Casharka 27aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 27aad
Implantation bleeding
Waa dhiig cadadkiisa uu yaryahay oo ka yimaada hooyada, waxa uu dhacaa marka la bacramiyo ugxanta, kuna dhagto xuub-ilmagaleenka. Badanaa waxa uu dhacaa 6 ilaa 12 maalmood kaddib ugxanaynta(ovulation) iyo bacraminta.
Marka ay lakullanto xawada ninka ugxanta hooyada, kaddib waxa curanaya qeybsanka unugyada ilaa uu ka gaarayo unugyo sida kubbada oo kale (blastocyst). Unugyadaasi waxay u safrayaan ilmagaleenka.
Kaddib waxa ay ku dhagayaan ilmagaleenka, waxa uu noqdaa mid adag taasoo u diyaar ah inuu qaabilo uurjiifka. Marka waxa dhaawaca uu gaarayaa xiddida yaryar ee xuub-ilmagaleenka, dhaawacan yar waxa uu keenayaa dhiig bax fudud.
Maxaa keenna.
1:Waxa keenna xiddida xuub-ilmagaleenka oo dhaawac soo gaare. Xuub-ilmagaleenka waxa ku yaalla xiddido badan, marka unugyada kubud u kaha ku dhagaan ilmagaleenka waxay carqaladaynayaan tiiftaafyada xuub-ilmagaleenka taasina waxay keeneysaa in ay xoqmaan xiddidada. Sidaasna uu ku yimaado dhiig baxa.
2:Waxaa kaloo keenna isbeddelada hormoonnada. Kaddib marka ay dhacdo ugxaanaynta waxa kordha hormoonka progesterone jirka haweeneyda. Hormoonka waxa uu ka caawinayaa in ilmagaleenka u diyaar garoobo suurtagalnimada uurka. Marka ay tani dhacdo xuub-ilmagaleenka waxa uu noqdaa meegaarkiisa mid jilcan, adag,xiddido badan leh, jilcanka waa marka ay dhacayso bacraminta. Marka ay dhacdo bacraminta waxay gaadheysaa ilmagaleenka, marka ay gaadho waxay qabsanaysaa dhanka jilcanka. Marka ay dhacdo bacraminta, kaddib waxa samaysma unugyada kubad u ekaha, waxa la soo daynayaa kiimikooyin kuwaasoo qodaya darbiga ilmagaleenka, halka qodida ay ka dhacdo waxay leedahay xiddido yaryar, oo ku meegaaran, waxa uu dhaawac gaarayaa xiddidaasi, tani waxay keeneysaa cadad yar oo dhiig ah oo ka yimaada saxaha.Isbeddelka hormoonka gaar ahaan progesterone waa midka kaalinta ku leh jilcanka meegaarka ilmagaleenka, progesterone la’aantiisa ma dhacayaan talaalmida uurjiifka. Dhiig baxa waxa uu imanayaa meegaarka ilmagaleenka oo jilcan taasoo keeneysa haddii xiddidada yaryari culays fuulo ayuu dhiig bax keenayaa
Caalamahadaha.
1: waxa lagu arkayaa dhiig bax aad u yar, noociisa uu yahay binki ama barown, cadadka dhiigga waxa uu kayaryahay kan caadada. Waxa uu socdaa maalmo.
2: Waxa ay ka cabaneysaa haweeneyda ma jiir yar, iyadoo ay ka dareemeyso ubucda xagga hoose ama dhabarka, waxa uu na yahay ma jirka dhiigga caadada oo kale.
3: Ma lahan wax xinjirro ah oo ka yimaada haweeneyda.
4:Haddii uu jirro dhiig baxan laguma arkaayo wax qoyaan urleh oo ka yimaada saxaha taaso muujinaysa caabuq.
Baadhitaanka
1:Waxa la weydiinayaa waqtiga uu dhiigga ka yimaaday kaddib 6 ilaa 12 maalmood kaddibaa. Waxa la weydiinayaa midabka dhiigga ma mid binka ahaa ama baroon, ma mid aad u qafiif ahaa, waxaa kaloo la weydiinayaa inuu jirro xoogaa ma jiir, iyadoo aysan jirin wax xinjirow ah, dhiig xooggan, qandho ama miskaha xanuun laga dareemo.
2:Waxyaabaha ugu muhiimsan laga soocayaa waa dhiciska, ilmaha meel ka baxsan ilmagaleenka ku beerma, caabuq, luqumaha oo jug soo gaadha.
3:Hubbinno( tests) ayaa loo dirsanayaa haddii loo baahdo.
Waxa la baadhayaa hormoonka hCG iyadoo laga baadhayo kaadida ama muuda( serum), taasoo caddayneysa inuu jirro uur ama in aanu jirrin.
4:Waxa kaloo la saarayaa Kombuyuutar saxaha(transvaginal ultrasound)si markaasi loo qiimeeyo inuu sameysay kiish ilmagaleenka( gestational sac)iyo iyadoo laga saarayo ama laga soocayo ilmo meel ka baxsan uurka ku beermay.
5:Speculum Exam: Hubbintan waxa laga soocayaa haddii luqumaha ay dhibaato ka jirto. Ama luqumaha xagiisa ay dhibaato ka timaaday.
Daaweynta.
1:Badanaa uma baahdo wax daawayn ah, waana xaalad caadi xilliga horre ee uurka.
2:Haddii loo baahdo daaweeyn ay haweeneydu leedahay cillado la xidhiidha hormoonnada ama qatar ugu jirto dhicisoowida waxa la siinayaa progesterone xaddi gaaraya 200 ilaa 400, waxa uu kacaawinyaa in ugxanta ay ku nagaato ilmagaleenka, waxa laga siinayaa afka ama saxaha. Waxaa kaloo la siinayaan Dydrogesterone 10–20 mg waxa uu taageerayaa xilliga horre ee uurka. Waxa la isticmaalayaa kaliya haddii haweeneyda ay leedahay taariikh horre oo dhicisoowid ah ama xagga hormoonnada haddii ay dhibaato ka jirto. Waxaa kaloo ay haweeneyda samayneysaa in ay ka fogaato walwalka, aynna cunto waxyaabaha nafaqada leh.
Tixraaca.
Dutta's Textbook of Obstetrics
Edition: 9th or latest edition
Chapter: Early Pregnancy Loss & Abortion
Sections on:
Management of Missed Abortion
Pre- and Post-evacuation Care
Use of Antibiotics in Abortion Care
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment