Casharka 36aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 36aad
Awdanka ibida (Placenta Previa)
Placenta previa waa marka ay ibidu ku samaysanto afka makaanka/ilmo galeenka taas oo awdaysa/daboolaysa qayb ama dhammaan marinka ilmuhu soo mari lahaa ,badanaa mandheerta ilmaha ay u soo marto nafaqada iyo hawada waxay ku taal gidaarka sare ee dhinaca ilmo-galeenka mararka qaar se ayay dhacdaa inay ku sameysanto xaggo hoose taas oo hadhaw ilmuhu marka uu gaadho xilliga uu dhalan lahaa dhibaato ku keenta sababtana inay haweenaydu sidii caadiga ahayd u dhali waydo qaliinka CS"cesarean section " in loo sameeyo noqonaysa waa hadday gabiga afka makaanka awdo si markaasi ilmaha looga soo saaro ubucda. Badanaa waxa la arkaa, isbuuca 28aad.
Mandheerta waa marrinka nafaqada iyo ogsijiinta uu ka helo uurjiifka. Waxa aynna ku samaysantaa qeybta sarre ee ilma-galeenka. Marka la joogo awdanka mandheerta, waxay ku koreysaa mandheerta qeybta hoose ee ilma-galeenka. Waxay dabooleysaa luqumaha. Marka ay halkan soo gaadho waxay sameysaa kala jiidan. Haddii ay u dhowdahay luqumaha, ilma-galeenka uu kala jiidmo mandheerta waxay keeneysaa dhiig bax. Dhiig baxaasi waxa uu ka curtaa xiddidada u dhexeeya ilma-galeenka iyo mandheerta, xiddidada waxay noqdaan kuwa dabacsan. Dhiig baxaasi waa mid iftiimaya, xanuun aan lahayn.
Maxaa keena!
1. Waxa keenna in hooyada horrey qaliin u soo martay( Past C-section or uterus surgery).
Haddii ilmo-galeenka uu leeyahay nabar kaasoo uu ka soo gaarey qaliin horray loogu sameeyay hooyada, mandheerta waxay u soo dagaysaa qeybta hoose ee luqumaha. Xiddidada dhiigga waxay noqonayaan kuwa dabca. Dabacasi waxa uu keenayaa dhiig bax.
2: Mataanno.
Haddii hooyada ay sido mataanno, waxa isbeddelaya meegaarka ilmagaleenka, mandheerta waxay u soo dagaysaa qeybta hoose ee ilma-galeenka, ilmagaleenka waxa uu noqdaa mid kala jiidma, aadna u jilca.
3:Sigaarka.
Haddii ay hooyada cabto sigaar xilliga uurka, waxa uu keenayaa in uu yaraado ogsijiinta iyo qulqulka dhiigga ee ilma-galeenka. Mandheerta waxay u koreysaa si aan caadi ahayn, qulqulka dhiigga waxa uu noqonayaa mid liita, mandheerta waxa ay u soo dagaysaa qeybta hoose ee Luqamaha ama waa ay xidhaysaa.
3: Da'da hooyada( 35 sanno)
Waxay ku badan tahay ama lagu arkaa hooyooyinka 35 sanno ka wayn. Sababta tani ku dhacdo waa in uu ilmagaleenka dabco. Mandheerta kuma dhaganaaneyso qeybta sarre ee ilma-galeenka, waxay u soo daadageysaa qeybta hoose ee ilma-galeenka, ugu dambayn waxay xidheysaa luquma.
Calaamaddaha lagu garto waxa ka mid ah :
Calaamaddaha lagu garto inay makaanka awday mandheeri waa dhiig ay haweenayda uurka leh isku aragto bilaha ugu dambeeya ee uurka,dhiiggaas oo aanay dareemin wax xanuun ah,makaankuna aanu majiirin/urur iyo kala bax makaanku sameeyo oo xanuun wata,dhiiggaas oo iman kara xilli ay iska nasanaysay,xilli ay hawl haysay ama dhaawac soo gaadhay oo kale ama iyadoo baadhitaan xubinta taranka ah ku jirtay.
Waxa loo kala qaybiyaa saddex qaybood:
1)Total,complete ama central previa:Waa markay mandheertu ku dul samaysanto qoorta makaanka ee uu ilmuhu soo mari lahaa si dhammaystiran,waana ta ugu daran oo dhiig baxa keenta .
2)Partial previa:Waa markay mandheertu xidho qayb ka mid ah marinka ilmuhu mari lahaa ama afka makaanka.
3)Marginal ama low-lying previa: Waa markay mandheertu meel hoose oo afka makaanka u dhaw ku taalo .
Baadhitaan.
1:Waxa la isticmaalayaa kombuyuutarka saxaha(Transvaginal Ultrasound). Kombuyuutarka waxa uu inna tusinayaa meesha saxda ee ay taalo mandheerta. Waxa kaloo uu inna tusinayaa haddii mandheerta ay wadda xidhay ama qeyb ka mid ah xidhay.
2. Kombuurtarka ubucda(Transabdominal Ultrasound).
Waxa lagu arkayaa muuqaalka ilmagaleenka iyo ibida. Si markaasi loo arko barta saxda ibidu taalo. Se waxa ka fiican kombuyuutarka saxaha( Transvaginal Ultrasound).
3:Waa mamnuuc in la sameeyo hubbinta gacanta( never do vaginal examination). Sababtoo ah ibida waxay taalaa luqumaha, haddii la sii taabto waxay keeneysaa dhiig bax culus. Dhiig baxaasi waxa uu qatar galin karaa uurjiifka iyo hooyada.
4:Hubbinta dhiigga(Blood tests)
Hooyada waxa laga qaadayaa dhiig( CBC) si markaasi loo hubbiyo haddii ay jirto dhiig yari( anemia), dhiigyarida waxa keenaya dhiig baxa xooggan ee hooyada ku yimid.
5:Waxaa kaloo la fiirinayaa nooca dhiigga ay tahay. Si markaasi haddii loo baahdo in dhiig lagu shubo.
Daaweynta.
1:Qiimayn iyo xasilin.
Waxa la hubinayaa garaaca wadnaha hooyada iyo cadaadiska dhiigga, neefsashada. Waxa loo xidhayaa labo hoore qaadayaal(IV line) si markaasi loo siiyo hoore iyo dhiig. Waxa la siinayaa hooraha nooca normal saline ama Ringer’s Lactate, si markaasi cadaadiska dhiigga sarre loogu soo qaado. Tani waxay dib u soo celinaysaa mugga hooraha lumay.
2:Diyaarin dhiig
Hooyada waxa loo diyaarinayaa dhiig, haddii uu Hb ka yar yahay <8g/dl ama dhiig baxeeda uu xooggan waxa la siinayaa unugyada dhiigga cas( packed red blood cells). Dhiigani waxa uu sarre u qaadayaa qaadista ogsijiinta, waxa uu ka hortagayaa in hooyada ay dhidhib gasho( shock).
3:Qaangaarka samababbada uurjiifka(Fetal lung maturation).
Ka hor isbuuca 34aad iyo haddii uu jirro dhiig bax waxa la siinayaa istiirooyd( dexamethasone) 6mg oo muruq ah. Tani waxay kor u qaadaysaa in uurjiifka sambabadiisa ay noqdaan kuwa dhammaystiran qaangaaray, si ay markaasi u yaraato dhibaatooyinka neefsi xumida.
4:Waxa la siinayaa dawooyinka isku ururka minka joojiya, haddii ay hooyada tahay mid aan bila dhammaysan(Tocolysis (if preterm contractions), dawooyinkan waxay joojinayaan inuu ilmagaleenka isku soo ururo. Waana dabciyayaasha ilmagaleenka. Mararka qaar waxa la sameynayaa haddii hooyada la gaarsiin karro ilaa 34 isbuuc ilaa 37 isbuuc waa la gaarsiinayaa, iyadoo ay ku xidhan tahay xaaladda hooyada.
5:Qaliin"CS" degdeg ah waa haddii ilmaha ama hooyadu halis ku jirto.
6:Haddii aanu midkoodna xalaadadoodu halis ku jirin muddo ayaa lagu baxnaaniyaa dhakhtarka dhiigga ka baxayna waxa loo sameeyaa nafaqayn/dhiig soo celin waxaana la sugaa inta ilmuhu ka waynaanayo waa haddii ay arrintani dhacday ilaa todobaadkii 30aad ee uurka.
7:Haddii makaanku furan yahay wax ka badan 2cm waxa loo sameeyaa "vaginal delivary"=waxa laysku dayaa inay si dabeeci ah u dhali karto ilmaha.
8:Haddii ilmaha uu gaadho 36 isbuuc lana ogaado inay hooyada xaaladeedu degantahay iyo ilmaha inuu shaqada sambabkiisuna qaangaadhay waxa loo sameeya qaliin "CS" qorshaysan oo xilliga la qalayo ayaa loo sii diyaarinayo.
Tixraaca.
Dutta, D.C. Textbook of Obstetrics.
Kumar & Clark. Clinical Medicine.
Royal College of Obstetricians & Gynaecologists website (RCOG).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment