Casharka 31aad
Casharka 31aad Aortic valve regurgitation. Waa marka uu garka wadnaha uu sameeyo haniyaha ku yaala dilaac, marxaladdani caleenyaraha garka wadnaha ma ahan mid xirmaya.Taasina waxay keeneysaa in dhiigga dib ugu soo laabto dhegyaraha bidix( left ventricle)mar walba uu wadnaha uu sameeyo garaac. Haniya garka wadnaha( aortic valve)waa albaabka xakameeya qulqulka dhiigga u dhexeeya wadnaha iyo garka wadnaha{aorta}. Garaac walba wadnaha waxa uu buufinaya dhiig uu ka buuxo ogsijiin isagoo gaarsiinaya garka wadnaha. Isagoo markaasi ku baahaya laammaha(branches)ka baxaya garka wadnaha kaddib gaaraya xubnaha iyo nudayaasha, waxa lagu guuleysanayaa in jidhka uu helo quudin wanaagsan. Haniyaha garka wadnaha { aortic valve} waa uu furmayaa si uu ugu ogolaado dhiigga inuu u safro dhegyarta bidix ee wadnaha ilaa garka wadnaha uu ka gaarayo. Tani waxay dheceysaa marka dhegyarta bidix{ left ventricale} ay kogitaanka(contraction)ay sameyso dhiiggana sidaas lagu tuujiy...