NUDE. Casharka 3aad. Waxa jira saddex nooc oo nuddo muruqeed ah :- 1. Nudo muruq lafare Nu to muruq malafare 3. iyo Nudo muruq wadneed. Nudo muruq lafare Muruqakani wuxuu sameeyaa hilibka ku yaal addimaha (afarta addin), Kuwaas oo qolfoofka dhaqdhaqaajiya. Wuxuuna muruqaasi ka kooban yahay liifyo dhaadheer oo dunta u eg. Inta badan nudahaasi waxay leeyihiin liidimo gudban oo madow iyo caddaan talantaali ah leh halkaas oo magacooda looga soo qaaday. Nud kastana waxa dusha ka gelaysaa nud isku xire oo la yiraahdo misarkooliyam. Liifyada deriska waxa isku xira oo xirmo ka dhiga mid nud isku-xire ah.Xir mooyinka ayaa isku sii xirma, gal baana dusha kaga sii wareegsan, si ay ugu dambeystii muruq u sameeyaan, kaas oo isla markaas nud isku-xira ahi dusha kaga wareegsan tahay. Muuqakani liidimaha lehi waa la adeegsan karaa lana amri karaa ama la fari karaa. Saa darteed baana loo yiri muruq lafare. 2. Muruq malafare Wuxu sameyaa ama ka samaysmaa xubnaha gudaha, sida caloosha, kaadiha...
Posts
Showing posts from March, 2023
Sirta Caafimaadka iyo Soonka.
- Get link
- X
- Other Apps
Sirta Caafimaadka iyo Soonka. Diinta Islaamka oo caqiido dhab ah, ayaa waxay ku caan baxday ilaalada masaalixda aadamiga. Arrintaas waxay ku soo koobtay, qof kasta oo ku abtirsada bulshada aadamiga, in la dhowro hantidiisa, sharafkiisa, naftiisa wakhtigiisa iyo caafimaadkiisa. Wax kasta oo dhaawac u geysanaya mid kamid ah arrimahaas, diinta Islaamku waa ay reebtay. Waxay ka dejisay xeerar adag oo ilaalinaya inaan lagu cayaarin. Islamarkaa Islaamku wuxuu soo dhoweeyay wax kasta oo arrimahaas hagaajinaya. Bal cibaado ayuu ka dhigtay, Eebbe xaggiisa lagaga helayo dhowaansho iyo abaal-gud. Caafimaadka jirka aadamiga, waa maslaxadda 1-aad oo diinta Islaamku ay qofka iyo bulshada u ilaalisay. Nicmadaha Eebbe uu ku manaystay aadamiga, midka ugu hilan culus waa caafimaadka. Sidaa darteed in la dhowro waa waajib uu islaamku goor hore dalbay. Ilaalada caafimaadka, danta laga leeyahay waxay tahay in qofku uusan gabin ujeeddadii loo abuuray ee keentay uunka, taas oo ah, fal cibaado iyo mid ci...
CAABUQA MITAJIIDADA
- Get link
- X
- Other Apps
CAABUQA MITAJIIDADA Xubin ahaan naaska mitajiidadu(Appendix) wuxuu ku yaalaa halka ay ku kulmaan mindhicirka wayn iyo mindhicirka yar. Waa tuubo yar oo khafiif ah oo dhererkeedu yahay 4 inch oo ka laalaada halka uu ku dhammaado mindhicirka wayn. Caadiyan mitajiidadu waxay fadhidaa qaybta midig hoose ee uur-ku-jirta. Shaqada ay qabato mitajiidadu ilaa hadda lama yaqaan. Qaar saynisyahanadu waxay aaminsan yihiin in ay u dhaqanto sidii kayd baakteeriyada dheefshiidka ka qaybqaadata oo marka qofka shuban ku dhaco dib looga soo saaro baakteeriyada saaxiibka ah. Qaar kale khubaradu waxay aaminsan yihiin inay xubintaani tahay mid aan waxtar lahayn oo ka hartay samayskii awaliga ahaa ee mindhicirada. Hal mid baa la isku raacsan yahay oo ah in mitajiidada la’aanteed la noolaan karo. Haddii laga jaro qofka wax dhibaato caafimaad ah oo soo gaaraysa ma jirto. Muuqaalka naaska mitajiidada Badanaa caabuqa mitajiidada wuxuu ku dhacaa carruurta iyo dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 11-20 jirka. M...
DUUMO (MALARIA)
- Get link
- X
- Other Apps
DUUMO (MALARIA) Waa caabuq raaca wareegga dhiigga dhibaato daran gaarsiiya unugyada dhiigga cascas . Noolaha sababa cudurka waxaa cudurkan sababa ilaa 4 farac oo kamida ilma aragtida borotosowaha ee loo yaqaan: *(plasmodium) oo kala ah 1:plasmodium falciparum 2:plasmodium vivax 3:plasmodium ovale 4:Maleria Plasmodium Deegaanada iyo dadyowga lagu arko cudurkan. Waxa uu cudurka duumada ku dhacaa qiyaastii 40% dadka ku nool adduunka. Dadka khatarta ugu jira cudurka waxaa kamid ah: carruurta ka yar 5 ta sanno, dumarka uurka leh iyo dadka u safraya meelo uu cudurka si caadi ah uga jiro. Kaneecada waxa ay si fiican ugu noolaataa uguna tarantaa meelaha cimiladu ay kulushahay iyo xilliyada uu qoyaanka badan jiro sida xilli roobaadka, waxayn ku badan dhulka uu maro wabiyada. Qaabka la isku qaadsiiyo cudurka Waxaa cudurkan aadamaha u soo gudbisa kaneecada dhadiga ah farac kamida oo loo yaqaan (ANOPHELOUS MOSQUITO) oo dhiig ay la socoto ilma aragtidii cudu...
- Get link
- X
- Other Apps
NUDE(Tissue). Casharka 1aad. Jirku wuxu ka kooban yahay unugyo aan tiro lagu koobi karin oo u go'doomay ama caanbaxay si ay u sameeyaan nuda- ha jirka ee kala geddisan. Jirku wuxu ka soo asaasmay ama ka soo alkumay unug qur ah. Unuggaasina waa unug ugxaneed bacrimiyay ama oofam. Unug ugxaneedkaas la bacrimiyay, wuxuu ka kooban yahay borotoobalaasim iyo bu' ku jirta. Bacriminta kaddib unugaasi waa bataa wuxuuna samee- yaa kubad unugya ah. Taasbaana hab kala soocis ah ku sa- maysa nudaha kala nooc ah. Nudahaas oo loo baahan yahay in ay sameeyaan xubnaha kala geddisan ee jirka iyo qaybaha jirka oo dhan. Wejiyada ugu horreeya ayaa kubbadda unugyada ah loo qaybiyaa saddex lakab :- 1. Lakab kore. La-kabkaas kore waxa ka sameysma dub- ka sare iyo waxa uu dahaaro, faracyadiisa iyo habdhiska da- reenwadka. 2. Lakab dhexe. La-kabkaas dhexe waxa ka samaysma dhuuxa iyo xubnaha gudaha ee kala nooc. 3. Lakab gudeed. Waxaana la-kabkan ka samaysma da- haarka hoose ee marinka dheefmareenka wix...