Casharka 25aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 25aad


Septic Abortion


Waa dilan qaaday caabuq, waa xaalad halis ah waxayna ku dhici kartaa hooyooyinka soo maray xaaladda 1-aad iyo tan 4-aad, haddii hooyada aan laga xaaqin oo minka wax ku haraan, muddo kaddib way ku sumoobi kartaa walxahaas, waxayna u baahan doontaa gargaar degdeg ah. Waxa lagu arkayaa qandho, calool xanuun ama danqasho, qoyaan urleh oo ka yimaada xubinka taranka, dhiig ka yimaada saxaha( vaginal bleeding). Garaaca wadnaha oo siyaada, dhiigga hoos u dhaca.


Bakteeriyada ayaa si fudud ugu gudbi karta gudaha ilmo-galeenka haddii la adeegsado qalab aan nadiif ahayn inta lagu jiro xilliga xaaqitaanka uurka, ama haddii nadaafadda guud aan loo samayn hooyada, ama haddii difaaca hooyada uu yahay mid liita.

 Marka bakteeriyadu gudaha u gasho, waxay u  tarantaa si degdeg ah, gaar ahaan haddii ay jiraan wax  hadhaa ah. Ilmo-galeenka waxa uu noqdaa caabuq, taas oo keenta hafeef iyo dhaawac gudaha ah. Caabuqaan waxaa lagu magacaabaa hafeefka ilmagaleenka (Endometritis).

Marka caabuqaasi sii xoogaysto, difaaca jirka ayaa ka jawaaba. Jirka wuxuu soo diraa unugyada cad ee dhiigga si ay ula dagaallamaan bakteeriyada. Tani waxay keentaa barar, xanuun, iyo in ay samaysanto malax (pus) gudaha ilmo-galeenka. Intaa waxaa dheer, bakteeriyada waxay soo daayaan sun (toxins), kuwaas oo dhaawac culus u geysta unugyada ilmo-galeenka iyo hareerihiisa, taasoo keenta in caabuqu si dhakhso ah ugu faafo jirka.


Haddii caabuqa aan la dawayn, wuxuu ka gudbi karaa ilmo-galeenka wuxuuna u gudbi karaa tuubooyinka ugxanta (Fallopian tubes), ugxan-sidaha, iyo qaybaha kale ee miskaha. Haddii xaaladda ay gaadho heerkan, bakteeriyada waxay si sahlan ugu gudbi kartaa dhiigga, taasoo loo yaqaan hambaabuqa dhiigga(bacteremia). Marka bakteeriyada ay gasho dhiigga, waxay si dhakhso ah u saameysaa jirka oo dhan, waxayna sababi karaan xaalad halis ah oo loo yaqaan caabuqoowid( sepsis).


Sepsis-ka waa marka difaaca jirka uu si xad dhaaf ah uga falceliyo bakteeriyada. Halkii difaacu uu ilaalin lahaa jirka, wuxuu sababi karaa hafeef baahsan oo jirka dhan ah. Xididdada dhiigga ayaa bilaaba inay noqdan kuwa habid ah, cadaadiska dhiiggana waxa uu noqdaa mid hoos u dhaca. Natiijadaas darteed, xubnaha muhiimka ah sida kilyaha, beerka, wadnaha iyo maskaxda ma helayaan dhiig iyo ogsijiin ku filan si ay si caadi ah u shaqeeyaan.

Haddii caabuqa iyo falcelinta jirka aan si degdeg ah aan loo xakameyn, waxay u gudbi kartaa xaalad aad u khatar badan oo la yiraahdo dhidhib caabuqeed(septic shock).  Tani waxay keeneysaa in jirka uu soo gaaro dhaawac culus gaar ahaan unugyda qaar in ay dhintaan ayay keeni kartaa.


Maxaa keenna?


1. Qalab aan nadiifsanayn


Waxyaabaha keenna waxa ka mid ah isticmaalka qalab aan jeermis dilnayn, taasoo toos ugu gudbinaya bakteeriyada guddaha ilmagaleenka.  Ama jug soo gaadha xuub-ilmagaleenka iyo luqumaha taasoo fuddudayneysa in bakteeriyada ay u guddubto. Kuwa ugu caansan keenna waxa ka mid ah:

Polymicrobial — E. coli, anaerobes, Clostridium species.


2: In hadhaa uu ku soo haro ilmagaleenka (Retained Products of Conception).


Dhicisoowida qaar ayaa waxay dhacdaa in ilmagaleenka uu ku soo Haro hadhaa, kaddib Dhicisoowida.   Hadhaagaas waxa uu sahlayaa in bakteeriyada ay meesha ku taranto, kaddib waxa dagaal soo qaadaya difaaca jirka,  difaaca jirka waxa uu keenayaa hafeef. Caabuqa waxa uu keenayaa inuu ku faafo guddaha ilmagaleenka iyo qulqulka dhiigga, tasoo ugu dambayn keeneysa caabuqoowid.


3: Hoorsanaanta caabuqa saxaha(Ascending Vaginal Infection)


Waxa keenna caabuq horay uga jiray saxaha ama Luqamaha,  tasoo keentay bakteeriyada lagu kala qaado galmada sida chlamydia ama jabtada. Bakteeriyada waxay ka imaaneysaa saxaha, waxay u soo gudbaysaa ilmagaleenka, haddii aan la daweyn xilli horre caabuqa waxa uu ku faafayaa miskaa iyo dhiigga ama xubanaha kale.


4:Nadaafad darro hoosaysa(Poor Hygiene After Abortion)


Qofka aan si wanaagsan u samayn nadaafada kaddib marka ay hooyada ilmaha ka soo ridmaan ama ka soo dhicisoowaan. Hooyada haddii ay isticmaasho waxyaabo aan jeermis dilneen waxay siyaadinayaa qatarka caabuqa  ama bakteeriyada ay kaga soo gudbi karto xubnaha taranka. Tani waxay horseedaysaa caabuqa ilmagaleenka ama caabuqoowida guud.


Calaamadaha. 


1:  Hooyada waxa lagu arkayaa qandho oo xaddigeeda aad u sareeyo, mararka qaar waxa lagu arkayaa jarays.


2: Waxa kaloo lagu arkayaa caloosha qeybta hoose in ay xanuun ka dareento hooyada.


3: Waxa lagu arkayaa qoyaan urleh oo ka yimaada saxaha.


4: Waxaa kaloo lagu arkayaa dhiig ka yimaada saxaha, waxa uu noqon karaa mid xooggan ama mid waqti dheer socda.


5: Miskaha oo ay danqasho ka dareento hooyada, marka la taabto.


6: Garaaca wadnaha oo xawli noqda. Taasoo ugu wacan caabuqa saameyntiisa.


7: Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca.


6: Socodka kaadida oo hoos du dhaca.


8: Waxaa kaloo la arkayaa isku dhexyaac hooyada oo wax kala garan weysa.


9: Caabuqoowid dhiigga waxa keenayaa in hooyada adimaha hoose ay noqdaan kuwa qabooba 


Baadhitaanka 


1:Ultrasound: in la eego haddii wax ku soo hadhay makaanka. 


2:Hubbinta dhiigga.  Waxa laga baarayaa dhiigga guud, in laga qaado beerid si markaasi loo cadeeyo  noolaha saxda ee keenay, iyo haddii ay jirraan calaamado olol( c-reactive protein).


3:Hubbin gacmeedka.


Waxa la fiirinayaa heerkulka jirka( fever).

Waxa la fiiriyaa garaaca wadnaha.

Waxa la fiirinayaa ama laga cabirayaa cadaadiskaa dhiigga si markaasi loo eego haddii uu jirro dhidhibka( shock). Waxaa kaloo la fiirinayaa haddii uu jirro daciifsanaan, ama fuuq bax jireed.

Waxaan oodhan waxay inna tusinayaan inuu jirro caabuq.


4:Hubbinta luqmaha.


Waxa la isticmaalayaa baadhitaanka(speculum) si markaasi loo eego guddaha saxaha iyo luqumaha. Tani waxay innaga caawineysaa in aynnu ogaanno, haddii uu jirro ur ka yimaada saxaha. Haddii uu jirro dhaawac soo gaaray saxaha ama luqumaha. Waxa kaloo la ogaanayaa danqashada ilmagaleenka. 


 

5:Hubbinta saxaha ama luqumaha (Vaginal or Cervical Swab).


Waxa laga qaadayaa muunad( waxa laga soo qaadayaa saxaha ama luqaha) si markaasi loo baadho bakteeriyada.  Tani waxay muhiim u tahay in la cadeeyo bakteeriyada keentay caabuqa,  si markaasi daaweynta jeermis dilaha loo saxo qofka la siiyo dawada saxda ee ku habboon.


Daaweynta. 


1:Waxa la siinayaa jeermis dile (Antibiotics: Broad-spectrum). Sida ampicillin, gentamicin, metronidazole.  Si markaasi loola dagaalamo bakteeriyada taban iyo mid togan.


Gentamicin dawadan waxay xidhaysaa  borotiinka bakteeriyada ay samaysato, waxa la siinayaa 5mg iyadoo loo eegayo miisaan ahaan. 


 

Clindamycin daawadan waxay xidheysaa borotiinka ay samaysan lahayd bakteeriyada, waxa la siinayaa xaddi 900 mg. Waxa loo isticmaalayaa bakteeriyada taban iyo mida togan, iyo mida aan u baahnay ogsijiin (anaerobes)


Ampicillin dawadan waxay dhaawaceysaa darbiyada unugyada, waxay dileysaa bakteeriyada togan(positive) iyo qaar ka mid ah kuwa taban. Waxa la siinayaa xaddiga 2 g.


 

Metronidazole (Optional in some cases)  daawadan waxa loo siinayaa in ay disho bakteeriyada aan ogsijiinta u baahnayn, waxay dhaawaceysaa hidda sidaha bakteeriyada,  bakteeriyada ma awooddeyso in ay si badiso.


Piperacillin-Tazobactam (Alternative for severe cases) waxa loo isticmaalayaa xaaladdaha qatarta ah, waxay burburineysaa darbiyada bakteeriyada, tazobactam waxay ka hortageysaa bakteeriyada in ay burburiso jeermis dilaha.


2:In loo sameeyo hoore celin, haddii ay dhiig u baahan tahay  in lagu shubbo. Waxa laga siinayaa xiddidka(IV FLUID) waxa la siinayaa  hooraha Normal Saline ama Ringer’s Lactate.  Xaddi gaaraya  500 ml. Sababta loo siinayaa waa in la saxo fuuqbaxa jireed iyo hoos u dhaca mugga dhiigga ee jirka. Waxa kaloo loo siinayaa si loo wanaajiyo wareega dhiigga, iyo in xubnaha jirka inuu helo quudin fiican.


3: Sixida ogsijiin 


Waxa loo siinayaa haddii heerka u ogsijiinta ay hoos u dhacdo si markaasi la iskugu dheellitiro, loogana hortago ogsijiin yarida soo wajahda jirka(SpO₂ > 94%).


4:Waxaa kaloo loo sameeyaa qaliin(Dilation and Curettage)  si markaasi loo soo saaro waxyaabaha hadhaaga ee lagama maarmaanka in la soo saaro.


5:Daaweynta qaliinka waa haddii loo baahdo(Surgical Treatment If Needed), haddii ilmagaleenka noqdo mid caabuqoowi uu ku faafo caloosha, waxa loo baahanayaa qaliin.  Haddii dhiig baxa uu yahay mid aan joogsan, xal kale loo waayo ilmagaleenka dhiig bixiisa waxa loo baahanayaa min saarid(hysterectomy).


6:Waxa la siinayaa Paracetamol si markaasi loo xakameeyo qandhada, gaar ahaan dawadani waxay xakameynaysaa xarunta laga maamulo heerkulka jirka,  waxay hoos u dhigeysaa qanadhada.


7:Dhiig ku shubid(Blood Transfusion)


Haddii bukaanka uu yahay mid dhiig yaraani hayso ama uu dhiig bax badan ku yimid waxa la siinayaa dhiig, si markaasi heerka ogsijiin jirka gaaraysaa u wacnaato, si markaasi looga hortago  fashilanka xubnaha jirka.


References.


Dutta's Textbook of Obstetrics


Ten Teachers' Obstetrics


Williams Obstetrics


Current Obstetrics & Gynecology Diagnosis & Treatment (DeCherney)


Obstetrics Illustrated by C.P. Whitfield


Hacker & Moore's Essentials of Obstetrics and Gynecology


Gabbe's Obstetrics: Normal and Problem Pregnancies


Amboss — Clinical information on septic abortion


Medscape — Detailed medical articles on septic abortion and sepsis in obstetrics


Cleveland Clinic — Information on abortion complications


Mayo Clinic — General and clinical overviews of abortion and infections


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad