Casharka 35aad
Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca. Casharka 35aad Oofwareenta lid-jidheedka(Hypersensitivity Pneumonitis). Waa xaalad sambabbada ay saameyso dareensanaanteeda ay keenaan waxyaabo qalaad soo gala samababbada sida busta, borotiinnada hilibka ama oonta xolaha, kuwaasoo carinaya difaaaca samababbada kuwaasoo ka falcelinaya. Falcelintaasi waxa uu keenayaa hafeef iyo neefsashada oo adkaata. Tani waxay dhacdaa marka uu difaaca jirka ka falcelsho wayxaabaha qalaad ee soo galay sambabbada. Difaaca waxa uu aqoonsanayaa wayxaabaha soo galay, waxa la carinayaa unugyada difaaca sida liqaha wayn kuwaasoo laga soo daynayo farriimaha hafeefka. Jirka waxa uu abuurayaa lid-jidh gale kaasoo ku dhagaya lid-jidh dhaliye(antigen) kaasoo sameynaya difaac murakab ah(immune complexes). Murakab waxa uu ka buuxsamayaa samababbada kaaso keenaya barar. Isla waqtigaan difaaca waxa uu ka falcelinayaa carinta unugyada(T cells activation) waxa la s...