Casharka 40aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 40aad
Placenta percreta
Waa xaalad qatar ah xilliga uurka. Waxa ay dhacdaa marka ibida ay ku dhex korto darbiyada muruqyada ilmagaleenka ama ay ka gudubto muruqyada, waxa ay gaadhaa xubnaha u dhow ilmagaleenka sida kaadihaysta(bladder). Caadiyan xilliga uurka ibida waxay ku dhagtaa guddaha ilmagaleenka, waxa kala saara ibida iyo murqaha ilmagaleenka lakab( decidua basalis), lakabka waxa u shaqeeyaa sida carqaladayn( barrier) waxa uu joojinayaa in ibida ay si qoto dheer ugu korto ilmagaleenka. Marka ay xaaladan taagan tahay( placenta percreta) waxa meesha ka kabaxaya lakabka kala saaraya ilmagaleenka iyo bida, maxaa ibida waxay ku koreysaa gudda murqaha ilmagaleenka iyadoo ka dusaysa, waxa ay gaareysaa xubnaha u dhow.
Marka ibida ka dusto ilmagaleenka xilliga dhalmada lama kala saari karro waxa ay keeneysaa dhiig bax xooggan dhalmada kaddib. Xitaa waxa ay dhawaceysaa xubnaha kale.
Maxaa keenna.
1. Waxyaabaha keena waxa ka mid ah in ay hooyada qaliin horray ay soo martay(Caesarean birth), nabarka qaliinka u yeesho kaddib, waxa uu dhaawacayaa ilmagaleenka meegaarkiisa, caadiyan lakabka ilmagaleenka waxa uu difaacayaa in aysan ibida ka gudbin murqaha ilmogaleenka, waxa la weynayaa lakab difaacaha ama waxa uu noqonayaa mid daciif ah. Ibi ku dhagtada waxay ku dhageysaa barta nabarka.
2. Awdanka ibida ( Placenta Previa).
Awdanka ibida waxay ku dhageysaa qeybta hoose ee ilma-galeenka una dhow luqumaha, taasina waxay keeneysaa in ibi ku dhagtada ay guddaha u gasho ilmagaleenka. Qeybta hoose ee ilma-galeenka waa mid jilcan, ibida waxay si qoto dheer ugu gudbeysaa ilmagaleenka, maxaa yeelay waa meel jilcan.
3. In qaliin lagu sameeyay ilma-galeenka ( sida muruqa ilmagaleenka la saaro, ama hooyada loo sameeyay xaaqitaan).Qaliinka waxa uu samaynayaa nabar yar ama waxa uu dhaawacayaa darbiyada ilmagaleenka. Taasina waxay keeneysaa in ay ibida ku dhagto ilmagaleenka.
4: Da'da hooyada.
Waxay ku badan tahay hooyooyinka 35 sanno ka wayn.
5:Asherman Syndrome
Waa marka guddaha ilmagaleenka uu ku samaysmo nabar( scar) gaar ahaan marka loo sameeyo hooyada qaliinka ilmaha looga soo xaaqo( Dilation and Curettage). Nabaradan waxay keenayaan in darbiyada ilmagaleenka ay isku dhegaan oo aysan u shaqayn sidii caadiga ahayd. Marka guddaha ilmagaleenka ( xuub-ilmagaleenka) uu dhaawac soo gaaro, lakabka muhiimka ee ka hortaga in ibida ay si qoto dheer ugu korto murqaha ilmagaleenka waa uu baaba’aa ama waa mid daciifa. Marka haweeneyda ay uur qaado kaddib ( aynna leedahay Asherman Syndrome) ibida isku xidha hooyada iyo uurjiifka waxay si qoto dheer ugu koreysaa murqaha ilmagaleenka waxay keeneysaa xaaladan( placenta percreta). Asherman Syndrome waxa uu meesha ka saaraan difaaca lakabka ee u dhexeeya ibida iyo murqaha ilmo-galeenka.
Calaamadaha.
Badanaa malaha wax caalamad ah xilliga horre ee uurka, caalamaddaha waxa ay soo muuqdaan xilliga dambe ee dhalmada ay gaadho haweeneyda.
1. Dhiig baxa, badanaa ah bilaa xanuun, waxa uu dhacaa bilaha dambe ee uurka.
2. Caloosha ama miskaha haweeneyda oo xanuuna, waa haddii ibida ay gaadhay xubnaha u dhow ilmagaleenka.
3. Waxa la arkayaa caalamada muujinaya dilaaca ilmagaleenka,haweeneyda waxa ay dareemeysaa xanuun dagdag aad u xooggan xagga caloosha, haweeneyda waxa noqoneysaa mid tabbar beesha, garaaca wadnaha uurjiifka waxa uu noqonayaa mid hoos u dhaca.
4. Kaadida oo dhiig lagu arko, waa haddii ibida ay gaadho kaadihaysta.
5. Dhiig bax xooggan xilli dhalmada oo yimaada.
Baadhitaanka.
1:Waxa ugu horeeya la saarayaa waa kombuyuutar( Ultrasound).Waxa lagu eegayaa haddii ibida ay u dhowdahay ama xidhay ilmagaleenka. Waxa la arkayaa god madow guddaha ibida. Waxa kaloo la arkayaa xiddido badan ku yaala aaga ibida.
2:MRI Scan (Magnetic Scan)
Badanaa waxa la isticmaalaa haddii wax warbixin ah laga fahmi waayo kombuyuutarka, waxa uu innaga caawinayaa inuu inna tuso darbiyada ilmagaleenka. Waxa uu inna tusinayaa ibida oo guddaha ugu guddubtay ilmagaleenka darbiyadiisa.Waxa kaloo lagu arkayaa mugdi guddaha ibida.
3:Hubbinta dhiigga.
Waxa la fiirinayaa Hb, taasina waxay innoo sheegeysaa haddii ay jirto dhiig yari( CBC).
4:Cystoscopy: waxa la fiirinayaa guddaha kaadihaysta haddii ay gaadhay ibida, waana kaamiro yar la galinayo kaadi haysta.
Daaweynta.
1. Maareynta Kahor Dhalmada (Antenatal)
✅ a) In xilli hore loo ogaado
Waxaa la adeegsadaa ultrasound iyo MRI xilliga uurka.
Waxaa si gaar ah loo baaraa hooyooyinka halista ugu jira, sida kuwa horay loogu sameeyay qalliin (cesarean) ama qaba awdanka ibida( placenta previa).
b) Qorsheynta dhalmada wakhti hore.
In hooyada loo diyaariyo in la dhalliyo inta u dhexeysa isbuucyada 34 ilaa 36aad ee uurka. Waan la dhalliyaa inta aysan hooyada foosha caadiga ah aysan qaban.
✅ c) waxa ka qayb qadanaya koox caafimaad
Kooxdu waa in ay ka koobnaataa:
Dhakhtar ku takhasusay haweenka(Obstetrician)
Dhakhtar suuxiyaha (Anesthetist)
Dhakhtar daryeelka ilmaha (Neonatologist)
Dhakhtar qalliinka kelyaha iyo kaadimareenka (Urologist).
✅ d) la isiiyo Corticosteroids hooyada.
Waxa la siinayaa marka la dhallinayo ka hor isbuuca 37aad, sababta loo siinayaa waa in ay uurjiifka ka caawiso in sambabkiisa uu si fiican u qaan-gaaro.
🔷 2. Maaraynta qaliinka guddihiisa (Intraoperative)
✅ a) Qalliinka (Cesarean).
Qaliinka waxa la samaynayaa xilli horre, lama sugayo foosha. Qaliinka waxa lagu sameeyaa meel ka durugsan halka ay ku dhagan tahay ibida. Ibida waa in laga fogaado in lagu soo saaro qalab ( manuall), taasi waxay keeni kartaa dhiig bax xooggan. Hannaanka ugu fiican hooyada lagu badbaadin karaa waa in minka laga saaro( hysterectomy), iyadoo aan la soo saarin ibida.
3. Min saarid( hysterectomy)
Hooyada in laga saaro minka, tani waxay badbaadu u tahay hooyada, si markaasi dhiigbaxa u yaraado. Waana in laga taxaddaraa in aan dhaawacyo loo gaysan xubnaha u dhow sida kaadihaysta, xiidmaha.
4. Qaliinka kaddib (Postoperative)
✅ a) hubbinta dhiigga.
Waxa la fiirinayaa haddii uu jirro dhiig bax ama caabuq. La socodka hooyada waa in la joogteeyaa.
✅ b) dhiig ku shubid.
Haddii hooyadu dhiig badan lumiso, waxaa la siiyanayaa dhiig ama dareere kale.
✅ c) Taageero nafsiyeed
Hooyada waxa loo la tacalayaa maskax ahaan, si markaasi loo yareeyo walaaca badan ee hooyada soo wajaha, maadaama aysan uur dambe qaadi doonnin.
D:La hadalka hooyada.
Hooyada waxa loo sharaxayaa waxyaabaha ku iman kara, dhiig bax xooggan, in ay u baahaneyso xanaannada gaarka( ICU), in dhiig lagu shubi doonno.
Waxa la siinayaa jeermis dile ka hortag ah qaliinka ka hor( Antibiotics) sida Cefazolin 2 g IV .
Waxaa la siinayaa dawooyin.
Oxytocin 5–10 halbeeg IV si tartiib ah ayaa loo siinayaa, kaddib 20–40 ayaa lagu daro 1 L dareere. Waxay isku ururinayaa ilmagaleenka si dhiig baxa looga hortago.
Tranexamic Acid (TXA) 1 g IV waxa lagu siinayaa 10 minit, haddii dhiigga uu joogsan waayo mar kale ayaa lagu celinayaa.
Carboprost 250 micrograms waxa laga siinayaa muruqa, 15-90 minit waxay isku ururinaysaa ilmagaleenka ( looma isticmaali karro hooyo leh xanuunka neefta).
Methylergometrine 0.2 mg waxa laga siinayaa muruqa, waxa la siinayaa 2-4 saac kaddib, waxay si xooggan iskugu ururinaysaa ilmagaleenka iyo xiddidada dhiigga( looma isticmaali karro dadka cadaadiska dhiiggooda uu sareeyo).
Misoprostol 800 micrograms waxaa loo galinayaa carabka hoostiisa ama malawadka, waxay isku ururinaysaa ilmagaleenka.
Xigashooyin
Buugga Dutta’s Textbook of Obstetrics (Daabacaaddii 9aad)
Buugga Williams Obstetrics (Daabacaaddii 25aad)
ACOG (American College of Obstetricians and Gynecologists)
Medscape – Placenta Accreta Spectrum
UpToDate – Management of Placenta Accreta
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment