Posts

Showing posts from April, 2023
 Casharka 2aad Noocyada lafaha Lafuhu waxay u qaybsamaan saddex nooc :- 1. Lafo dhaadheer 2. Lafo balballaaran 3. Lafo qaab ina qumanayaal ah Lafaha dhaadheer Lafta dheeri waxay ka kooban tahay ul dhexe oo dheer oo labada madax u buuran, iyo carjow ku taal madaxyada oo ah meelaha kalagowsyada. Lafta dhexdeeda waxa ah moqor dushana waxa kaga daaharan xuub beeriostiyam ah.Usha dheer ee laftu waxay ka dhisan tahay nudo cufan, waxayna tiir u tahay madaxyada, culayska badankiisuna wu- xu ku dhacaa usha dhexe, inkasta oo ay hoosta ka xordan tahay.Madaxyadu waxay ka samaysan yihiin laf ruuganta oo daldaloosha oo uu ku jiro dhuux casi. Dushooda waxa ku dahaaran carjow hayaliin ah si labada lafood ee isku wareega-yaa aanay isu xoqin. Beeriostiyam oo ah xuub cad oo liifan ayaa dusha kaga xeeran lafta, kalagowsyada mooyaane. Seeda- ha isku xira muruqyada iyo lafaha ayaa ku dhegsan xuubkaas. Xuubkaasi wuxu ku dheggan yahay lafta, bogga hoosena wuxu ku leeyaha, ugyo laf dhisayaal ah iyo xiddido...
 Habdhiska qalfoofka Casharka 1aad. Laf dhabarlayda oo dhani waxay leeyihiin qalfoof gudeed taas oo ay kaga duwan yihiin xayawaanka hoose oo leh qalfoof dabadeed.Qalfoofku wuxu tiiriyaa jirka, wuxuna suurto ge liyaa dhaqdhaqaaqa jirka. Hawsha Qalfoofka 1. Wuxu leeyahay jirka u yeelaa. 2. Wuxu leeyahay meelo u gogol xaaran, muruqyada keena dhaqdhaqaaqa organada iyo qaybaha jirka. 3. Wuxu gaashaan u yahay organnada jilicsan ee jirka, tusaale wadnaha iyo organka saablayda oo dhanba, oo feeruhu ay gaashaan u yihiin. 4. Wuxuu kaydshaa jirka, macdanta. 5. Dhuuxa lafaha dhaadheer waxa ka dhasha unugyada cas-cas ee dhiigga iyo kuwa cad-cad. Habdhiska qalfoofku wuxu ka kooban yahay 206 lafood oo mid kastaa ay dhowr hawlood qabato. Tusaale: Laf dhabar- ta, isku xira (taxa) garabka, isku xira misigta iyo lafaha lu- gaha iyo gacmaha, mid waliba jirka ayay tiir u tahay, isla mar kaana qaab ayay u yeeshaa. Sidaas oo kale ayaa lafaha gambada madaxa ay gaashaan u yihiin maskaxda, madaxana qaab aya...