Posts

Showing posts from July, 2023

Isku-furanka haweenka(Obstetric fistula)

Isku-furanka haweenka(Obstetric fistula). Isu-furanku waa dhaawac soo gaadha xubnaha taranka ee hooyada xilliga ay umulayso, dhaawacaas oo keena inuu isku furma xubnaha taranka ee marka hore kala xidhna.Waa dhibaato ka dhalata dhalmada taas ay ugu wacan tahay foosha oo dheeraata.  Marxaladani waxay abuureysaa in ay cadaadis saarto saxaha, kaadi heysa, malawadka.  Cadaadiska waxa uu keeni karaa inuu jarmo xiddidka dhiigga siiya ilmaha iyo  cadka jilicsan hooyada, taas oo keeneysa in ilmahu dhinto.  Xaaladani waxay xumeynysaa isku xirka u dhexeeya saxaha, kaadi heysta, iyo malawadka.  Waxa ka dhallankara in hooyadu ay kaadida ceshan weyso, iyo saxarada. Iskufuranka waa laga hortagi karaa sidoo kale waa la daweyn karaa. Sannadkasta waxaa lagu qiiyasaa sida ay sheegtay hay’ada u qaabilsan adduunka cafimaadka  WHO, in dumar u dhaxeeya 50,000_100,000 ay ku dhaco isu-furanka la xidhiidha xubnaha taranka waqtiga ay hooyadu ku jirto foosha.   Waxa loo kala...

Cagaarshowga

 Cagaarshowga:  Waa maxay cagaarshow? Cagaarshowga nuucyadiisa Faafidda cagaarshowga Calaamadaha Cagaarshowga Ogaanshaha cagaarshowga Daaweynta cagaarshowga Ka hortagga cagaarshowga Dhibaatooyinka cagaarshowga Waa maxay cagaarshow? Cagaarshowga waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa cudurkaan loo yaqaannaa ‘Hepatitis’. Caadi ahaan waxaa keeno fayras, laakiin daawooyinka qaar, sunta, iyo cudurrada qaarkood, oo ay ku jiraan cudurrada difaaca jirka, ayaa sidoo kale keeni karo cudurka. Cagaarshowga wuxuu leeyahay nuucyo badan, shanta nuuc ee ugu waaweyn waa nuucyada A, B, C, D, iyo E. Fayrasyo kala duwan ayaa sababo nuuc kasta oo cagaarshowga ka mid ah. Saynisyahannada waxa ay dhawaan heleen nuuc cusub oo cagaarshowga ka mid ah oo loo yaqaanno Hepatitis G (HGV) ama nuuca G, illaa iyo hadda wax badan lagama oga nuucaan. Maqaalkaan, waxaan ku faahfaahin doonnaa nuucyada kala duwan ee cudurka cagaarshowga, calaamadahooda caadiga ah, sida ay ku gudbaan, iyo sida loo daweeyo loogana hortago...

Oof-wareen.

 Oof-wareen. Oofwareenku waa caabuq  saameeya  kiishka hawada mid kamid ah ama labada sambab.  Kiishka waxa gali kara dheecaan ama malax,  kaasoo keenaya qufac uu la socdo malaq, qandho, jarees, iyo neefsashada oo adkaata.  Waxa keeni kara noolayaal kala duwan sida bakteeriya,  fayrus, fungaay waxay keeni karaan oof-wareen.  Oof-wareenka waxa uu noqon karaa mid dhex dhexaad ah ama mid daran. Waxa uu aad ugu daran yahay carruurta, kuwa da’ dhexaaadka ah dadka duqowda ah 65 sanno jira dadka qaba xaalado kale ama dadka difaacoodu liito. Waxa loo qeybiyaa dhowr qeybood oof-wareenka. 1--Oof-wareenka bulshadda dhexdeeda laga qaado(Community acquired Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto jeermis sambabada gala meel aan ahayn isbitaalka dhexdiisa . 2--Oof wareenka isbitaalka dhexdiisa laga qaado(Hospital acquired Pneumonia) kaas oo aad ka qaadi karto jeermis isbitaalka dhexdiisa hawada uu ka raaco. 3--Oof wareenka qalabka isbitaallada laga qaado(Ventilate...