Casharka 28aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 28aad


 Ilmaha ku beerma meel aan ahayn ilmagaleenka(Ectopic pregnancy)...


Waxa ay dhacdaa marka bacraminta ay ka dhacdo ama ku korto banaanka  ilma-galeenka. Badanaa waxa ay ka dhacdaa tuubooyinka ( Fallopian tubes) sidoo waxa dhacdaa ugxaan sidaha, godka caloosha ama luqumaha. Bacraminta ma ahan mid ku badbaadeysa bannaanka ilma-galeenka,  waxay keeneysaa dilaac xooggan ee dhiig bax haddii aan si dag dag loo xallin. Uurjiifka ku korra meel aan habbooneyn, waxay u horseedi kartaa kala bax iyo dilaac, taasoo saameyneysa xubno badan, waxay sababeysaa dhiig bax gudeed.


Uurka noocaan ah wuxuu dhacaa marka ukun bacrimisan ay ku dhegto boos aan aheyn booski loogu talogalay oo ah dhinacyada minka.Uurka caadiga ah waxa  ukunta bacrimisan laga rabaa inay ku dhegto dahaarka gudaha ee ilmo galeenka.Uurka qoolanka wuxuu inta badan ku sameysmaa mid kamid ah tuubooyinka ugxaanta kasoo qaada ugxaan-sidaha. Mararka qaar uurka qoolanka wuxuu ku sameysmi karaa ugxaan sidaha laftarkiisa. Uurkujirta iyo dhuunta ilmo galeenka.Uurka qoolanka sida caadiga ah ma ahan uur ku dhammaada guul. Ukunta bacrimisan ma ahan mid badbaadi karta. Uurka sii korayana wuxuu dhaawacayaa xubno ka mid ah kuwa taranka. Hadii aan laga gaarin, waxa uu halis gali karaa nolosha hooyada.


Caadiyan sidaan ognahay uurka, haweeneyda waxa ay soo daysaa ugxan, taasoo la kullanta  xawada aabbaha,  iyado ay ka dhaceyso guddaha marrinka tuubooyinka ( fallopian tube), bacraminta ay xagaas ka dhacayso.  Intaas kaddib marka ay dhacdo bacraminta  waxay soo aadaysaa ilmagaleenka,  marka ay soo gaadho ilmagaleenka  waxay qabsanayaan darbiyada, waxay bilaabayaan koritaan. Laakiin ilmaha meel ka baxsan ilmagaleenka ku beerma, waa ugxanta oo ku bacramisantay meel ka baxsan ilmagaleenka.  Uurjiifka waxa uu ku korayaa  meel qaldan, maxaa yeelay, tani waxay dhacdaa marka ay xidhanto tuubooyinka ama uu dhaawac soo gaaro, marka ilmaha ilmagaleenka ku dhex korayaa waxa uu samaynayaa kala bax, se marka ilmaha meel ka baxsan uu ku beermo meel ka baxsan ilmagaleenka, uuna sameeyo uurjiifka koritaan waxa uu noqdaa mid kala baxa, Kala baxaasi waxa uu keenayaa dilaac,  tani waxay keeneysaa dhiig bax culus iyo xanuun.


Noocyada ilmaha ku beerma meel ka baxsan uurka.


1. Tubal Pregnancy

Waa nooca ugu caasan. Bacraminta waxay ka dhacdaa gudda tubbooyinka ( Fallopian tube). Waa meelaha ugu caansan uu ka dhaco dilaaca,  waayo waxa keenaya uurjiifka halkani ma hayn karto ama kuma kori karo,  tuubbada waxay noqoneysaa mid cidhiidhi ah, sababtana waa kala jiidan ku imanaya. Ku dhowaad 6 ilaa 10 isbuuc ayuu dhacaa dilaaca, waxa uu keenayaa dhiig bax gudeed, dhiiggana waxa uu aadayaa caloosha.


2. Interstitial (Cornual) Pregnancy.

Noocan ukunta waxay ku dhex talaalmaysaan qeyb ka mid ah tubbooyinka,  kaddib waxay aadeysaa ilmagaleenka. Qeybtan isu gudubka tuubooyinka iyo ilmagaleenka  isku marta waxay leedahay muruqyo adag, sidaas daraadeeda waxay samaysaa kala bax xooggan,marka uu dilaaco waxa uu keenayaa dhiig bax xooggan, waxa uu dhacaa isbuuca 10aad ilaa 14aad, waana xaalad aad u qatar ah nolosha haweeneyda qatar galin karta.


