Posts

Showing posts from April, 2024

Casharka 18aad

 Esophagitis  Waa ololka ku dhaca tubbada hunguriga. Tubbada hunguriga waa muruq kaasoo qaada cunnada ka timaada afka soo gaadha caloosha. Ololka hunguriga waxa uu keenaa xanuun daran, liqida oo adkaata iyo laab xanuun.  Waxa keenna waxyaabo badan oo kala duwan.  Waxyaabah ugu badan keenna waxa ka mid ah aysiidha calooosha oo dib ugu soo laabata, caabuq, iyo xasaasiyad. Waxa ugu badan ee keenna waa aab dilaaca oo raagga( chronic gerd). Waxa jira jaad badan markaasi keenni kada. Waxa jira haddii ay toos jug u gaadho hunguriga uu keenayo olol, waxa keenna dhowr dawooyinka qaar oo la qaato. Maxaa keenna Marka uu noqdo hunguriga mid olol ah waxa la kicinayaa difaaca jirka si uu ula dagaalamo caabuqa, haddii uu qofka leeyahay xasaasiyad ama dhawac hunguriga.   Waxa jira waxyaabo badan oo keenna waxa ka mid ah. 1:Aysiidha in ay saameyso hunguriga(Reflux esophagitis) waa nooca ugu caasan, waxa uu dhacaa marka aysiidha ay murxiso dahaadka hungiriga sidaasna uu ku n...

Casharka 17aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 17aad Curyaan calooleed(Gastroparesis). Waa xaalad ay caloosha noqoneysa mid cuuryaansan, waxay saameysaa dareensidaha( vagus nerve)iyo murqaha caloosha. Waxa xumaanaya shaqada muruqa in cunnada ay ka dhaqaaqdo caloosha si ay u gaadho xiidmaha yaryar. Waxa dhaawacmaya dareensisaha caloosha farriimaha garsiiya,  taasi waxay keeneysaa in cunnada caloosha ku raagto. Muruqyada caloosha sidii la rabbay uma dheef shiidayaan cunnada, waxay noqonayaan kuwa talax gaba, shaqadooda ay sidaas hoos ugu dhacdo. Maxaa keenna? Ma cadda waxa saxda ee keena. Waxa loo aaneeyaa dhaawac soo gaadha dareensidaha caloosha farriinta soo gaarsiiya ama xakameeya murqaha caloosha. Dareensidaha caloosha waxa uu innaga caawinayaa hannaanka caloosha cunnada ku dheefshiido, cunnada kaga soo gudubto caloosha ilaa xiidmaha yaryar. Haddii dhaawac uu gaadho ma jireyso farriin soo gaareysa caloosha si cunnada loo ridqo, xiidmaha yaryar loo gaarsiiyo, murqaha ca...

Cudurka Daacuunka (Cholera)

 Akhri waa kuu muhiim. Cudurka Daacuunka (Cholera) Xanuunka Daacuunka ee afka qalaad loo yaqaan Cholera, waa cudur halis ah oo ku dhaca ubucda gaar ahaan xiidmaha yar/mindhicirka yar (small intestine) isla markaana waxyeello u geysta inta badanna sababa ama keena shuban daran, matag, tabaryari aad ah iyo dhimasho haddaan dhakhso loo daaweeyn. Erayga, Cholera waa eray ka soo jeeda asal ahaan Giriig (Greek) oo la micno ah sida qulqulka dheecaanka xameetida oo kale (flow of bile, chole, bile). Taas oo ah dabafuran/qulqul iyo calool socod (shuban).  Dheecaanka xameytida waxa soosaara beerka waxana kaydiya xamaytida. Cudurka Daacuunka ama Daba-xawda oo inta badan Soomaalidu u taqaan shuban biyoodka iyo Daacuun calooleed, waa cudur ka mid ah cudurada faafa (infectious disease) ee soo raaca biyaha iyo cuntada (waterborne/food-borne disease). Sidaas darteed waxa laga qaadaa biyaha iyo cuntada wasakhda ah ee sadhaysan. Waxa sababta oo keenta cudurka Daacuunka, bakteeriyada la yidhaahdo...

Casharka 16aad

 Habdhiska dheefshiidka(digestive system). Casharka 16aad Zollinger-Ellison  Waa xaalad dhif ah in la arko waxay saameyneysaa habdhiska dheefshiidka. Buro loo yaqaanno( gastrinoma) waxay ka imaaneysaa ganaca, ama labo iyo tobanlaha( Duodenum), qeybta kore xiidmaha yaryar. Buradani  waxay soo saareysaa cadad badan oo hormoon(gastrin) ah, taasoo carineysa in la caloosha soo saarto aysiidh( gastric acid).  Xaddiga badan gastiriga, waxay horseedeysaa xaddi badan in caloosha soo saarto oo aysiidh, taasoo sababeysa in  nabar caloosha ku sameysmo iyo laba  iyo tobanlaha. Heerka gastiriinta haddii ay sareyso waxay sababeyaaa fuuq bax. Maxaa keenna. Waxa saxda ee keenna lama yaqaanno. Laakiin waxa jira waxyaabo kale oo ka qeyb qaadanaya. Xaaladani waxay ka bilaabataa  buro mid ama ka badan ku sameysmata gacana ama badh ka mid ah xiidmaha yaryar,  xiidmaha yaryar waa qeybta isku xidheysa caloosha iyo xiidmaha. Mararka qaar waxay ka  iman kartaa meelo k...

