Naas nuujinta ilmaha. Naas nuujintu waa in ilmaha ayar lasiiyo naaska hooyada marka uu dhasho, wax yaabaha aynnu ku soo qaadan doono maqaalkan naasnuujinta waxa kamida:- Maxay ka koobanyihiin caanuhu Samaysanka caanaha Goormaa loo bilaabayaa ilmaha yar inuu naaska jaqo; Maxaa joogteeya caanaha naaska;- Side loo wadayaa naas nuujinta? Imisa jeer/goor baala siinayaa naaska ilmaha Baahidiisa waa in lagu nuujiyaa ilmaha; Sidee loo qiimeeyaa naasnuujinta fiican; Qiimee ilmuhu intuu jaqay naaska; Daryeelka Naaska xiliga naas nuujinta; Waa maxay faa’iidada naas nuujintu; Markasta miyaa lasiinayaa naaska ilmo kasta? Ubilaabida cuntada ee ilmaha; Astaamaha inatusa inuu ilmuhu diyaar u yahay cunto . Maxay ka koobanyihiin caanuhu Caanaha hooyadu waxay ka kooban yihiin walxo kiimikaad iyo unugyo isku dhafan; Waxaa ka mida nafaqo ama cunto kaladuwan sida guluukos, dux, barootiin, macdano kaladuwan iyo fiitamin, waxa iyana kamida unugyo loogutalogalay difaaca jidhka.Caanaha hooyada waxa s...
Posts
Showing posts from February, 2023
Habka Maskaxda Bini’aadamku u shaqeyso
- Get link
- X
- Other Apps
Habka Maskaxda Bini’aadamku u shaqeyso Inkastoo dunidan korkeeda ay ku sugan yihiin xayawaano kala maan iyo muuq duwan , ayaa haddana Eebbe koreeye xayaawaankaas oo idil ka faddilaay aadanaha isagoo u gaar yeelay astaamo cajab iyo ashqaraar leh oo ay kamid yihiin; habka nooluhu u fekero iyo tajribooyinka ay u adeegsadaan masaa’isha dunida guudkeeda yaal. Eebbe sareeye ayaa u hibeeyay bini’aadamka dabeecado iyo sifooyin kala duwan oo noolaha kale ka geddiyey. Illaa haatan culimada saynisku waxay baadi-goob ugu jiraan habka iyo tubta aadanuhu u fekero ama uga shaqeysiiyo maskaxdiisa./ How Brain Functions? Marka la fiiriyo awoodda garashada guud ayaa waxa la ogaaday in dhammaan noolaha oo idil , gaar ahaan kuwa loo yaqaan naasleyda (Mammals) , oo bini’aadamku ku jiraan ay isticmaalaan hab loo yaqaan “Circadian rhythm”. Hannaankan ayaa ah isbeddelka kiimiko ee ka dhex dhaca unugyada noolaha gudihiisa afar iyo labaatankii saac ee walba. Isbeddelkan ka dhex abuur...
- Get link
- X
- Other Apps
HORUDHAC Qeybta 1aad [ Diabetic Retinopathy]: Waxyeellada cudurka Macaanka ama Sonkorowga uu ku keeno shabakada dambe ee isha (diabetic retinopathy) wuxuu kamid yahay indha la’aanta ugu badan ee lagu maareeyo isbitaallada indhaha ee dalka, waane cudurka afaraad ee keena indha la’aanta aan ku daweyno gudaha dalka Soomaaliya marka lagasoo tago cudurada Caadka (Cataract), Biyaha (Glaucoma), iyo araga khaldama ee maraayadaha lagu saxo (refractive error). Hadaba maqaalkan waxaan ugu talagalay in aan tooshka ku ifiyo xanuunkan eysan dadka inta badan la soconin, wuxuu aqoon kororsi u noqonayaa cid kasta oo aqrisa, wuxuuna si gaar ah wacyigalin ugu yahay dadka qaba cudurka Macaanka. WAA MAXAAY DIABETIC RETINOPATHY? Cudurka Macaanka wuxuu dhaawac gaarsiiyaa xididada jirka si guud ahaaneed sida kuwa Wadnaha, Kilyaha, iyo Indhaha, gaar ahaan shabakada dambe ee loo yaqaano Retina (eeg sawirka 1aad), sidoo kale macaanka waxaa lala xariiriyaa cudurro kale oo ku dhaca indhaha sida C...