Casharka 25aad
Habdhiska taranka ee dumarka iyo Uureyda(Obstetrics). Casharka 25aad Septic Abortion Waa dilan qaaday caabuq, waa xaalad halis ah waxayna ku dhici kartaa hooyooyinka soo maray xaaladda 1-aad iyo tan 4-aad, haddii hooyada aan laga xaaqin oo minka wax ku haraan, muddo kaddib way ku sumoobi kartaa walxahaas, waxayna u baahan doontaa gargaar degdeg ah. Waxa lagu arkayaa qandho, calool xanuun ama danqasho, qoyaan urleh oo ka yimaada xubinka taranka, dhiig ka yimaada saxaha( vaginal bleeding). Garaaca wadnaha oo siyaada, dhiigga hoos u dhaca. Bakteeriyada ayaa si fudud ugu gudbi karta gudaha ilmo-galeenka haddii la adeegsado qalab aan nadiif ahayn inta lagu jiro xilliga xaaqitaanka uurka, ama haddii nadaafadda guud aan loo samayn hooyada, ama haddii difaaca hooyada uu yahay mid liita. Marka bakteeriyadu gudaha u gasho, waxay u tarantaa si degdeg ah, gaar ahaan haddii ay jiraan wax hadhaa ah. Ilmo-galeenka waxa uu noqdaa caabuq, taas oo keenta hafeef iyo dhaawac gudaha ...