Casharka 15aad

Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 15aad Boog calooleed(Peptic ulcers). Boogta caloosha waa nabar ka soo baxa dahaarka caloosha iyo qeybta sare ee xiidmaha yaryar.Sida magaca kamuuqata boogahan waxa keena dheecaan dheefshiid ah oo aad uxoog badan aynna soo daayso caloosha waxa loo yaqaanno pepsin. Boogahan waxay gaaska oga duwanyihiin iyagu waxay kasoo baxaan calloosha iyo mindhicirada waana boogo furan (open wound)oo leh xanuun aad ah iyo gubasho caloosha ah.   Waxa loo kala saraa labo qeybood.  1:Gastric ulcers :  waxay ku dhacdaa guddaha caloosha. Bacteeriyada H.PYLORI waxay soo deyneysaa dheecaan ( urease) waxaa loo beddelayaa urea(NH3) alkiliin ah. Bacteeriyada waxay soo aadeysaa ama ku dhageysaa  unugyada ibisiiliyamta waxay soo deeneysaa sun( cytotoxins) waxay dhibaateyneysaa xuubka gudbanaha( mucosal barrier) iyo waxa uu dhacawayaa unugyada hoose. 2:Duodenal ulcers:  waxay ku dhacdaa guddaha qeybta sare ee xiidmaha yaryar. Bacteeriy...

Calool fadhiga(constipation).

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System). Casharka 14aad Calool fadhiga(constipation). Qofka caafimaadka qaba waxa laga rabaa in uu suuliga ama musqusha u aado saxaro ugu yaraan 3 jeer isbuucii ama todobaadkii walibana uu saxaroodo saxaro jilicsan oo si fudud kusoo bixi karta, haddaba, haddii qofka uu suuliga ama musqusha u aado saxaro wax kayar 3 jeer todobaadkii ama uu saxaroonaayo saxaro adag walibana uu sidaas ahaado mudo 3 bil oo xariir ah, markaas ayaa la dhihi kara qofka wuxu qaba calool fadhi (constipation). Maxa sababo calool fadhiga ama xasaro adeega. Waxyaabaha keena way badan yihiin laakiinse inta badan waxaa sababa cuntada la cuno noocooda. Tusaale ahaan burka iyo waxyaabaha laga sameeyo sida baastada, Pizza, Rootiga cad, hilibka, caanaha. Waxaan ognahay in Bulshada soomaaliyeed cuntadooda ay ku badana tahay cuntada noocaas ah oo sababa saxara adayg isla markaana noqda xanuunno kale. Firfircooni la’aanta jirka oo ayadana sabab u noqon karta Saxaro-adayg (Constipation...

Casharka 13aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System). Casharka 13aad Gastritis. Waa ololka ku dhaca dahaarka hoose ee caloosha. Ololkan(inflammation) waa natiija ka dhallata caabuq ay keenaan bacteeriyo taasoo sababeyso nabarka caloosha, ama dawooyinka qaar. Cabitaanka xad dhaafka ee qamriga. Dahaarka waa nude jilicsan waxa uu caloosha ka difaacaa aysiidha, faldajiyayaasha, ilma-aragtada.Caloosha waa xubin qaabilsan kaydinta (Storage) iyo shiidida cuntada (Digestion), waxayna usamaysantahay qaab qandi ah, waxayna leedahay labo af oo kala ah mid cuntada ay kasoo gasho (Cardiac sphincter) oo kudhagan hunguriga (Esophagus) iyo mid ay kabaxdo (Pyloric sphincter) oo kudhagan qaybta hore ee xiidmaha yaryar labo iyo tobanlaha (Duodenum) drarbiyada gudaha caloosha (halka ay cuntada gasho) waxaa looyaqaana (Gastric mucusa) waana jir jilcan oo soo daayo dheecaano badan oo kaladuduwan. Cudurka ay Soomaalidu utaqaano Gaas, waa xaalad caafimaad darro oo saamaysa caloosha oo kaliya kana dhalata marka uu d...

Casharka 12aad

HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System). Casharka 12aad Kankasrka Hunguriga(Esophageal  cancer ). Waa kansarka kudhaca unugyada ku meegaaran gudaha dhuunta, lagabilaabo cunaha ilaa caloosha inta u dhexaysa. Kansarka hunguriga waxa ugu badan ee innoogu wacani waa Laabdillaaca iyo cuntada/cabbitaanka kulul.  Kansarkani waxa uu ku abuurmaa hannaan fudud oo ah:  Marka uu xuubka gudaha ee hungurigu la kulmo duruuf aanu iska caabbinteeda u abuurnayn, sida cunto kulul ama cabbitaan kulul oo si joogto ah loo mariyo, ama aysiidha caloosha oo kor ugu soo baxday (laabdillaaca) waxa uu xuubkani isku dayaa in uu dabeecadiisa beddelo oo uu, si uu ula qabsado xaaladda cusub, isu rogaa nooc unugyo ah oo ka adkaysi badan kuwiisa dabiiciga ah.Guuritaanka xuubka ee noocaas ah waxa la yidhaahdaa 'metaplasia' oo waa in nooc unugyo oo dabiici ahi isu beddelaan nooc kale oo dabiici ah oo ka adkaysi badan kuwa hore, in kaste oo uu yahay guuritaan ay duruufi qasabtay oo qax ah.Xilliga uu geeddi...