Casharka 34aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 34aad
Eclampsia
Kalaamisada waa dhibaato daran ka dhallata dhiigkarka uurka(pre-eclampsia) qofka waxa uu yeelanayaa jarays ama miir daboolan xilliga uurka. Badanaa waxay dhacadaa isbuuca 20aad ee uurka. Waana xaalad qatar ah oo nolosha hooyada uurka leh qatar galin karta.
Illaa 10 Milyan hooyooyin oo ku nool daafaha caalamka ayey ku dhacdaa kalaamisadu sanandkii. 76 kun oo kamid ah hooyooyinkaas ayaa u dhinta wax yeelo la xariirto kalaamisada, guud ahaan dunida aynnu ku nool nahay 7-dii daqiiqaba waxa aan weeynaa(dhinto) hooya tasoo sabab ay u tahay wax-yaallo laga hortagi karo.
Dhinac kale 5kun oo cunug ayaa u dhinto sabab la xariirta kalaamisada ku dhacda hooyada uurka leh. Wax ka badan 2.5 milyan oo carruur ah ayaa ku dhasha waqtigooda ka hor (Preterm Birth) taasoo ay sababto kalaamisada.
Sidee ayay ku timaadaa kalaamisa.
Shaqo gabka ku yimaada indhosiiliyamta xiddidka, waxay markaasi carqalad ku keeneysaa qulqulka dhiigga ee caadiga. Taasoo saameyn ku leh wareegga guud dhiigga. Sida caadiga hooyada caafimaad qabta indhosiiliyamta ku daahar xiddidada dhiigga waxay soo saartaa xiddid kala bixiye(nitric oxide) taasoo ka caawineysa isku dheellitirka iska caabinta xiddida iyo in ay hesho qulqul dhiig ku filan mandheerta. Marka kalaamisada ay jirto indhosiiliyamta xiddidada ama shaqa gabka ku yimaada waxa hoos u dhacaya nitric oxide taasoo keeneysa in xiddidada ay ceejismaan(vasoconstriction) kaddibna sidaasi dhiigga uu sarre u noqdo. Marka unugyada indhosiiliyamta xilliga kalaamisada waxay noqonayaan kuwa dilaaca, waxayn keenayaan inuu hoore ku ururo xiddidada banaankiisa ama nuddaha ku wareegsan, taasoo keeneysa bararka lugaha, ama maskaxda taasoo siyaadineysa qatarka qalalka ama jarayska.
Imbalance of angiogenic factor.
Waxa jirra labo waxyaabood ka qeyb qaata badqadba xiddidka sameeyayaashiisa ( vascular endothelial growth factor iyo placental growth factor) iyo sameysanka mandheerta. Marka ay jirto kalaamisada waxa siyaadada liddiga wayxaabaha ka qeyb qaabata bad qabka xiddidka iyo quud fiican in ay hesho mandheerta ayaa waxay xidhayaan labada waxyabood aan soo sheegnay, waxay taasi keeneysaa mandheerta in aanay si fiican u shaqaynin, ama quud fiican iyo ogsijiin aysan helin. Ogsijiin yaridaas waxay keeneysaa in indhosiiliyamta xiddidka shaqo gabaan taasoo keeneysa inuu xiddidka uu ceejismo, sidaas uu xiddidka indhosiiliyamta dilaaco, socodka dhiiggana uu yaraado, dhiigga waxa uu ku yaraanayaa xubnaha waa wayn sida beerka, kelyaha iyo maskaxda.
Waxaa kaloo keenna hooyada oo horray dhiigkar u qabtay, xanuunka macaanka, iyo xanuunnada kelyaha.
Waxaa kaloo keenna waxyaabo daagaanka la xidhiidha saameyn ku yeesha hooyada uurka leh.
A:Uurka ugu horeeya
B:Mataano sid
C:Hooyo iyo/ama walaalo qabay cudurka
D:Ka yar 17 ama ka badan 35 sanno
Calaamadaha (eclampsia).
Marxaladda koowaad: -
Hooyada oo dayawda (kala garan wayda) meesha ay joogto iyo dadka hareera jooga, waxaa ku dhaca hooyada uurka leh ee uu hayo dhiigkarka suuxdinta leh xasilooni darro.