3. Isthmic Pregnancy.


Qeybtaa waa marka ay ukunta ku dhex korto qeybta ciriirsan ee tubbooyinka. Qeybta waa qaybta ugu ciriirsan tuubooyinka ilmagaleenka, waxa ku dhaca dilaac, dilaacaasi waxa uu ka imanayaa  waa meel jilicsan, taasoo aan awooddin ay ka baxdo, marka uurjiifka meesha uu ku beermo waxa uu samaynayaa kala jiidan, kala baxaasi waxa uu keenayaa dilaac. Xilliga horre ee uurka ayuu dilaac sameeyaa gaar ahaan isbuuca 6aad ilaa 8aad, waxa uu keenayaa dhiig bax daran.


4. Ampullary Pregnancy


Ukunta waxay ku koreysaa qaybta ballaaran ee tubbooyinka. Waxa uu ka dhacaa qeybta ballaaran, sidaan soo sheegnay waa qeyb ballaaran, qeybtani waxa uu dilaaca ugu dhacayaa waxay samayneysaa kala bax xooggan, ka badan marka loo eego qeybta ciriirsan ee tubbooyinka ilmagaleenka. Dilaaca waxa uu dhacaa xilli dambe gaar ahaan isbuuca 8aad ilaa 12aad, dhiig baxa imanayaa waxa uu noqon karaa mid yar balse qatarta waa mid jirta. 


5. Fimbrial Pregnancy


Ukunta waxay ku negaaneysaa dhammaadka u dhex tubbooyinka. 


6. Ovarian Pregnancy


Ukunta waxay ku dhageysaa, kuna koreysaa ugxansidaha. Sidaan soo sheegnay uurjiifka waxa uu ku korayaa ugxansidaha guddihiisa. Ugxasan sidaha kaalin kuma yeelanayo koritaan uurjiifka, taasina waxay keeneysaa ugxan sidaha inuu dilaaco, waxa uu keenayaa dhiig bax guddeed(internal bleeding),waa dhif in la arko. Waana ay adag tahay in go’aan laga gaaro( hard Diagnosis).


7. Abdominal Pregnancy.

Ukunta waxay ku tallaalmeysaa caloosha( ma ahan ilmagaleenka ama tuubooyinka. ). Sidaan soo sheegnay uurjiifka waxa uu ku dhex abuurmayaa moqorka caloosha ( abdominal cavity),waxa laga yabaa inuu qabsado xubnaha qaar sida beerka ama xiidmaha, ama kaadi haysta. Waxa uu keenayaa dhiig bax yar ama waxa uu samaynayaa dilaac waxa uu dhaawacayaa xubnaha qaar. Ma ahan mid caan ah badanaa la arko, se haddii ay dhacdo waa xaalad qatar ah.


8. Cervical Pregnancy


Ukunta waxay ku dhageysaa luqumaha gaar ahaan qeybta hoose ee ilma-galeenka. Sidaan soo sheegnay uurjiifka waxa uu ku korayaa luqumaha, dilaaca waxa uu ka imanayaa luqumaha iskuma ururayaan ama uma kala jiidmayaan sidii la rabay, samaysanka uurjiifka waxa uu dhaawacayaa  xididdada dhiigga. Waxa uu keenayaa dhiig bax xooggan, waxa laga yabaa in ay haweeneyda u baahato qaliin dagdag ah.


Maxaa keenna.


1:Tubal Damage: In uu jirray caabuq horre ama  hooyada oo loo sameeyay qaaliin, ama xaalado kale sida ololka ku dhaca miskaha(PID) kaasoo sababaya in isbeddel uu ku sameeyo qaabdhiska tubbooyinka( Fallopian Tubes).

 Hafeefka ku dhaca miskaha haweeneyda,  waa hafeef saameeya taranka haweeneyda,  badanaa waxa uu ka yimaada cudurada lagu kala qaado galmada sida chlamydia ama gonorrhea.  Hafeefkan waxa uu ka soo curtaa xubnaha taranka ee qeybtiisa hoose, sida saxaha, luqumaha,  kaddib waxa uu soo gaarayaa ilmagaleenka tuubooyinka minka iyo ugxansidaha. Marka hafeefka uu soo gaaro tuubooyinka ilmagaleenka waxa uu keenayaa caabuq, caabuqa waxa uu dhaawacayaa tuubooyinka.Jirka waxa uu isku dayayaa inuu ka fiicnaado hambaabuqa iyo nabarka guddaha ku sameysmay ama tuubooyinka. Nabarkaasi waxa uu samayn doonnaa xirran uu xiri doonno tuubooyinka. Marka haweeneyda ay uur qaado ama noqoto uurey, halkii la rabay in ukunta ay u safarto tuubooyinka,  nabarka ku samaysmay ilmagaleenka ama tuubooyinka waxa uu xidhayaa Marinkii  ay mari la haayeen, ukunta ma gaareyso ilmagaleenka,  ukunta waxa lagu bacraminayaa meel ka baxsan ilmagaleenka.  Caabuqan waxa uu qatar u keenayaa hooyada, iyadoo ay xidhmayaan ama dhaawacmayaan tuubooyinka ilmagaleenka,  taasina waxay adkeysaa in la bacramin waayo ukunta.


