Posts

Showing posts from March, 2025

Casharka 50aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca! Casharka 50aad Fashillanka habdhiska neefsashada (Respiratory failure) Fashillanka habdhiska neefsashada waa xaalad qatar ah, waana marka uu ku fashilmo inuu isku dheellitiro isbeddelida hawadda(Gas exchange)taasoo keenaysa ogsijiin yari (hypoxemia) iyo kacsanaanta kaarboon labo ogsaydhka (hypercapnia).  1:Nooca koowaada ee fashillanka habdhiska neefsashada (Hypoxemic Respiratory Failure Type 1), waa fashillan ku yimaada qadaadis qeybeedka(partial pressure of ogsijiin (PaO₂) <60 mmHg). Waxa hoos u dhacaya heerka ogsijiinta dhiigga.  2. Fashillanka uu keenno Karbon labo ogsaydhka nooca labaad(Hypercapnic Respiratory Failure (Type 2), waa marka ay fashilanto hawo cusbooneysiinta, taasina waxay keeneysaa heerka cadaadis qeybeedka ee kaarboon labo ogsaydhka inuu kaco, iyadoo ay jirto ogsijiin yari ama aysan jirin.  4.Fashillanka habdhiska neefsashada dagdag iyo midka raagga( Acute vs. Chronic Respiratory Failure) F...

Casharka 49aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 49aad Dhaqaaq gabka ganta hawo mareenka(Primary ciliary dyskinesia ). Ganta(Cillia) waa dhismayaal yar-yar oo u eg dhogorta xoolaha (dhuuban), kuna yaal oogada sare ee unugyada qaarkood. Waxay leeyihiin shaqooyin muhiim ah oo kala duwan, iyadoo loo kala saaro laba nooc: 1. Ganta(Cillia) Dhaqdhaqaaqa leh (Motile Cilia) Noocan ah waa kuwa si isdaba joog ah u dhaqaaqa, iyaga oo gacan ka geysanaya nidaaminta dareeraha iyo walxaha kale ee oogada unugyada. Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan: Hawo-mareenka (neef-mareenka) – Waxay ka saaraan boodhka, jeermiska, iyo dheecaannada xad-dhaafka ah ee laga helo marinnada hawada, taasoo ka caawisa ilaalinta sambabada. Tubooyinka ugxan-sidayaasha (Fallopian tubes) – Waxay ka caawiyaan dhaqaajinta ugxanta si ay u gaarto ilmagaleenka (uterus), taasoo muhiim u ah taranka. Qanjirrada dheecaanka sameeya – Waxay gacan ka geystaan in dheecaannada jirka ay si sax ah u socdaan, sida candhuufta i...

Casharka 48aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca! Casharka 48aad Gawracato – (Diphtheria) Cuddurkaan Gawracatada waxaa af laatiinka lagu yiraahdaa Diphtheria. Wuxuu ka mid yahay cuddurada halista ah ee dilaaga ah. Wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta iyo dadka da’da ah. Waxaa keenta nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Corynebacterium diphtheriae.  Gawracatadu waxay weerartaa qaybta hore ee habdhiska neef-qaadashada sida sanka iyo hunguriga cad oo ee ay hawadu marto.   Cuddurkaan waa cuddur aad u faafa oo lagu kala qaado marka ilmo ama qof qabaa uu hindhiso ama qufaco oo uu hawada galiyo dhibco ay la socdaan baakteeriyadii Gawracatada keenaysay. Marka uu jirka soo galo jeermiska keena gawracatadu waxay qofka calaamadaha cuddurku uga soo bixi karaan inta u dhaxaysa maalin ama asbuuc. Soomaalidu cuddurkaan magac fiican bay u heshay, waayo sida uu u dhaco cuddurkaani waa baakateeriyada keenta gawracatadu waxay ku sii daysaa nudayaasha(tissue) ku yaal neef-mareenka sida cuna...

Casharka 47aad

  Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca! Casharka 47aad Silicosis  Waa miiqoobida sambabada ay miiqoowaan, kuwaasoo la xiidha xaaladdo shaqo, taasoo qofka uu hawo ahaan u qaadanayo maadada crystalline silica dusts  waa maado ciidda iyo goobaha dhagaxyada laga ruqo, marka uu qofka hawo ahaan u qaato waxay gaarayaan sambabbada waxay sababayaan hafeef(Inflammation,  nabar(scar). Nabarkaasi waxa uu ku sameysmayaa qeybta sare ee samababbada. Maadadan(silicon) marka ay soo gaadho samababbada  gaar ahaan kiish haweedka, waana meesha ay ka dhacaan isbeddelka hawada. Marka ay walaxdani soo gasho sambabbada  difaaaca jirka waxa uu bixinayaa digniin isagoo diraya farriin, waxa laga soo adeejinayaa unugyada liqaha wayn(macrophages) kaasoo liqaya( walaxda) iskuna dayaya inuu burburiyo waxyaabahan qalaad ee jirka soo galay(silicon),  Maadadan waa sun waxay keenaysaa burbur, taasina waxay horseedeysaa in la soo daayo maadooyinka  hafeefka  ama kiimi...

Casharka 46aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca.  Casharka 46aad Dhiig-baxa kiish haweedka (Diffuse alveolar hemorrhage) Waa marka ay dhiig baxaan kiish haweedka sambabbada.  Waxa uu keenayaa dhiig baxaasi in isbeddel haweedka samababbada.  Waxa adkaaneysa neefsashada,  haddii ay hooseyso heerka ogsijiinta dhiigga.  Badanaa waxay ka dhallataa dhiigga baxa kiish haweedka,  xanuunnada isweerarka difaaca jirka,  caabuqyada saameeya samababbada  ama dawooyinka qaar.  Xaaladdani waa xaalad qatar ah qofka uu u dhiman karro xitaa. Dhiigga baxa waxa uu ka dhacaa xiddidada yaryar ee samababbada (tiiftaafyada) marka ay dhaawacmaan.  Tiiftaafyadan waxay leeyihiin darbiyo jilcan, jilcankaasi waxa fududeynayaa marrida ogsijiinta uga imaneysa samababbada una gudbeysa dhiigga.  Marka ay aad u daciifaan xiddidada dhiigga ee samababbada  waxa ay samaynayaan habbid   waxa ka dhallanaya dhiig baxa kiish haweedka.  Waxa jirra si...

Casharka 45aad

 Habdhiska Neefsashada iyo Xanuunnada ku dhaca! Casharka 45aad Fayruska bu'dahana hawo-mareenka (Respiratory Syncytial Virus (RSV) Waa hambaabuq uu keenno fayrus,  kaasoo saameeya habdhiska neefsashada  gaar ahaan samababada iyo marinka hawadda. Waxa uu keenaa xanuun darran qofka uu ka saameeya hawo mareenka gaar ahaan ilmaha billa dhalladka ah, carruurta yaryar, dadka duqowda ah, dadka difoocooda uu liito.  Haddii xanuunka uu yahay mid aad u darran waxa uu keenayaa oofwareenka sambabbada iyo hafeefka hunguriga cadka(bronchiolitis).  Respiratory Syncytial Virus (RSV) Waxa ku meegaaran borotiin kaliyaale(single-stranded RNA), Waxa uu ka tirsan yahay qoyska Paramyxoviridae, waxa uu ugu horreyn saameynayaa ibisiiliyamta neef-mareenka,  taasina waxay keeneysaa hafeef iyo xirranka marrinka hawadda, sidaan horrey u soo sheegnay waxa uu saameeyaa carruurta,  dadka difaacooda uu liito. Marka uu fayruska jirka soo galo waxa marrin u ah xuub xaleedka sanka iyo j...