Casharka 33aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 33aad


Dhiigkarka xilliga uurka(Pre-eclampsia).


Kalaamisa ama dhiig karka xilliga uurka, waa marka uu ka sarro marro cadaadiska dhiigga 140/90, borotiinka kaadida ay gaadho 300mg. Hooyada waxa a yeellan kartaa calaamado caddeynaya in ay jirraan xubno shaqo gabay, sida shaqada beerka oo hoos u dhacday, kelyaha isku filnaan waayo, sambabada cadaadis fuulla, aragtida oo xumaata.


Waxa loo qeybiyaa labo qaybood 


1. Mid dhexdhexaad (Mild Pre-eclampsia)


Cadaadiska dhiigga waxa uu ka badanayaa ama la ekaanayaa : ≥140/90 mmHg laakiin waxa uu ka yaraanayaa <160/110 mmHg


Waxa kaadida lagu arkayaa borotiin 24 saac gudahooda (Proteinuria: ≥300 mg/24 hrs).


Wax calaamad ah laguma arko.


2. Aad u daran(Severe Pre-eclampsia)


Cadaadiska dhiigga waxa uu ka badanayaa ama la ekaanayaa:≥160/110 mmHg


Waxa kaadida lagu arkayaa borotiin (Proteinuria: ≥5g/24 hrs ama  ≥3+).

Waxaa kaloo la socda. 

A:Madax xanuun.

B:Aragtida oo yaraata.

C:Bog xanuun.

D:Socodka kaadida oo yaraada(Oliguria).


Sidee kutimaadaa kalaamisa.


Isbeddelka mandheerta. Xilliga horre ee uurka xiddidada dhiigga ku yaalla makaanka  waxa loo yaqaan halbowle gariireed(spiral arteries) kaasoo aan u samaysmin si qumman.  Tani waxay keeneysaa inuu hoos u dhaco qulqulka dhiigga ee mandheerta. Maxaa yeellay haddii uu yar yahay socodka dhiigga ee mandheerta,  mandheerta waxa ku imanaya qalqal, waxay soo dooneysa walxo qatar ee qulqulka dhiigga hooyada. Walxahaasi waxay sababayaan xiddidada dhiigga ee hooyada in ay shaqo gab ka dhigaan, taasoo keeneysa ciriirsanka xiddida dhiigga(vasoconstriction). Ciriirsanka xiddida waxay siyaadinayaan cadaadiska dhiigga hooyada. Dhaawaca xiddidada soo gaadhay waxay saameynayaan beerka, kelyaha, maskaxda iyo xubnaha kale, taasina waxay sababeysaa  in kaadida ay borotiimka soo raacdo, sidaasna lagu arko barar, madax xanuun, iyo aragtida oo xumaata.


Hooyada leh dhiigkar uurka,  waxa dhaawac uu soo gaarayaa xiddidada dhiigga ee kelyaha.  Dhaawacani wuxuu ka dhashaa walxo waxyeello leh oo ay mandheertu ku sii deyso dhiigga hooyada, kuwaas oo waxyeelleeya lakabka gudaha ee xididdada dhiigga.Marka xididdada dhiigga ee kelyuhu dhaawacmaan, kelyuhu si fiican uma shaqeynayaan. Waxa la arkagaa in borotiin kaadida soo raaco. Tani waa sababta borotiin looga helo kaadida dumarka qaba dhiigkar uurka( pre-eclampsia).

Sidoo kale, kelyuhu ma awooddaan inay si wanaagsan u sifeeyaan dhiigga. Tani waxay keentaa in kaadidu yaraato, biyaha oo jidhka ku urura (taasoo keenta barar), iyo in cadaadiska dhiigga uu kor u kaco.

Dhaawaca noocan ah ee ku dhaca kelyaha waxaa lagu magacaabaa glomerular endotheliosis, taas oo micnaheedu yahay in qaybta sifeeysa dhiigga ee kelyaha ay bararto oo aysan si caadi ah u shaqeyn.


Laakiin dhiigkarka xilliga uurka waxa uu u gaar yahay Haweenka gaar ahaan  xilliga ay uurka leeyihiin oo kali ah, waana mid laga reysto oo waqtigiisa kooban yahay. Dhiigkarka xilliga uurka waxaa uu kamid yahay sababaha keeno dhimashada Hooyada.


Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxa ay ku qiyaastay 50,000- 75,000 oo Hooyo oo uur leh in ay u dhintaan dhiigkarka xilliga uurka dhammaan daafaha Caalamka.500 000 oo carruur ah ayaa sannad kasta u dhinta cudurkan.Intaa waxaa dheer,dumarka ku nool dalalka aan kheyraadka lahayn ayaa halis sare ugu jira inay la kulmaan xanuunada dhiig karka ee uurka  (pre-eclampsia) marka la barbar dhigo Haweenka waddamada kheyraadka badan leh. Tani waxay noqonaysaa ama innoo qeexaysaa sababta oo ah dhibaatooyinka-bulsho, waxbarasho, iyo bay’adeed ama xukuumadeed ayaa taariikh ahaan waxaa haleelay bulshooyinkaasi u nugul xanuunka ayaa waxa soo raaca kala duwanaanshahaha nafaqada,cuntada tayada-liidata, cayilnaan, iyo sonkorow (ka hor iyo inta lagu jiro uurka kahor,sidaas awgeedna waxay kordhineysaa heerka dhibaatooyinka uurka.Haddaba marka la eegayo halista la xidhiidha cudurada hooyada (Dhiikarka uurka iyo dhalmada ,iyo dhimashada uu sababi karo (Dhiigkarka hooyada uurka leh ama xaamilda ah  ku dhaca (pre-eclampsia) waxaa loo sii kala saari karaa sidan soo socota :


1. Early onset pre-eclampsia:bilowga horre (kaas oo dhiigkarka uurku uu ku dhoco hooyada marka ay sidkan joogto  <34+0 toddobaad uurka).


2. Pre-eclampsia preterm waa dhiigkarka uurka (kaas  oo hooyada ku dhaca marka ay sidkan joogto  <37+0 toddobaad ee uurka).


3. Late pre-eclampsia: waa dhiigkarka uurka ee ku dhaca  hooyada uurka leh marka ay sidkan gaadho (oo leh dhalmada ≥34+0 toddobaad uurka).


4. Xilliga pre-eclampsia (oo leh dhalmada ≥37+0 toddobaad ee uurka).


Ogoow hooyo kasta oo xaallad uur ku jirtaa waxay u baahan in xaalladeeda caafimaad si wanaagsan loo la socdo, si loo socdo daryeelka hooyada  iyo ilmaha yar ee uurka ku jira ( That is the importance of good ÀNC(Antenatal care ) .Haddaba lasocodka hooyada uurka leh ( Antenatal care ) ayaa hirgaliya marka sida uu yahay looga faa'iideeyo taasi oo macnaheedu tahay in dhammaan ujeedooyinka (Antenatal Care ) ka la fuliyo si kor loogu qaado hooyo kasta oo uur leh oo dhibaato caafimaad dareenta loogu adeego xataa haddii aanay lahayn wax cabasho ah haddana la socodka hooyada uurka leh ama xaamilada ahi waa mihiim .


Maxaa keenna iyo qatarka kordhin karta.


Waxa saxda ee keenna lama yaqaanno, laakiin waxa jirra waxyaabo ka qeyb qaata.


1::Primiparity: gabadha marka ay qaado uurka u horreeya, waa waxyaabaha qatarka ee u sahli karra inuu dhiigkarka uurka ku dhaco.


2:Advanced maternal age: haddii haweeneyda da'deeda gaadhay 35 sanno waa arrin qatar iyada keeni karta dhiig karka uurka.


3: Previous history of pre-eclampsia: haddii ay hooyada horrey u haleelay dhiig karta uurka waa arrinn sahli karta inuu marka kale ku soo laabto.


4: .Multiple gestations: hooyada hal uurjiifka ka badan sida iyada waxay ugu jirtaa qatar in dhiig karta uurka uu haleelo.


5:.Chronic hypertension or renal disease:  haddii hooyada ay horrey u qabtay xanuunka dhiigkarka ama xanuunnada ku dhaca kelyaha iyada waa qatar wayn oo sahli karta inuu haleelo dhiig karka uurka.


6:.Diabetes mellitus: haddii ay hooyada qabto xanuunka macaanka nooca koowaad ama labaad waa qatar markaasi sahli karta inuu haleelo xanuunka dhiig karka.


7:Obesity: haddii ay haweeneyda uureyda ah uu cayilkeeda xad dhaaf yahay iyada halis ayay ugu jirtaa.


8:Autoimmune diseases: waxaa kaloo keenna xanuunnada is weerarka difaaca jirka sida Antiphospholipid Syndrome (APS), jirka waxa uu soo saarayaa lidiga difaaca jirka taasina waxay siyaadineysaa xinjirowga dhiigga. Xinjirowgan waxa uu ku sameysmayaa xiddidada mandheerta  waxa hoos u dhacaya qulqulka dhiigga ee mandheerta.  Dhiig yaradi mandheerta  waxay keeneysa inuu yaraado ogsijiinta, taasina waxay carineysaa in la soo daayo walxaha qatarta ah kuwaasoo dhaawaca xiddidada hooyada(endothelial Dysfunction). Waxa kaa dhallanaya inuu siyaado cadaadiska dhiigga, iyo dhaawac xubnaha ugu muhiimsan jirka.


Calaamadaha. 


1:Hypertension: Calaamadaha ugu wayn waa in dhiigga uu kacsan yahay.


2:.Proteinuria:  kaadida in lagu arko borotiin.


3:.Edema: barar  gaar ahaan wajiga, gacmaha.


4:Headaches: madax xanuun joogta ah.


5:Visual disturbances: aragtida oo xumaata.


6:Epigastric pain: doc xanuun la xidhiidha beerka.


7:Oliguria: kaadida oo yaraata, taasoo muujineysa in kelyaha dhibaato gaadhay. 


8:Pulmonary edema: cadaadiska sambabada waxay keenayaan in neefsashadu adkaato.


Baadhitaanka. 


1:Blood pressure measurement:  cadaadiska dhiigga ka badan 140/90.


2:Proteinuria: kaadida oo borotiinkeedu yahay 300 ama xaddiga kiritiniinka 0.3


3:Laboratory tests: hubbintan waxa la baarayaa dhiigga guud, dheecannda beerka, heerka karatiniinka,  kaadida.


4:Fetal assessment: waxaa kalo la hubbinayaa koritaanka uurjiifka, biyaha uu ku dhex jirro, shaqada mandheerta. 


5:Dhiig-karka uur-jiifka oo ay la socoto ≥1 hal xaalad oo ka mid ah xaaladaha cusub ee soo-ifbaxa ka dib 20 toddobaad uurka:


6;– Proteinuria: borotiinka kaadida 24-saac ≥300 booratiintaasi oo ka saraysa mg/maalin; 300mg/mmole marka la barbar dhigo saamiga kaadida iyo keratiniinta bar barka kaadida/saamiga creatinine ≥30 mg/mmoL ama

.0.30 mg/mg, ama booratiinta kaadida lasocota oo soo baxda +2


7: Dhiikarka asiiba hooyada uurka leh waxa kale oo uu ku keenaa Cillad kale oo ku timaadda xubnaha hooyada: Dhaawac soo gaadha kelyaha hooyada oo daran kaasi oo innoo sheegaya haddii si fiican loo maareyn waayo caddaadiska dhiiga inay dhibaatadaasi dhici karto . (creatinine ≥90 µmol/L;> 1.1 mg/

dL);


8:Waxa kale oo dhiikarka uurku saamayn mug leh oo beerka soo gaadha marka cadaadiska dhiiga hooyada aan si fiican loo maareyn sidaas darteed dheecaamada beerka ee innoo sheega in unugyada beerka dhaawac soo gaadhay korbay u kacaan   (sida alanine ami notransferase (ALT) ama aspartate transaminase (AST) > 40 IU/L.Intaasi kaddib waxa soo ifbaxa calaamado muujinaya in beerka hooyada dhibaato soo gaadhay sida dhinaca labxada dhinaca midigta (Right upper quadrant pain or   epi gastric pain).


Daaweynta. 


1:Antihypertensive therapy: hooyada waxa la siinayaa dawooyinka lidiga dhiigkarka  sida: Labetalol waxa lagu bilaabayaa 20 mg oo xiddidka ah( Iv waxa loo siinayaa si tartiib ah) haddii uu dhiigga kacsanaantiisa ay sarreyso, waxa la siinayaa 40 mg 10 daqiiqo kaddib, kaddib ilaa waxa la gaarsiin karaa 80mg. Waxaa kaloo laga siin karaa afka[ tablet) xaddi gaaraya 100 ilaa 200mg. Lama siin karro qof leh xiiq ama cillad la xidhiidha wadnaha.


Hydralazine wax la siinaya xaddi gaaraya 5–10 mg waxa laga siinayaa xiddidka,  waxa loo siinayaa si tartiib ah, waxa lagu celin karaa 20 ilaa 30 daqiiqo kaddib haddii loo baahdo,xaddi waxa la isticmaali karaa ilaa 20 mg. Haddii xiddidka laga siiyo waxay keeneysaa inuu garaaca wadnaha aad u dagdago.


Nifedipine waxa la siinayaa xaddi gaaraya  10 mg tablet.  Waxa lagu celinayaa 30 daqiiqo kaddib, haddii wali uu kacsan yahay dhiigga. Kaddib 10 ilaa 20 mg ayaa la siinayaa 6ilaa 8 saac kasta.


Methyldopa waxa la siinayaa xaddi gaaraya 250–500 mg waana kaniini.  Waa dawada u wanaagsan hooyada iyo uurjiifka,  waxay u shaqaysaa si tartiib ah, waxa loo isticmaalaa marka cadaadiska dhiigga uu yahay mid iska dhex dhexaad ah.waxay xakameynayaan cadaadiska dhiigga.


 

2:Magnesium Sulfate.