2: Hormonal Factors: Qalalka ku yimaada hormoonnada waxay saameynayaa dhaqaaqa ugxaanta.


3: Congenital Anomalies:  In gabadhu leedahay xanuunnada lagu dhasho kaaso ay dhibaato ka jirto qaabdhiska tubbooyinka makaanka.


4:Waxyaabaha u nugleyn kara inuu yimaada (Risk factors)


1:Haddii ay hooyada horrey ugu soo dhacay in ilmaha ku beermaan meel ka baxsan ilma-galeenka qatar wayn ayay ugu jirtaa in ay mar kale uu ku dhacdo.


2: Olol ama caabuq: Xanuunnada lagu kala qaado galmada sida jabtada, ama kalaaymidiyada waxay saababi karaa olol guddaha tobooyinka, iyo xubnaha u dhow taasina waxay kordhineysaa qatarta in uurjiifku ku beermo meel ka baxsan makaanka.


3: Daaweynta dhalmada. Cilmi baarayaasha qaar waxay haddii gabadha laga daaweeyn dhalmo la'aan waxay qatar ugu jirtaa in ilmaha ku beermaan banaanka makaaanka.


4: Haddii tubbooyinka qaliin looga sameeyay, qaliinkaas ah in la xirro  ama dhaawac soo gaaray tubbada waxay siyaadineysaa qatarka ilmaha in ay ku beermaan banaanka ilma-galeenka. 


5: Sigaarka: Haddii ay hooyada sigaarka cabi jirtay inta aysan yeelan uur, waxa ay qatar ugu jirtaa in ilmaha ku beermaan banaanka makaaanka. 


6:Endometrosis: Waa xaalad nuddaha ku dahaaran minka  uu ku Koro meel ka baxsan makaanka. Qalaad-isjiidka waxa uu keeni karaa samaysanka nabar ama jllif  u dhexeysa xubnaha ku jirra miskaha, taasoo beddelmeysa qaabdhiska tubbooyinka iyo ugxaansidaha. Tani waxay keeneysaa xirran ama isbeddel sidii caadiga ahayd  u dhici lahayd bacraminta, taasina waxay keeneysaa uurjiifka inuu ku sameysmo  banaanka ilma-galeenka. 


7: Da'da , hooyada 35 ilaa 45 jirta waxay kaga qatar badan tahay gabadha yar.


8:Intrauterine Device (IUD) Use:  dawooyinka uurka looga hortago waxa ay siyaadin karaan qatarka ilmaha ay ku beermi karaan banaanka ilma-galeenka laakiin waa arrin dhif ah.


Calaamaddaha. 


1: Dhiigga caadada oo la waayo.

2: Dhiig bax xagga hoose.

3:Ubucda oo xanuunta, miska, xanuun aad u darran ay dareento hooyada.

4:Wareer, kaasoo keenaya dhiig baxa guddaha.

5: Garab xanuun, kaasoo ugu wacan dhiig baxa guddaha isagoo saameynaya bogga.

6: Cadaadisk dhiigga oo hoos u dhaca, garaaca wadnaha kordha.

7:Dhiig bax gudaha ah, hadii ay tuubooyinka minka dilaacaan


Baadhitaanka 


1:Qiimeyn: haddii ay jirto danqasho, kuusyo ama waxyaabo kale aan caadi ahayn.


2:Ultrasound: iyado hubbinta la isticmaalayo kombuyuutarka  si markaasi loo ogaado barta saxda ee uurka.


3:Blood Tests: hubbinta dhiiggan waxa laga eegayaa hormoonka( Beta-human chorionic gonadotropin) heerka uu marayo. Marka kasto ilmaha ku beermaan banaanka ilma-galeenka  waxa uu noqdaa (β-hCG >1500–2000 mIU/mL)


4: Laparoscopy: si xubnaha miskaa loo arka waxa la isticmaalayaa hubbintan laparascop-ka. Toos waxa loogu arkayaa uurka halka uu ka jirro.


5:Waxa la isticmaalayaa kombuyuutarka saxaha(Transvaginal Ultrasound (TVUS):  waxa lagu eegayaa haddii uu jirro kiish uurjiifka. Waxaa kaloo laga fiirinayaa haddii fiix kasoo baxday ilmagaleenka (adnexal mass).


