Posts

Showing posts from August, 2023

Graves’ disease

  Graves’ disease  Waxa keenna khalkhal ku yimaada habdhiska diifaaca jirka,  isagoo weeraraya unugyada qanjirka tayroodhka, sababta lama yaqaanno.  Waxa  ugu badan uu sababaa waa kororka shaqada tayroodhka (hyperthyroidism) qanjirka waxa uu soo saarayaa   hormoon ka badan intii loo baahnaa.  Xanuunka waxa uu kaga duwan yahay xanuunka hyperthyroidism qofka waxa uu yeelanayaa in indhaha banaanka u soo baxaan,  qanjirka uu yeesho fiix ( diffuse goiter) Sidee jirka saameyn ugu yeeshaa Graves’ disease. Waxa uu saameyn ku yeelanayaa qeybo badan ee jirka iyo shaqadiisa.  Maxaa yeelay xaddiga hormoonka la soo saaraya ayaa ka badan intii loo baahnaa.  Meela badan uu saameyn ku yeelan karaa waxa ka mid ah.  1: Wadnaha 2: Qolfoof muruqeedka(Skeletal muscle) 3: Indhaha 4: Maqaarka. 5:Lafaha. 6: Beerka. Tusaale ahaan, hoormoonka tayroodhka ee xad-dhaafka ah wuxuu sababi karaa garaaca wadnaha oo degdeg ah wuxuuna u horseedi karaa xaalado wa...

Neefta(Asthma)

 Neefta(Asthma). Neefta waa xaalad caafimaad oo muddo-dheer saameysa marinnada hawada. Waxay sababtaa barar iyo ciriiri taas oo xaddideysa isku socodka hawada ee sambabada.Si aad u fahamto cudurka neefta, waxaa lagama maarmaan ah in wax yar aad ka fahamto waxa dhaca markaad neefsaneyso. Caadi ahaan, neef kasta oo aad qaadatid waxay martaa sankaaga ama afkaaga waxayna hoos ugu dhaadhacdaa hungurigaaga iyo marinnadaada neefta, ugu dambayntiina waxay gaaraysaa sambabadaada.Waxaa jira marinno haweedyo badan oo yar yar oo sanbabadaada ku dhaxyaalla kuwaas oo kaa caawiya in oksijiinta hawada ka soo baxda ay gaarsiiso dhiiggaaga.Astaamaha neefta waxay imaaddaan markii dahaarka marinnada hawadu maraan ay bararaan ka dibna muruqyada yar yar ee ku hareeraysan ay adkaadaan. Waxaa markaas ka dib marinnada hawada buuxinaya  xab, waxaana sii yaraanaya xaddiga hawo ee mari kara meesha.Marka ay sidaasi dhacdo waxaa dareemeysaa neef “qabasho” iyo qufac, waxa kaloo culeys ka dareemaysaa laabta ...

Nutcracker syndrome

 Nutcracker syndrome Waa xaalad saameysa xiddidka killida bidix( left renal vein). Xiddidkani waa midka dhiigga ka qaada isagoo ka keenaya kilida bidix kuna celinaya wadnaha. Waa nooc kamid cadaadiska fuula xiddidka. Nutcracker syndrome waxa uu saarayaa cadaadis mid kamid ah xiddidada.Haddii uu qofka qabo xanuunkani labo halbowle caloosha ku yaala ayaa cadaadinaya qeyb ka mid ah xiddidka quudiya kilida bidix. Cadaadiska fuulaya xiddidka kilida bidix ayaa keenaya qulqulka dhiigga in uu aado jiho qaldan. Natiijada Ka dhallaneysa waxay tahay xiddidada u dhow inay noqdaan kuwa bararsan,  waxay keeneysaa in dhibaato xoog leh ka dhallato. Qaabdhiska xiddidka kilida bidix. Si loo fahmo xanuunka(nutcracker syndrome)  waxa innaga  caawinaya xiddidka kilida bidix halka jirka uu ka maro. Xiddidka waxa uu ka soo baxaa kilida bidix isagoo ku safraya dhanka xiddid waynaha  dhiigga wadnaha uga soo qaada addimaha hoose( inferior vena cava).  Xiddid waynaha waxa uu soo urur...

Prolactin hormone:

 Prolactin hormone: Prolactin (PRL) waa hoormoon ka samaysan borotiin adag  wuxuuna ka howlgalaa xubnaha taranka ee haweenka sida ugxaan sidaha(ovary) sidoo kale waxay shaqadiisu tahay sameynta caanaha jirka ilmaha marka ay dhashaan kaddib haddii uu jirka ku badato waxaa kor u kaca caanaha jirka lagu arko oo noqda kuwa xad-dhaaf ah, sidoo kale hoormoonkaan wuxuu saameyn  ku leeyahay in lasoo daayo estrogen iyo progesterone. Xagee laga soo daayaa prolactine? Waxa laga soo daayaa unugyada luteotropic hormone ee ku yaala qeybta hore pituitary glan.  Sameysan keeda waxa keena hormoon loo yaqaan TRH marka laga soo daayo bu'da( paraventicular nucleas) waxay keeneysaa in ay dhiigga soo gasho ay carin(kicin) ku sameyso luteotropic hormone si ay u soo daayaan prolactine.Waxaa laga amrayaa hypothalamic si loo soo daayo hormoonka prolactine waxa laga soo deynayaa qeybta hore qanjirka pituitary.  Marka u horreysa Hypothalamus  waxa uu xakameynayaa prolactin-ka soo sii ...

Hypothyroidism

 Hypothyroidism? Waa xanuun ku dhaca tayroodhka, taasoo aanu soo sii daneyn karin hoormonno ku filan jirka si uu ugu shaqeeyo si sax, haddii hormoonka loo baahnaa hoos u dhac ku yimaado waxa hoos u dhac ku imaanaya  dheefsashada( metabolism) waxay saameyn ku yeelaneysaa jirka oodhan.  Sidoo kale waxa loo yaqaan xanuunka hoos dhaca tayroodhka(hypothyroidism). Tayroodh hormoonka hoos u dhac aad u hooseeya ku yimaada waxa loo yaqaana hoos u dhac aad u daran(myxedema).  Waa xaalad aad u daran taasoo keenta  calaamado qatar ah waxa ka mid ah: heerka kulka oo hoos u dhaca, dhiig yari, isku qasnaan, koomo inuu galo qofka. Noocan aadka u daran hoos u dhaca tayroodhka (hypothyroidism) waxa uu halis galin karaa nafta qofka. Guud ahaan, hoos u dhaca tayroodhka waa mid la daaweyn karo, waxa lagu maareyn karaa daawooyin joogta ah. Sidee ayuu u shaqeeyaa qanjirka tayroodhka? Qanjirka tayroodhka waa xubin yar oo balanbaalis u qaab eg oo ku taal xagga hore ee qoorta oo ka hoosa...

๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐ ๐จ

 ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐ ๐จ Marka Ilaahay inooga waramayo sheekada Nebi Ciise dhalashadiisa suurada Maryam,waxa ku jirta in Maryam fooshu ku qabatay geed timir ah hoostiis. Geedka miyay ku agnoolayd, mise socoto ayay goobta ku ahayd la inooma sheeegin, laakiin waxa aayadu sheegaysaa in halkaa fooshu ugu timid "ูَุฃَุฌَุงุกَู‡َุง ุงู„ْู…َุฎَุงุถُ ุฅِู„َู‰ٰ ุฌِุฐْุนِ ุงู„ู†َّุฎْู„َุฉِ ู‚َุงู„َุชْ ูŠَุง ู„َูŠْุชَู†ِูŠ ู…ِุชُّ ู‚َุจْู„َ ู‡َٰุฐَุง ูˆَูƒُู†ุชُ ู†َุณْูŠًุง ู…َّู†ุณِูŠًّุง" ๐…๐จ๐จ๐ฌ๐ก๐ข๐ข ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข ๐ ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ซ ๐š๐ก ๐ฃ๐ข๐ซ๐ข๐๐ข๐ข๐ฌ; ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ญ๐ข๐๐ก๐ข -๐ข๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐ข๐ฌ ๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐ค๐š๐š๐ง๐›๐ข๐ฒ๐š๐ฒ๐ฌ๐š- ๐ฌ๐ก๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ญ๐š๐๐š๐ฒ๐๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐จ ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ค๐š๐ง ๐ค๐š ๐ก๐จ๐ซ ๐จ๐จ ๐ฐ๐š๐ฑ ๐ฅ๐š ๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ฐ๐š๐ฒ ๐š๐š๐ง ๐ง๐จ๐ช๐๐จ" Waxa kale oo aayaduhu shegayaan in lagu amray in ay ๐ฃ๐ข๐ซ๐ข๐๐๐š ๐ ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ซ๐ฎ๐ฑ๐๐จ ๐ฌ๐ข ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ซ ๐ฌ๐ข ๐Ÿ๐ข๐ข๐œ๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐ข๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐๐š๐ญ๐จ. ูˆَู‡ُุฒِّูŠ ุฅِู„َูŠْูƒِ ุจِุฌِุฐْุนِ ุงู„ู†َّุฎْู„َุฉِ ุชُุณَุงู‚ِุทْ ุนَู„َูŠْูƒِ ุฑُุทَุจًุง ุฌَู†ِูŠًّุง Marka laga tago...

Yaraanshaha dareeraha ilmaha uurka ku jira ku yimaada(oligohydramnios)

   Yaraanshaha dareeraha ilmaha uurka ku jira ku yimaada(oligohydramnios) Xaaladani waxay dhacdaa inta lagu gudda jiro uurka waa marka  ku yaraadaan dareeraha ilmaha uurka ku jira. Dareeraha ( amniotic) waa dareere  ku hareereysan uurku jirka. Waxa uu u yahay ilmaha uurka ku jira diifaac ka ilaaliya caabuqa iyo cadaadiska xuddunta.  Xabka sidoo kale waxa uu ka caawiyaa inay horumaraan habdhiska dheef shiidka,  habdhiska hawamareenka,  waxay isku nidaamiyaa heer kulka. Waa nooc kamid ah dareeraha ku jira dumarka gaar ahaan marka ay uur leedahay hooyada, dheecaankaan wuxuu gaar u yahay dumarka uur ka leh, dheecaankaan wuxuu ku jiraa inta u dhexeysa uur-jiifka iyo xuubabka daboola, xuubka daboola waxa loo yaqaanaa halka ilmaha ku jiraan (amniotic cavity).  Dheecaankaan wuxuu ka kooban yahay 98% biyo halka 2% uu ka kooban yahay waxyaabo adke  (solid) ah sida karataniin (creatinine), urea,  aashitada kaadida(uric acid), borotiin( protein), so...

Hyperthyroidism

 Hyperthyroidism  Hyperthyroidism waa marxalad uu tayroodhka soo saaro intii loo baahnaa ka badan hormoonno. Sidoo kale waxa loo yaqanaa kororka teyroodhka. Ciriqa ugu muhiimsan ee tayroodhka waa  T3( triiodothyronine) T4 ( thyroxine). Kororka shaqada tayroodhka waxay saameyn ku yeelaneysa jirka oodhan, marxaladi waxay u baahan tahay daaweyn dhaqso leh.Qanjidhka Tayroodhka la yidhaahdaa wuxuu ku yaal cunaha halka Ka horaysa hunguriga inta aan laabta ama sakaarka la gaadhin ,qanjidhka lama arki karo marka uu caadiga yahay se marka uu xanuunku dhaco taabasho ayaa lagu dareemi karaa amaba wuuba muuqdaa oo fiix ayay soomaalidu u taqaan . Waxa uu maamulaa awoodda jidhku adeegsado wakhti go'an waxaanuu ka qayb qaata maamulka wadnaha ,muruqyada, dheefshiidka ,koritaanka maskaxda iyo dhismaha lafaha .Shaqadiidu waxay ku xidhantahay hadba inta iodine ah ee jidhku Ka helay cuntada uu qaato. Marka qanjirka tayroodhka uu sidii loogu tala galay u shaqeeyo, jidhkana waxa uu noqonayaa m...

Calool fadhi.

 Calool fadhi. Waxa  uu dhacaa marka saxarada ay noqoto mid adag aysan lahayn dhaqaaq soo bixideeduna adkaato.  Sababaha ay u dhacdo in saxarada adkaato waa isbeddelka lagu sameeyo cuntada ama  qaadasho yarida cuntooyinka qolofta( fibers).Saxaro adayg ama calool-fadhi waxaa loola jeedaa saxaro aad u adag ama in qofku si sahlan u saxaroon karin. Saxaro-adaygga waa cillad da' kasta ku dhacdo, inkastoo lagu kala duwan yahay laakiin qof aysan soo marin waa ay yartahay.Qof kasta wuu ka duwan yahay qofka kale, laakiin dadka badankoodu waxay saxaroodaan inta u dhexeysa 3 goor maalintii ilaa 3 goor toddobaadkii. Ilaa iyo inta saxaradu ay jilicsan tahay aynna fududdahay in ay soo gudubto, markaas saxaradu kuma adka.  Saxaro-adaygga dadka qaar muddo kooban ayay haysaa, dad kalane dhib ayay ku heysaa muddo dheer.Calool istaaga ayaa lagu arki karaa dadka oo dhan da’ kasta oo ay yihiin. Dumarka ayaa kaga badan ragga xaaladan caafimaad iyada oo loo aaneeyoo uurka.   Caad...