Casharka 37aad

 Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).


Casharka 37aad


Dunka ibida(Placenta Abruptio).


Waa marka ay mandheertu ka soo fuqdo gidaara makaanka ilmaha oo wali makaanka ku jira waxaanay badanaa dhacdaa bilaha ugu dambeeya,gaar ahaan todobaadada fooshu soo dhawdahay,hadday soo wada fuqdana ilmaha ogsijiin la'aan iyo nafaqo la'aan ayuu halis naftiisu u galaysaa hooyadana dhiig bax iyo xanuun ayaa ku bilaabmaya.


Waxa dhaawacmaya xiddidada dhiigga.  Guddaha ilmagaleenka waxa ku yaalla xiddido yaryar kuwaasoo isku xidha ibida iyo darbiyada ilmagaleenka.   Marka ibida ay soo fuqdo, xiddidada yaryaraa waxay noqdaan kuwa dilaacma. Dhiigbaxa waxa uu ka dhacaa gadaasha dambe ee ibida. Marka xiddidada dhiigga ay qarxaan. Dhiigga waxa uu sameynayaa habid(leakage)inta u dhexaysa ibida iyo darbiyada ilmagaleenka.  Dhiig baxa waxa uu samaynayaa xinjir( retroplacental hematoma). Haddii ay xinjirta noqoto mid wayn  waxay riixaysaa ibida, waxa dhacaysa in ibida ay soo fuqdo.  Haddii ay ibida soo fuqdo waxa yaraanaya ogsijiinta iyo quudka uu heli lahaa uurjiifka. Dhiig baxa waxa uu sababayaa in ilmagaleenka uu sameeyo isku urur, taasina waxau keeneysaa xanuun darran.


Fuqsanaanta ibida waxaa loo qeybiyaa ilaa seddex qeybood. Mid mid ayaan u sharxaynaa.


1. Revealed (External) Abruption.


Waa marka dhiigga hooyada ka socda lagu arko saxaha, ama dhiigga waxa uu ka imanayaa saxaha.  Sababtoo ah ibida waxa ay ka soo fuqeysaa darbiyada,dhiiggana waxa uu imanayaa banaanka( extarnal bleeding).  Hooyada waxay isku arkeysaa dhiig bax, ubuc xanuun. Waana nooca ugu caansan ee la arko inta badan. 


2. Concealed (Internal) Abruption.

Marka xaaladan la joogo, dhiigga waxa uu ku urayaa gadaasha dambe ee ibida, wax dhiig ah oo hooyada ka imanayaa ma jirro. Dhiigga waxa uu ku soconayaa ilmagaleenka. Hooyada ilmagaleenkeeda waxa uu noqonayaa mid adag, xanuun darran, laakiin wax dhiig oo ka socda la arkayaa ma jirro. Waana xaalad aad u qatar badan.


3. Mixed (Revealed + Concealed) Abruption.


Tani waa isku darka labada xaalad aan kor ku soo sheegnay, hooyada waxa lagu arkayaa dhiig, waxaa kaloo lagu arkayaa dhiig bax gudeed. Hooyada waxa lagu arkayaa in ilmagaleenkeeda uu adag yahay,xanuun daran,dhiig bax.


Calaamadaha.


Dhiig ay haweenayda uurka leh isku aragto bilaha dambe, dhabar xanuun, moxog xanuun, iyo urur iyo kala bax xanuun badan oo majiirid ah oo uu samaynayo makaanku kaas oo aan kala joogsi lahayn. Garaaca wadnaha ilmaha oo isbeddel ku yimaada. Kaasoo yaraada garaaca wadnaha, ama qalqal uu galo uurjiifka. Waxaa kaloo lagu arki karaa caalamahda miir-daboolanka haddii ay xaaladu darran tahay, ama dhiig baxa uu saa'id yahay.


Waxa uu kala qaybsamaa saddex qaybood:


1) Mild abroption-oo ah mid fudud, mandheer aan badnayn kuna keenta haweenayda dhiig ay isku aragto iyo xanuun makaanka ah oo inyar kala go'aya ilmahana xaaladiisa waxba ka beddelayn.


2) Moderate abroption-qaybtan hooyadu waxay dareemaysaa xanuun makaanka ah, dhiigga oo ka badan qaybta hore, mandheerta oo 25-50% soo go'da ilamahana marka la baadho xaaladiisa wax iska beddelaan garaaca wadnihiisu uu siyaado {tachycardia).


3) Severe abroption-markan hooyadu waxay dareemaysaa xanuun dhanka makaanka sidii mindi lagu muday oo kale oo joogto ah,dhiig in ka badan 50% oo ay soo go'day madheertu awgeed, ilmaha oo ay markaan halis galayso noloshiisu haddaan degdeg loo hawl galin, sidoo kalena waxa dhici karta DIC"Dissimenated intara vascular coagulation"aad u daran. Waana marka jirka ay ku samaysmaan meelo badan xinjir gaar ahaan guddaha xiddidada dhiigga. Intaas kaddib jirka waxa ku yaraanayaa madooyinka ka qayb qaadanayay samaynta xinjirowga, qofkuna waxa uu samaynayaa dhiig bax xooggan.


Maxa keena!


1: Badanaa lama yaqaan waxa keenna se waxa loo badiyaa inay keenaan dhaawac hooyada soo gaadha dhanka uurku jirta kaas oo ka yimi inay shil wax ku noqoto ama ay kuftaba. 


2:Dhiig karta waa waxyaabaha ugu waa wayn ee qatarta ee hooyada u nugleyn kara in ay mandheertu soo fuqdo haddii aan la xakameyn.


3:Hooyada oo mataanno sida. Iyada waa qatar kale oo sahli karta in ay mandheerta soo fuqdo.


4:Sigaarka iyo waxyaabaha maanka dooriya haddii ay hooyada isticmaasho waa arrin halis ah oo keeni karta in mandheertu soo fuqdo.


5:Haddii cillad ka jirto makaanka,  haddii uu makaanka kala bixiisa saa'idyahay waa arrin qeyb ka noqon karta mandheerta oo soo fuqda.


6:Haddii ay hooyada qabto xanuunnada xinjirowga waa arrin iyada qeyb ka noqon karta qatarka ay mandheertu ku soo fuqeyso.


Yaa halis ugu jira inay ku timaado?


Waxa halis ugu jira, haweenayda ay hore ugu dhacday, haweenayda dhiigkarka qabta, haweenka caba sigaarka ama cocaine, haweenayda uur mataanno ah sida, iyo haweenka ka wayn 40 sanno.


Baadhitaanka. 


1:Ultrasound,  waxa loo isticmaalayaa in lagu hubbiyo garaaca wadnaha uurjiifka. Fuqitaanka mandheerta.


2:CT SCAN : xaaladaha qaar ayaa la isticmaalayaa, si markaasi loo hubbiyo baaxadda dhiigga.


3:Laboratory test: waxa laga baarayaa dhiig, haddii ay jirto calaamad muujineysa lumitaanka dhiig, ama xanuunnada xinjirowga.


Daaweynta!


1. Hubinta iyo Xasilinta Hooyada.


Waxa lala soconayaa cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo neefsashada. 


Hooyada waxa loo xidhayaa labo hoore-qaadayaal( IV ) si markaasi loo siiyo dareere. Haddii uu dhiig bax xooggan jirro hooyada waxa lagu shubayaa dhiig.


2. Ka warqabka uurjiifka. 


Waxa lala soconayaa garaaca wadnaha uurjiifka.  Waxa la fiirinayaa cabirka ilmagaleenka iyo haddii uu noqonayo mid adag.


3. Hubbinta dhiigga 


Waxa la fiirinayaa heerka Hb hooyada si loo xaqiijiyo haddii ay jirto dhiig yari.Waxaa kaloo la baadhayaa heerka xinjirowga dhiigga(coagulation profile).Waxa la fiirinayaa nooca dhiigga hooyada, si haddii dhiig loo baahdo loogu shubo.


4.  Talaabada xigta ee la qaadayo.


A. Haddii xaaladda jirta  ay yar tahay oo ilmaha uusan gaarin 36 toddobaad: hooyada waxa lagu haynayaa isbitaalka, waxa loo samaynayaa nasiinno, waxaa kaloo la siinayaa dareere, si markaasi fuuq celin loogu sameeyo.Haddii uurku ka yar yahay 34 toddobaad, waxa la siinayaa corticosteroids si sambabada ilmaha ay u qaangaadhaan.


B. Haddii ay xaaladda tahay mid darran, ilmaha iyo hooyada ay ku jiraan xaalad qatar ah, uurkana uu gaaray 37 isbuuc ama ka badan, waa in sida ugu dhaqsiyaha badan hooyada loo dhalliyaa, haddii makaanka uu furan yahay waxa la bilaabayaa foosha dabiiciga ah. Haddii aanu furnayn hooyada waxa loo samaynayaa qaliin( C-section).

Haddii ay ay jirto qatar hooyada ama ilmaha ahi waxa loo sameeyaan qaliin lagu kala badbaadinayo CS (ceserian sectio).


5:Vaginal delivary- haddii uu dhiiggu badan yahay ama ay ka badan yahay 36 isbuuc waxa la sameeyaa ka dhalin la carinayo makaanka sidii dhalmada caadiga ah, iyadoo la dilaacinayo xuubka ilmuhu ku jiro si ay biyaha ku jiraan u soo dareeraan (amniotomy).


6:Conservative in hospital observation- haddii ilmaha iyo hooyadaba xaaladdoodu degantahay dhakhtarka ayaa la dhigayaa mudana lagula socdaa xaaladdooda hadday xaajadu caadi ku ku noqotana oo ay mandheertu dib u qabsato halkeediina, nafaqooyin iyo dhiig celin ayaa la siinayaa waana laga saraa dhakhtarka loona sheegaa inay afarta jaho dhankay doontu u kici karto.


7:Waxa la siinayaa xanuun baa'biye si markaasi xanuunka loo yareeyo.


Tixraaca. 

Dutta, D.C. Textbook of Obstetrics.


Kumar & Clark. Clinical Medicine.


Royal College of Obstetricians & Gynaecologists website (RCOG).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad