Wax ka baro qanjirada jirka.
Wax ka baro qanjirada jirka. Casharo tixane inoo ahaan doonno Habbeen dhaaf. Hormada 2aad. Waa maxay ciriq(hoormoon)? Waa dheecaan waxaana soo daaya ama sameeya qanjirada jirka qaarkood waxay ku darsamaan wareega dhiigga, qaarka kalena waxay iskood ugu faafaan jirka ayagoo kaashanaya qanjirada kale ee jirka waxay ka howl galaan meel ka dheer meesha laga soo daayo. Ciriqada jirka waxay ka sameysan yihiin borotiin, fitamiin D iyo dufan, waxaa jira hoormoonno ka sameysan borotiinno iyo ciriqyo (hoormoonno) ka sameysan dufanta nooca loo yaqaano cholesterol qofka bani’aadanka aad iyo aad ayay muhiim ugu tagay dufanta iyo borotiinka laakin dufanta badan uu keydsado jirka waxay leedahay dhibaato sababtoo ah waxay xireysaa xiddidada dhiigga haddii ay xirmaan xididdada dhiigga waxaa imaan kara cuduro halis ah sida dufanta oo ku badadta dhiigga. Waa maxaay shaqooyinka uu jirka u qabto ciriqa(hoormoonka)? ( Hoormoonnada jirka waxay ka qeyb qaataan isku dheellitirka dheecaan...