Waxaa lagu arkaa indhaha hooyada dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn, sida indhaha oo ay ka bidhiqbidhiqsiiso. Sidoo kale waxaa adkaata inay soo laabmi waayaan indhaheedu oo waxay ku dheygagaan hal meel.
Daqiiqado yar kaddib waxaa isku soo koga (urura) murqaha dha- barka iyo kuwa qoorta. Arrintan waxaa ka dhasha in dhabarka iyo qoortu u qalloocsamaan xagga dambe, gacmaha iyo faruhuna way soo laabmaan. Dadka caadiga ahi markay arkaan qof ku sugan xaaladdan waxaa ugu horrayn kusoo dhacda maskaxddooda sidaan soo xusnay in waxa haya hooyada uu jin yahay. Way guuxdaa ama reentaa hooyadu, naqaskuna wuu ku dhegaa. Waxay qani- intaa carabka haddii aan wax looga dhigin.
Marxaladda labaad: -
• Marxaladdan way rafataa (galgalataa) hooyadu sidii neef la gawracay oo kale, lamana xejin karo si kastoo laysugu tago. Afkeeda waxaa buuxiya abur (xumbo) iyo dhiig isku dhafan oo ka yimid carabkii ay qaniintay.
• Ugu dambayn way miyir beeshaa (coma). Waxay suuxsanaataa hooyadu muddo ku siman hal saac, way ka badan kartaa muddadu intaa. Waxaa inta badan suuxdinta lagu arkaa hooyada bilaha dambe ee uurka laakiin wuxuu iman karaa suuxitaanku markay hooyadu foolanayso ama dhawr saacadood kaddib markay umusho.
Halkaa wuxuu akhristuhu ka fami karaa inaan suuxitaanku ku yimaadda hooyada uurka leh ee dhiigkarka qabta in aanu lahayn waqti go'an.
Dhiigkarka uurku wuxuu keenaa in xididdada mandheertu xidhmaan, waxaa hakad gala oo yaraadaa dhiiggii iyo nafaqadii ilmuhu heli jiray. Ar- rintan waxaa ka dhalan kara in ilmuhu si fiican u kori waayo intuu ku jiro uurka.
Dhibaatooyinka dhiigkarka uurku u geysto hooyada waxaa ka mid ah: -
1:Unugyada cas ee dhiigga oo qarxa (hemolysis.)
2:Dheecaamada beerku soo daayo (liver enzymes) oo bata.
3:Unugyada xinjirta sameeyaa oo yaraada (low platelet count).
4:Saddexdaa xaaladood ee lagu arko hooyada uurka leh ee qabta dhiigkarka waxaa loo soo gaabiyaa luqadda ama erey-ixinta caafimaadka HELLP (Hemolysis, Liver enzymes, Low Platelet count).
Baadhitaanka.
1:Blood pressure monitoring: waxa laga cabirayaa dhiigga haddii uu aad u daran yahay kacsanaantia dhiigga( dhiigga korre >160 iyo dhiigga hoose gaarayo 110)
2:Laboratory tests: waxaa kaloo loo dirayaa dheecannadan beerka(ALT, AST). Waxaa kaloo la baadhayaa in haddii ay kaadida borotiin soo raacay. Waxaa kaloo la baadhayaa haddii uu jirro dhiig burbur(hemolysis). Waxaa kaloo loo dirayaa hubbinta kelyaha ( sida muudda karitiniinta iyo waxyaaba wasaqda kelyaha soo saaraan(blood urea nitrogen).
3:Waxa kaadida laga fiirinayaa borotiinka(Proteinuria).Ugu yaraan inuu gaaraya 0.3g 24saac gudahooda. Karatiinin ≥ 0.3.
4:Hooyada in lagu arko qalal (Convulsion). Waana waxyaabaha ugu muhimsan lagu ogaan karro. Haddii hooyada jirkeeda oodhan uu wadda noqo mid wadda jareeya(tonic-clonic) waxay caddaynaysaa in ay jirto kalaamiso.
Daaweynta.
1:Immediate goal: waxaa si dagdag looga hortagayaa dhibaatada iyo dhallaanka hooyada Ku imanaya iyadoo la xakameynayo qalqalka, cadaadiska dhiigga.
2:Maaraynta dhiigkarka uurka
Marka heerka hoose ee cadaadiska dhiigga ee xididadu (diastolic blood pressure) noqdo 90-95 mmHg, borotiinka soo raaca kaadidana uu yar yahay, waxaa lagu daweeyn karaa hooyada qabta dhiigkarka bukaan socodka (outpatient) iyadoo si fiican loola soconayo xaaladda caafimaad ee ilmaha iyo tan hooyada (feto-maternal assessment). Dawada inta badan dhakhaatiirta isku raacsan yihiin ee u arkeen in la siin karo dumarka uurka leh waa dawada loo yaqaan methyldopa (aldomet). Haddii dhiigkarku aad u sareeyo isla markaana borortiinka soo raaca kaadida uu badan yahay, waxaa wacan in degdeg loo seexiyo hooyada isbitaalka si loo daweeyo oo loo badbaadsho Ilaahay idankii nolosha hooyada iyo tan ilmaha. Waxaa la siiyaa hooyada dawooyin joojiya suuxitaanka (anticonvulsant) iyo dawooyin ka hortaga inaan suuxitaanku soo noqon mar kale sida dawada loo yaqaan magnesium sulphate.
Haddii dhiigkarku aad u kacsan yahay oo hooyadu ku jirto xaalad miyir beel (coma) marka la keeno isbitaalka, waxaa xididka laga siiyaa dawooyinka dhiigkarka dejiya sida dawada hydralazine iyadoo loogu darayo faleebada, go'aankase waxaa iska leh dhakhtarka waayo waa mas'uuliyad culus oo aanu ka bixi karin kalkaaliyuhu. Waxay dhakhaatiirtu ka digaan inaan si degdeg ah oo dhakso badan dhiigkarka uurka hoos loogu dhigin, waayo waxay tallabadani keeni kartaa inuu yaraado oo degdeg hoos ugu dhaco dhiiggii uu ilmogaleenku heli jiray halkaana waxyeello soo gaadho ilmihii ku jiray uurka. Waxaa fiican in si tartiib ah oo aan degdeg ku jirin dhiigkarka loo dejiyo (hoos loogu dhigo).
Haddii hooyadu u gudubto dhiigkarka suuxdinta leh (eclampsia) waxaa la siiyaa:
• Daryeel caafimaad oo degdeg ah oo ay ugu horrayso in la siiyo hooyada dawooyin joojiya suuxdinta (anticonvulsant) iyo dawooyin ka hortaga inaan suuxdintu soo noqnoqon.
Waxaa la geeyaa hooyada uurka leh ee qabta dhiigkarka suuxinta leh qol madaw si looga dhawro (ilaaliyo) sanqadha (shanqarta) iyo iftiinka oo keeni kara in suuxdintu soo noqoto mar kale.
Tallaabada u dambaysaa waxay tahay in laga dhaliyo hooyada oo laga soo saaro ilmaha haddii la arko in xaaladda hooyada iyo tan ilmuhuba halis ku jiraan. Haddii aanay suurtogal ahayn in dariiqada caadi ah looga dhaliyo hooyada, waxaa lagu sameeyaa qalliin ilmaha looga soo saarayo (cesarian section).
1:Antihypertensive therapy: hooyada waxa la siinayaa dawooyinka lidiga dhiigkarka sida: Labetalol waxa lagu bilaabayaa 20 mg oo xiddidka ah( Iv waxa loo siinayaa si tartiib ah) haddii uu dhiigga kacsanaantiisa ay sarreyso, waxa la siinayaa 40 mg 10 daqiiqo kaddib, kaddib ilaa waxa la gaarsiin karaa 80mg. Waxaa kaloo laga siin karaa afka[ tablet) xaddi gaaraya 100 ilaa 200mg. Lama siin karro qof leh xiiq ama cillad la xidhiidha wadnaha.
Hydralazine wax la siinaya xaddi gaaraya 5–10 mg waxa laga siinayaa xiddidka, waxa loo siinayaa si tartiib ah, waxa lagu celin karaa 20 ilaa 30 daqiiqo kaddib haddii loo baahdo,xaddi waxa la isticmaali karaa ilaa 20 mg. Haddii xiddidka laga siiyo waxay keeneysaa inuu garaaca wadnaha aad u dagdago.
Nifedipine waxa la siinayaa xaddi gaaraya 10 mg tablet. Waxa lagu celinayaa 30 daqiiqo kaddib, haddii wali uu kacsan yahay dhiigga. Kaddib 10 ilaa 20 mg ayaa la siinayaa 6ilaa 8 saac kasta.
Methyldopa waxa la siinayaa xaddi gaaraya 250–500 mg waana kaniini. Waa dawada u wanaagsan hooyada iyo uurjiifka, waxay u shaqaysaa si tartiib ah, waxa loo isticmaalaa marka cadaadiska dhiigga uu yahay mid iska dhex dhexaad ah.waxay xakameynayaan cadaadiska dhiigga.
2:Magnesium Sulfate.
Waxay yareynaysaa dareensidaha iyo farriimaha murqaha soo gaaraya, waxay innaga caawineysaa noqodka muruqa iyo maskaxda, dareen sidaha iyadoo ka dhigaysa kuwa xisalan. Waxay xiddheysaa kalsiyamga, si markaasi murqaha u joojiyaa dhaqaaqa badan. Waxay difaacaysaa maskaxda si aanu u dhicin qalal. Waxay dabcinayaan muruqyada sisibsan, kuwa minka , xiddida dhiigga, marrinnada hawada
Qiyaasta koowaad (Loading Dose)
→ 4g IV.
Waxaa loo baahan yahay: 4 garaam oo MgSO₄ 50% ah.
Waxa lasoo qaadayaa 8 mL oo ah MgSO₄ 50%, waxa lagu qasayaa 12ml oo normal saline( faleenbo) ama biyo, waxa laga siinayaa xiddidka, waxa lagu siinayaa 15 ilaa 20 daqiiqo. Taasina waxaa xaddiga kowaad ee laga siinayo xiddidka( Loading dose)
Waxa jirta qiyaasta joogtada ah( Maintenance dose) oo lala siinayo qiyaasta kowaad. Waxa laga siinayaa labada bari( gluteal)
Waxaa loo baahan yahay: 10 garaam (5g mid kasta oo gluteal ah)
5g ÷ 0.5g/mL = 10 mL mid kasta. Waxaa loogu darayaa 1 mL Lidocaine 2% ah si markaasi xanuunka ay u yareyso marka laga qaadanayo barida ama muruqa.
Intaas waxa la siinayaa marka horre.
Xaddiga joogtada Joogtada ah (Maintenance Dose) ayaa la sii wadayaa.
5 garaam muruq(IM) ah kasta 4tii saacadoodba mar
5g = 10 mL MgSO₄ 50%, waxa loogu darayaa Lidocaine 1ml si xanuunka looga yareeyo.
Marka muruqa laga siinayo waxa la samaynayaa, in midig iyo bixid la iskugu beddelo afartii saacba.
Haddii qofka bukaanka daawadaan uu ku sumoowo waxa la siinayaa lidiga daawada( Antidote)
Calcium gluconate 10% – 10 mL xiddidka si tartiib ah looga siinayaa.
3:Waxyaabaha muhiimka la fiirinayaa ee loo baahan yahay waxa ka mid ah
1: bukaanka in jilibka laga cariyo haddii uu falcelin bixinayo( reflex)
2: Qiyaasta neefsashada waa in ay >12 min( respiratory rate)
3: Kaadida xaddigeeda inuu gaarayo > 30ml saacadiba. Iyadoo loo xidhayo kaadi soo qaade( catheterization).
4:Corticosteroids: waxa loo siinayaa in ay ka qeyb qaadato dawadan qaan gaadhka sambabka uurjiifka.
Dhibaatada dhiigkarka(caqabadaha uu ka tagi karo dhiikarka asiiba hooyada Uurka leh ) :
1:Dhibaatooyinka dareensidaha (oo ay ku jiraan eclampsia) waa xaalad maskaxeed hooyadu miyir doorsoonto , indho la'aan, istaroog, ama in ka badan oo caadi ahaan ah (hyperreflexia )marka ay weheliso clonus( Gariir ay la kulanto hooyadu)
madax xanuun daran, iyo muuqaal oo shucaac leh(scotomata).
2:Dhibaatooyinka dhiigga (thrombocytopenia–
Tirada xinjirowga dhiigga oo hoos u dhacda <150 000/µL, kaddib markuu xinjirowga yaraado dhiig ayaa maskaxda ku furma (intravascu lar, hemolysis);
3:Cillad uur -ku -jirta (sida koritaanka uurjiifka ama ilmaha yar ee uurjiifka ah oo la kulma dhibaatooyin faro badan oo ay ka midyihiin ilmaha oo aan sidkii sagaalka bilood gaadhin soo dhasha , ilmaha yar ee uurjiifka ah oo uurka hooyada ku sirira .
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sameysay cilmi-baarisyo iyo talooyin rasmi ah oo lagu hagayo kahortagga, ogaanshaha, iyo daawaynta dhiigkarka uurka( eclampsia) si loo badbaadiyo nolosha hooyada iyo ilmaha.
WHO waxay sannadkii 2011 ku talisay in dhammaan haweenka uurka leh laga baaro dhiig-karka iyo borotiinka ( iyadoo laga baarayo kaadida usbuuca labaatanaad ee uurka). Waxa ay si cad u sheegtay in magnesium sulfate ay tahay daawada ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo qalqalka ka dhalata dhiigkarkar( eclampsia) ama looga hortago, taas oo badbaadin karta nolosha hooyada. Waxay sidoo kale sheegtay in lala socdo caalamahadaha, sida aragdaraynta, madax xanuunka.
Sannadkii 2021, WHO waxay cusboonaysiisay talooyin ku saabsan kahortagga pre-eclampsia, waxayna sheegtay in haweenka halista ugu jira ay si joogto ah u qaataan aspirin (inta u dhaxaysa 75 ilaa 150 mg maalintii), laga bilaabo usbuuca 12aad ilaa toddobaadyada ugu dambeeya ee uurka. Tani waxay yareyneysaa fursadda uu cudurka ku dhici karo, waxayna muhiim u tahay haween horray ugu dhacay dhiigkarka( pre-eclampsia ama qaba dhiig-kar horay u jiray).
Intaa waxaa dheer, WHO waxay 2020 tilmaantay in haweenka leh dhiig-kar aan gaarsiisneyn heer halis ah ay u baahan yihiin in si degdeg ah loo daweeyo, iyadoo la adeegsanayo daawooyin badqab u leh sida labetalol, nifedipine, ama methyldopa. Daaweyntan waxay ka hortagtaa inuu dhaco dhiig karka waxayna yareysaa halista waxyeellada dhaci doonna.
2023, WHO waxay si xooggan u xustay muhiimada qaadashada kalsiyamka gaar ahaan dalalka ay haweenku cunto ahaan uga helin kalsiyam ku filan. Waxaa lagu talinayaa in la qaato 1.5 ilaa 2 garaam oo kalsiyam ah maalintii si loo yareeyo halista dhiig-karka. Daraasado badan ayaa muujiyey in qaadashada kalsiyamka ay si toos ah uga hortagto labada marxalad ee dhiigkarka( pre-eclampsia iyo eclampsia).
Gabagabadii, WHO waxay ku talisay in eclampsia laga hortagi karo haddii la helo daryeel caafimaad oo joogto ah, daaweyn habboon, iyo baaritaan joogto ah oo lagu sameeyo haweenka uurka leh. Isticmaalka aspirin, kalsiyam, iyo magnesium sulfate ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xakameeyo xaaladdan ah. Daryeel nidaamsan oo waqtigiisa la helo ayaa muhiim u ah badbaadinta hooyada iyo ilmaheeda
Tixraaca
Reference Books and WebsitesBooks:Williams Obstetrics by F. Gary Cunningham et al. – A comprehensive guide on the management of pre-eclampsia and other obstetric conditions.
Obstetrics: Normal and Problem Pregnancies by Steven G. Gabbe et al. – Provides in-depth coverage of the pathophysiology and clinical management of pre-eclampsia.
Current Obstetric & Gynecologic Diagnosis & Treatment by DeCherney & Nathan – A practical reference with updated guidelines on pre-eclampsia management.
Dutta's Textbook of Obstetrics – Offers insights on the definition, diagnosis, and treatment protocols.
Websites:Amboss – A medical reference that provides evidence-based information on the diagnosis and management of pre-eclampsia.Medscape – Offers detailed articles on the latest research and clinical guidelines for pre-eclampsia.UpToDate – A clinical resource that includes comprehensive, regularly updated reviews on pre-eclampsia.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment