Casharka 42aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics). Casharka 42aad DHIIG YARIDA HOOYADA UURKA(anemia in pregnancy). Dhiigyarida waa xaalad dhacda marka ay yaraato tirada unugyada guduudan ee kujira dhiigga, unugyadan waa kuwa ku shaqo leh inay jirka oo dhan gaarsiiyaan ogsijiin, ogsijiinta ayaa ah sheyga ugu muhiimsan ee uu jirku ubaahan yahay si jirka uu u sameysto tamar uu ku qabto shaqada caadiga ah ee jirka, astaamaha lasoo dersa qofka qabo dhiig yari ayaa ah kuwa ka yimid ogsijiin yarida soo wajahday jirka. Ogsijiin qaadaha{ hemoglobin} waa borotiin laga helo unugyada dhiigga cascas kuwaasoo qaada ogsijiinta ka imaneysa sambabada gaarsiineysa dhammaan jirka oodhan. Dhiigyaraanta waxay keeni kartaa daal, daciifnnimo, neefsashada oo yaraata. Waxa jira noocyaba ay ku timaado dhiigyarida, mid waliba waxay leedahay sabab gaar ah oo keenta. Waxay noqon kartaa dhiigyaridu mid gaaban ama mid waqti dheer qaadata. Waxay noqon kartaa mid dhex ...