Casharka 42aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics).
Casharka 42aad
DHIIG YARIDA HOOYADA UURKA(anemia in pregnancy).
Dhiigyarida waa xaalad dhacda marka ay yaraato tirada unugyada guduudan ee kujira dhiigga, unugyadan waa kuwa ku shaqo leh inay jirka oo dhan gaarsiiyaan ogsijiin, ogsijiinta ayaa ah sheyga ugu muhiimsan ee uu jirku ubaahan yahay si jirka uu u sameysto tamar uu ku qabto shaqada caadiga ah ee jirka, astaamaha lasoo dersa qofka qabo dhiig yari ayaa ah kuwa ka yimid ogsijiin yarida soo wajahday jirka.
Ogsijiin qaadaha{ hemoglobin} waa borotiin laga helo unugyada dhiigga cascas kuwaasoo qaada ogsijiinta ka imaneysa sambabada gaarsiineysa dhammaan jirka oodhan. Dhiigyaraanta waxay keeni kartaa daal, daciifnnimo, neefsashada oo yaraata. Waxa jira noocyaba ay ku timaado dhiigyarida, mid waliba waxay leedahay sabab gaar ah oo keenta. Waxay noqon kartaa dhiigyaridu mid gaaban ama mid waqti dheer qaadata. Waxay noqon kartaa mid dhex dhexaad ah ama mid daran{mild and savere}. In dhiiggu yaraado waxay sheegeysaa inay jirto xaalad qatar ah.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxay u kala saartay dhiig yaraanta ilaa seddex qaybood.
1: Hb waa inuu ahaadaa 10–10.9 g/dL( mild).
2: Hb 7–9.9 g/dL( Moderate).
3: Hb <7 g/dL(Severe: ).
Unugyada dhiigga cas maxay qabtaan.?
Jirka waxa uu sameeyaa seddex nooc oo unugyada dhiigga. Unugyada dhiigga cad waxay la dagaalamaan caabuqa. Xinjireynta{platelets} waxay sameeyaan xinjirowga. Unugyada dhiigga cas waxay qaadaan ogsijiinta jirka oodhan.
Unugyada dhiigga cas waxay leeyihiin borotiin qani ku ah birta{ iron} oo dhiigga siiya midabka cas oo loo yaqaan hemoglobin. Ogsijiin qaadaha waxa uu u ogolaanayaa unugyada cas cas inay qaadaan ogsijiinta ka imaneysa sambabada ilaa dhammaan jirka oo dhan. Waxayna u ogaaalneysaa inay soo qaadaan hawada wasaqeysan qeybaha jirka una gudbiyaan sambabada si loo saaro.
Xilliga uurka, jirka haweeneyda waxa kordha mugga dhiigga si loo daboolo baahida ilmaha uurka ku jira iyo ibida( placen) koritaankooda. Qaybta dareeraha dhiigga (plasma) waxay korodhaa qiyaastii 30–50%, halka tirada unugyada cas ee dhiigga ay kordhaan kaliya 15–20%. Kordhinta aan sinnayn ee labadan qayb waxay keentaa barxid ama dareereyn borotiinka( hemoglobin-ka), taasoo badanaa loogu yeero dhiigyarataanta isbeddelka jirka( physiological anemia). Tirada Heerka borotiinka( hemoglobin-ka) wuxuu caadi ahaan hoos uga dhacaa 12–14 g/dL ka hor uurka ilaa ku dhawaad 11 g/dL xilliga, hoos u dhaca noocan ahna waa mid caadi ah.
Xilliga uurka, baahida jirka ee nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah samaynta unugyada dhiigga cas waa ay sii korodhaa. Sida Birta (iron), folate, iyo fiitamiin B12 waa kuwa ugu muhiimsan. Baahida guud ee birta xilliga uurka waxay gaadhaa 1000 mg, iyadoo 300 mg looga baahan yahay ilmaha iyo ibida, 500 mg loogu talagalay kordhinta unugyada dhiigga cas ee hooyada, iyo qiyaastii 200 mg waxa ay ku lumeysaa nidaaminta jirka. Baahida folate ayaa labanlaabmaysa si loo taageero samaynta DNA-ga ee unugyada hooyada iyo ilmaha. Fiitamiin B12 sidoo kale waa muhiim si loo helo unugyada dhiig cas oo caafimaad qaba. Haddii cuntada aanan lahayn nafaqooyinkan ku filan ama nuugistooda ay liidato, jirku ma awooddo inuu si habboon u sameeyo unugyada dhiigga cas.
Jirka ayaa isku dayaya inuu ka jawaabo isagoo kordhinaya soo saarista (erythropoietin), sameeyaha(erythropoietin) unugyada dhiigga cas. Si kastaba ha ahaatee, haddii birta, folate, ama B12 ay hooseeyaan, samaynta unugyada dhiigga waa mid aan waxtar lahayn. Unugyada dhiigga cas ee la sameeyo ayaa noqon kara kuwo yar (microcytic) sababtoo ah yaraanta birta, ama kuwo waaweyn (macrocytic) sababtoo ah yaraanta folate ama B12, taasoo keenta dhiigyaraan( anemia).
Maxaa keenna!
Dhiigyaraantu waxay dhacdaa marka aanu heysan qaadaha ogsijiinta{ hemoglobin} ku filan ama unugyada dhiigga cascas.Jirka ma sameeyo ogsijiin qaada ku filan iyo unugyada dhiigga cascas.Dhiig bax yimaada ayaa keeni kara in la waayo unugyada dhiigga cas iyo ogsijiin qaadaha.Dhiig baxu waa marka uu qofka lumiyo xaddi badan oo dhiig ah oo waxyeello u geysan karta. Dhiigbaxu waxa uu noqon karaa mid degdeg ah sida nabar ama qoon qofka soo gaadhay, iyo mid muddo dheer qaata.
1:Birta oo yaraata{ iron deficiency} birta oo ku yaraata jirka ayaa keeneysa dhiigyaraanta, waana midda ugu caansan keenta dhiigyarida. Dhuuxa lafaha waxay u baahan yihiin bir si ay u sameeyaan ogsijiinqaade. Haddii aanu heysan jirka bir ku filan ma helayo ogsijiin qaade ku filan unugyada dhiigga cascas. Hooyada uurka leh waxa ku iman karta dhiigyari haddii aynnaan qaadan waxyaalaha sare u qaadaya birta{iron}. Dhiig baxa waxa uu keeni karaa in ay timaado dhiig yaraan. Waxa kaloo keeni kara isticmaalka joogtada ah dawooyinka xanuun baa’iyaasha sida aspirin.
Marka jirku uusan helin bir ku filan cuntada ama waxyaabo kaabaya aysan qaadan haweneyda uurka leh, waxa bilaabmaya isticmalka kayda birta ee jirka ku kaydsan, waxa loo yaqaan Ferritin ( waxa laga helaa beerka, beeryarada iyo dhuuxa lafaha). Marka uu kaydkani dhammaado, heerka Ferritin ee dhiigga waxa uu noqdaa mid hoos u dhaca, halka borotiinka( transferrin) uu kordho si u qaado bir badan( iron) balse birta la qaadayaa waa mid aad u yar. Birta loo baahan yahay in lagu sameeyo borotiinka ( heme) taasoo ah qaybta ugu muhiimsan Hb ee qaada ogsijiinta ku jirta unugyada dhiigga cas. Haddii ay birta yaraato, waxa hoos u dhacaya ama yaraanaya sameynta borotiinka ( heme), taasoo yaraaneysa Hb( hemoglobin-ka). Dhuuxa lafta waxa uu soo saarayaa unugyada dhiigga aad u yar( microcytic) oo midabkooda biyood yahay( hypochromic) sababtoo waxa aad u yar borotiinka ogsijiinta qaada( hemoglobin-ka) si ay unugyada jirka u helaan ogsijiinta ku filan.
2:Yaraanshaha faytamiinka: ka sokow birta jirka waxa u baahan yahay folate iyo faytamiin B12 si u sameeyo unugyada dhiigga cas cas oo badqaba. Cuntooyinka aynnaan ku jiran waxay keeni karaan jirka in aanu si wanaagsan u sameyn unugyada dhiigga cas. Sidoo kale dadka qaarkood jirkooda ma nuugi karo B12 waxay keeneysaa yaraanshaha faytamiinka jirka waxa loo yaqaan nuugid xumada faytamiin B12( pernicious anemia).Xilliga uurka ay leedahay haweeneyda, jidhka waxa u baahan yahay folate( faytamiin B9) iyo faytamiin B12 in ka badan marka aysan lahayn uurka, si uu markaasi kaalin ay uga qaataan koritaanka uurjiifka. Faytamiinnada waxay muhiim u yihiin samaynta DNA-ga kaasoo loogu baahan yahay si loo sameeyo unugyada, una dhacaan qeybsanka unugyada. Haddii ay yar yihiin faytamiinnada hooyada( folate ama fiitamiin B12 ) ay cunnada ka hesho ama haddii ay liidato nuugitaanka ay nuugayaan xiidmaha yaryar, dhuuxa lafaha ma soo sarayo unugyada dhiigga. Marka folate-ku yaraado, samaynta DNA-gu way liidataa
sidaas awgeed unugyada dhiigga cas waxay noqdaan kuwo ka waaweyn caadigooda waxa la yiraahdaa unugyada dhiigga cas aan qaangaarka ahayn( megaloblasts). Marka fiitamiin B12 uu yaraado, waxa dhaceysa xaalad la mid ah tan hadda, balse waxa uu keenayaa in folate uu ku yimaado xanibaad taasoo keeneysa in unugyada dhiigga cas ay noqdaa kuwa wayn, se aan qaangadh ahayn. Waxa intaas dheer waxa dhaawac soo gaarayaa dareensidayaasha maadaama uu faytamiin B12 uu muhiim u yahay sameynta dahaarka dareensidayaasha dhambaal dire unugga ( axone).Natiijadu waxay noqotaa in unugyo dhiig oo caafimaad qaba ay yaraadaan, taas oo yaraysa awoodda dhiiggu ku qaado oksijiinta, isla markaana keenaysa daal, tabardarri, iyo midab-beddelka jidhka.
3:Dhiigyari ololka{ anemia of inflammation}: cuddurada keenna ololka joogtada ah waxay horseedi karaan in aanu jirka sameysan unugyada dhiigga cascas.
Dhiig yaradi raagta( anemia chronic )ee xilliga uurka waxay dhacdaa marka samaynta unugyada dhiigga cas aysan dabooli karin baahida kordhay ee hooyada iyo ilmaha uurka ku jira. Xilliga uurka jirka haweeneydu uurka leh waxa u baahan yahay, bir, folate, iyo faytamiin B12 oo dheeraad ah si u soo saaro borotiinka ( hemoglobin-ka). Haddii cunnada ay qaadaneysaa aysan ku jirin faytamiinnadan, dhuuxa lafaha ma soo saari karaan unugyo dhiigga cas oo fiican, taasina waxay keeneysaa dhiig yaraan(anemia). Cuddurada raagga ama hafeefka waxay kaalin xooggan ku leeyihiin yaraanshaha birta, taasoo keeneysa sameysanka unugyada dhiigga cas oo yaraada. Intaas waxa dheer waxaa kaloo keenna xaaladdo la xidiidha xanuunnada dhaxalka gaar ahaan xanuunnada dhiigga la iska dhaxlo sida sickle-cell disease, jirro dhaxal ah oo ku dhacda dhiigga, si gaar ah loogu arko dadka afrikaanka ah inkastoo dadka degan qaarad dhexaadka lagu arki karo, sida sacuudi carabiya iyo hindiya, laakin waxay si gooni ah u quseysaa dadka afrika ka yimaada. Waxaa laga dhaxlaa labada waalid, waana jirro dhiigga walaxda midabka u yeela hawo qaadashadana ka caawiya oo aan si caadi aheyn u soo baxa, taasoo sababta in qaabka unugyda dhiigga ay noqdaan qaab shabbaha sida qaabka ciddida oo kale u dheer-dheer, taasoo ka beddeshay si- dii caadiga ahaa oo lagu ogaa in ay ahaadaan qaab ukun oo kale. Qaabka ciddida shabbaha ee unugyada dhiigga aad ayaa hab dhiska dhiig wareega jirka looga saaraa, sida daraadeed waxaa dhalata dhiig yari joogto ah, cudurka cagaarshawga (indho caseeye) iyo daal badan. waxaa loo maleeyaa dadka cudurkaan qaba noloshooda in ay tahay mid yar ama gaaban. Waxay keentaa in unugyada dhiigga cas ay gaabtaan cirmrigooda. Waxaa kaloo keenna xanuunka kale la iska dhaxlo oo dhiigga la xidhiidha sida thalassaemia,jirro ku dhacda hab dhiska dhiigga jirka, taasoo ah mid dhaxal ka dhalata oo si gooni ah loogu arko dadka aasiya, afrika iyo dadka ku nool yurubta kulul. Waxay jirrada quseeysaa in quruurta caawisa midab u yeelka dhiigga guduudan (cas) iyo siyaadintiisaba oo aan si filcan u shaqeeyn, taasoo sababta dhiig yari joogta. Bukaanka jirradaan qaba wuxuu ka dhaxlaa labadiisa waalid. Kaasoo ah mid aad u daran, qofna hal waalid ayuu ka dhaxlaa oo noocaas waa mid sahlan. Waxaa daawo u ah in qofka qaba midka daran dhiig joogta ah loogu shubo. Jirrada waxaa lagu ogaan karaa baarid lagu sameeyo inta ilmaha ay uurka ku jiraan. Uurka waxa uu oo kordhinayaa mugga( plasma) taasoo hoos u dhigeysa borotiinka ( hemoglobin-ka) haddii ay jirto nafaqo xumo, isbeddelka dabiica jirka hooyada uurka leh waxa uu sii xumaynayaa yaraanshaha birta taasina waxay keeneysaa dhiig yaraan. Intaan aan soo sheegnay ayaa kaalin ku leh dhiigyaraanta uurka( sida uu qabo buugga Dutta Obstetrics 9th Edition 2020).
4:Aplastic anemia: xaaladani ma badna, waa xanuun dhiig yarida oo khatar ah, kaasoo ku dhaca dhuuxa lafaha (bone marrow) taasoo keenta in aysan soo saarin unugyada dhiigga cas, cad, iyo unugyada dhiigga xinjireeya (platelets) cadad ku filan. Natiijadu waa pancytopenia (hoos u dhac ku yimaada dhammaan noocyada unugyada dhiigga),balse waa qatar qofka halis galin karta waxay dhacdaa marka jirka sameysan waayo unugyo cusub ee dhiigga cas. Waxa keena iyada caabuq, daawooyinka qaar, cudurada difaaca jirka ku dhaca, waxyaabo la xidhiidha sumowga kiimikooyinka.
5:Dhaxalka dhiigyarida{ hemolaytic anemia: marxaladani dhiigyaraanta waxay kaga timaadaa unugyada dhiigga cas oo la burbursho si dhaqsa ah, dhuuxa lafta ay beddelaan. Cudurrada dhiigga qaarkooda waxay kordhiyaan burburka unugyada dhiigga cas. Qaar kamid ah xaaladani waxay ku timaadaa dhaxal.Burburinta unugyada dhiigga oo badata: waxaa jira xaalado qaar oo kor uqaadi kara xadigga jirka uu ku burburinayo unugyada dhiigga. Tusaale ahaan waxaad noqon kartaa qof qaba dhiig yari haddii uu ku haleelo xanuun saameynaya beeryaraha, sababtoo ah beeryarada waa xubinta dhiigga ka saarta unugyada gaboobay, haddii uu xanuun ku dhaco beeryaha waxuu burburineysaa unugyo badan oo fiyoow.
Qodobadani waxay sare u qaadayaan in ay dhacdo dhiigyari.
1:Cuntooyinka aysan ku jirin faytaniinnada iyo macdanta, aan laga helin birta iyo B12 iyo folate waa qatar keeni karta in dhiigyaraansho ay timaado.
2:Dhibaato ka jirta yaraansho xiidmaha. Waxa jira xaalado saameyn ku yeelanaya sida ay u qaadanayaa xiidmaha nafaqoyinka, waxay siyaadineysa in dhiigga yaraado, tusaala ahaan cuddurka crohn's iyo cuddurka celiac, xiidmaha uu awooddi waayi inuu nuugo.
3: Xilliga caadada. Si guud caadada oo cuslaata waxay abuuri kartaa qatar dhiigyaraansho. Caadadu waxay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaada unugyada dhiigga cas.
4: Uureyda( pregnancy): uureyda aan qaadan multivitamin ay la socdaan folic acid iyo birta waxay keeneysaa in ay gasho xaaladda dhiigyaraanshaha.
5: Xaaladaha dabadheeraada( chronic condition) . Sida kaankarada( cancer) shaqa gabka kalyaha, macaanka( diabetes) iyo xaalado kale siyaadin kara cuddurada daba dheeraada ee dhiigyarida. Marxaladahani waxay horseedi karaan in yeeshaan dhiigyari hooseysa.
6; Dhaxal. Haddii uu jiro xaaldaha dhiigyarida la isku dhaxlo qof qaba, waxa suuragal in qofkaasi tafiirta danb u raad ku yeesho.
Calaamadaha guud:
1: Daal, haweeneyda waxa ay dareemeysaa daal darran.
2: Dhiig yaradi waxay keeneysaa midabka maqaarka is beddela sida indhaha, gacmaha(pallor).
3: Neefsashada oo yaraata.
4: Wadna garaac.
5:Madax wareer.
6: Madax xanuun.
7:Laab xanuun.
8:Gacmaha iyo cagaha oo qaboob lagu arko.
Baadhitaanka.
1:In laga qaado dhiig guud, si loo ogaado tirada unugyada dhiigga ku jira. In la cabiro cadadka unugyada dhiigga cascas ( hematocrit) iyo heerka ogsijiin qaadaha ku jira dhiigga.In la baaro waxyaabaha kale ee keenay dhiigyradi. Mararka qaar waxaa loo baahan karaa muunad( sample) lafta dhuuxa si go'aan lagu gaaro dhiigyarida.
2:Hubbinta dhiigga
Waxa laga qaadayaa dhiigga guud(Complete Blood Count)
Iyadoo la eegayo heerka Hb. Waxa kaloo la fiirinayaa cabirka unugyad cad.
RDW (variation in red cell size). Waxa laga qaadayaa muunad dibadeedka dhiigga iyadoo la fiirinayo muuqaalka, cabirka unugyada dhiigga (microcytic, macrocytic, abnormal forms).
3:Hubbinta birta iyo sababaha keenay.
Serum Ferritin waa hubbinta cadadka keyda birta ee jirka. Haddii ay yar tahay waxa yar birta jirka u keydsan( iron deficiency anemia).
Waxa la fiirinayaa birta iyadoo laga baarayo muunada( Serum Ferritin), waanana hannaanka ugu fiican lagu ogaanayo keydka birta( iron). Marka uurka la joogo waxa ay ka yaraaneysaa <30 µg/L( waa yaraanta birta). Haddii ay yar tahay keydka birta,(Serum iron ↓, TIBC ↑, Transferrin saturation ↓.).
4: Reticulocyte count: waxa la cabirayaa unugyada cas ee cusub. Waxa la fiirinayaa haddii ay hooseeyaan, dhuuxa lafta ma soo saarayo wax unugyo cas. Haddii uu yar tahay waxa, la arkayaa in uu jirro dhiig bax ama burburinta unugyada dhiigga.
5:Waxa la baadhayaa heerka faytamiinnada (Vitamin levels)
Iyadoo laga eegayo muunada( Serum folate) iyo faytamiin B2, haddii ay unugyada dhigga ay noqdaan kuwa ka wayn xaddigooda ( macrocytosis).
6:Hubbinno gaar ah(Special tests)
Hemoglobin electrophoresis:hubbintan waxa loo diraa marka ay jiraan xanuunnada dhiigga ee la iska dhaxlo( if thalassemia or sickle cell suspected).
7:In dhuuxa cad laga qaado( bone marrow biopsy) waa arrin dhif ah, waana marka ay caddaan waayaan baadhitaannada kale.
8:Sida loo akhriyo.
A:Microcytic (low MCV) waa marka ay unugyada dhiigga cas ay ka yaraadaan xaddigooda caadiga ah(MCV < 80 fL). Waxan keenna yaraanshaha birta( waana midda ugu caansan) , sidoo kale waxa keenna xanuunnada dhaxalka mid ka mid ah( thalassemia)
B:Normocytic (normal MCV): waa marka unugyada dhiigga ay caadi yihiin( normal). Badanaa waxa keenna waa dhiig baxa, dhiigga oo la burburiya( hemolysis), xanuunnada raagga, shaqa gabka kelyaha.
C:Macrocytic (high MCV): waa marka unugyada dhiigga cas ay ka weynaadaan sida caadiga ah( Abnormal), waxa keena yaraanshaha faytamiin B12 iyo folate, iyo xanuunnada beerka ku dhaca. Xanuunnada ku dhaca lafaha, qofka caba qamriga, iyo daawooyinka sida kiimotarabiga, methotrexate(MCV > 96 fL ).
Daaweynta.
1. Hannaanka guud ee loo daaweeyo.
Waxa la caddaynaya nooca dhiigyaraanta( iron deficiency anemia, folate deficiency, ama B12 deficiency, hemolaytic, aplastic anemia, chronic disease).
Waxa la saxayaa waxkasta oo keenay, haddii ay ahaan lahayd nafaqo darro. Waxa la saxayaa cunnada hooyada, iyadoo ay qaadaneyso qudaarta, hilibka, miraha.
Waxa laga hortagayaa dhibaatooyinka hooyada ku iman kara. Waxa lala soconayaa Hb hooyada meesha uu maraayo.
2. Daaweynta gaarka ah.
Dhiigyaraanta hooyada uurka ku dhacdaa waa birta oo yaraata.
Waxa ugu horreeya la siinayaa waa iron iyadoo laga siinayo afka.
Ferrous sulfate 200 mg afka laga qaadanayo ama laba waqti( (contains ~60 mg elemental iron per tablet).
Ferrous fumarate 300 mg afka laga qaadanayo (~100 mg elemental iron).
Ferrous gluconate 300 mg (~35 mg elemental iron).
Waxa loogu darayaa Folic acid
(0.4–1 mg/day).
Daawooyinkan waxay siyaadinayaan Hb iyadoo soo saaraya borotiin ( heme) iyo unugyada dhiigga cas samaysankooda waa ay ka qayb qaadanayaan.
3: Haddii aysan hooyada ka qaadan karin afka, waxa laga siinayaa xiddidka(dhiigyaraanta haddii ay daran tahay).
Iron sucrose: 200 mg waxa laga siinayaa xiddidka( 30 daqiiqo).
Ferric carboxymaltose: 500–1000 mg waxa laga siinayaa xiddidka hal mar. Waxay si toos ah u soo celinaysaa keydka birta.
B. Yaraanshaha folate.
Waxa la siinayaa folic acid 5mg iyadoo laga qaadanayo afka si joogta ah. Folate waxa uu muhiim u yahay sameysanka DNA isagoo ka hortagaya qaangaar xumada unugyada dhiigga cas, furanka xangulah (neural tube defect).
C. Vitamin B12
Hydroxocobalamin 1000 µg waxa laga siinayaa muruqa isbuucii mar, ilaa lix isbuuc, kaddib bil ayaa loo beddelayaa. Waxay ka qeyb qaadanayaa sameysanka DNA-GA iyadoo ka hortagaysa qaan gaar xumada unugyada dhiigga cas, waxay taageero xooggan siinaysaa shaqada dareen sidaha.
4:Dhiig ku shubid(Blood Transfusion).
Sababaha loo siinayaa waa haddii Hb <6-7g/dl ka yaraado waxa la siinayaa dhiig ama si dagdag ayaa loo dhallinayaa. Si markaasi loo saxo qaadista ogsijiinta taasoo muhiim u ah nuddaha jirka.
1. Dhiigga guud(Whole Blood).
Waxa uu ka kooban yahay unugyada dhiigga cas( RBC) , qeybta balaasmada( plasma), unugyada dhiigga xinjirowga. Looma isticmaalayo dhiigyaraanta muddada dheer jirta( anemia of chronic), waxa loo isticmaalayaa dhiig baxa dhalmada kaddib yimaada, haddii uu jrro dhaawac culus,maadaama uu isla markiiba dib u soo celiyo mugga dhiigga iyo awoodda oksijiin qaadista.
2. Unugyada dhiigga cas (Packed Red Blood Cells – PRBCs)
Waxa uu ka kooban yahay: unugyada dhiigga cas oo kaliya.Adeegsiga: Waa daawada koowaad ee dhiig-yaraanta uurka (Hb < 6–7 g/dL). Waxaa loo doorbidaa uurka, sababtoo ah waxa uu si toos ah u kordhiyaa qaadista oksijiinta, isaga oo aan keenin culays hooreed (fluid overload).
3. Qeybta dareeraha (Fresh Frozen Plasma – FFP)
Waxa uu ka kooban yahay:
Waxyaabaha dhiigga xinjireeya (I, II, V, VII, IX, X, XI, XIII) iyo borotiinno kale.
Adeegsiga: Waxaa la siiyaa haddii dhiig-yaraantu weheliso dhibaatooyin xinjirow ah sida DIC, HELLP syndrome, ama dhiig-bax aad u weyn. Looma isticmaalo dhiig-yaraanta caadiga ah.
Inta badan dhiigga la siinayaa waxa uu ku xidhan yahay nooca ay hooyada u baahan tahay.
Dhiig-yaraanta xilliga uurka waa laga hortagi karaa haddii hooyada uurka leh ay hesho nafaqo ku filan, gaar ahaan bir(iron), folate iyo fitamiin B12, kuwaas oo laga helo hilibka, kalluunka, khudaarta cagaaran iyo digirta. Waxa kale oo muhiim ah in hooyada uurka leh si joogto ah loo siiyo kiniinnada isku darka birta iyo folate, maadaama baahida jirkeedu ay korodho.Waxaa lagama maarmaan ah in baaritaan dhiig loo sameeyo xilliga uurka si loo ogaado dhiig-yaraan haddii ay jirto, loona daweeyo goor hore. Sidoo kale, waa in laga hortago cudurrada sababa dhiig-yaraan, sida duumada iyo caabuqyada keena dhiig-baxa. Daryeel caafimaad oo wanaagsan waa in ay heeshaa xilliga uurka.
Tixraaca.
Williams Obstetrics
DC Dutta’s Textbook of Obstetrics
Ten Teachers: Obstetrics
Harrison’s Principles of Internal Medicine
Current Obstetrics & Gynecology: Diagnosis & Treatment
World Health Organization (WHO)
American College of Obstetricians and Gynecologists (ACOG)
National Institutes of Health (NIH) / National Library of Medicine (NLM)
Amboss
Medscape
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment