Casharka 31aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 31aad
Kororka biyaha uurjiifka(Polyhydramnios)
Waa dareeraha ilmaha uu ku dabaasho oo xad dhaaf noqda xilliga uurka. Hoorahan waa biyo ku meegaaran ilmaha, waxa uu ka caawiyaa ilmaha inuu dhaqdhaqaaqo, si bad qab leh u Koro. Waana biyo ka badan cadadka loogu tala galay. Haddii aan wax laga qaban waxay dhibaato ku keenayaan uurjiifka iyo hooyada. Iyadoo la raacaya sida uu qorayo buugga Dutta Obstetrics , waxa la odhan karaa hooraha waxa ka badan yahay xaddigii loogu tala galay waa marka tusmada hooraha ay ka badan tahay 24cm(The amniotic fluid index ).
Isku dheellitirka hooraha caadiyan waxa ku xidhan yahay inta uu sameeyo uurjiifka iyo inta uu liqo, hooraha uurjiifka uu ku dhex jiraa waxa uu ka sameeyaa kaadida. Marka biyaha xad dhaaf ay noqdaan waxa luma isku dheellitirka. Mararka qaar uurjiifka waxa uu soo saarayaa ama samaynayaa kaadi badan. Waxaa kaloo kaalin ku leh haddii ay hooyada sokor qabto, ilmaha ayay u soo gudbaysaa waxay keeni kartaa kaadi badan inuu ilmaha sameeyo, mararka haddii hooyada ay sido mataanno, ilmaha mid ka mid ah ayaa lagaa yabaa inuu helo dhiig xad dhaaf, sidoo kale waxa uu samaynayaa kaadi badan. Waxa kaloo kaalin ku leh haddii aanu ilmaha biyaha liqin, liqitaankaasoo muhiim u ah ilmaha, waxa uu ka caawinayaa inuu yareeyo cadadka hooraha. Tusaale haddii uurjiifka uu leeyahay in qayb maqan tahay maskaxda (anencephaly) ama marrinka cunnada oo xidhan( esophageal atresia) ilmaha inuu liqo waa ay ku adkaaneysaa ama maba suuragalayso. Tanina waxay horseedaysaa in hooraha uu noqdo mid xad dhaaf ah. U jeedada ugu wayni ay xaaladani ku curataa waa isku dheellitir la'aanta ku timaada soo saaritaanka iyo saarista hooraha. Hooraha waxa ku ururayaa ilmagaleenka.
Maxaa keenna?
1. Cillad uurjiif(Fetal Anomalies)
Waxa keenna ilmaha aan maskaxda lahayn(Anencephaly), waxaa kaloo keenna marrinka cunnada in ay xidhan tahay uurjiifka ( esophageal atresia), labadan xaalad ilmaha ma awooddaayo inuu liqo hooraha- hooraha waxa uu buuxinayaa ilmagaleenka, kaddib waxa xad dhaaf noqonaya biyaha ilmaha uu ku dabaasho.
2. Macaanka hooyada(Maternal Diabetes)
Haddii ay hooyada leedahay sokor, sokortaasi waxay u gudbeysaa ilmaha, ilmaha waxa uu samaynayaa kaadi badan, kaadidaas badan waxay ku ururaysaa kiishka hooraha, hooraha waxa uu noqonayaa mid aad u badan.
3: Mataanno(Multiple Pregnancy)
Gaar ahaan mataanaha isku mid ah oo wadaaga hal mandheer(Twin-to-Twin Transfusion Syndrome ), mid ka mid ah waxa uu helayaa dhiig xad dhaaf ah, waxa uu samaynayaa kaadi badan, xad dhaafka kaadida waxay keeneysaa in hooraha heerkiisa caadiga ahaa uu ka bato.
4. Caabuq(Infection (TORCH infections)
Waxaa kaloo keenna dhowr caabuq,
Tusaale: Toxoplasmosis, Rubella, Cytomegalovirus (CMV), Herpes, caabuqa waxa uu dhaawacayaa maskaxda ilmaha ama kelyaha, ilmaha ma awoddayo inuu wax liqo, soo saaritaanka kaadida ilmaha waxay keeneysaa inuu kordho biyaha uurjiifka.
5. Is qaadan waaga difaaca jirka hooyada iyo uurjiifka(Rh Incompatibility)
Difaaca jirka hooyada waxa uu weerarayaa uurjiifka. Uurjiifka waxa uu noqonayaa mid jirkiisa ay biyo ka buuxsamaan(hydrops fetalis), uurjiifka ma awooddayo inuu si qumman u liqi biyaha, waxa badanaysa sameysanka kaadida, kaddibna waxa kordhaya hooraha.
6. Lama yaqaan waxa keenna (Unknown Cause).
Lama yaqanno waxa keenna 60% , mana cadada sababta ka dambeysa.
Caalamahadaha
1. Ubucda oo waynaata
Hooyada waxa lagu arkayaa caloosha oo weynaata, marka la fiiriyo ka wayn xaddiga uurka ama isbuucyada uurka ay sido.
2. Neefsashada oo adkaata
Hooyada waxa ay dareemeysaa neefsashada oo ku yara adag, maxaa yeelay ilmagaleenka waxa uu cadaadinayaa samababbada.
3. Bararka lugaha iyo cagaha.
Hooyada waxa lagu arkayaa lugaha iyo cagaha oo barara, taasoo ugu wacan cadaadiska fuulla xiddida dhiigga, ama hooraha ku urura lugaha.
4. Caloosha oo caarisa.
Hooyada caloosha kama dareemeyso nafis, ama waxa ay dareemeysaa xanuun, culaabta waxa ay noqoneysaa mid ku laba jibaaranta.
5. Uurjiifka oo aan dhaqdhaqaaqin.
Dhaqaaqa ilmaha oo yaraada, taasina waxa ugu wacan xad dhaafka biyaha, hooyadana ma dareemeyso dabaalashada ilmaha.
6. Caalamaha waqti horre soo muuqda.
Caalamahadaha ugu horreeya ee foosha ayaa lagu arkayaa, hooyada waxa qabanaya xanuun, ka hor inta aan la gaarin foosha.
7. Laab olol.
Hooyada waxa ay dareemeysaa laab olol, taasoo ugu wacan hooraha oo soo cadaadinaya caloosha, taasina waxay keeneysa in aysiidha dib ugu soo rogonto.
Baadhitaanka.
1. Waxa la saarayaa Kombuyuutar (Ultrasound Scan)
Waxa la cabirayaa cadadka biyaha, ee ku jirra ilmagaleenka. Haddii uu ka bato muujiyaha( Amniotic Fluid Index (AFI) 24 cm hooyadaasi waxa ay leedahay biyo badan(polyhydramnios), iyadoo laga fiirinayo afarta qayb ee ilma-galeenka. Waxa la qiimaynayaa hooraha ku jirra ilmagaleenka (Maximum Vertical Pocket (MVP), haddii uu ka bato 8 cm waxa ay inna tusineysaa inuu jirro biyo badnaan.
2:Hooyada waxa la fiirinayaa sokorteeda(Glucose Tolerance Test (OGTT), waxa la hubiinayaa haddii ay hooyada leedahay macaan, haddii ay leedahay waxa la siinayaa sokor, waxa la babirayaa heerka sokorteeda ay gaareyso.
3:Hubbinta caabuqyada(TORCH Screening)
Waxa laga qaadayaa dhiig si markaasi loo hubbiyo haddii uu jirro caabuq, kaaso qatar ku keeni haddii uu jirro ilmaha.
Daaweynta.
1. Daaweynta ,haddii xaaladda ay tahay mid iska dhex dhexaad ah uma baahna daaweyn, kaliya waxa loo baahan yahay ka warqab joogta ah, in uurjiifka mar walba lala socdo xaaladiisa.
2:Daawooyinka la isticmaalo waxa ka mid ah:. Indomethacin (NSAID), xaddi waxa la siinayaa 25 mg waxaana laga siinayaa afka 6 saac walba( waa la siyaadin karaa ilaa waxa la gaarsiin karaa 50mg). Xalliga la isticmaali karaa ka hor isbuuca 32aad. Daawadan waxay hoos u dhigaysaa in uurjiifka uu soo saaro kaadi badan, waxay ka gudbaysaa mandheerta
3:Therapeutic Amnioreduction.
Waa in laga soo saaro biyaha badan, iyadoo la isticmaalayo cirbad( amniocentesis). Waxa la isticmaalayaa marka neefsashada hooyada ay adag tahay. Haddii ay hooyada xaaladeeda daran tahay ama looga baqo qabo in ay timaado fool aan dhammays ahayn.
4:Waxa la dawaynayaa waxa keennay(Treat the cause if known)
5:Haddii uu macaanka keenay, waxa la xakamaynayaa macaanka.
6:Haddii uu caabuq keenay waxa la siinayaa jeermis dile ama lidiga dawooyinka fayruska(antiviral).
7: Waxa loo diyaarinayaa hooyada in la dhallisiiyo(Planning for delivery).
Haddii ay gaadhay bila dhammayska hooyada waxa la bilaabayaa foolis. Haddii ay hooyada fool qabato ka hor isbuuca 34aad waxa la siinayaa steroid (betamethasone). Haddii uurjiifka uu yahay mid wayn, hooyadana aysan dhalli karin, ama uurjiifka haddii uu yahay mid qaabkii dhalmada loo dhalli (breach) lahaa aanu u dhallan karin waxa loo samaynayaa qaliin( C-section). Waxaa kaloo la qalayaa haddii ilmaha mareegta ay ku meegaaranto, iyo haddii ibida ay ka soo fuqdo booskeeda(umbilical cord prolapse and placental abruption ). Waxaa kaloo loo samaynayaa qaliinka haddii uurjiifka uu jirro qalqal( distress).
Tixraaca.
1:Medscape: Useful for up-to-date clinical practices and case studies.
2:Current Obstetrics & Gynecology: Latest updates on diagnosis and management protocols.
3:Ten Teachers Obstetrics: Offers clear guidance on the clinical
4:Dutta’s Textbook of Obstetrics: A comprehensive resource
5:Amboss: Provides detailed information on the pathophysiology, diagnosis, and management.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment