Casharka 30aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 30aad


Choriocarcinoma


Waa kansar dhaca xilliga uurka,  xaawarihiisa waa mid aad u sareeyo, kaaso dhaca xilliga uurka( trophoblastic tissue), waxa uu dhacaa kaddib uur-beenaadka,  uurka caadiga,dhicisoowida ( miscarriages) ama uurka ku beerma meel ka baxsan ilmagaleenka. Waxa ku faafayaa si xawli ah, waxa uu gaari karaa qeybaha jirka sida sambabada, beerka. Maskaxda. 


Caadiyan uurka unugyada( trophoblas) waxay ku koraan  ilmagaleenka giddaarkiisa waxay taageerayaan uurjiifka. Balse marka ay kansar noqdaan( choriocarcinoma) waxay u tarmayaan si aan caadi ahayn, waxay ka baxayaan xadkii loogu tala galay inuu ku qaybsamo unugga. Mana samaymaayo uurjiif iyo mandheer. Kaliya waxa samaysmaayo buro. Buradani waxay yeelaneysaa xiddido badan oo dhiig siiya, xiddidada waxay ka qeyb qaadanayaan in ay si xawli ah u faafto. Meelaha ugu caansan ay ku faafto waxa kamid ah samababbada iyo beerka, saxaha, maskaxda. Kansarani waa mid qatar ah, waxa uu u  baahan yahay daaweeyn dagdag ah.


Heerarka uu maro kansarka.


Stage I: heerka koowaad waxa uu ku ekaanayaa ilmagaleenka. 


Stage II: heerka labaad waxa ku baahayaa banaanka ilma-galeenka,  balse dhammaan ma wadda gaarayo xubnaha taranka( ugxan sidaha, tubbooyinka ilmagaleenka, saxaha, taharaha isku haya ilmagaleenka).


Stage III: heerka seddexaad waxa uu gaarayaa sambabada.


Stage IV : heerka afaraad waxa uu ku baahayaa xubno badan sida  beerka, maskaxda, kelyaha, iyo dheefshiidka.


Maxaa keenna.


Complete hydatidiform mole


Uurka waxa uu qaadayaa marrin aan sax ahayn, ukunta hooyada ka imanaysa ma ahan mid xambaarsan hiddaha hooyada. Kaliya waxa shaqaynaya hiddaha aabbaha. Maxaa yeelay unugyada waxay samaynayaan mandheerta, koritaankeeda waxa uu noqonayaa xad dhaaf. Ma jirro wax uurjiif ah.  Kaliya waxa tarmaya mandheerta.  Unugyadan mandheerta ah ee tarmaya waxay ka dusayaan darbiyada ilmagaleenka, mararka qaar waxay raacayaa dhiigga. Uurbeenaad haddii uu sii tarmo ama koritaankiisa xad dhaaf noqdo waxa uu noqonayaa kansar( choriocarcinoma). Waxa u faafayaa si xawli ah. Kansarka waxa uu samaynayaa ama la soo saarayaa xaddi badan oo hormoonka( beta-hCG).


Uur caadi ah( normal pregnancy).


Choriocarcinoma Sidaan soo sheegnay kansarkan waxa uu ka curtaa unugyada sameeya mandheerta xilliga uurka. Caadiyan uurka aan dhibaatada lahayn, waxa sameysma mandheerta si uurjiifka iyo hooyada iskugu xidhmaan, si markaasi uurjiifka nafaqo u helo iyo ogsijiin.  Laakiin mararka qaar uurka caadiga( normal) unugyada ay ka abuuranto mandheerta waxay noqonayaan kuwa tarma, aan joojin qeybsanka. Waxay bilaabayaan in ay u tarmaan si xad dhaaf ah oo aan xakamaysneen. Intaas kaddib waxay noqdaan kansar( choriocarcinoma). Unugyada kansarka waxay si xooggan ugu faafaan ilmagaleenka iyagoo ka dusaya darbiyada ilmagaleenka. In kasta oo aan si buuxda loo garanayn sababta ay tan ugu dhacdo. Waxaa la aaminsan yahay in isbeddello ku dhaca hiddo-sideyaasha (genes) ee unugyada trophoblast-ka ay keeni karaan in ay si aan xakameysnayn u koraan, halkii ay ka istaagi lahaayeen koritaanka kaddib dhalmada.


Calaamadaha. 


1.  Dhiig ka yimaada saxaha( vaginal bleeding). Calaamadda ugu caansan ee lagu arko waa dhiig baxa. Waxa l arki karaa isbuucyo ama bilow kaddib uurka gaar ahaan marka uu jirro uurbeenaad. Waxa uu noqon karaa mid joogta ah dhiig baxa, ama mid dhex dhexaad ah, ama mid aad u xooggan.


2:Ilmagaleenka oo weynaada. Ilmagaleenka waxa noqonayaa mid wayn.


3:Marka uu kansarka faafo waxa uu saameyaa samababbada, maskaxda, beerka.  Samababbada marka uu saameeyo waxa lagu arkayaa, qufac, qufac uu dhiig la socda, laab xanuun,neefsashada oo adkaata.


4:Marka uu maskaxda saameeyo, waxa lagu arkayaa madax xanuun, qalal, daciifnimo, aragtida oo dhibaato ku timaado.


5:Beerka marka uu gaaro waxa lagu arkayaa calool xanuun, beerka oo waynaada. Indhaha oo jaalla noqda waxa la arkayaa waqti dambe.


6:Waxyaabaha guud ee lagu arko waxa ka mid ah. Daal, dhiig yaraan,miisaanka oo luma. 


Baadhitaanka. 


1:Waxaa loo dirayaa shaybaadh.


Hormoonka hCG ayaa waxa laga baadhayaa muuda(Serum beta-hCG), waxa uu noqonayaa mid aad u sareeya(100,000 mIU/mL)


2: Chest X-ray / CT chest: waxa la saarayaa raajada laabta, sababta loo saarayaa waa haddii uu sambabka kansarka ku faafay(cannonball).


3:Brain MRI: waxa la saarayaa MRI si markaasi loo ogaado haddii uu maskaxda inuu gaaray.


6:Waxa la saaya kombuyuutarka ( Ultrasound)  iyado la adeegsanayo kombuyuutar saxaha ama kan caloosha(ransvaginal or abdominal ultrasound of the uterus). Waxa la hubbinayaa haddii uu jirro kuus. Waxa la raadinayaa kuus aan la socon wax uurjiif ah.


Daaweynta.


1:Daaweynta kansarkan(choriocarcinoma)  waxa la sameeyaa labo hab oo ay ku xidhan tahay heerka uu gaarsiisan yahay taasoo ay dajisay hayada caafimaadka adduunka.


Haddii ay yar tahay qatarta kansarka waxa la siinayaa hal xaddi daawada kimotherabiga(score < 7). Marka xaaladda ay tahay mid qatarteeda ay yar tahay. Waxa la isticmaalayaa Methotrexate xaddiga gaaraya 50 mg/m², 48 saacba mar, dhammaan xaddiga waa 4.  Folinic acid (leucovorin) 15 mg  waxa uu ka qaadanayaa afka. Daawadan Methotrexate waxay hoos u dhigaysaa faldajiyaha(dihydrofolate reductase (DHFR), si markaasi ay u joojiso samaysanka hidda sidaha unuggada tarmada samaynaya.


Haddii ay qatarta kansarka ay ballaaran tahay waxa la siinayaa daawooyin badan kemotheribiga (score ≥ 7)  marka uu ballaaran yahay kansarka ama qatartiisa tahay mid baaxad leh waxa la siinayaa dhowr daawo.

E = Etoposide

M = Methotrexate

A = Actinomycin D

C = Cyclophosphamide

O = Vincristine (Oncovin)


Qaabka loo siinayaa


EMA: waxa la siinayaa maalin  1 iyo 2aad


CO: waxa la siinayaa maalinka 8aad.


Daawooyinkan waxay weerar lixaad leh ku qaadanayan unugyada kansarka, waxay joojinayaan tarankan uu samayn laha.


2:Goormaa qaliinka loo baahanayaa?


Choriocarcinoma-du waa nooc ka mid ah kansarrada si wanaagsan ugu jawaaba daaweynta kiimotarabiga (chemotherapy), sidaas darteed qalliinku ma aha daaweynta koowaad. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xaalado gaar ah oo qalliinku lagama maarmaan noqda.


1. Haddi uu jirro dhiig bax xooggan, oo la xakamayn waayo.


Haddii bukaanku si xad dhaaf ah u dhiig-baxo, daaweyntii kiimikada ahaydna aysan si degdeg ah u shaqeyn, waxaa lagu khasbanaan karaa in degdeg loo sameeyo hysterectomy (qalliinka lagu saaro ilmo-galeenka).


2. Haddii ay daawada kiimotarabiga  wax falcelin ah bixin wayso.


Haddii burada ay sii korodho ama aysan ka falcelin daawooyinka kiimikada xitaa kaddib dhowr mar,  waxa loo diyaarinayaa qaliin


3. Haddii burada ay ku kooban tahay ilmagaleenka,  bukaanka aanu rejo dambe ka lahayn inuu dhallo carruur waxa loo sameynagaa qaliinka saarida ilmagaleenka ( hysterectomy).


4. Haddii burada ku faafto xubnaha jirka(sida sambabada, maskaxda, ama beerka), daawada kiimotarabiga aysan wax jawaab ka bixin taranka unugyada kansarka, waxa loo sameynayaa qaliin, si looga hortago qataro kale oo iman kara.


Tixraaca. 


1:Medscape: Useful for up-to-date clinical practices and case studies.


2:Current Obstetrics & Gynecology: Latest updates on diagnosis and management protocols.


3:Ten Teachers Obstetrics: Offers clear guidance on the clinical aspects of molar pregnancy.


4:Dutta’s Textbook of Obstetrics: A comprehensive resource on molar pregnancy and other gestational trophoblastic diseases.


5:Amboss: Provides detailed information on the pathophysiology, diagnosis, and management of molar pregnancy.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad