Posts

Showing posts from September, 2024

Casharka 60aad.

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system) Casharka 60aad. Hepatic artery thrombosis (HAT) Waa in ay xidho xinjir halbowlaha beerka. Taasoo cadaadineysa xiddidada kaddib waxa hoos u dhacaya dhiigga uu beerka uu heli lahaa, taasoo keeneysa nafaqada iyo dhiigga beerka meesha ka baxdo ama beerka uu fashilmo. Halbowlaha beerka waxa uu quudiyaa 25% qulqulka dhiigga, arooro xiddideedka 75 waxa uu quudiyaa inta soo hadhay.  Marka xinjirta xidho waxa dhacaya inuu dhiigga yaraado waxana ka dhasha, inuu yaraado ogsijiinta uu heli lahaa nuddaha beerka  ugu dambeyn waxa uu keenayaa dhimashada unugyada beerka. Dhiig yaridaasi waxay saameyneysaa marrinka dacarta(bile ducts) taasoo keeneysa ololka marinka dacarta, ama inuu dhinto marrinka dacarta. Waxaa kaloo keenna dhibaatooyin ka dhasha qaliin.  Waxay la xidhiidhaa qaliinka qofka beerka looga beddelayo ama xiddidada beerka qofka qaliin looga sameeyo sitaas ay ku sameysanto xinjirta.   Hypercoagulable States: kororka waxyabah...

Casharka 59aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 59aad Wilson's disease  Waa xanuun dhif ah in la arko, waa xanuunnada dhaxalka ah.  Jirka waxa ku badanaya xaddi badan oo macdanta koobarka ah(copper).  Xaaladani waxa uu isbeddel ku imanayaa hidda sidaha ATP7B kaasoo carqaladeynaya dheefsashada maadada koborka. Macdantan koborka ah waxay ka qeyb qaadataa waxyaabo badan,  sida inuu unugga neefsado, iyo inuu soo saarto tamar.  Waxay kaloo u shaqeysaa sida lidiga sunta, waxyaalaha jirka ka dhasha ee sunta ah(free radicals) ayay mishaa. Waxay kaloo ka qeyb qaadataa isku xidhka kolaajiinta iyo loodsanka(collagen iyo elastin) kuwaasoo higilkooda ay qurxiyaan kala jiidanka cadka daboolaha(connective tissue).  Macdantan(copper) waxay wanaajisaa shaqada guriga tamar unugga(mitochondria) taas ah tamarta unugga u bahaan yahay mar waliba,  taasoo ah meesha koowaad uu unugga uu tamar ka helo ah.  Waxay ka qeyb qaadataa sameysanka dhiigga cascas. Macdan...

Casharka 58aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 57aad Hemochromatosis  Waa xad-dhaafka birta jirka ku keydsanta, badanaa waxay saameysaa beerka, wadnaha, gacana, iyo kala goysyada. Taasoo keeneysaa dhaawac iyo shaqo xumo xubneed. Badanaa waxa keenna hidda sidaha (HFE). Caadiyan birta waxa nidaamsho oo nuugga xiidmaha yaryar. Xad dhaafka birta waxay carqaladeysaa isku dheellirka shaqada xubanah qaar. Birta waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hawlaha kala duwan ee jirka, oo ay ku jirto caawinta soo saarista dhiigga. Si kastaba ha ahaatee, birta badan waxay noqon kartaa sun jirka dhibaata u geysata. Horumoonka beerka ka soo sii daayo oo lagu magacaabo hepcidin ayaa xakameeya sida birta jirka loogu isticmaalo looguna nuugo. Wuxuu sidoo kale xakameeyaa sida birta dheeraadka ah loogu kaydiyo xubnaha kala duwan ee jirka. Xaaladda cudurka hemochromatosis, doorka hepcidin ayaa saameyn ku yeelata, taasoo keenta in jirku nuugo bir aad uga badan inta uu u baahan yahay. Birtan dheeraadk...

Casharka 57aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 57aad Hepatocellular carcinoma (HCC) Waa kansarka ugu caansan ee ku dhaca beerka, asal ahaan wuxuu ka yimaadaa unugyada beerka oo xargaha goosta qeybsankooda. Badanaa wuxuu la xidhiidhaa xanuunada raaga ee ku dhaca beerka sida adkaanshaha beerka (cirrhosis). Waa kansarka ugu badan ee adduunka lala xidhiidhiyo dhimashada kansarka beerka. Kansarka beerka waa nooc kansar ah oo ka soo bilaabma unugyada uu beerka ka sameysan yahay ee loo yaqaanno beer-unugeed (hepatocyte). Beerka waa xubin ku taala qeybta kore ee uurkujirta, wuxuuna ka hooseeyaa muraqa kala bara xabadka iyo uurkujirta. Waxaa jira noocyo kala duwan oo kansar ah oo ku dhaca beerka. Nooca ugu badan ee dadka ku dhaca waxaa la yiraahdaa Hepatocellular carcinoma, kansar ka soo farcama unugyada shaqada qabta ee beerka. Waxaa jira noocyo kale oo aan caan ahayn sida intrahepatic cholangiocarcinoma iyo hepatoblastoma. Kansarada saameeya beerka dhammaantood ma ahan kuwo beerka k...

Casharka 56aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 56aad Beer-wayninka(Hepatomegaly ) Waxa lagu qeexaa marka uu beerka ka weynaado xaddiigii loogu talagalay, ama cabirkiisa saxda ahaa. Waxa keenna xaaladdo kala duwan inuu beerka ka weynaado xajmigii loogu talay, haddii aan la sii dhaadin, aan loo sii dhugma lahaan uu keeni karo in qofka noloshiisa halis wayn ku soo korodho.  Weyninka beerka waxa uu dhacaa marka beerka  carin uu ku sameeyo waxyaabah jirka isbeddel ku keena, ama xubnaha jirka haddii ay saameeyaan shaqadooda isbeddelka ku keenna sida ololka,  duxda uu beerka sifeyn waayo(fatty infiltration), xanuunnada ku dhaca wadnaha gaar ahaan fashilka qeybta midig, kansarka beerka ku dhaca.  Waxyaabaha keenna mid mid ayaanu u sharaxeynaa sababaha uu la weynaado beerka. Inflammation:  qofka qaba  hafeefka beerka(Hepatitis) iyo xanuunnada isweerarka difaaca jirka, taasi waxay keenayaan in ay dhaawacmaan unugyada beerka,  waxay carinayaan maadooyi...

Casharka 55aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 55aad Fashillanka dagdag ee beerka(Acute liver failure). Waa isbeddel degdeg ah oo ku dhaca shaqada beerka, kaasoo ka dhasha hoos u dhaca waxyaabaha ka qeyb qaata xinjirowga dhiigga, iyo in aamoniya (ammonia) ay ku badato jirka. Xaaladdan waxa ay ku dhacdaa qof aan hore u lahayn xanuunnada beerka, waxaana ay dhacdaa maalmo ama isbuucyo gudahood. Waxay keeni kartaa xaalad qatarta ah oo daran. Waxa jira waxyaabo keena shaqo gabka degdegga ah ee beerka. Dhaawaca toos ee beerka(Direct Hepatocyte Injury): Shaqo gabka beerka wuxuu ka imaan karaa dhaawac toos ah oo soo gaadha unugyada beerka, taasoo ay sababi karaan dawada acetaminophen (paracetamol) marka xaddi badan la qaato. Tani si toos ah ayay u dhaawacdaa unugyada beerka, waxaana sababi karta in unugyadaasi ay dhintaan. Sunta dawadan waxaa lagaga saaraa beerka, xaddiga badan ee laga qaato ayaana keeni kara inuu beerka ku sumoobo, taasoo dhaawac weyn gaarsiineysa unugyada beerka. A...

Casharka 54aad

 Habdhiska dheefshiidka(digestive system). Casharka 54aad Hepatic encephalopathy (HE)  Waa sumow saameeya maskaxda marka beerka uu shaqadiisa gabo, taasoo keeneysa in qulqulka dhiigga uu sumoowo sidaasna maskaxda shaqadeeda isbeddel ku yimaado. Waxa uu la xidhiidhaa xanuunnada beerka ku dhaca sida adkaansha beerka( cirrhosis). Caadiyan beerka waxa uu nadiifin ku sameeyaa amooniyada, haddii uu beerka shaqo gabo waxa yaraanaya awoodda uu ku beddeli lahaa amooniyada si uu uga dhigo yuuriya oo jirka looga saaro.  Taasoo keeneysa in dhiigga ay ku badato amooniyada. Haddii ay dhiigga ku badato amooniyada  waxay ka gudbeysaa lakabka difaaca maskaxda dhiigga inta u dhexeysa(Blood-Brain Barrier) iyo nooc ka mid ah unugyada dareensida ayaa barara(astrocyte), waxa siyaadaya in la beddelo dhambaal laliyaha(glutamate)  loo beddeolo amino aysiidh (glutamine) waxay keeneysaa in maskaxdu bararto, isbeddelna ku yimaado hannaanka farriin gudbinta.  Amooniyada waxay carqalade...

Casharka 53aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 53aad Portal hypertension  Waa marka uu siyaado cadaadiska arooraha beerka,  caadiyan cadaadiska arooraha waa 5-10mm Hg, cadaadiska arooraha beerka waa marka uu ka sarro marro. 10mm Hg. Beerka waa xubin ku taala dhanka midig ee ubucda caloosha waana xubin jilicsan oo ka sameeysan unugyo badan, midabka beerka waa mid shabaha midabka digirta oo kale waa midab casaan iyo qaxwo isku dhafan, beerka culeyskiisa wuxuu gaarayaa 1.44 ilaa iyo 1.66 kg. Beerka waxaa mara laba xidid oo waa weyn sida halbowlaha beerka (hepatic artery) iyo arooraha beerka (hepatic vein ama portal vein). Halbowlaha beerka wuxuu dhiigga kasoo qaadaa wadnaha gaar ahaan halbowlaha weyn ee lagu magcaabo aorta wuxuuna keenaa beerka. Arooreyaasha beerka waxay dhiigga kasoo qaadaan qeybaha kala duwan ee jirka sida habdhiska dheefshiidka, beeryaraha iyo xubinta ganaca wuxuuna keenaa beerka, beerka ayaa suntan ka saara iyo wixii nafaqo ah kadibna u gudbiya jir...

Casharka 52aad

 Habdhiska dheefshiidka (Digestive system). Casharka 52aad Ascites Waxa dheecaan ku urura godadka  xubnaha caloosha, waxa uu ka yimadaadaa beerka oo adkaada, xaalado kale sida wadnaha,  kelyaha. Sidee ayuu Ku yimadaadaa. Waxa uu ka dhashaa xaalado adag sida in ay xididdada dhib ka jirto, kelyaha,  xaalado beerka la xidhiidha.   1:Portal Hypertension: waa kacsanaanta cadaadiska arooraha beerka.  Siyaaditaanka cadaadiska qulqulka dhiigga ee beerka waa barta ay ka curaneyso sameysanka dheecanka. Taasi waxay siyaadineysaa  cadaadiska habdhiska arooraha beerka,  waxa uu sababayaa dheecanka olol ka yimid xiddidada  gododka caloosha.  Kacsanaanta cadaadiska xiddidada beerka waxay keenayaan in dhiigga dib ugu soo laabto xiddidada quudsha xubnaha caloosha. Cadaadiska ka jirra xiddidada beerka  waxay keenayaan in hooraha ku ururo unug hoore u dhexeeyaha (interstitial space), taasina waxay keeneysaa in uu sameyso dheecanka caloosha. 2: Hypoalb...

Casharka 51aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system). Casharka 51aad CIRRHOSIS Beerka waa xubin aad muhiim ugu ah jirka bini'aadanka, waxaa loo yaqaanaa kushiinka ama jikada jirka, wax kasta oo jirka qaato cunno ama daawo wixii ahaadaba, beerka ayaa kala habeeya oo sunta ka saaro, kadibne ka dhigo wax saafi ah oo jirka ka faaidaysan karo.Beerka wuxuu kaloo soo saaraa waxyaabo jirka mihiim u ah sida borotiinka iyo waxyaabaha ka qeyb qaato xinjiroobidda dhiigga iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah.Beerka markuu jirado, howshaas uu qaban jiray wuu gabaa, waxaana keeni karo xanuunnada sida cagaarshowga oo dhaawac gaarsiiyo beerka ama cabidda khamriga ama xanuunno beerka sidiisa ugu dhaco. Beerka markuu howl gabo calaamdada ugu horreeyo oo lagu garto waxaa ka mid ah in qofka indhaha midab jaallo yeeshaan, bog xanuun, caajis, cunno xumo iyo miisaanka oo qofka ka lumo. Howlgabka beerka waxaa loo qeybiyaa laba nuuc: 1) Mid degdeg ah: oo qofka markuu beerka ka xanuunsado maalmo ka diba howsha uu joojin k...

Casharka 50aad

 Habdhiska dheefshiidka.  Casharka 50aad Fecal incontinence  Waa awood li'ida ama xakameyn la'aanta dhaqdhaaqa xiidmaha, taasoo keeneysa qofka inuu xakameyn waayo saxarada ama hawada(aariyada). Saxarro baxsadka waxa uu ku yimaadaa hannaan badan oo shaqo gaba ah, sida caadiga saxarada soo bixisteeda waxa isku dheellitira  muruqa iyo dareensidaha malaxwadka(rectum), cillada labadaas dhan ayay ka jirri jartaa. Waxa jirra waxyaabo dhowr oo qeyb ka ah mid mid ayaanu u sharxeynaa. 1:Muruqa guddaha, waa muruq aan qofka xakameyn karin caadiyan waxa uu sameeyaa isku urur, si markaasi u ilaalsho marrinka saxarada iridkeeda u xirmo, marka qofka uu rabbana inuu saxarroodo waa uu dabcaa. Muruqa dibbada qofka waxa uu awooddaa inuu xakameeyo taasoo u oggolaaneysa qofka in badan uu saxarada ceshado muddo. Haddii labadaasi muruq ay dhaqadooda gabaan, ama ay daciifaan ama dhaawac uu soo gaaro qofka waxa ku imanaya inuu xakameyn waayo saxarada. Iyo aariyada. Haddii  dareensidaha x...

Casharka 49aad

 Habdhiska dheefshiidka.  Casharka 49aad Ololka ku dhaca xuubka ubucda( Peritonitis).  Waa lakab jilcan ku wareegsan godadka caloosha, waxa uu daboolaa xubnaha ku jira uurku jirta. Waxa innoo qabtaa dhowr shaqo:.  1:Protection and Support:  xuubkan waxa uu difaacaa xubnaha caloosha ku jirra, sida caloosha, xiidmaha, beerka. 2:Fluid Secretion: xuubkan waxa uu soo sii dayaa  dheecaan kaasoo ah subkiye,  si markaasi loo yareeyo is xoqida u dhexeysa xubnaha marka lagu gudda jirro dheefshiidka. 3:Immunological Defense: xuubkan waxa ku jirra unugyada difaaca,  kaasoo difaacaya caabuqa. 4:Absorption and Exchange: xuubkan waxa uu door ka ciyaaraa nuugitaanka hooraha, macdanta, waxaa kalo isku dheellitiraa hooraha godadka caloosha.  Peritonitis waa olol saameeya xuubka caloosha dahaara, xaalad waa mid qatar ah haddii aan la daweyn. Ololkani waxa uu noqon karaa mid meel gaar ah saameeyaa, ama gabi ahaanba, waxa uu maraa marxalad koowaad, labaad, ilaa s...