Waxay yareynaysaa dareensidaha iyo farriimaha murqaha soo gaaraya, waxay innaga caawineysaa noqodka muruqa iyo maskaxda, dareen sidaha iyadoo ka dhigaysa kuwa xisalan. Waxay xiddheysaa kalsiyamga, si markaasi murqaha u joojiyaa dhaqaaqa badan. Waxay difaacaysaa maskaxda si aanu u dhicin qalal. Waxay dabcinayaan muruqyada sisibsan, kuwa minka , xiddida dhiigga, marrinnada hawada 


Qiyaasta koowaad (Loading Dose)


→ 4g IV.


Waxaa loo baahan yahay: 4 garaam oo MgSO₄ 50% ah.


Waxa lasoo qaadayaa 8 mL oo ah MgSO₄ 50%, waxa lagu qasayaa 12ml oo normal saline( faleenbo)  ama biyo, waxa laga siinayaa xiddidka, waxa lagu siinayaa 15 ilaa 20 daqiiqo. Taasina waxaa xaddiga kowaad ee laga siinayo xiddidka( Loading dose)


Waxa jirta qiyaasta joogtada ah( Maintenance dose) oo lala siinayo qiyaasta kowaad. Waxa laga siinayaa labada bari( gluteal) 

Waxaa loo baahan yahay: 10 garaam (5g mid kasta oo gluteal ah)


5g ÷ 0.5g/mL = 10 mL mid kasta. Waxaa loogu darayaa 1 mL Lidocaine 2% ah si markaasi xanuunka ay u yareyso marka laga qaadanayo barida ama muruqa. 


Intaas waxa la siinayaa marka horre.


Xaddiga joogtada  Joogtada ah (Maintenance Dose) ayaa la sii wadayaa.


5 garaam muruq(IM) ah kasta 4tii saacadoodba mar


5g = 10 mL MgSO₄ 50%, waxa loogu darayaa Lidocaine 1ml si xanuunka looga yareeyo.


Marka muruqa laga siinayo waxa la samaynayaa, in midig iyo bixid la iskugu beddelo afartii saacba.


Haddii qofka bukaanka daawadaan uu ku sumoowo waxa la siinayaa lidiga daawada( Antidote)

Calcium gluconate 10% – 10 mL xiddidka si tartiib ah looga siinayaa.


3:Waxyaabaha muhiimka la fiirinayaa ee loo baahan yahay waxa ka mid ah


1: bukaanka in jilibka laga cariyo haddii uu falcelin bixinayo( reflex)


2:  Qiyaasta neefsashada waa in ay >12 min( respiratory rate) 

3: Kaadida xaddigeeda inuu gaarayo > 30ml saacadiba. Iyadoo loo xidhayo kaadi soo qaade( catheterization).


4:Corticosteroids: waxa loo siinayaa in ay ka qeyb qaadato dawadan qaan gaadhka sambabka uurjiifka.


Dhibaatada dhiigkarka(caqabadaha uu ka tagi karo dhiikarka asiiba hooyada Uurka leh ) :


1:Dhibaatooyinka dareensidaha (oo ay ku jiraan eclampsia) waa xaalad maskaxeed hooyadu miyir doorsoonto , indho la'aan, istaroog, ama in ka badan oo caadi ahaan ah (hyperreflexia )marka ay weheliso clonus( Gariir ay la kulanto hooyadu)

madax xanuun daran, iyo  muuqaal oo shucaac leh(scotomata).


2:Dhibaatooyinka dhiigga (thrombocytopenia–

Tirada xinjirowga dhiigga oo hoos u dhacda <150 000/µL, kaddib markuu  xinjirowga  yaraado dhiig ayaa maskaxda ku furma (intravascu lar, hemolysis);


3:Cillad uur -ku -jirta (sida koritaanka uurjiifka ama ilmaha yar ee uurjiifka ah oo la kulma dhibaatooyin faro badan oo ay ka midyihiin ilmaha oo aan sidkii sagaalka bilood gaadhin soo dhasha , ilmaha yar ee uurjiifka ah oo uurka hooyada ku sirira .


Tixraaca 


Reference Books and WebsitesBooks:Williams Obstetrics by F. Gary Cunningham et al. – A comprehensive guide on the management of pre-eclampsia and other obstetric conditions.


Obstetrics: Normal and Problem Pregnancies by Steven G. Gabbe et al. – Provides in-depth coverage of the pathophysiology and clinical management of pre-eclampsia.


Current Obstetric & Gynecologic Diagnosis & Treatment by DeCherney & Nathan – A practical reference with updated guidelines on pre-eclampsia management.


Dutta's Textbook of Obstetrics – Offers insights on the definition, diagnosis, and treatment protocols.


Websites:Amboss – A medical reference that provides evidence-based information on the diagnosis and management of pre-eclampsia.Medscape – Offers detailed articles on the latest research and clinical guidelines for pre-eclampsia.UpToDate – A clinical resource that includes comprehensive, regularly updated reviews on pre-eclampsia.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad