Casharka 38aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 38aad
Ibi-dhagto(Placenta accreta)
Waa xaalad dhacda xilliga uurka. Macnaheeda waa in ibida ay koritaan ku sameyso si qoto dheer darbiyada ilmagaleenka. Caadiyan ibida waxay soo fuqdaa hooyada marka ay dhasho. Se marka ibi-dhagtada(accreta) ma ahan mid si fudud ku soo fuqeysa, waxay keeneysaa dhiig bax xooggan. Caadiyan xilliga uurka guddaha ilmagaleenka waxa uu leeyahay lakab gaar ah oo loo yaqaan magoolay( decidua basalis), lakabkani waxa uu ka caawinayaa in ibida ay si badqab ah ugu dhagto ilmagaleenka. Laakiin marka ay jirto ibi ku dhagtada ilmagaleenka lakabkani waa mid meesha ka maqan ama aad u jilcan, badanaa waxay dhacdaa haddii hooyada qaaliin loogu sameeyay horrey. Ibida waxa sameeya unugyada( trophoblas) unugyadan waxay si caadi ah ugu koraan ilmagaleenka iyagoo isku xidhaya dhiigga hooyada. Laakiin ibi ku dhagtada unugyadan waxay sameynayaan koritaan xad-dhaaf ah, waxay u hilanayaan in ay si qoto dheer u dhex galaan lakabyada muruqa ilmagaleenka( myometrium).
Waxyaabaha kaalinta ku leh in la waayo lakabka difaaca(Nitabuch’s layer), caadiyan waa lakab jilcan una dhexeeya ibida iyo muruqa ilmagaleenka. Lakabkan waxa uu ka hortagaa in ibida ay si qoto dheer ugu gudubto ilmagaleenka. Ibi ku dhagtada ( accreta) haddii aanu jirin lakab wax difaacaya waxay si tartiib ah ugu gudbaysaa ilmagaleenka.
Waxaa kaalin ku leh xiddidada dhiigga oo si qaldan u samaysma. Marka la joogo ibi ku dhagtada xiddidada dhiigga ku xidhan ibida ilaa ilmagaleenka waxay u koriyaan si qaldan. Xiddidadan dhiigga waxay noqdaan kuwa waa wayn, iyo kuwa daciif ah. Marka la soo saaro ibida dhalmada kaddib, xiddidadan waxay sameeyaan dilaac, waxayna keenayaan dhiig bax xooggan.
Maxaa keenna.
1. Waxyaabaha keena waxa ka mid ah in ay hooyada qaliin horray ay soo martay(Caesarean birth), nabarka qaliinka u yeesho kaddib, waxa uu dhaawacayaa ilmagaleenka meegaarkiisa, caadiyan lakabka ilmagaleenka waxa uu difaacayaa in aysan ibida ka gudbin murqaha ilmogaleenka, waxa la weynayaa lakab difaacaha ama waxa uu noqonayaa mid daciif ah. Ibi ku dhagtada waxay ku dhageysaa barta nabarka.
2. Awdanka ibida ( Placenta Previa).
Awdanka ibida waxay ku dhageysaa qeybta hoose ee ilma-galeenka una dhow luqumaha, taasina waxay keeneysaa in ibi ku dhagtada ay guddaha u gasho ilmagaleenka. Qeybta hoose ee ilma-galeenka waa mid jilcan, ibida waxay si qoto dheer ugu gudbeysa ilmagaleenka, maxaa yeelay waa meel jilcan.
3. In qaliin lagu sameeyay ilma-galeenka ( sida muruqa ilmagaleenka la saaro, ama hooyada loo sameeyay xaaqitaan).Qaliinka waxa uu samaynayaa nabar yar ama waxa uu dhaawacayaa darbiyada ilmagaleenka. Taasina waxay keeneysaa in ay ibida ku dhagto ilmagaleenka.
4: Da'da hooyada.
Ibi ku dhagtada waxay ku badan tahay hooyooyinka 35 sanno ka wayn.
Calaamadaha.
1. Hooyada waxa lagu arkayaa dhiig bax, xanuunkiisa uu yar yahay. Dhiig baxaasi waxa uu noqon karaa mid dagdag ah ama xoggan.
2. Wax xanuun ah ma jirro.
Hooyada wax xanuun ah ma dareemeyso, waxa laga yabaa wax yar casiiraad ah in ay dareento. Dumarka waxa ay dareemayaa xanuun sida in wax ma jiirayo oo kale.
3. Dhiig bax dhalmada kaddib
Haddii lagu guuldarreysto in ay u soo fuqdo ibida sidii caadiga ahayd, waxay keeneysaa dhiig baxa dhalmada kaddib.
Baadhitaanka.
1:Waxa ugu horeeya la saarayaa waa kombuyuutar( Ultrasound).Waxa lagu eegayaa haddii ibida ay u dhowdahay ama xidhay ilmagaleenka. Waxa la arkayaa god madow guddaha ibida. Waxa kaloo la arkayaa xiddido badan ku yaala aaga ibida.
2:MRI Scan (Magnetic Scan)
Badanaa waxa la isticmaalaa haddii wax warbixin ah laga fahmi waayo kombuyuutarka, waxa uu innaga caawinayaa inuu inna tuso darbiyada ilmagaleenka. Waxa uu inna tusinayaa ibida oo guddaha ugu guddubtay ilmagaleenka darbiyadiisa.Waxa kaloo lagu arkayaa mugdi guddaha ibida.
3:Hubbinta dhiigga.
Waxa la fiirinayaa Hb, taasina waxay innoo sheegeysaa haddii ay jirto dhiig yari( CBC).
4:Ugu dambayn waxa la hubbinayaa hooyada marka ay dhasho ibideeda. Haddii ay ibida banaanka wadda imaaday, dhiig bax haddii uu jirro. Waxaana la eegayaa ibida iyadoo dhinacyo badan laga eegayo haddii ay xiddido kale leedahay dheeri ah, ama ay meel ka rujisan tahay.
Daaweynta.
1. Maareynta Kahor Dhalmada (Antenatal)
✅ a) In xilli hore loo ogaado
Waxaa la adeegsadaa ultrasound iyo MRI xilliga uurka.
Waxaa si gaar ah loo baaraa hooyooyinka halista ugu jira, sida kuwa horay loogu sameeyay qalliin (cesarean) ama qaba awdanka ibida( placenta previa).
b) Qorsheynta dhalmada wakhti hore.
In hooyada loo diyaariyo in la dhalliyo inta u dhexeysa isbuucyada 34 ilaa 36aad ee uurka. Waan la dhalliyaa inta aysan hooyada foosha caadiga ah aysan qaban.
✅ c) waxa ka qayb qadanaya koox caafimaad
Kooxdu waa in ay ka koobnaataa:
Dhakhtar ku takhasusay haweenka(Obstetrician)
Dhakhtar suuxiyaha (Anesthetist)
Dhakhtar daryeelka ilmaha (Neonatologist)
Dhakhtar qalliinka kelyaha iyo kaadimareenka (Urologist).
✅ d) la isiiyo Corticosteroids hooyada.
Waxa la siinayaa marka la dhallinayo ka hor isbuuca 37aad, sababta loo siinayaa waa in ay uurjiifka ka caawiso in sambabkiisa uu si fiican u qaan-gaaro.
🔷 2. Maaraynta qaliinka guddihiisa (Intraoperative)
✅ a) Qalliinka (Cesarean).
Qaliinka waxa la samaynayaa xilli horre, lama sugayo foosha. Qaliinka waxa lagu sameeyaa meel ka durugsan halka ay ku dhagan tahay ibida. Ibida waa in laga fogaado in lagu soo saaro qalab ( manuall), taasi waxay keeni kartaa dhiig bax xooggan. Hannaanka ugu fiican hooyada lagu badbaadin karaa waa in minka laga saaro( hysterectomy), iyadoo aan la soo saarin ibida.
3. Min saarid( hysterectomy)
Hooyada in laga saaro minka, tani waxay badbaadu u tahay hooyada, si markaasi dhiigbaxa u yaraado. Waana in laga taxaddaraa in aan dhaawacyo loo gaysan xubnaha u dhow sida kaadihaysta, xiidmaha.
4. Qaliinka kaddib (Postoperative)
✅ a) hubbinta dhiigga.
Waxa la fiirinayaa haddii uu jirro dhiig bax ama caabuq. La socodka hooyada waa in la joogteeyaa.
✅ b) dhiig ku shubid.
Haddii hooyadu dhiig badan lumiso, waxaa la siiyanayaa dhiig ama dareere kale.
✅ c) Taageero nafsiyeed
Hooyada waxa loo la tacalayaa maskax ahaan, si markaasi loo yareeyo walaaca badan ee hooyada soo wajaha, maadaama aysan uur dambe qaadi doonnin.
Tixraaca.
Buugga Dutta’s Textbook of Obstetrics (Daabacaaddii 9aad)
Buugga Williams Obstetrics (Daabacaaddii 25aad)
ACOG (American College of Obstetricians and Gynecologists)
Medscape – Placenta Accreta Spectrum
UpToDate – Management of Placenta Accreta
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment