sababta ay u dilanta, talooyin kahortag ah la siiyaa. Xaaladan hooyada waxay u baahan tahay in laga warqabo ama la eego makaanka in ay wax ku soo hareen, wax hooyada loo sheego in ay soo noqosho sameyso, xag dhimirka in hooyada laga taageero si xaaladeeda hab-nololeed u wanaagsanaado.
Tixraaca.
References:
Dutta’s Textbook of Obstetrics, 9th Edition – Chapter: Early Pregnancy Complications
WHO: Managing complications in pregnancy and childbirth – Threatened Abortion Section
Saaxiibbadaa sii gaarsii.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment