Posts

Showing posts from May, 2022
 Warshada borotiinka (ribosomes). Casharka 4aad. Waxkasta waxa sal u ah in ay leeyihiin qeexitaan. Qeexitaanka raaybsoomka waa unugga ugu mihiimsan kasoo ka kooban RNA iyo borotiinno kuwasoo u beddela  koodhka hidda-sidayaasha silsiladaha amiino aysidhiska. Raaybasoomka waa warshadda isku dhafan oo laga helo guddaha unugga nool =, taasoo soo saarta borotiinno ka imaaday amiino aysidhis, inta lagu gudda jiro hanaanka loo yaqaan  saymeynta borotiinka  ama afnaqida{ synthesis protein and translation}. Habka diyaarinnta borotiinka  waa shaqada ugu horreysa  kasoo ay qabtaan dhammaan unugyada noolaha. Raaybasoomka waa unugyo gaar ah oo laga helo borokaryootiga iyo yuukaryootiga labadaba.  Unug waliba oo nool waxa uu u baahan yahay warshad borotiin  si loo sameeyo borotiinnada.  Unuganni waxa uu kale u shaqeeyaa isagoo ku xidha  faariintii la siday raaybonuklig aaysiidh, (mRNA)   kasoo qaadaya xogta uu xambaarsan yahay taxanaha nukli...
 Habdhiska Wadnaha. Hormada 2aad  Wadnaha (Heart):  Wadnaha waa xubinta ugu muhiimsan uguna shaqada badan jirka bani’aadamka waa xubin ka samaysan unugyo muqro ah waxayna ku yaalaan inta u dhaxeysa labada sambabood. Qaabkiisa wuxuu shabahaa shay labada dhinac ka dhuuban afkana u ballaaran, cabarkiisana wuxuu la’egyahay calaacasha iyo faraha oo isku laaban, culayska wadnaha waxaa lagu qiyaasaa 280 ilaa iyo 380 gram dhirirka wadnaha waxaa lagu qiyaasa 1.25cm halka ballaca wadnuhu yahay 8.7cm waxaana dhexdiisa mara seed yar oo lagu magacabo septum. waxa uu kala baraa wadnaha bidix iyo midig taasoo ka ilaalinaysa in ay isku darsamaan labada dhiig ee kala ah dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay iyo dhiigga ay ogsijiinta ku badan tahay sidoo kale wuxuu leeyahay labo halbowle oo waa weyn kaasoo ka furan kor iyo hoos waxayna shaqadoodu tahay in uu dhiig soo galo wadnaha iyo in uu dhiig ka baxo wadnaha.  Wadnaha waa xubinta ugu firfircoon ee jirka wuxuuna daqiiqad kasta bixiyaa...
 Habdhiska wadnaha. " cardiovascular systems " ➢ Hab wareegga dhiigga ee uur jiifta:  Hab wareegga dhiigga ee uur jiifka waa hab wareeg kaas oo ka u dhexeeya hooyada iyo cunugeeda caloosha ku jira. Uur jiifka caloosha ku jira wuxuu ku tiirsan yahay oo hawo iyo cunta ka helaa caloosha hooyada iyadoo u soo marsiinaysa mandheerta, mandheerta waa unug ku dhex jira ilma_galeenka, kaas oo ku xiran uur jiifka, shaqadeeda ugu weyn waxay tahay nafaqo siinta uur jiifka iyo hawo u gudbinta (oxygen) sidoo kale wuxuu ka qeyb qaataa isku dheelitirka dheecaannada jirka qaarkood gaar ahaan kuwa caawiya jiritaanka uurka. Mandheerta iyo uur jiifka waxaa isku xira xuub xarigeed dheer ah kaasoo ka kooban labo xiddid oo kala ah mid dhiigga ka soo qaada mandheerta (umbilical artery), midna dhiigga u geeya uur jiifk (umbilical vein).   Ogsijiinta ama hawada iyo nafaqada ka imaanaya hooyada waxaa loo gudbinayaa uur jiifka iyadoo loo marsiinaayo mandheerta waxaana kasoo qaadaya xariga dheer ...

Habdhiskawareegga dhiigga (cardiovascular system)

 Habdhiskawareegga dhiigga  (cardiovascular system)  Hormada 1aad. Habdhiska wareegga dhiigga waa habdhiska ugu mihiimsan ee jirka bani’aadamka waa habdhis ka qeyb qaata habsami u socodka qulqulka dhiigga wadnaha sidoo kale waxaa jira laba qeyb oo xididdada dhiigga kamid ah kuwaas oo masuul ka ah dhiigga in uu dhammaan ku wareegto qeybaha kala duwan ee jirka isla markaana kala qeybiya ogsijiinta iyo nafaqada jirka u baahan yahay sidoo kale wuxuu jirka ka saaraa  waxyaabaha ka dhasha ogsijiinta sida neefta wasaqeysan ee loo yaqaan carbon-dioxide. Marka laga hadlaayo habdhiskaan waa midka ugu shaqada badan jirka bani’aadamka noole kastana wuxuu leeyahay habdhiska ka shaqeeya wareegga dhiigga. Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu ka kooban yahay wadno, xiddidado dhiig qaada iyo dhiig kuwaas oo si habsami leh ugu qeyb qaata hab wareegga dhiigga. Habdhiska wareegga dhiigga wuxuu jirka u qabtaa shaqooyin kala duwan marka loo fiiriyo habdhisyada kale ee uu kooban yahay jirka ba...