Daaweynta. 


1:Methotrexate: daawadan waxay joojineysaa koritaanka unugyada. Waana dawadooyinka la siiyo hooyada xaaladan ku sugan. Waxa la siinayaa xaddi gaareya50 mg/m² IM (intramuscular) waxa la  isticmaalayaa marka haweeneydu xaaladeeda ay tahay mid caadi ah. Waxaa la fiirinayaa heerka hormoona

β-hCG(<5000 mIU/mL), in aanu uurjiifka wadna garaac lahayn, cabirka uurka in aanu ka badnayd 3.5 cm.


Waxyaabaha la hubiyo ka hor inta aan la bilaabin daawada Methotrexate:


1. Bukaanku inuu yahay mid xasiloon, in aanu jirrin wax dhiig bax ah ama xanuun aad u daran.


3. Waxa la baadhayaa hormoonka hCG heerka uu maraayo


4. Baaritaannada kale sida  kelyaha, shaqada beerka, iyo tirada dhiigga waa in ay yihiin kuwa caadi ah( normal).


5. Haddii haweeneydu tahay Rh-negative, waa in la siiyaa Rh immunoglobulin.


Xaddiga la siinayo ee kowaad


1. Waxaa la siiyaa Methotrexate 50 mg, waxa la baadhayaa hormoonka hCG maalinka 4aad iyo 7aad.


Haddii hCG uu hoos u dhaco ugu yaraan 15% inta u dhexeeya maalmahaas, waxay sheegeysaa in daawada ay shaqaysay. Waa la sii wadayaa ilaa heerka ugu hoose laga gaarsiinayo( zero).Haddii hoos u dhaca hCG uu ka yar yahay 15%, waxaa la siin karaa xaddi labaad ama waxa loo samayn karaa qaliin.


2. Xaddiga labaad (Two-dose protocol)


Qiyaasta Methotrexate waxaa la siiyaa maalinta 1aad, kadibna isla qiyaastaas ayaa la siiyaa maalinta 4aad. HCG waxa la baarayaa maalinka 7aad.Haddii hCG uu hoos ugu dhaco in ka badan 15%, waxa la sii wadayaa ilaa todobaad. Haddii aanu hoos u soo dhicin waxa loo baahanayaa xaddi kale ama qaliin.


3. Seddex xaddi-lay (Multi-dose protocol) — lama isticmaalo inta badan


Waxaa la siiyaa Methotrexate 1 mg/kg, waxaana la raaciyaa Leucovorin 0.1 mg/kg si loo yareeyo waxyeellada uur-qoollanka. Waxaa loo baahanayaa ka warqab joogta ah iyo baadhitaanno badan, waxa la adeegsadaa isku darka labadan daawo xilliyada adag ama xaaladda ay daran tahay.


 2:Laparoscopic Surgery:Salpingostomy: in laga soo saaro ilmaha ku sameysmay banaanka ilma-galeenka.


3:Salpingectomy:  qaliinkan waxa la isla soo saarayaa qoolanka ilmaha iyo labada tubbo.


4:Haddii uu yimaado dilaac kaasoo keenna dhiig bax gudeed haweeneyda waxay u baahaneysaa qaliin dagdag, kaaso ah qaliin furan(laparotomy), si markaasi loo xakameeyo dhiig bax, loona soo saaro nuddaha uurka 


Tixraaca. 


1:Emeka Madu A. Ectopic Pregnancy: Changing Trends in Management. Obstetrics & Gynecology International Journal. 2017; 6(2). doi: 10.15406/ogij.2017.06.00200.


2:Barnhart K, Franasiak J, and the Committee on Practice Bulletins—Gynecology. ACOG Practice Bulletin No. 191: Tubal Ectopic Pregnancy. Obstet Gynecol. 2018; 131(2): pp. e65–e77. doi: 10.1097/AOG.0000000000002464.


3:Dutta DC, Konar H. Textbook of Obstetrics. New Delhi, India: Jaypee Brothers Medical Publishers; 2015.

13. Thomas I, Dixon J. Bradycardia in acute haemorrhage. BMJ. 2004; 328(7437): pp. 451–3. doi: 10.1136/bmj.328.7437.451.

14. Hahn SA, Promes SB, Brown MD, et al. Clinical Policy: Critical Issues in the Initial Evaluation and Management of Patients Presenting to the Emergency Department in Early Pregnancy. Ann Emerg Med. 2017; 69(2): pp. 241–250.e20. doi: 10.1016/j.annemergmed.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad