Wax ka baro qanjirada jirka. Casharo tixane inoo ahaan doonno Habbeen dhaaf. Hormada 4aad. Qanjirka ku yaalla maskaxda (pituitary glands) Waa qanjir ku yaalla maskaxda meesha basada ku aaddan oo masuul ka ah dhammaan ciriqa(hoormoonnada )jirka iyo isku dheellitirkooda, qanjirkaan waa qanjir aad muhiim uga ah guud ahaan jirka oo dhan sababtoo ah wuxuu soo daayaa qanjirkaan ilaa iyo sagaal ciriq( hoormoon). Qanjirkaan wuxuu si toos ah uga xiran yahay hypothalamus-ka sababtoo ah hypothalamus-ka waxaa ka yimmaado farriimo, farriimaha ka yimaado hypothalamus-ka waxay si toos ah u tagaan qanjirka loo yaqaanno pituitary glands si uu uga jawaabab celiyo farriinta uga timid hypothalamus-ka shaqadaan waxaa inta badan ka qeyb qaata hab dhiska loo yaqaanno neuroendocrine system. Neuro-endocrine system waa hab dhis isku jir ah oo maamulka shaqooyinka ka dhex socda gudaha jirka taasoo ah dareen wadayaasha fariinta kala geeya iyo hoormoonnada jirka ku dhex qulqula sababtoo ah hab dhiska da...
Posts
Showing posts from December, 2022
- Get link
- X
- Other Apps
Wax ka baro qanjirada jirka. Casharo tixane ah. Hormada 3aad. Hypothalamus Hypothalamus-ka waa xubin aad muhiim uga ah jirka bani’aadamka xubintaan waxay ku taallaa maskaxda qaybta ku taalla horaadka madaxa meesha indhaha ka koreyso, waa qayb aad muhiim u ah waxaana ku yaalla xubno badan oo shaqooyin waaweyn jirka u qabta sida meesha laga xakumo heer kulka jirka, baahida, haraadka, cunidda, isku dheellitirka biyaha iyo dareenka kacsiga, sidoo kale hypothalamus-ka wuxuu isku xiraa labo hab dhis oo kala ah hab dhiska dareen wadka jirka bani'aadanka iyo hab dhiska qanjirada u soo daaya ciriqa (hoormoonnada). Hypothalamus-ka wuxuu aad u caawiyaa qanjirka loo yaqaanno pituitary glands sababtoo ah waa qanjir laga soo daayo hoormoonno badan tusaale hypothalamus-ka waxaa fariin uga imaanaayo hab dhiska dareen wadka ee jirka bani'aadanka kaddib hypothalamus-ka wuxuu soo deynaa hoormoonno fariin wadayaal ah waxaana loo yaqaannaa neurohormones waxay shaqadoodu tahay in ay amraan qanjir...