Posts

Showing posts from June, 2023
 Habdhiska dareenwadka jirka (nervous system) Casharka 3aad  Dareenwadeyaasha mara xubnaha ku jira isgalka miskaha iyo mindhicir yaraha waxay farriintooda u soo gudbiyaan dareen wadaha loo yaqaano lumbar vertebrae L1. Sacral nerves:-waa koox dareenwadeyaal ah waxay dareemaha ka soo qaadaan maqaarka iyo muqraha miskaha (pelvic) iyo adimada hoose ee jirka waxayna ka kooban yihiin 5 dareenwadeyaal waxayna kala yihiin L4 L5 S1 S2 S4, qaar kamid ah dareenwade yaalkaan waa kuwa farriimo kasoo qaada xubnaha jirka waxayna geeyaan habdhiska dhexe dareen wadka jirka.  Dareenwade yaasha waxaa loo qeybiyaa ilaa iyo seddex qeybood oo kala ah dareeme (afferent), dhaqaajiye motor (efferent) iyo relay. Dareemaha (afferent):- waa dareenwade farriin qaade ah oo maskaxda geeya fariimaha uu ka soo aruuriyo dhammaan xubnaha jirka waxayna geeyaan maskaxda iyo laf dhabarta xarigeeda dareemayaasha ku xiran gaar ahaan habdhiska dhexe ee dareen wadka jirka (CNS) sababtoo ah maskaxda waxaa ku taala...

Habdhiska dareenwadka jirka (nervous system)

 Habdhiska dareenwadka jirka (nervous system) Casharka 1aad  Habdhiska dareen wadka jirka bani’aadamka waa mid kamid ah habdhisyada ugu qaalisan ee jirka bani’aadamka kuwaas oo shaqooyin farabadan ka qabta jirka bani’aadamka, habdhiskaan wuxuu isku xiraa guud ahaan jirka oo dhan, habdhiska dareen wadka ayaa ogaada jirka oo dhan waxa falcelin ka bixiyaa is beddelada ka dhaca jirka gudahiisa iyo bananaakiisa. Habdhiska dareen wadka waa dareen qaade isku xiran kuwaas oo dareenka u dhaliya jirka, waxay wadaan mowjado farriin ah kuwaas oo ka soo qaada maskaxda iyo taxanaha laf dhabarta isla markiina u gudbiya murqaha iyo qanjirada jirka, sidoo kale waxay maskaxda dib ugu soo celiyaan farriimaha ay ka soo qaadaan guud ahaan jirka oo dhan haseyeeshee dareenwadeyaasha waa weyn waa kuwa u socda kor iyo hoos ayagoo shaqo kala duwan ka qabta jirka. Habdhiskaan waxay si guud iskula shaqeeyaan habdhiska qanjirada jirka waxayna xoojiyaan aynna ilaaliyaan howlaha muhiimka ah ee xubnaha jirka...

Fashilanka wadnaha(Heart Failure).

 Fashilanka wadnaha(Heart Failure). Fashilanka wadnaha  wuxuu dhacaa marka muruqa wadnuhu aanu u awooddin dhiigga sidii la rabay inuu u tuuro.  Haddii ay dhacdo marxaladani dhiigga gadaal ayuu u soo noqdaa, iyo dareere ayaa ku soo ururi kara sambabada waxay keeneysaa in  neefsashadu yaraato. Socodka dhiigga ayaa hoos u dhaca ka dibna dheecaan ayaa ku urura sanbabadaada ama qaybaha kale ee jidhkaaga.  Xaaladahaan waxaa ka mid ah xididdada wadnaha oo cidhiidhi ah iyo cadaadiska dhiigga sare oo kacsan. Laakiin  wadna fashilanka waxa uu qatarka galin karaa nolosha qofka, haddii uu yahay mid daran calaamadiisa.   Qaarkood waxay u bahdaan in   wadnaha loo beddelo, qaarka kalana loo galsho aalad ka caawisa in dhiigga la buufiyo. Sidee ku dhacaa fashilanka wadnaha. Waa in ay ku timaado awooddo wadnaha muruqiisa iyadoo uu soo gaadhayo dhaawac ama  culeys awood leh inuu fuulo. Waxa keeni kara xaalado tira badan oo ay ka midyijiin  in mur...

Habdhiska Dareen wadka.

  Habdhiska Dareen wadka. Casharka 2aad Waxaan si guud uga soo hadalnay laba iyo tabanka dareenwade ee loo yaqaano cranial nerve iyo shaqooyinka ay qabtaan. Hadda waxaan si kooban uga hadleynaa dareen wade  (Spinal nerve) iyo wuxuu yahay. Spinal nerve waa 31 lammaane dareenwadeyaal ah oo kasoo baxa xariga dheer ee laf dhabarta ayagoo u kala farcama dhammaan xubnaha jirka waxayna dhex maraan daloolada ricirka, dareenwade kasta wuxuu leeyahay xiddid hore iyo mid gadaale kan hore wuxuu masuul ka yahay dareenka dhaqdhaqaaqa jirka kan gadaale wuxuu masuul ka yahay in uu jirka wax dareensiiyo. Kow iyo sodonka dareenwade ee uu ka kooban yahay spinal nerves waxaa loo kala qeybiyaa ilaa iyo shan qeybood oo kala ah, dareen luqumeed cervical nerves, thoracic nerves, lumbar nerves, sacral nerves iyo coccyx nerves. 1. Dareen luqumeed(Cervical) nerves:waa dareenwadeyaal mara qoorta waxayna gaarayaan ilaa iyo sideed dareenwade waxayna isku heystaan laba laba kuwaas oo ku taxan xariga dheer e...